< Tirintii 22 >
1 Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
以色列子民再起程出發,在約旦東邊的摩阿布曠野中,對著耶利哥城紮了營。
2 Oo Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.
漆頗爾的兒子巴拉克,見了以色列對阿摩黎所做的一切;
3 Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.
摩阿布人十分怕這民族,因為他們眾多;摩阿布人對以色列子民大起恐慌,
4 Markaasaa reer Moo'aab waxay ku yidhaahdeen odayaashii reer Midyaan, Sida dibi u dhammaysto cawska berrinka ayaa dadkan faraha badanu waxa hareerahayaga ku wareegsan oo dhan u dhammaysanayaan. Oo wakhtigaas waxaa reer Moo'aab boqor u ahaa Baalaaq ina Sifoor.
於是對米德揚的長老說:「現在這些人要吞併我們四周的一切,有如牛吃盡田間的青草」。漆頗爾的兒子巴拉克,其時正是摩阿布的君王,
5 Oo wargeeyayaal buu u diray Balcaam ina Becoor oo joogay Fetoor oo Webiga ku ag taal oo ah dalkii dadkiisa si ay ugu yeedhaan oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, halkan waxaa jooga dad Masar ka yimid, oo dhulkii oo dhan way qarinayaan, oo waxay deggan yihiin hortayda.
遂遺使者往幼發拉的河阿瑪伍人之地的培托爾去,見貝敖爾的兒子巴郎,請他說:「看,由埃及來了一個民族,遮蓋了地面,現今正住在我的對面。
6 Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar, waayo, way iga xoog badan yihiin, oo mindhaa waan ka adkaanayaa si aannu ugu layno, oo dalka uga erinno, waayo, waan ogahay in kii aad u ducaysaa wuu ducaysan yahay, kii aad habaartaana wuu habaaran yahay.
現在請你來,替我咒罵這民族,因為他們比我強大,或許這樣我能將他們擊敗,從此地趕走;因為我知道,你祝福的,必蒙祝福;你咒罵的,必蒙咒罵」。
7 Markaasaa odayaashii reer Moo'aab iyo odayaashii reer Midyaan waxay gacantooda ku qaadeen abaalgudkii habaaridda, oo waxay u tageen Balcaam, oo isagay kula hadleen erayadii Baalaaq.
摩阿布和米德揚的長老於是帶著卜金去了;到了巴郎那裏,將巴拉克的話告訴了他。
8 Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Caawa halkan ku barya oo anna war dambaan idiinka keenayaa wixii Rabbigu igula hadlo. Markaasay amiirradii reer Moo'aab la hoydeen Balcaam.
他回答他們說:「今夜你們在這裏過夜,我要依照上主吩咐我的話答覆你們」。這樣,摩阿布的縉紳就在巴郎那裏住下了。
9 Markaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?
天主來到巴郎那裏說:「與你在一起的是些什麼人﹖」
10 Markaasaa Balcaam wuxuu Ilaah ku yidhi, Baalaaq ina Sifoor oo ah boqorkii reer Moo'aab ayaa ii soo diray oo yidhi,
巴郎答覆天主說:「是摩阿布的君王,漆頗爾的兒子巴拉克,打發些人來告訴我說:
11 Bal eeg, dadka Masar ka yimid waxay qarinayaan dhulka oo dhan, haddaba kaalay oo ii habaar, oo mindhaa waan karayaa inaan iyaga la diriro oo aan eryado.
看,從埃及來了一個民族,遮蓋了地面,現在請你來替我咒罵他們,使我或許能與他們交戰,將他們驅逐」。
12 Markaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.
天主對巴郎說:「你不可與他們同去,你不可咒罵這,因為他們是受祝福的」。
13 Aroortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco.
巴郎早晨起來就對巴拉克的縉紳說:「你們回本國去吧! 因為上主不許我同你們一起去」。
14 Markaasaa amiirradii reer Moo'aab kaceen, oo Baalaaq u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Balcaam waa diiday inuu na soo raaco.
摩阿布的縉紳就起身回到巴拉克那裏說:「巴郎不願同我們一起來」。
15 Oo Baalaaq haddana wuxuu diray amiirro kale oo kuwii hore ka sii badan oo ka sii derejo weyn.
巴拉克於是又派比以前更多更貴的縉紳去。
16 Oo iyana Balcaam bay u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Baalaaq ina Sifoor wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye inaad ii timaado yaanay waxba kaa hor joogsan.
他們去見巴郎,對他說:「漆頗爾的兒子巴拉克這樣說:請你不要推辭到我這裏來,
17 Waxaan ku siinayaa derejo sharaf ah, oo wax alla wixii aad igu tidhaahdona waan samaynayaa. Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar.
因為我必豐富地酬謝你。凡你要的,我都照辦;只有你前來,替我咒罵這民族」。
18 Markaasaa Balcaam jawaabay, oo wuxuu addoommadii Baalaaq ku yidhi, Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga Ilaahayga ah inaan sameeyo wax ka yar iyo wax ka badan toona.
巴郎答覆巴拉克的使臣說:「既使巴拉克給我滿屋的金銀,我也不能做任何大小的事,違犯上主我天主的命令。
19 Haddaba waan idin baryayaaye, Bal caawa halkan isaga hoyda, bal aan soo ogaado waxa kaloo Rabbigu igula hadlee.
現在,請你們今夜也在這裏住下,看看上主還要什麼」。
20 Oo habeennimadii ayaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Haddii nimanku u yimaadeen inay kuu yeedhaan, kac oo iyaga raac; laakiinse waxaad yeeshaa aan kugula hadlo oo keliya.
夜間天主來到巴郎那裏,對他說:「這些人既然來邀請你,你就起身同去吧! 但是你只應做我吩咐你的事」。
21 Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.
巴郎早晨起來,備好驢,就同摩阿布的縉紳一起去了。
22 Oo Ilaah cadhadiisiina way kululaatay, maxaa yeelay, Balcaam baa tegey. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu jidka istaagtay iyadoo cadow ku ah isaga. Haddaba isagu wuxuu iska fuushanaa dameertiisii, oo labadiisii addoonna way la socdeen.
因為他起身走了,天主發了怒;上主的使者在那裏擋住他的去路。當時他騎著驢,兩個僮僕跟著。
23 Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.
那驢一看見上主的使者,持著拔出的刀站在路上,就離開正路,走入田中去了。巴郎便鞭打那驢,要牠回到路上。
24 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay istaagtay surun beercanabyada ku dhex yaal oo dhankan deyr ka yahay, dhanka kalena deyr ka yahay.
以後,上主的使者又站在葡萄園間的窄路上,兩面有牆。
25 Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay derbiga isku jiidday, oo Balcaam cagtiisii ayay derbigii kula qabatay, oo isna haddana wax buu ku dhuftay.
那驢一見上主的使者,就緊靠著牆,將巴郎腳擠在牆上,他又打了那驢。
26 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu hore u sii socotay oo waxay istaagtay meel cidhiidhi ah oo aan meel looga leexdo lahayn midig iyo bidix toona.
上主的使者又往前行,站在窄狹的地方,左右無路可走,
27 Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay iska jiifsatay Balcaam hoostiisa, Balcaamna wuu cadhooday, oo dameertii usha ku dhuftay.
那驢又見上主的使者,遂扒在巴郎下;巴郎大怒,用棍杖打那驢。
28 Markaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay?
上主遂開了驢的口,對巴郎說:「我給你做了什麼﹖你竟三次打我﹖」
29 Markaasaa Balcaam dameertii ku yidhi, Maxaa yeelay, adigu waad igu majaajilootay. Oo weliba waxaan jeclaan lahaa in seefu gacantayda ku jirto, waayo, waan ku dili lahaa hadda.
巴郎回答那驢說:「因為你玩弄我。我若手中有刀,早殺了你」。
30 Markaasaa dameertii Balcaam ku tidhi, War sow ma ahi dameertaadii aad cimrigaaga oo dhan fuuli jirtay ilaa maantadan? Oo miyaan hore sidan oo kale weligay kugu sameeyey? Oo isna wuxuu ku yidhi, Maya.
那驢對巴郎說:「我不是你從起初直到今日騎的驢呢﹖平常我是否對你這樣做﹖」他回答說:「不。」
31 Kolkaasaa Rabbigu Balcaam indhaha u furay oo wuxuu arkay malaa'igtii Rabbiga oo jidka dhex taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Markaasuu madaxa foororiyey oo sujuuday.
上主遂開了巴郎的眼,使他看見了上主的使者,手持拔出的刀站在路上,他就躬身俯伏在地。
32 Kolkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay isagii ku tidhi, War maxaad dameertaada u dishay saddexdan jeer? Bal eeg, anigu waxaan u soo baxay cadow ahaan, maxaa yeelay, jidkaagu hortayda waa ku qalloocan yahay.
上主的使者對他說:「你為什麼三次打你的驢﹖看,是我出來擋路,因為你走的這路,在我面前的邪路。
33 Oo dameertuna anay i aragtay oo saddexdan jeerba hortayday ka leexatay. Oo haddaanay iga leexan, hubaal waan ku dili lahaa, iyadase waan badbaadin lahaa.
驢看見了我,就在我面前迴避了三次;幸虧牠迴避了我,不然我早殺了你,只留下了牠」。
34 Oo Balcaam wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, ma aan ogayn inaad jidka taagan tahay adigoo iga gees ah. Haddaba haddii sidaasu ku xumayso, dib baan u noqonayaa.
巴郎於是對上主的使者說:「我犯了罪,因為我不知道是你站在路上阻攔我。現在,如果你以為不對,我就回去好了」。
35 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu Balcaam ku tidhi, Orod oo nimanka raac; laakiinse hadalkii aan kula hadlo oo keliya waa inaad ku hadashaa. Sidaas daraaddeed Balcaam wuxuu raacay amiirradii Baalaaq soo diray.
上主的者對巴郎說:「你同這些人去吧! 但是你只應說我呆2你的話」。巴郎於是同巴拉克的縉紳一起去了。
36 Oo Baalaaq markuu maqlay in Balcaam yimid ayuu u baxay inuu isaga ku qaabbilo magaaladii Moo'aab oo ku taal soohdinta Arnoon oo ah soohdinta darafkeeda.
37 Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War sow degdeg dad kuuguma soo dirin inay kuu yeedhaan? Maxaad iigu iman weyday? Miyaanan awoodin inaan derejo weyn ku siiyo?
巴拉克對巴郎說:「我不是派遺了使者去請你﹖你為什麼不到我這裏來,莫非我不能酬報你﹖」
38 Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Haddaba waa i kan oo waan kuu imid. War anigu ma waxaan leeyahay awood aan wax kaga hadlo innaba ha ahaatee? Ereygii Ilaah afkayga geliyo ayaan ku hadli doonaa.
巴拉克聽說巴郎來了,就到阿爾摩阿布──此城臨近阿爾農河邊,在國界的盡頭,───去迎接他。 巴郎答覆巴拉克說:「看,我已到你這裏來了,但我能隨便說什麼嗎﹖我只能說天主吩咐我說的話」。
39 Markaasaa Balcaam raacay Baalaaq, oo waxay yimaadeen Qiryad Xusood.
巴郎遂同巴拉克起身,來到了克黎雅特胡祚特。
40 Markaasaa Baalaaq allabari u bixiyey dibi iyo ido, oo wax buu u diray Balcaam iyo amiirradii isaga la joogay.
巴拉克殺了牛羊,餽送給巴郎和同他在一起的縉紳。
41 Oo subaxdii dambe ayaa Baalaaq kaxaystay Balcaam, oo wuxuu keenay meelihii sare oo Bacal, oo halkaas wuxuu ka arkay dadka darafkii ugu shisheeya.
到了次日早晨,巴拉克領巴郎上了巴摩特巴耳去,從那裏能看到一部分以色列人民。