< Tirintii 26 >

1 Oo belaayadii dabadeed ayaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii, oo wuxuu ku yidhi,
ויהי אחרי המגפה ויאמר יהוה אל משה ואל אלעזר בן אהרן הכהן לאמר
2 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan.
שאו את ראש כל עדת בני ישראל מבן עשרים שנה ומעלה--לבית אבתם כל יצא צבא בישראל
3 Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
וידבר משה ואלעזר הכהן אתם--בערבת מואב על ירדן ירחו לאמר
4 Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.
מבן עשרים שנה ומעלה כאשר צוה יהוה את משה ובני ישראל היצאים מארץ מצרים
5 Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Israa'iil, oo waxaa reer Ruubeen ka soo farcamay Xanoog oo dhalay qabiilka reer Xanoog, iyo Falluu oo dhalay qabiilka reer Falluu,
ראובן בכור ישראל בני ראובן חנוך משפחת החנכי לפלוא משפחת הפלאי
6 iyo Xesroon oo dhalay qabiilkii reer Xesroon, iyo Karmii oo dhalay qabiilkii reer Karmii.
לחצרן משפחת החצרוני לכרמי משפחת הכרמי
7 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Ruubeen, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo soddon.
אלה משפחת הראובני ויהיו פקדיהם שלשה וארבעים אלף ושבע מאות ושלשים
8 Reer Falluu waxaa ka dhashay Elii'aab.
ובני פלוא אליאב
9 Wiilashii Elii'aabna waxay ahaayeen Nemuu'eel iyo Daataan iyo Abiiraam. Daataankan iyo Abiiraamkanu waa kuwii shirka ururin jiray oo la diriray Muuse iyo Haaruun oo ku jiray kooxdii Qorax markii ay Rabbiga la dirireen,
ובני אליאב נמואל ודתן ואבירם הוא דתן ואבירם קרואי (קריאי) העדה אשר הצו על משה ועל אהרן בעדת קרח בהצתם על יהוה
10 oo uu dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo Qorax markii kooxdaasu ay dhinteen, kolkii dabku baabbi'iyey labada boqol iyo kontonka nin oo ay calaamad noqdeen.
ותפתח הארץ את פיה ותבלע אתם ואת קרח--במות העדה באכל האש את חמשים ומאתים איש ויהיו לנס
11 Habase yeeshee Qorax wiilashiisii ma ay dhiman.
ובני קרח לא מתו
12 Wiilashii Simecoon iyo qabiilooyinkoodii ka soo farcamay waa kuwan: Nemuu'eel oo dhalay qabiilka reer Nemuu'eel, iyo Yaamiin oo dhalay qabiilka reer Yaamiin, iyo Yaakiin oo dhalay qabiilkii reer Yaakiin,
בני שמעון למשפחתם--לנמואל משפחת הנמואלי לימין משפחת הימיני ליכין משפחת היכיני
13 iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.
לזרח משפחת הזרחי לשאול משפחת השאולי
14 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol.
אלה משפחת השמעני--שנים ועשרים אלף ומאתים
15 Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii,
בני גד למשפחתם--לצפון משפחת הצפוני לחגי משפחת החגי לשוני משפחת השוני
16 iyo Aasnii oo dhalay qabiilka reer Aasnii, iyo Ceerii oo dhalay qabiilka reer Ceerii,
לאזני משפחת האזני לערי משפחת הערי
17 iyo Arood oo dhalay qabiilka reer Arood, iyo Areelii oo dhalay qabiilka reer Areelii.
לארוד משפחת הארודי לאראלי--משפחת האראלי
18 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Gaad, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
אלה משפחת בני גד לפקדיהם--ארבעים אלף וחמש מאות
19 Oo wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer iyo Oonaan; oo Ceer iyo Oonaanna waxay ku dhinteen dalkii Kancaan.
בני יהודה ער ואונן וימת ער ואונן בארץ כנען
20 Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax.
ויהיו בני יהודה למשפחתם--לשלה משפחת השלני לפרץ משפחת הפרצי לזרח משפחת הזרחי
21 Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul.
ויהיו בני פרץ--לחצרן משפחת החצרני לחמול משפחת החמולי
22 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.
אלה משפחת יהודה לפקדיהם--ששה ושבעים אלף וחמש מאות
23 Oo wiilashii Isaakaar iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Toolac oo dhalay qabiilka reer Toolac, iyo Fuwaah oo dhalay qabiilka reer Fuwaah,
בני יששכר למשפחתם--תולע משפחת התולעי לפוה משפחת הפוני
24 iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon.
לישוב משפחת הישבי לשמרן משפחת השמרני
25 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.
אלה משפחת יששכר לפקדיהם--ארבעה וששים אלף ושלש מאות
26 Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel.
בני זבולן למשפחתם--לסרד משפחת הסרדי לאלון משפחת האלני ליחלאל--משפחת היחלאלי
27 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Sebulun, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lixdan kun iyo shan boqol.
אלה משפחת הזבולני לפקדיהם--ששים אלף וחמש מאות
28 Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.
בני יוסף למשפחתם--מנשה ואפרים
29 Oo wiilashii Manaseh waa kuwan: Maakiir oo dhalay qabiilka reer Maakiir, oo Maakiirna wuxuu dhalay Gilecaad, Gilecaadna waxaa ka soo farcamay qabiilka reer Gilecaad.
בני מנשה למכיר משפחת המכירי ומכיר הוליד את גלעד לגלעד משפחת הגלעדי
30 Wiilashii Gilecaad waa kuwan: Iiceser oo dhalay qabiilka reer Iiceser, iyo Xeeleq oo dhalay qabiilka reer Xeeleq,
אלה בני גלעד--איעזר משפחת האיעזרי לחלק משפחת החלקי
31 iyo Asrii'eel oo dhalay qabiilka reer Asrii'eel, iyo Shekem oo dhalay qabiilka reer Shekem,
ואשריאל--משפחת האשראלי ושכם משפחת השכמי
32 iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer.
ושמידע משפחת השמידעי וחפר משפחת החפרי
33 Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.
וצלפחד בן חפר לא היו לו בנים--כי אם בנות ושם בנות צלפחד--מחלה ונעה חגלה מלכה ותרצה
34 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.
אלה משפחת מנשה ופקדיהם שנים וחמשים אלף ושבע מאות
35 Oo wiilashii Efrayim iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Shuutelax oo dhalay qabiilka reer Shuutelax, iyo Beker oo dhalay qabiilka reer Beker, iyo Tahan oo dhalay qabiilka reer Tahan.
אלה בני אפרים למשפחתם--לשותלח משפחת השתלחי לבכר משפחת הבכרי לתחן משפחת התחני
36 Intanuna waa wiilashii Shuutelax: Ceeraan oo dhalay qabiilka reer Ceeraan.
ואלה בני שותלח--לערן משפחת הערני
37 Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.
אלה משפחת בני אפרים לפקדיהם שנים ושלשים אלף וחמש מאות אלה בני יוסף למשפחתם
38 Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam,
בני בנימן למשפחתם--לבלע משפחת הבלעי לאשבל משפחת האשבלי לאחירם משפחת האחירמי
39 iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam.
לשפופם משפחת השופמי לחופם משפחת החופמי
40 Oo wiilashii Belac waxay ahaayeen Ared iyo Nacamaan. Oo Ared wuxuu dhalay qabiilka reer Ared, Nacamaanna wuxuu dhalay qabiilka reer Nacamaan.
ויהיו בני בלע ארד ונעמן--משפחת הארדי לנעמן משפחת הנעמי
41 Intaasu waa wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodii, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol.
אלה בני בנימן למשפחתם ופקדיהם חמשה וארבעים אלף ושש מאות
42 Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen.
אלה בני דן למשפחתם--לשוחם משפחת השוחמי אלה משפחת דן למשפחתם
43 Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.
כל משפחת השוחמי לפקדיהם--ארבעה וששים אלף וארבע מאות
44 Oo wiilashii Aasheer iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Yimnaah oo dhalay qabiilka reer Yimnaah, iyo Yishwii oo dhalay qabiilka reer Yishwii, iyo Beriicaah oo dhalay reer Beriicaah.
בני אשר למשפחתם--לימנה משפחת הימנה לישוי משפחת הישוי לבריעה משפחת הבריעי
45 Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel.
לבני בריעה--לחבר משפחת החברי למלכיאל--משפחת המלכיאלי
46 Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax.
ושם בת אשר שרח
47 Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.
אלה משפחת בני אשר לפקדיהם--שלשה וחמשים אלף וארבע מאות
48 Oo wiilashii Naftaali iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Yaxse'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxse'eel, iyo Guunii oo dhalay qabiilka reer Guunii;
בני נפתלי למשפחתם--ליחצאל משפחת היחצאלי לגוני משפחת הגוני
49 iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.
ליצר משפחת היצרי לשלם משפחת השלמי
50 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.
אלה משפחת נפתלי למשפחתם ופקדיהם חמשה וארבעים אלף וארבע מאות
51 Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.
אלה פקודי בני ישראל--שש מאות אלף ואלף שבע מאות ושלשים
52 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
וידבר יהוה אל משה לאמר
53 Kuwan ayaa dalka dhaxal ahaan loogu qaybin doonaa sida ay tahay tirada magacyadoodu.
לאלה תחלק הארץ בנחלה--במספר שמות
54 Kuwii badan waa inaad siisaa dhaxal badan oo kuwii yarna waa inaad siisaa dhaxal yar. Oo mid kasta sida kuwii laga tiriyey ay ahaayeen dhaxalka ha loo siiyo.
לרב תרבה נחלתו ולמעט תמעיט נחלתו איש לפי פקדיו יתן נחלתו
55 Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen.
אך בגורל יחלק את הארץ לשמות מטות אבתם ינחלו
56 Oo kuwa badan iyo kuwa yarba dhaxalkooda saami ha lagu kala qaybiyo.
על פי הגורל תחלק נחלתו--בין רב למעט
57 Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.
ואלה פקודי הלוי למשפחתם--לגרשון משפחת הגרשני לקהת משפחת הקהתי למררי משפחת המררי
58 Intanu waa qabiilooyinkii reer Laawi: qabiilkii reer Libnii, iyo qabiilkii reer Xebroon, iyo qabiilkii reer Maxlii, iyo qabiilkii reer Mushii, iyo qabiilkii reer Qorax. Oo Qohaadna wuxuu dhalay Camraam.
אלה משפחת לוי משפחת הלבני משפחת החברני משפחת המחלי משפחת המושי משפחת הקרחי וקהת הולד את עמרם
59 Oo Camraam naagtiisu waxay ahayd Yookebed ina Laawi, taasoo Laawi ugu dhalatay dalkii Masar. Oo iyana waxay Camraam u dhashay Haaruun iyo Muuse iyo walaashood Maryan.
ושם אשת עמרם יוכבד בת לוי אשר ילדה אתה ללוי במצרים ותלד לעמרם את אהרן ואת משה ואת מרים אחתם
60 Oo Haaruun waxaa u dhashay Naadaab iyo Abiihuu iyo Elecaasaar iyo Iitaamaar.
ויולד לאהרן את נדב ואת אביהוא את אלעזר ואת איתמר
61 Oo Naadaab iyo Abiihuu way dhinteen markay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad.
וימת נדב ואביהוא בהקריבם אש זרה לפני יהוה
62 Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.
ויהיו פקדיהם שלשה ועשרים אלף--כל זכר מבן חדש ומעלה כי לא התפקדו בתוך בני ישראל כי לא נתן להם נחלה בתוך בני ישראל
63 Kuwaasu waa kuwii ay tiriyeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa oo ku tiriyey reer binu Israa'iil bannaankii Moo'aab oo webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
אלה פקודי משה ואלעזר הכהן--אשר פקדו את בני ישראל בערבת מואב על ירדן ירחו
64 Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay.
ובאלה לא היה איש מפקודי משה ואהרן הכהן--אשר פקדו את בני ישראל במדבר סיני
65 Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.
כי אמר יהוה להם מות ימתו במדבר ולא נותר מהם איש--כי אם כלב בן יפנה ויהושע בן נון

< Tirintii 26 >