< Tirintii 27 >

1 Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.
屬約瑟的兒子瑪拿西的各族,有瑪拿西的玄孫,瑪吉的曾孫,基列的孫子,希弗的兒子西羅非哈的女兒,名叫瑪拉、挪阿、曷拉、密迦、得撒。她們前來,
2 Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen,
站在會幕門口,在摩西和祭司以利亞撒,並眾首領與全會眾面前,說:
3 Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn.
「我們的父親死在曠野。他不與可拉同黨聚集攻擊耶和華,是在自己罪中死的;他也沒有兒子。
4 In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii.
為甚麼因我們的父親沒有兒子就把他的名從他族中除掉呢?求你們在我們父親的弟兄中分給我們產業。」
5 Markaasaa Muuse arrintoodii keenay Rabbiga hortiisa.
於是,摩西將她們的案件呈到耶和華面前。
6 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
耶和華曉諭摩西說:
7 Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.
「西羅非哈的女兒說得有理。你定要在她們父親的弟兄中,把地分給她們為業;要將她們父親的產業歸給她們。
8 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan.
你也要曉諭以色列人說:『人若死了沒有兒子,就要把他的產業歸給他的女兒。
9 Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.
他若沒有女兒,就要把他的產業給他的弟兄。
10 Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.
他若沒有弟兄,就要把他的產業給他父親的弟兄。
11 Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.
他父親若沒有弟兄,就要把他的產業給他族中最近的親屬,他便要得為業。』這要作以色列人的律例典章,是照耶和華吩咐摩西的。」
12 Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Buurtan Cabaariim soo fuul, oo bal fiiri dalka aan reer binu Israa'iil siiyey.
耶和華對摩西說:「你上這亞巴琳山,觀看我所賜給以色列人的地。
13 Oo markaad aragtid dabadeed dadkaagii dhintay waad ku darman doontaa, sidii walaalkaa Haaruunba ugu darmaday,
看了以後,你也必歸到你列祖那裏,像你哥哥亞倫一樣。
14 maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.)
因為你們在尋的曠野,當會眾爭鬧的時候,違背了我的命,沒有在湧水之地、會眾眼前尊我為聖。」(這水就是尋的曠野加低斯米利巴水。)
15 Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
摩西對耶和華說:
16 Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,
「願耶和華萬人之靈的上帝,立一個人治理會眾,
17 oo hortooda dibadda ugu baxa, oo hortooda gudaha soo gala, oo iyaga dibadda u hoggaamiya, oo gudaha soo geliya inaan shirka Rabbigu ahaan sidii ido aan idojir lahayn.
可以在他們面前出入,也可以引導他們,免得耶和華的會眾如同沒有牧人的羊群一般。」
18 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad soo waddaa Yashuuca ina Nuun oo ah nin Ruuxu ku jiro, oo gacanta dul saar isaga.
耶和華對摩西說:「嫩的兒子約書亞是心中有聖靈的;你將他領來,按手在他頭上,
19 Oo waxaad isaga soo hor taagtaa wadaadka Elecaasaar ah iyo shirka oo dhan, oo hortooda amar ku sii.
使他站在祭司以利亞撒和全會眾面前,囑咐他,
20 Oo waxaad isaga dul saartaa sharaftaadii, si shirka reer binu Israa'iil oo dhammu ay isaga u addeecaan.
又將你的尊榮給他幾分,使以色列全會眾都聽從他。
21 Oo isagu waa inuu is-hor taagaa wadaadka Elecaasaar ah oo isaga wax ugu weyddiin doona xukunka Uuriimka Rabbiga hortiisa. Iyagu eraygiisay dibadda ugu bixi doonaan, oo eraygiisay gudaha ku soo geli doonaan, isaga iyo reer binu Israa'iilka isaga la jiraaba, kuwaas oo ah shirka oo dhan.
他要站在祭司以利亞撒面前;以利亞撒要憑烏陵的判斷,在耶和華面前為他求問。他和以色列全會眾都要遵以利亞撒的命出入。」
22 Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.
於是摩西照耶和華所吩咐的將約書亞領來,使他站在祭司以利亞撒和全會眾面前,
23 Oo gacmuhuu dul saaray, oo amar buu siiyey, sidii Rabbigu Muuse kula hadlay.
按手在他頭上,囑咐他,是照耶和華藉摩西所說的話。

< Tirintii 27 >