< Tirintii 2 >

1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,
耶和华晓谕摩西、亚伦说:
2 Reer binu Israa'iil waa in nin waluba teendhadiisa ka ag dhistaa calankiisa, iyagoo ag jooga bandiiradihii reerka aabbahood, oo waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan meel teendhada shirka ka hor jeedda oo hareeraheeda ah.
“以色列人要各归自己的纛下,在本族的旗号那里,对着会幕的四围安营。
3 Oo kuwa ka dhistaa xagga bari dhanka qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan kuwa calanka xerada reer Yahuudah sida ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Yahuudahna waa inuu ahaadaa Naxshoon ina Cammiinaadaab.
在东边,向日出之地,照着军队安营的是犹大营的纛。有亚米拿达的儿子拿顺作犹大人的首领。
4 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
他军队被数的,共有七万四千六百名。
5 Oo kuwa ku xiga oo agtiisa ka dhistaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Isaakaar, oo amiirka reer Isaakaarna waa inuu ahaadaa Netaneel ina Suucaar.
挨着他安营的是以萨迦支派。有苏押的儿子拿坦业作以萨迦人的首领。
6 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.
他军队被数的,共有五万四千四百名。
7 Qabiilka reer Sebulunna, oo amiirka reer Sebulunna waa inuu ahaadaa Elii'aab ina Xeelon.
又有西布伦支派。希伦的儿子以利押作西布伦人的首领。
8 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
他军队被数的,共有五万七千四百名。
9 Oo kulli intii xerada reer Yahuudah laga tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen boqol iyo lix iyo siddeetan kun iyo afar boqol, siday ciidammadoodu yihiin, oo iyagu waa inay marka hore baxaan.
凡属犹大营、按着军队被数的,共有十八万六千四百名,要作第一队往前行。
10 Oo xagga koonfureedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Ruubeen, siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Ruubeenna waa inuu ahaadaa Eliisuur ina Shedeeyuur.
“在南边,按着军队是吕便营的纛。有示丢珥的儿子以利蓿作吕便人的首领。
11 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.
他军队被数的,共有四万六千五百名。
12 Oo kuwa ku xigaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Simecoon. Oo amiirka reer Simecoonna waa inuu ahaadaa Shelumii'eel ina Suuriishadday.
挨着他安营的是西缅支派。苏利沙代的儿子示路蔑作西缅人的首领。
13 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.
他军队被数的,共有五万九千三百名。
14 Qabiilka reer Gaadna, oo amiirka reer Gaadna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Recuu'eel.
又有迦得支派。丢珥的儿子以利雅萨作迦得人的首领。
15 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.
他军队被数的,共有四万五千六百五十名,
16 Oo kulli intii xeradii reer Ruubeen laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo kow iyo konton kun iyo afar boqol iyo konton, siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo iyana waa inay marka labaad baxaan.
凡属吕便营、按着军队被数的,共有十五万一千四百五十名,要作第二队往前行。
17 Dabadeedna teendhada shirku waa inay baxdaa, iyadoo kooxda reer Laawi ku dhex jirta kooxaha kale, oo siday u degaan waa inay u baxaan, nin kasta oo meeshiis ku jira oo calankooda ag jooga.
“随后,会幕要往前行,有利未营在诸营中间。他们怎样安营就怎样往前行,各按本位,各归本纛。
18 Oo dhanka galbeedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Efrayim siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Efrayimna waa inuu ahaadaa Eliishaamaac ina Cammiihuud.
“在西边,按着军队是以法莲营的纛。亚米忽的儿子以利沙玛作以法莲人的首领。
19 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
他军队被数的,共有四万零五百名。
20 Oo qabiilka reer Manaseh waa inuu ku xigaa; oo amiirka reer Manasehna waa inuu ahaadaa Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
挨着他的是玛拿西支派。比大蓿的儿子迦玛列作玛拿西人的首领。
21 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.
他军队被数的,共有三万二千二百名。
22 Qabiilkii reer Benyaamiinna, oo amiirka reer Benyaamiinna waa inuu ahaadaa Abiidaan ina Gidconii.
又有便雅悯支派。基多尼的儿子亚比但作便雅悯人的首领。
23 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.
他军队被数的,共有三万五千四百名。
24 Oo kulli intii xerada reer Efrayim laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo siddeed kun iyo boqol, siday ciidammadoodii ahaayeen. Oo iyana waa inay marka saddexaad baxaan.
凡属以法莲营、按着军队被数的,共有十万零八千一百名,要作第三队往前行。
25 Oo dhanka woqooyina waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Daan siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Daanna waa inuu ahaadaa Axiiceser ina Cammiishadday.
“在北边,按着军队是但营的纛。亚米沙代的儿子亚希以谢作但人的首领。
26 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.
他军队被数的,共有六万二千七百名。
27 Oo qabiilka reer Aasheer waa inuu ku xigaa, oo amiirka reer Aasheerna waa inuu ahaadaa Fagcii'eel ina Cokraan.
挨着他安营的是亚设支派。俄兰的儿子帕结作亚设人的首领。
28 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.
他军队被数的,共有四万一千五百名。
29 Qabiilkii reer Naftaalina, oo amiirka reer Naftaalina waa inuu ahaadaa Axiirac ina Ceynaan.
又有拿弗他利支派。以南的儿子亚希拉作拿弗他利人的首领。
30 Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.
他军队被数的,共有五万三千四百名。
31 Oo kulli intii xerada reer Daan laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo toddoba iyo konton kun iyo lix boqol. Oo iyagu waa inay baxaan marka ugu dambaysa, iyagoo calammadooda ag jooga.
凡但营被数的,共有十五万七千六百名,要归本纛作末队往前行。”
32 Kuwaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil siday reerahoodu ahaayeen. Kulli intii xerooyinka laga tiriyey sidii ciidammadoodii ahaayeen waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun iyo shan boqol iyo konton.
这些以色列人,照他们的宗族,按他们的军队,在诸营中被数的,共有六十万零三千五百五十名。
33 Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.
惟独利未人没有数在以色列人中,是照耶和华所吩咐摩西的。
34 Sidaasay reer binu Israa'iil yeeleen, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray, sidaasay dhammaan uga ag dhisteen calammadoodii, oo sidaasay ugu bexeen siday qoladoodii iyo reerahoodii ahaayeen.
以色列人就这样行,各人照他们的家室、宗族归于本纛,安营起行,都是照耶和华所吩咐摩西的。

< Tirintii 2 >