< Tirintii 16 >

1 Haddaba Qorax ina Isehaar oo ahaa ina Qohaad, oo ka sii ahaa reer Laawi, isaga iyo Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, iyo Oon oo ahaa ina Feled oo reer Ruubeen ahaa ayaa rag watay,
Kora ɗan Izhar, wanda yake Balawe ne daga dangin Kohatawa, wata rana ya nemi Datan da Abiram’ya’yan Eliyab, da On ɗan Felet dukansu daga kabilar Ruben, suka haɗa kai
2 oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa.
suka tayar wa Musa. Sai suka nemi goyon bayan sanannun shugabannin Isra’ilawa da aka naɗa a majalisa su guda 250,
3 Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan?
tare kuwa suka zo wurin Musa da Haruna, suka ce musu, “Kun wuce gona da iri! Dukan jama’an nan masu tsarki ne, kowannensu, Ubangiji kuma yana tare da su. Me ya sa kuke ɗaukan kanku fiye da taron jama’ar Ubangiji?”
4 Oo Muusena markuu taas maqlay ayuu wejiga dhulka dhigay.
Da Musa ya ji haka, sai ya fāɗi rubda ciki ya yi addu’a
5 Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa.
Sai ya ce wa Kora da dukan waɗannan da suke tare shi, “Da safe, Ubangiji zai nuna wane ne yake nasa, da kuma wane ne yake da tsarki. Zai kuma sa mutumin yă zo kusa da shi. Mutumin da ya zaɓa kuwa zai sa yă zo kusa da shi.
6 Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo,
Kai Kora da ƙungiyarka, gobe, za ku ɗauki farantai,
7 oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow.
ku zuba wuta a ciki, ku kuma zuba musu turaren wuta a gaban Ubangiji. Sa’an nan wanda Ubangiji ya zaɓa a tsakaninmu sh ne mai tsarki. Ku Lawiyawa ku ne kuka wuce gona da iri!”
8 Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Haddaba maqla reer Laawiyow.
Musa ya kuma ce wa Kora, “Yanzu ku saurara, ku Lawiyawa!
9 Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan,
Ashe, bai ishe ku ba, cewa Allah na Isra’ila, ya keɓe ku daga sauran jama’ar Isra’ilawa, ya kuma kawo ku kusa da shi don ku yi aiki a tabanakul na Ubangiji, ku kuma tsaya a gaba jama’a don ku yi musu aiki?
10 iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada?
Ya kawo ku da kuma dukan’yan’uwanku Lawiyawa kusa da shi, amma yanzu kuna ƙoƙari ku karɓi aikin firist.
11 Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan?
Kai da ƙungiyarka kun haɗa kai kuna yi wa Haruna gunaguni, amma wane ne Haruna? A zahiri tawaye ne kuke wa Ubangiji.”
12 Markaasaa Muuse u cid diray Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, oo iyana waxay yidhaahdeen, Iman mayno.
Sai Musa ya aika a kira Datan da Abiram,’ya’yan Eliyab maza, amma suka ce, “Ba za mu zo ba!
13 Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?
Bai isa ba ne da ka fitar da mu daga ƙasar mai zub da madara da zuma, ka kawo mu nan hamada don ka kashe mu? Yanzu kuma so kake ka mai da kanka sarki a bisanmu?
14 Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.
Ban da haka ma, ai, ba ka riga ka kai mu ƙasar mai zub da madara da zuma ba, ba ka ba mu gādon filaye da gonakin annabi ba, yanzu kuma kana so ka ruɗe mu. Mun ƙi, ba za mun zo ba!”
15 Markaasaa Muuse aad u cadhooday, oo wuxuu Rabbiga ku yidhi, Adigu qurbaankooda ha aqbalin. Anigu iyaga dameerna kama qaadan, midkoodna waxba ma yeelin.
Sai Musa ya husata ƙwarai, ya ce wa Ubangiji, “Kada ka karɓi hadayarsu. Ban ƙwace wani jakinsu ba, ban kuwa cuce waninsu ba.”
16 Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba.
Musa ya ce wa Kora, “Da kai da kuma dukan ƙungiyarka za ku bayyana a gaban Ubangiji gobe, kai da su. Haruna ma zai kasance a can.
17 Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata.
Kowannenku zai ɗauki faranti yă zuba turare a ciki. Wato, farantai 250 ke nan, a kuma miƙa su a gaban Ubangiji. Kai da Haruna za ku miƙa farantanku, ku ma.”
18 Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.
Sai kowane mutum ya ɗauki farantinsa, ya sa wuta da kuma turare a ciki, suka tsaya da Musa da Haruna a ƙofar Tentin Sujada.
19 Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.
Sa’ad da Kora ya tara mabiyansa don su yi hamayya da Musa da Haruna a ƙofar Tentin Sujada, sai ɗaukakar Ubangiji ta bayyana ga dukan taron.
20 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Ubangiji ya ce wa Musa da Haruna,
21 Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee.
“Ku ware kanku daga taron nan don in gama da su nan take.”
22 Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?
Amma Musa da Haruna suka fāɗi rubda ciki suka tā da murya suka ce, “Ya Allah, Allahn ruhohin dukan’yan adam, za ka husata da dukan taron ne, bayan mutum ɗaya ne ya yi zunubi?”
23 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Sai Ubangiji ya ce wa Musa,
24 Shirka la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, War, ka ag kaca taambuugyada Qorax, iyo Daataan iyo Abiiraam.
“Faɗa wa taron cewa, ‘Ku nisanci tentin Kora, da na Datan, da na Abiram.’”
25 Markaasaa Muuse wuxuu u kacay Daataan iyo Abiiraam, oo waayeelladii reer binu Israa'iilna isagay soo raaceen.
Musa ya tashi ya tafi wurin Datan da Abiram, dattawan Isra’ilawa kuwa suka bi shi.
26 Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine.
Ya gargaɗe taron ya ce, “Ku ƙaurace wa tentin waɗannan mugayen mutane! Kada ku taɓa kome da yake nasu, domin kada a shafe ku saboda zunubansu.”
27 Haddaba waxay ka kaceen dhinac kasta ee taambuugyadii Qorax iyo Daataan iyo Abiiraam. Markaasay Daataan iyo Abiiraam soo bexeen, oo waxay istaageen iridda teendhooyinkoodii, iyaga iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo dhallaankoodiiba.
Sai suka tashi daga inda tentin Kora, da Datan, da Abiram suke. Datan da Abiram kuwa suka fita suna tsaye tare da matansu da’ya’yansu da’yan ƙananansu a ƙofar tentinsu.
28 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn.
Sai Musa ya ce musu, “Da haka za ku san cewa Ubangiji ne ya aiko ni, in yi dukan waɗannan abubuwa, ba da nufin kaina na yi su ba.
29 Haddii nimankanu ay u dhintaan sida caadiga u ah dadka oo dhan, ama iyaga loo booqdo sida dadka oo dhan loo soo booqdo, markaas Rabbigu ima uu soo dirin.
In waɗannan mutane sun mutu kamar yadda mutane suke mutuwa, in abin da yakan sami kowa shi ne ya same su, to, ba Ubangiji ne ya aiko ni ba.
30 Laakiinse haddii Rabbigu wax cusub sameeyo, oo dhulku afka kala qaado oo uu iyaga iyo waxay leeyihiin oo dhan liqo, oo haddii iyagoo noolnool ay She'ool ku dhaadhacaan, de markaas waxaad garan doontaan in nimankanu Rabbiga quudhsadeen. (Sheol h7585)
Amma in Ubangiji ya kawo wani abu sabo, ya sa ƙasa ta buɗe bakinta, ta haɗiye su da dukan abin da suke da shi, suka gangara cikin kabari a raye, ta haka za ku sani mutanen nan sun rena Ubangiji.” (Sheol h7585)
31 Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay,
Nan da nan da ya gama faɗi wannan, sai ƙasa ta tsage inda Datan da Abiram suke tsaye,
32 oo dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo reerahoodii, iyo dadkii Qorax oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhan.
ta kuma buɗe bakinta, ta haɗiye su tare da mutanen gidansu da dukan mutanen Kora da dukan abin da yake mallakarsu.
33 Haddaba iyagii iyo wixii ay lahaayeen oo dhammuba iyagoo noolnool ayay She'ool ku dhaadhaceen, markaasaa dhulkii ku dul xidhmay, oo iyana shirkii way ka halligmeen. (Sheol h7585)
Suka gangara cikin kabari da rai, tare dukan mallakarsu; ƙasa ta rufe su, suka hallaka, suka rabu da jama’ar. (Sheol h7585)
34 Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.
Da jin kukansu, dukan Isra’ilawa da suke kewaye da su suka gudu, suna ihu, “Ƙasa za tă haɗiye mu, mu ma!”
35 Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.
Sai wuta ta fito daga wurin Ubangiji ta cinye mutane 250 da suke miƙa hadaya da turare.
36 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Ubangiji ya ce wa Musa,
37 La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus.
“Ka gaya wa Eleyazar ɗan Haruna, firist, yă kawar da farantan ƙona turare daga wurin da wutar ta cinye, yă watsar da gawayin a wani wuri, gama farantan tsarkakakku ne,
38 Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan.
gama an yi amfani da farantan don miƙa mini turare. Sai ka ɗauki farantan mutanen da suka yi zunubin da ya jawo musu mutuwa ka ƙera farantan, ka yi murfin bagade da su, gama an miƙa su a gaban Ubangiji, suka zama tsarkakakku. Bari su zama alama ga Isra’ilawa.”
39 Markaasaa wadaadkii Elecaasaar wuxuu soo qaaday idammadii naxaasta ahaa oo ay kuwii gubtay bixiyeen, oo inta la tumay ayaa meesha allabariga dahaadh looga dhigay,
Haka Eleyazar, firist, ya tattara farantan tagulla waɗanda mutanen da aka hallaka suka kawo, ya ƙera murfin bagade da su,
40 inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.
yadda Ubangiji ya umarce shi, ta wurin Musa. Wannan ya zama abin tuni ga Isra’ilawa domin kada wani da ba firist ba, bai kuwa fito a cikin zuriyar Haruna ba, yă zo don yă ƙona turare a gaban Ubangiji, domin kada yă zama kamar Kora da mabiyansa.
41 Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.
Kashegari dukan taron Isra’ilawa suka yi gunaguni a kan Musa da Haruna suka ce, “Kun kashe mutanen Ubangiji.”
42 Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.
Bayan haka, sai dukan jama’a suka taru domin su nuna rashin yardansu da abin da suke zato Musa da Haruna ne suka aikata. Da suka fuskanci Tentin Sujada, nan take sai girgije ya rufe shi, ɗaukaka Ubangiji kuwa ta bayyana.
43 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda.
Sai Musa da Haruna suka je gaban Tentin Sujada,
44 Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Ubangiji kuma ya ce wa Musa,
45 Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen.
“Ku nisanci wannan taro, gama yanzu nan zan hallaka su.” Sai Musa da Haruna suka fāɗi rubda ciki.
46 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay.
Sai Musa ya ce wa Haruna, “Ka ɗauki farantinka ka sa turare a ciki, da wuta daga bagade, ka yi maza ka tafi wajen taron, ka yi kafara dominsu. Gama fushin Ubangiji ya riga ya sauko; an kuma fara annoba.”
47 Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday.
Saboda haka Haruna ya yi kamar yadda Musa ya faɗa, ya ruga a guje zuwa tsakiyar taron. An riga an fara annobar a cikin mutane, amma Haruna ya miƙa turaren ya kuma yi kafara dominsu.
48 Markaasuu isdhex taagay kuwii dhintay iyo kuwii noolaa; oo belaayadiina way joogsatay.
Ya tsaya tsakanin matattu da masu rai, annobar kuwa ta tsaya.
49 Haddaba kuwii belaayada ku dhintay waxay ahaayeen afar iyo toban kun iyo toddoba boqol, oo aan lagu tirin kuwii ku dhintay xaalkii Qorax.
Amma mutane 14,700 ne suka mutu a annobar, ban da waɗanda suka mutu a sanadin Kora.
50 Markaasaa Haaruun Muuse ugu noqday iriddii teendhadii shirka; oo belaayadiina way joogsatay.
Sai Haruna ya komo wurin Musa a ƙofar Tentin Sujada, gama annobar ta ƙare.

< Tirintii 16 >