< Tirintii 21 >

1 Oo boqorkii Caraad, oo reer Kancaan, oo xagga koonfureed degganaa ayaa maqlay in reer binu Israa'iil ka yimaadeen xagga jidka Ataariim, markaasuu la diriray reer binu Israa'iil oo qaarkood qabsaday.
住南地的迦南人亚拉得王,听说以色列人从亚他林路来,就和以色列人争战,掳了他们几个人。
2 Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga nidar u nidreen oo waxay yidhaahdeen, Hubaal haddaad dadkan gacantayada soo gelisid markaas magaalooyinkooda oo dhan waannu wada baabbi'inaynaa.
以色列人向耶和华发愿说:“你若将这民交付我手,我就把他们的城邑尽行毁灭。”
3 Oo Rabbigu wuu dhegaystay codkii reer binu Israa'iil, oo gacantooda buu soo geliyey reer Kancaan, oo iyana iyagii iyo magaalooyinkoodiiba way wada baabbi'iyeen, oo meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Xormaah.
耶和华应允了以色列人,把迦南人交付他们,他们就把迦南人和迦南人的城邑尽行毁灭。那地方的名便叫何珥玛。
4 Oo Buur Xor waxay uga guureen xagga jidka loo maro Badda Cas inay hareer ka maraan dalka reer Edom. Markaasay dadku aad u qalbi jabeen jidkii daraaddiis.
他们从何珥山起行,往红海那条路走,要绕过以东地。百姓因这路难行,心中甚是烦躁,
5 Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.
就怨 神和摩西说:“你们为什么把我们从埃及领出来、使我们死在旷野呢?这里没有粮,没有水,我们的心厌恶这淡薄的食物。”
6 Markaasaa Rabbigu wuxuu dadka dhexdiisii ku soo daayay abeesooyin qaniinyo kulul oo ay dadkii qanqaniineen, oo dad badan oo reer binu Israa'iil ah ayaa dhintay.
于是耶和华使火蛇进入百姓中间,蛇就咬他们。以色列人中死了许多。
7 Markaasay dadkii Muuse u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ku hadalnay wax ka gees ah Rabbiga iyo adiga, haddaba Rabbiga noo bari inuu abeesooyinka naga fogeeyo. Markaasaa Muuse dadkii u baryay Rabbiga.
百姓到摩西那里,说:“我们怨 耶和华和你,有罪了。求你祷告耶和华,叫这些蛇离开我们。”于是摩西为百姓祷告。
8 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Abeeso samee, oo tiircalan kor saar, oo mid kasta oo la qaniinoba, markuu arko wuu noolaanayaa.
耶和华对摩西说:“你制造一条火蛇,挂在杆子上;凡被咬的,一望这蛇,就必得活。”
9 Oo Muuse baa abeeso naxaas ah sameeyey oo wuxuu kor saaray tiirkii calanka, oo haddii abeeso qof qaniinto oo qofku soo eego abeesadii naxaasta ahayd wuu noolaan jiray.
摩西便制造一条铜蛇,挂在杆子上;凡被蛇咬的,一望这铜蛇就活了。
10 Markaasaa reer binu Israa'iil soo guureen, oo waxay degeen Obod.
以色列人起行,安营在阿伯。
11 Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim oo cidlada ku dhex taal oo ah Moo'aab horteeda oo xagga qorrax ka soo baxa ah.
又从阿伯起行,安营在以耶·亚巴琳,与摩押相对的旷野,向日出之地。
12 Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,
从那里起行,安营在撒烈谷。
13 Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.
从那里起行,安营在亚嫩河那边。这亚嫩河是在旷野,从亚摩利的境界流出来的;原来亚嫩河是摩押的边界,在摩押和亚摩利人搭界的地方。
14 Haddaba kitaabkii dagaalladii Rabbiga waxaa ku qoran, Waaheeb oo Suufaah ku taal, Iyo dooxooyinka Arnoon,
所以耶和华的战记上说:“苏法的哇哈伯与亚嫩河的谷,
15 Iyo dhaadhaca dooxooyinka Oo u dadban xagga rugta Caar, Oo u dhow soohdinta reer Moo'aab.
并向亚珥城众谷的下坡,是靠近摩押的境界。”
16 Oo halkaasna waxay uga guureen xagga Bi'ir, kaasoo ah ceelkii Rabbigu Muuse kaga yidhi, Dadka oo dhan soo ururi, oo anna biyo waan siinayaa.
以色列人从那里起行,到了比珥。从前耶和华吩咐摩西说:“招聚百姓,我好给他们水喝”,说的就是这井。
17 Markaasay reer binu Israa'iil gabaygan ku gabyeen, Ceel yahow, soo durdur. War idinku u gabya
当时,以色列人唱歌说: 井啊,涌上水来! 你们要向这井歌唱。
18 Ceelkii ay amiirradii qodeen, Oo ay dadkii gobta ahu ku qodeen Ushii dowladnimada iyo ulahoodii. Oo cidladiina waxay uga guureen xagga Mataanaah.
这井是首领和民中的尊贵人 用圭用杖所挖所掘的。 以色列人从旷野往玛他拿去,
19 Oo Mataanaahna waxay uga guureen xagga Naxalii'eel; Naxalii'eelna waxay uga guureen xagga Baamood.
从玛他拿到拿哈列,从拿哈列到巴末,
20 Oo Baamoodna waxay uga guureen xagga dooxadii ku taal bannaanka Moo'aab, iyo Buur Fisgaah dhaladeeda oo cidlada hoos u soo fiirisa.
从巴末到摩押地的谷,又到那下望旷野之毗斯迦的山顶。
21 Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen,
以色列人差遣使者去见亚摩利人的王西宏,说:
22 Na daa aan dalkaaga dhex marnee. Annagu gees ugu leexan mayno berrin ama beercanab, oo ceelashana biyo ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa jeeraannu soohdintaada ka baxno.
“求你容我们从你的地经过;我们不偏入田间和葡萄园,也不喝井里的水,只走大道,直到过了你的境界。”
23 Siixonse uma uu oggolaan in reer binu Israa'iil soohdintiisa soo dhex maraan; laakiinse Siixon dadkiisii oo dhan ayuu soo urursaday oo ku soo baxay reer binu Israa'iil oo cidlada jooga, oo wuxuu yimid Yahas, oo uu reer binu Israa'iil la diriray.
西宏不容以色列人从他的境界经过,就招聚他的众民出到旷野,要攻击以色列人,到了雅杂与以色列人争战。
24 Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa.
以色列人用刀杀了他,得了他的地,从亚嫩河到雅博河,直到亚扪人的境界,因为亚扪人的境界多有坚垒。
25 Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan.
以色列人夺取这一切的城邑,也住亚摩利人的城邑,就是希实本与希实本的一切乡村。
26 Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon.
这希实本是亚摩利王西宏的京城;西宏曾与摩押的先王争战,从他手中夺取了全地,直到亚嫩河。
27 Oo sidaas daraaddeed kuwa maahmaahyo ku hadlaa waxay yidhaahdaan, War Xeshboon kaalaya, Magaaladii Siixon ha la dhiso oo ha la xoojiyo,
所以那些作诗歌的说: 你们来到希实本; 愿西宏的城被修造,被建立。
28 Waayo, dab baa ka soo baxay Xeshboon, Taasoo ah magaaladii Siixon oo olol ka soo baxay. Wuxuu baabbi'iyey Caartii reer Moo'aab, Iyo sayidyadii meelaha sare oo Arnoon.
因为有火从希实本发出, 有火焰出于西宏的城, 烧尽摩押的亚珥和亚嫩河邱坛的祭司 。
29 Moo'aabay, waa kuu hoog! Waad baabba'day, dadka reer Khemooshow. Wiilashiisii wuxuu u sii daayay sida laajiyo, Gabdhihiisiina wuxuu maxaabiis ahaan ugu sii daayay Boqorka reer Amor oo Siixon ahaa.
摩押啊,你有祸了! 基抹的民哪,你们灭亡了! 基抹的男子逃奔, 女子被掳,交付亚摩利的王西宏。
30 Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa.
我们射了他们; 希实本直到底本尽皆毁灭。 我们使地变成荒场,直到挪法; 这挪法直延到米底巴。
31 Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor.
这样,以色列人就住在亚摩利人之地。
32 Markaasaa Muuse diray rag soo basaasa Yacser, oo iyana way qabsadeen magaalooyinkeedii, oo reer Amorkii halkaas degganaana way ka eryeen.
摩西打发人去窥探雅谢,以色列人就占了雅谢的镇市,赶出那里的亚摩利人。
33 Oo intay leexdeen ayay waxay tageen xagga jidka Baashaan loo maro. Markaasaa waxaa ku soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, isagii iyo dadkiisii oo dhanba, inay kula diriraan Edrecii.
以色列人转回,向巴珊去。巴珊王噩和他的众民都出来,在以得来与他们交战。
34 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ha ka cabsan, waayo, gacantaadaan geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisa, oo waxaad isaga ku samayn doontaa sidii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.
耶和华对摩西说:“不要怕他!因我已将他和他的众民,并他的地,都交在你手中;你要待他像从前待住希实本的亚摩利王西宏一般。”
35 Oo iyana waxay dileen isagii, iyo wiilashiisii, iyo dadkiisii oo dhan ilaa ayan isagii waxba u hadhin, oo dalkiisiina way qabsadeen.
于是他们杀了他和他的众子,并他的众民,没有留下一个,就得了他的地。

< Tirintii 21 >