< Tirintii 22 >

1 Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
Sai Isra’ilawa suka kama hanya, suka tafi filayen Mowab, a wajen Urdun, a ƙetare Yeriko, suka yi sansani a can.
2 Oo Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.
To, fa, Balak ɗan Ziffor ya ga duk abin da Isra’ila suka yi da Amoriyawa.
3 Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.
Sai Mowab ya firgita ƙwarai saboda yawan mutanen. Tsoron Isra’ilawa ya kama su.
4 Markaasaa reer Moo'aab waxay ku yidhaahdeen odayaashii reer Midyaan, Sida dibi u dhammaysto cawska berrinka ayaa dadkan faraha badanu waxa hareerahayaga ku wareegsan oo dhan u dhammaysanayaan. Oo wakhtigaas waxaa reer Moo'aab boqor u ahaa Baalaaq ina Sifoor.
Sai Mowabawa suka ce wa dattawan Midiyawa, “Wannan taron zai lashe duk abin da ya kewaye mu kamar yadda saniya takan lashe ciyawa a fili.” Saboda haka Balak ɗan Ziffor, wanda yake sarkin Mowab a lokacin,
5 Oo wargeeyayaal buu u diray Balcaam ina Becoor oo joogay Fetoor oo Webiga ku ag taal oo ah dalkii dadkiisa si ay ugu yeedhaan oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, halkan waxaa jooga dad Masar ka yimid, oo dhulkii oo dhan way qarinayaan, oo waxay deggan yihiin hortayda.
ya aika manzanni su zo da Bala’am ɗan Beyor, wanda yake a Fetor, kusa da Kogi, a ƙasar haihuwarsa. Balak ya ce, “Ga mutane sun fito daga Masar; sun mamaye ƙasar, suka kuma yi sansani kusa da ni.
6 Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar, waayo, way iga xoog badan yihiin, oo mindhaa waan ka adkaanayaa si aannu ugu layno, oo dalka uga erinno, waayo, waan ogahay in kii aad u ducaysaa wuu ducaysan yahay, kii aad habaartaana wuu habaaran yahay.
Ka zo yanzu ka la’anta waɗannan mutane, domin sun fi ƙarfina. Wataƙila zan iya cin nasara a kansu, in kuma kore su daga ƙasar. Gama na sani duk waɗanda ka sa musu albarka, sun zama masu albarka ke nan, waɗanda kuma ka la’anta, sun la’antu ke nan.”
7 Markaasaa odayaashii reer Moo'aab iyo odayaashii reer Midyaan waxay gacantooda ku qaadeen abaalgudkii habaaridda, oo waxay u tageen Balcaam, oo isagay kula hadleen erayadii Baalaaq.
Sai dattawan Mowab da na Midiyawa suka tashi, suka ɗauki kuɗi don duba. Da suka zo wurin Bala’am sai suka faɗa masa abin da Balak ya ce.
8 Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Caawa halkan ku barya oo anna war dambaan idiinka keenayaa wixii Rabbigu igula hadlo. Markaasay amiirradii reer Moo'aab la hoydeen Balcaam.
Bala’am ya ce musu, “Ku kwana a nan, ni kuwa zan faɗa muku abin da Ubangiji ya faɗa mini.” Saboda haka dattawan sarkin Mowab suka zauna da shi.
9 Markaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?
Sai Allah ya zo wurin Bala’am ya ce, “Su wane ne waɗannan tare da kai?”
10 Markaasaa Balcaam wuxuu Ilaah ku yidhi, Baalaaq ina Sifoor oo ah boqorkii reer Moo'aab ayaa ii soo diray oo yidhi,
Bala’am ya ce wa Allah, “Balak ɗan Ziffor, sarkin Mowab ne, ya aiko mini wannan saƙo cewa,
11 Bal eeg, dadka Masar ka yimid waxay qarinayaan dhulka oo dhan, haddaba kaalay oo ii habaar, oo mindhaa waan karayaa inaan iyaga la diriro oo aan eryado.
‘Ga mutane sun fito daga Masar sun mamaye ƙasar. Ka zo yanzu ka la’anta mini su. Wataƙila ta haka zan yi nasara a kansu, in kuma kore su.’”
12 Markaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.
Amma Allah ya ce wa Bala’am, “Kada ka tafi tare da su. Kada ka la’anta mutanen nan, gama su masu albarka ne.”
13 Aroortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco.
Kashegari Bala’am ya tashi ya ce wa dattawan Balak, “Ku koma ƙasarku, domin Ubangiji ya hana ni in tafi tare da ku.”
14 Markaasaa amiirradii reer Moo'aab kaceen, oo Baalaaq u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Balcaam waa diiday inuu na soo raaco.
Saboda haka dattawan Mowab suka koma wurin Balak suka ce, “Bala’am ya ƙi yă zo tare da mu.”
15 Oo Baalaaq haddana wuxuu diray amiirro kale oo kuwii hore ka sii badan oo ka sii derejo weyn.
Sai Balak ya aika waɗansu dattawa masu yawa, masu daraja kuma fiye da na dā.
16 Oo iyana Balcaam bay u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Baalaaq ina Sifoor wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye inaad ii timaado yaanay waxba kaa hor joogsan.
Suka zo wurin Bala’am suka ce, “Ga abin da Balak ɗan Ziffor ya ce, Kada ka bar wani abu yă hana ka zuwa wurina,
17 Waxaan ku siinayaa derejo sharaf ah, oo wax alla wixii aad igu tidhaahdona waan samaynayaa. Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar.
gama zan ba ka lada mai yawa in kuma yi duk abin da ka ce. Ka zo ka la’anta mini waɗannan mutane.”
18 Markaasaa Balcaam jawaabay, oo wuxuu addoommadii Baalaaq ku yidhi, Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga Ilaahayga ah inaan sameeyo wax ka yar iyo wax ka badan toona.
Amma Bala’am ya amsa musu ya ce, “Ko da a ce Balak zai ba ni gidansa cike da azurfa da zinariya, ba zan yi wani abu ko kaɗan saɓanin umarnin Ubangiji Allahna ba.
19 Haddaba waan idin baryayaaye, Bal caawa halkan isaga hoyda, bal aan soo ogaado waxa kaloo Rabbigu igula hadlee.
To, fa, sai ku kwana a nan kamar yadda waɗancan suka yi, ni kuma in roƙi Ubangiji, in ji, wace magana zai ce mini.”
20 Oo habeennimadii ayaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Haddii nimanku u yimaadeen inay kuu yeedhaan, kac oo iyaga raac; laakiinse waxaad yeeshaa aan kugula hadlo oo keliya.
A wannan dare, Allah ya zo wurin Bala’am ya ce, “Da yake waɗannan mutane sun zo su tafi da kai, to, ka tafi tare da su, sai dai ka yi abin da na ce ka yi ne kaɗai.”
21 Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.
Bala’am ya tashi da safe, ya ɗaura wa jakarsa sirdi, ya tafi tare da dattawan Mowab.
22 Oo Ilaah cadhadiisiina way kululaatay, maxaa yeelay, Balcaam baa tegey. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu jidka istaagtay iyadoo cadow ku ah isaga. Haddaba isagu wuxuu iska fuushanaa dameertiisii, oo labadiisii addoonna way la socdeen.
Amma Allah ya husata sa’ad da ya tafi, mala’ikan Ubangiji kuwa ya tsaya a hanya don yă hana shi. Bala’am kuwa yana kan jakarsa tare da bayinsa biyu.
23 Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.
Da jakar ta hangi mala’ikan Ubangiji tsaye a hanya da takobi a hannunsa, sai ta kauce daga hanya, ta shiga jeji. Bala’am kuwa ya buge ta don tă koma hanya.
24 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay istaagtay surun beercanabyada ku dhex yaal oo dhankan deyr ka yahay, dhanka kalena deyr ka yahay.
Sai mala’ikan Ubangiji ya tsaya a wata matsattsiyar hanya tsakanin gonaki inabi biyu, da bango a kowane gefe.
25 Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay derbiga isku jiidday, oo Balcaam cagtiisii ayay derbigii kula qabatay, oo isna haddana wax buu ku dhuftay.
Sa’ad da jakar ta ga mala’ikan Ubangiji, sai ta matse a jikin bango, ta goge ƙafar Bala’am da bangon. Saboda haka sai Bala’am ya sāke bugunta.
26 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu hore u sii socotay oo waxay istaagtay meel cidhiidhi ah oo aan meel looga leexdo lahayn midig iyo bidix toona.
Sai mala’ikan Ubangiji ya sha gabansa, ya tsaya a ƙunƙuntaccen wuri inda ba wurin juyawa dama ko hagu.
27 Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay iska jiifsatay Balcaam hoostiisa, Balcaamna wuu cadhooday, oo dameertii usha ku dhuftay.
Da jakar ta ga mala’ikan Ubangiji, sai ta kwanta a ƙasa, Bala’am kuwa ya husata, sai ya buge ta da sandansa.
28 Markaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay?
Ubangiji ya buɗe bakin jakar, sai jakar ta ce wa Bala’am, “Me na yi maka da ka buge ni har sau uku?”
29 Markaasaa Balcaam dameertii ku yidhi, Maxaa yeelay, adigu waad igu majaajilootay. Oo weliba waxaan jeclaan lahaa in seefu gacantayda ku jirto, waayo, waan ku dili lahaa hadda.
Bala’am ya ce wa jakar “Domin kin wulaƙanta ni! Da a ce ina da takobi a hannuna da zan kashe ki nan take.”
30 Markaasaa dameertii Balcaam ku tidhi, War sow ma ahi dameertaadii aad cimrigaaga oo dhan fuuli jirtay ilaa maantadan? Oo miyaan hore sidan oo kale weligay kugu sameeyey? Oo isna wuxuu ku yidhi, Maya.
Jakar ta ce wa Bala’am, “Ni ba jakarka ba ce wadda kake hawa kullum, har yă zuwa yau? Na taɓa yin maka haka?” Bala’am ya ce, “A’a.”
31 Kolkaasaa Rabbigu Balcaam indhaha u furay oo wuxuu arkay malaa'igtii Rabbiga oo jidka dhex taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Markaasuu madaxa foororiyey oo sujuuday.
Sa’an nan Ubangiji ya buɗe idanun Bala’am, ya kuwa ga mala’ikan Ubangiji tsaye a hanya da takobi a zāre. Sai ya sunkuyar da kansa, ya fāɗi rubda ciki.
32 Kolkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay isagii ku tidhi, War maxaad dameertaada u dishay saddexdan jeer? Bal eeg, anigu waxaan u soo baxay cadow ahaan, maxaa yeelay, jidkaagu hortayda waa ku qalloocan yahay.
Sa’an nan mala’ikan Ubangiji ya tambaye shi, “Don me ka buge jakarka har sau uku? Na fito ne don in hana ka, gama hanyarka ba daidai ba ce a gabana.
33 Oo dameertuna anay i aragtay oo saddexdan jeerba hortayday ka leexatay. Oo haddaanay iga leexan, hubaal waan ku dili lahaa, iyadase waan badbaadin lahaa.
Jakar ta gan ni, ta kauce mini har sau uku. Da a ce ba tă kauce ba, lalle da na kashe ka, in kuwa bar ta da rai.”
34 Oo Balcaam wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, ma aan ogayn inaad jidka taagan tahay adigoo iga gees ah. Haddaba haddii sidaasu ku xumayso, dib baan u noqonayaa.
Bala’am ya ce wa mala’ikan Ubangiji, “Na yi zunubi. Ban san ka tsaya a hanya don ka hana ni ba. Yanzu in ba ka ji daɗin tafiyata, sai in koma.”
35 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu Balcaam ku tidhi, Orod oo nimanka raac; laakiinse hadalkii aan kula hadlo oo keliya waa inaad ku hadashaa. Sidaas daraaddeed Balcaam wuxuu raacay amiirradii Baalaaq soo diray.
Mala’ikan Ubangiji ya ce wa Bala’am, “Ka tafi tare da mutanen, amma abin da na faɗa maka ne kaɗai za ka faɗa.” Saboda haka Bala’am ya tafi tare da dattawan Balak.
36 Oo Baalaaq markuu maqlay in Balcaam yimid ayuu u baxay inuu isaga ku qaabbilo magaaladii Moo'aab oo ku taal soohdinta Arnoon oo ah soohdinta darafkeeda.
Da Balak ya ji cewa Bala’am yana zuwa, sai ya fito, ya tarye shi a garin Mowabawa da suke a iyakar Arnon, a ƙarshen yankinsa.
37 Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War sow degdeg dad kuuguma soo dirin inay kuu yeedhaan? Maxaad iigu iman weyday? Miyaanan awoodin inaan derejo weyn ku siiyo?
Balak ya ce wa Bala’am, “Ban aika maka saƙo cikin gagawa ba? Me ya sa ba ka zo ba? Ko ban isa in sāka maka ba ne?”
38 Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Haddaba waa i kan oo waan kuu imid. War anigu ma waxaan leeyahay awood aan wax kaga hadlo innaba ha ahaatee? Ereygii Ilaah afkayga geliyo ayaan ku hadli doonaa.
Bala’am ya amsa ya ce, “To, ai, ga shi, na zo yanzu. Ina da wani ikon yin wata magana ne? Dole in faɗa abin da Allah ya ce in faɗa ne kawai.”
39 Markaasaa Balcaam raacay Baalaaq, oo waxay yimaadeen Qiryad Xusood.
Sa’an nan Bala’am ya tafi tare da Balak zuwa Kiriyat-Huzot,
40 Markaasaa Baalaaq allabari u bixiyey dibi iyo ido, oo wax buu u diray Balcaam iyo amiirradii isaga la joogay.
a can ya yi hadaya da shanu da tumaki, ya kuwa aika wa Bala’am da dattawan da suke tare da shi.
41 Oo subaxdii dambe ayaa Baalaaq kaxaystay Balcaam, oo wuxuu keenay meelihii sare oo Bacal, oo halkaas wuxuu ka arkay dadka darafkii ugu shisheeya.
Kashegari, Balak ya ɗauki Bala’am ya kai shi kan Bamot Ba’al, daga can ya iya ganin sassan sansanin Isra’ilawa.

< Tirintii 22 >