< Tirintii 19 >
1 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Још рече Господ Мојсију и Арону говорећи:
2 Kanu waa qaynuunkii sharciga Rabbigu idinku amray oo uu idinku yidhi, Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Noo keena qaalin lo'aad oo cas oo aan bar iyo iin lahayn oo aan weligeed harqood la saarin.
Ово је уредба и закон што заповеди Господ говорећи: Реци синовима Израиљевим нека ти доведу јуницу црвену здраву, на којој нема мане, и која још није била у јарму;
3 Oo waxaad iyada siisaan wadaadka Elecaasaar ah, oo isagu iyada ha geeyo xerada dibaddeeda, oo hortiisa waa in lagu gowracaa.
И подајте је Елеазару свештенику, а он нека је изведе напоље из логора да је закољу пред њим.
4 Oo markaas wadaadka Elecaasaar ahu waa inuu dhiiggeeda farta ku qaadaa, oo uu dhiiggeeda toddoba jeer ku rusheeya xagga teendhada shirka horteeda.
И узевши Елеазар крви њене на прст свој нека покропи крвљу према шатору од састанка седам пута.
5 Oo waa in qaalinta hortiisa lagu gubaa. Haraggeeda, iyo hilibkeeda, iyo dhiiggeeda, iyo uuskeedaba waa in la wada gubaa.
Потом нека заповеди да се спали јуница пред његовим очима; кожу њену и месо њено и крв њену с балегом нека спале.
6 Oo markaas waa in wadaadku soo qaadaa qoryo ah geed kedar la yidhaahdo, iyo husob, iyo wax guduud ah, oo waa inuu ku dhex tuuro dabka qaalintu ku gubanayso.
И свештеник узевши дрвета кедровог, исопа и црвца, нека баци у огањ где гори јуница.
7 Oo markaas wadaadku dharkiisa ha maydho, oo jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas ka dib xerada ha soo galo, oo tan iyo fiidkii wadaadku nijaas buu ahaan doonaa.
Потом нека опере хаљине своје и опере тело своје водом, па онда нека уђе у логор, и нека буде свештеник нечист до вечера.
8 Oo kii qaalinta gubona dharkiisa biyo ha ku maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo isna tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.
Тако и ко је спали, нека опере хаљине своје водом, и тело своје нека опере водом, и нека буде нечист до вечера.
9 Oo markaas nin daahir ahu ha soo ururiyo qaalinta dambaskeedii, oo meel xerada dibaddeeda oo nadiif ah ha dhigo, oo shirka reer binu Israa'iil ha lagu dhigo biyaha nijaasta daahiriya; waayo, iyadu waa dembi qurbaankiis.
А чист човек нека покупи пепео од јунице и изручи га иза логора на чисто место, да се чува збору синова Израиљевих за воду очишћења; то је жртва за грех.
10 Oo kii dambaska qaalinta soo ururiyaana dharkiisa ha maydho, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaan doonaa, oo taasu waa inay reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha la degganba u ahaataa qaynuun weligiis jira.
И онај који покупи пепео од јунице нека опере хаљине своје, и нека буде нечист до вечера. То нека је синовима Израиљевим и дошљаку који се бави међу њима вечан закон.
11 Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.
Ко се дотакне мртвог тела човечијег, да је нечист седам дана.
12 Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono.
Он нека се очисти оном водом трећи дан и седми дан, и биће чист; ако ли се не очисти трећи дан и седми, неће бити чист.
13 Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran.
Ко се дотакне мртвог тела човечијег па се не очисти, онај је оскрвнио шатор Господњи; зато да се истреби она душа из Израиља; јер није покропљен водом очишћења, зато је нечист, и нечистота је његова на њему.
14 Oo tanu waa sharciga markii nin teendho ku dhex dhinto. Mid kasta oo teendhada soo gala, iyo mid kasta oo teendhada ku jirayba, intii toddoba maalmood ah ayay nijaas ahaan doonaan.
Ово је закон кад човек умре у шатору: Ко год уђе у онај шатор и ко год буде у шатору, нечист да је седам дана;
15 Oo weel kasta oo furan oo aan lahayn dabool ku xidhan waa nijaas.
И сваки суд откривен, који не буде добро заклопљен, нечист је.
16 Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.
И ко се год дотакне у пољу посеченог мачем или умрлог или кости човечије или гроба, нечист да је седам дана.
17 Oo nijaasta aawadeed waa in loo qaadaa dambaska qurbaankii dembiga oo la gubay, oo biyo socda waa in weel lagula shubaa,
И нека за нечистог узму пепела од јунице спаљене за грех, и нека налију на њ воде живе у суд.
18 oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga.
Потом нека узме чист човек исопа и замочи у ону воду, и покропи њом шатор и све суде и људе који су у њему били; тако и оног који би се дотакао кости или човека посеченог или умрла или гроба.
19 Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.
Чисти нечистог нека покропи трећи и седми дан; и кад га очисти седми дан, нека опере хаљине своје и себе нека опере водом, и биће чист увече.
20 Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.
А ко буде нечист па се не очисти, да се истреби она душа из збора; јер је светињу Господњу оскврнио, а није покропљен водом очишћења; нечист је.
21 Kaasu wuxuu iyaga u ahaanayaa qaynuun weligiis jira, oo kii rusheeyo biyaha nijaasta daahiriyana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii biyaha nijaasta daahiriya taabtaana nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.
И ово нека им је закон вечан: и који покропи водом очишћења, нека опере хаљине своје; и ко се год дотакне воде очишћења, да је нечист до вечера.
22 Oo wax alla wixii uu qofka nijaasta ahu taabtana nijaas bay ahaan doonaan, oo qofkii taabtaana tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.
И чега се год дотакне ко је нечист, да је нечисто; и ко се њега дотакне, да је нечист до вечера.