< Tirintii 15 >

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Kisha BWANA akanena na Musa, akasema,
2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gaadhaan dalka rugtiinna ah oo aan idin siinayo,
“Sema na wana wa Israeli uwaambie, 'Mtakapoingia katka nchi ambayo mtaishi, ambayo BWANA atawapa,
3 haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,
mtatakiwa kuandaa sadaka kwa moto kwa BWANA, sadaka ya kuteketezwa au sadaka ya kukamilisha kiapo au sadaka ya hiari, au sadaka katika sikukuu zenu, ili kutoa harufu nzuri kwa BWANA ya ng'ombe au ya kondoo.
4 haddaba kii wax bixinayaa qurbaankiisa ha ku bixiyo Rabbiga aawadiis qurbaan hadhuudh ah eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin rubuceed oo saliid ah;
Utamtolea BWANA sadaka ya kuteketezwa pamoja na sehemu ya kumi ya efa ya sadaka ya unga mwembamba uliochanganywa na robo ya hini ya mafuta.
5 oo khamri ah qurbaanka cabniinka hiin rubuceed waa inaad qurbaanka la gubo ama allabariga ula diyaarisaan wan kasta.
Na tena mtatoa pamoja na sadaka ya kuteketezwa, au kwa sadaka ya divai robo ya hini ya sadaka ya vinywaji kwa kila mwanakondoo.
6 Oo wankii weynna waxaad qurbaan hadhuudh ah u diyaarisaan eefaah toban meelood loo qaybiyo labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo hiin saddex meelood meel saliid ah lagu daray.
Kama unatoa sadaka ya kondoo dume, utaandaa sadaka ya unga ya sehemu za kumi mbili za efa ya unga mwembamba uliochanganywa na sehemu ya tatu ya hini ya divai.
7 Oo qurbaanka cabniinkana waxaad u bixisaan hiin saddex meelood meel khamri ah oo Rabbiga u ah caraf udgoon.
Kwa sadaka ya kinywaji, mtatoa sehemu ya tatu ya hini ya divai ambayo itatoa harufu nzuri kwa BWANA.
8 Oo markaad dibi u bixinaysid allabariga la gubo amase allabari aad nidar ku samaynaysid, amase qurbaanno nabaadiino oo aad Rabbiga u bixinayso,
Utakapoandaa fahari kwa ajiliy a sadaka ya kuteketezwa au sadaka ya kutimiza kiapo, au sadaka ya amani kwa BWANA,
9 markaas eefaah toban meelood loo qaybiyey saddexdiis meelood oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin nuskeed saliid ah qurbaan hadhuudh ha ula bixiyo dibiga.
Ndipo utakapotoa sadaka ya fahari pamoja na sadaka ya unga ya sehemu za kumi tatu za unga mwembamba uliochanganywa na nusu ya hini ya mafuta.
10 Qurbaanka cabniinkana waa inaad u bixisaa hiin nuskeed khamri ah, kaas oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.
Mtatoa sadaka ya kinywaji nusu ya hini ya divai, sadaka iloyotengenezwa kwa moto ili kufanya harufu nzuri kwa BWANA.
11 Oo sidaas ha loo sameeyo dibi kasta, ama wan kasta oo weyn, ama wan kasta oo yar, ama orgi kasta oo yar.
Itafanyika hivi kwa kila fahari, kwa kila kondoo dume, na kila mwanakondoo dume au mbuzi mchanga.
12 Intaad diyaarisaan sida tiradu tahay mid kasta u sameeya.
Kila sdaka utakayoindaa na kuitoa itafanyika kama ilivyoanishwa hapa.
13 Inta waddaniga ah oo dhammu waxyaalahan sidaas ha u sameeyeen markay bixinayaan qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.
Wazawa wote wa Israeli watafanya mambo haya kwa utaratibu huu, yeyote atakayeleta sadaka iliyotengenezwa kwa moto, ili kufanya harufu nzuri kwa BWANA.
14 Oo haddii shisheeye idinla deggan yahay ama mid kasta oo idin dhex jooga qarniyadiinna oo dhan, hadduu doonayo inuu qurbaan dab lagu sameeyo Rabbiga ugu bixiyo caraf udgoon, sidaad idinku yeeshaan isna waa inuu yeelaa.
Na kama kuna mgeni anayeishi kati yenu, au yeyote atakayeishi na watu wa vizazi vyenu vyote, lazima atengeneze sadaka iliytoengenezwa kwa moto, ili kutoa harufu nzuri kwa BWANA. Atafanya kama mnavyofanya.
15 Oo ururkiinna oo dhammu waa inaad idinka iyo shisheeyaha idinla degganu lahaataan qaynuun keliya, kaas oo ahaanaya qaynuun ab ka ab. Waayo, sidaad idinku tihiin, shisheeyuhuna waa inuu Rabbiga hortiisa sidaas oo kale ku ahaadaa.
Kutakuwa na sheria hiyo hiyo kwa watu wote na kwa mgeni anayeishi kati yenu, sheria ya kudumu kwa watu wote wa uzao wako. Ninyi mlivyo, ndivyo atakavyokuwa mgeni aliyeishi kati yenu. Atafanya kama mnavyofanya mbele ya BWANA.
16 Oo idinka iyo shisheeyihii idinla degganuba waa inaad lahaataan isku sharci iyo isku qaynuun.
Sheria na amri hiyohiyo ndiyo itakayotumika kwa mgeni anayeishi kati yenu.”
17 Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Tena BWANA akanena na Musa, akasema,
18 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin geeynayo markaad gaadhaan,
“Nena wana wa Israeli uwaambie, 'mtakapofika katika nchi ninayowapeleka,
19 oo aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado.
mtakapokula chakula kinachozalishwa katika nchi hiyo, mtatoa sadaka ya kunipendeza mimi.
20 Cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad ka bixisaan moofo ah qurbaan sare loo qaado, oo waa inaad taas sare u qaaddaan sidaad sare ugu qaaddaan qurbaanka hadhuudhka ee laga qaado meesha hadhuudhka lagu tumo.
Kutoka kwenye mikate yenu ya kwanza mtatoa mkate wa kuinuliwa kama sadaka iliyoinuliwa kutoka mahali pa kupuria nafaka. Mtaiinua kwa jinsi hii.
21 Oo cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado tan iyo ab ka ab.
Watu wa uzao wako wote wtanitolea sadaka ya kuinuliwa kutoka kwenye unga wenu wa kwanza.
22 Oo markaad qaldantaan oo aydaan wada xajin amarradan oo dhan oo uu Rabbigu Muuse kula hadlay,
Wakati mwingine mtafanya dhambi pasipo kukusudia, Kama hamtatii amri zote hizi ambazo nimemwambia Musa
23 xataa wixii uu Rabbigu Muuse idinkaga amray oo dhan tan iyo maalintii Rabbigu amarka bixiyey ilaa tan iyo ab ka ab,
-kila kitu ambacho nimewaamuru kupitia Musa kuanzia siku ambayo nilianza kuwaamuru na kuendelea kwa watu wote wa uzao wako.
24 markaas haddii qaladkii kama' loo sameeyey iyadoo aan shirku ogayn, shirka oo dhammu waa inay qurbaan la gubo aawadiis dibi yar Rabbiga ugu bixiyaan caraf udgoon, isaga iyo qurbaankiisii hadhuudhka, iyo qurbaankiisii cabniinka, iyo orgi ah qurbaanka dembiga, oo ha loo bixiyo sida qaynuunku leeyahay.
Kwa swala la dhambi isiyokusudiwa ambayo watu wote hawaijui, basi watu wote watatoa fahari mchanga sadaka ya kuteketezwa ili kufanya harufu nzuri kwa BWANA. Pamoja na haya yote, lazima itengenezwe sadaka ya unga na sadaka ya kinywaji, kama ilivyoagaizwa katika amri, na beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi.
25 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan waa in wadaadku u kafaaro gudaa, oo markaas iyaga waa la cafiyayaa, maxaa yeelay, waxay ahayd qalad kama' loo sameeyey, oo iyana waxay qaladkoodii u keeneen qurbaankoodii kaas oo ahaa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga, iyo qurbaankii dembigooda Rabbiga hortiisa loogu bixiyey.
Kuhani atafanya sadaka upatanisho kwa watu wote wa Israeli. Watasemehewa kwa sababu dhambi haikukusudiwa. Wametoa sadaka yao, sadaka iliyotengenezwa kwa moto kwa ajili yangu. Wameleta sadaka yao kwangu iliyotengenezwa kwa moto. Wameleta sadaka yao ya uovu mbele yangu kwa ajili ya kosa lao.
26 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan iyo shisheeyaha iyaga dhex degganba waa la cafiyi doonaa, waayo, qaladkaas dadka oo dhammu kama' bay u sameeyeen.
Ndipo watu wote wa Israeli watasamehewa, pia wageni wote wanaoishi kati yao, kwa sababu watu wote walitenda dhambi pasipo kukusudia.
27 Oo haddii qof keliya kama' u dembaabo, isagu waa inuu qurbaanka dembiga u bixiyaa ceesaan gu jir ah.
Kama mtu atatenda dhambi bila kukusudia, atatoa mbuzi jike wa umri wa mwaka mmoja kuwa sadaka ya dhambi.
28 Oo qofkii qaldamay waa in wadaadku u kafaaro gudaa naftiisa markuu qofkaas kama' ugu dembaabo Rabbiga hortiisa, si uu isaga u kafaaro gudo, oo markaas isaga waa la cafiyi doonaa.
Naye kuhani atafanya upatanisho kwa BWANA kwa ajili ya mtu yule aliyefanya dhambi pasipo kukusudia. Yule mtu atasamehewa baada ya upatanisho kufanyika.
29 Waa inaad isku sharci keliya u yeeshaan kii kama' u qaldama ha ahaadee waddanigii reer binu Israa'iil ku dhex dhashay ama shisheeyihii iyaga dhex degganba.
Mtakuwa na sheria hiyohiyo kwa mtu yeyote anayefanya dhambi hiyo pasipo kukusudia, sheria hiyohiyo hata kwa mzawa wa Isreli na kwa wageni wanaoishi kati yao.
30 Laakiinse qofkii gacan kibir leh gaf ku sameeyaa hadduu waddani yahay iyo hadduu shisheeye yahayba kaasu wuxuu caayay Rabbiga, oo qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
Lakini mtu afanyaye chochote kwa KUkusudia, awe mzawa au mgeni, ananikufuru mimi. Huyo mtu ataondolewa kati ya watu wake.
31 Qofkaas dhammaantiis waa in laga gooyaa, oo dembigiisuna waa inuu korkiisa saarnaadaa, maxaa yeelay, isagu Rabbiga ereygiisuu quudhsaday, oo amarkiisiina wuu jebiyey.
Kwa sababu atakuwa amedharau neno langu na amevunja neno amri yangu, mtu huyo ataondolewa kabisa. Dhambi yake itakuwa juu yake.'”
32 Oo intii reer binu Israa'iil cidladii joogeen, waxay heleen nin maalintii sabtida qoryo guranaya.
Wakati wana wa Israeli walipokuwa katika jangwa, wakamuona mwanamume akikusanya kuni sikiu ya Sabato.
33 Oo kuwii helay isagoo qoryo guranaya waxay u keeneen Muuse iyo Haaruun iyo shirkii oo dhan.
Wale waliomwona wakamleta kwa Musa, Haruni na kwa watu wote.
34 Oo markaasay xidheen, maxaa yeelay, waxa isaga lagu samayn lahaa ayaan weli la caddayn.
Wakamweka kifungoni kwa sababu ilikuwa haijaamuliwa atakachotendewa.
35 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ninka hubaal waa in la dilaa, oo shirka oo dhammu waa inay isaga xerada dibaddeeda ku dhagxiyaan.
Kisha BWANA akanena na Musa, “Yule mwanamume lazima auawe. Watu wote lazima wampige kwa mawe nje ya kambi.”
36 Markaasaa shirkii oo dhammu waxay isagii keeneen xerada dibaddeedii, kolkaasay dhagxiyeen oo wuu dhintay, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Kwa hiyo watu wote wakamtoa nje ya kambi nao wakampiga kwa mawe mpaka akafa kama vile BWANA alivyokuwa amemwamuru Musa.
37 Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
BWANA akanena na Musa tena, akasema,
38 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad iyaga ku amartaa inay iyagu ab ka ab farqiyaan darfaha dharkooda, iyo inay faraqa daraf kasta u yeelaan xadhig buluug ah.
“Waambie wana wa Israeli na uwaamuru wajifanyie vishada wavining'inize katika mapindo ya mavazi yao, wavining'ineze katika ncha zote kwa nyuzi za rangi ya samawi. Watu wote watafanya hivi kwa watu wote wa kizazi chote.
39 Oo wuxuu idiin noqonayaa faraq aad fiirsataan oo aad Rabbiga amarradiisii oo dhan ku xusuusataan inaad samaysaan, si aydaan u raacin qalbigiinna iyo indhihiinna aad daacadnimola'aan ku raaci jirteen,
Huu utakuwa ukumbusho maalumu kwenu, kila mtakapovitazama, mtakumbuka amri zangu, na kuzishika ili kwamba msije mkatangatanga katika mioyo na macho yenu na kuwa waasherati wa hayo.
40 laakiinse aad xusuusataan oo aad samaysaan amarradayda oo dhan, oo aad quduus uu ahaataan Ilaahiinna.
Fanyeni hivi ili kwamba mweze kukumbuka na kutii amri zangu zote, na ili kwamba mpate kuwa watakatifu, waliotunzwa kwa ajili yangu, Mungu wenu.
41 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
Mimi ndimi BWANA Mungu wenu niliyekutoa toka nchi ya Misri, ili niwe Mungu wenu. Mimi ndimi BWANA Mungu wenu.”

< Tirintii 15 >