< Tirintii 14 >

1 Oo shirkii oo dhammuna codkoodii bay kor u qaadeen oo qayliyeen, oo dadkiina habeenkaas way ooyeen.
И взем весь сонм, даде глас: и плакахуся людие всю нощь ту:
2 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!
и роптаху на Моисеа и Аарона вси сынове Израилтестии, и рекоша к ним весь сонм:
3 Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?
о дабы умерли быхом в земли Египетстей, или в пустыни сей да быхом умерли: и вскую вводит нас Господь в землю сию, еже пасти на брани? Жены нашя и дети наша будут в разграбление: ныне убо лучше есть нам возвратитися во Египет.
4 Oo markaasaa midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu madax doorannee oo aynu Masar isaga noqonnee.
И рече друг ко другу: поставим себе старейшину, и возвратимся бо Египет.
5 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay ku hor dheceen ururkii shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
И падоста Моисей и Аарон ниц пред всем сонмом сынов Израилевых.
6 Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay,
Иисус же сын Навин и Халев сын Иефонниин от соглядавших землю, растерзаста ризы своя.
7 oo waxay la hadleen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo ku yidhaahdeen, War dalkii aannu dhex marnay oo aan soo basaasnay waa dal aad iyo aad u wanaagsan.
И рекоста ко всему сонму сынов Израилевых, глаголюще: земля, юже соглядахом, добра есть зело зело:
8 Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan.
аще любит нас Господь, введет нас в землю ту и даст ю нам: земля же есть кипящая медом и млеком:
9 Laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo ha ka cabsanina dadka dalka deggan, waayo, waxay inoo yihiin sida kibis oo kale. Daafacoodii korkooda waa laga qaaday, oo Rabbigu innaguu inala jiraaye; iyaga ha ka cabsanina.
но от Господа не будите отступницы: вы же не убойтеся людий земли тоя, понеже в снедь нам есть: отступило бо время от них, Господь же с нами: не убойтеся их.
10 Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.
И рече весь сонм побити их камением: и слава Господня явися во облаце над скиниею свидения всем сыном Израилевым.
11 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?
И рече Господь к Моисею: доколе преогорчевают Мя людие сии? И доколе не веруют Мне во всех знамениих, яже сотворих в них?
12 Haddaba iyagaan belaayo ku dhufan doonaa, oo waan dhaxal tiri doonaa, oo waxaan kaa samayn doonaa quruun iyaga ka weyn oo ka sii xoog badan.
Поражу их смертию и погублю их: и сотворю тя и дом отца твоего в язык велик и мног паче нежели сей.
13 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.
И рече Моисей ко Господу: иуслышат Египтяне, яко возвел еси крепостию Твоею люди Твоя сия от них:
14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.
но и вси живущии на земли сей слышаша, яко Ты еси Господь в людех сих, иже очима ко очесем являешися, Господи, и облак Твой ста над ними, и столпом облачным идеши Ты пред ними в день, и столпом огненным в нощи:
15 Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
и потребиши люди сия аки единаго человека: и рекут вси языцы, елицы слышаша имя Твое, глаголюще:
16 Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay.
занеже не возможе Господь людий Своих ввести в землю, о нейже клятся им, погуби их в пустыни:
17 Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi,
и ныне да вознесется рука Твоя, Господи, якоже рекл еси, глаголя:
18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad.
Господь долготерпелив и многомилостив и истинен, отемляй беззакония и неправды и грехи, и очищением не очистит повиннаго, отдая грехи отцев на чада, до третияго и четвертаго рода:
19 Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax.
остави грех людем сим по велицей милости Твоей, якоже милостив был еси им от Египта даже до ныне.
20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Sidaad u tidhi, waan u saamaxay,
И рече Господь к Моисею: милостив им есмь по словеси твоему:
21 laakiinse sida runta ah anigu waan noolahay, oo dunida oo dhammuna waxay ka buuxsami doontaa ammaanta Rabbiga.
но живу Аз, и присно живет имя Мое, и наполнит слава Господня всю землю:
22 Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan,
яко вси мужие видящии славу Мою и знамения, яже сотворих во Египте и в пустыни сей, и искусиша Мя, се, десятое, и не послушаша гласа Моего,
23 hubaal ma ay arki doonaan dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, oo intoodii i quudhsatayna midna ma arki doono.
истинно не узрят земли, еюже кляхся отцем их: разве чадом их, яже суть со Мною зде, иже не ведят добра и зла, всяк юноша не ведый, сим дам землю: вси же разгневавшии Мя не узрят ю:
24 Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan.
раб же Мой Халев, яко бысть дух ин в нем, и возследова Мне, введу его в землю, в нюже ходил тамо, и семя его наследит ю:
25 Haddaba dooxada waxaa deggan reer Camaaleq iyo reer Kancaan. Idinku berrito dib u noqda, oo waxaad tagtaan cidladii ku taal jidka loo maro Badda Cas.
Амалик же и Хананей живут во юдоли: утре возвратитеся и подвигнитеся вы в пустыню путем моря Чермнаго.
26 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,
И рече Господь к Моисею и Аарону, глаголя:
27 Ilaa goormaan u adkaysanayaa shirkan sharka ah oo ii gunuusa? Waxaan maqlay gunuuskii ay reer binu Israa'iil ii gunuuseen.
доколе сонм сей злый? Яже они ропщут противу Мне, роптание сынов Израилевых, имже возропташа о вас, слышах:
28 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaaye, hubaal sidaad dhegahayga ugu hadasheen ayaan idinku samaynayaa.
рцы им: живу Аз, глаголет Господь: истинно, якоже глаголасте во ушы Мои, тако сотворю вам:
29 Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay,
в пустыни сей падут телеса ваша, и все соглядание ваше, и сочтения ваша, от двадесяти лет и вышше, елицы ропташа на Мя:
30 hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.
аще вы внидете в землю, на нюже прострох руку Мою, вселити вас на ней, разве Халев сын Иефонниин и Иисус сын Навин:
31 Laakiinse yaryarkiinna aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyagaan keeni doonaa, oo iyagu way baran doonaan dalkii aad diiddeen.
и чада ваша, ихже ресте в разграблении быти, введу Я в землю, и наследят землю, от неяже вы отвергостеся:
32 Laakiinse idinka meydadkiinnu way ku dhici doonaan cidladan.
и телеса ваша падут в пустыни сей:
33 Oo carruurtiinnuna afartan sannadood ayay cidlada ku warwareegi doonaan, oo ilaa meydadkiinnu ay cidlada ku baabba'aan iyagu waxay sidi doonaan daacadnimola'aantiinna.
сынове же ваши пасоми будут в пустыни четыредесять лет, и носити имут блужение ваше, дондеже потребятся телеса ваша в пустыни:
34 Oo maalmihii aad dalka ku soo basaasteen oo afartan maalmood ahaa, maalintiiba sannad ayaad dembiyadiinna u qaadanaysaan, oo idinku xumaantiinna waad qaadanaysaan xataa afartan sannadood, oo waxaad ogaan doontaan diidniintayda.
по числу дний, в нихже соглядасте землю, четыредесять дний, за день лето целое, понесете грехи вашя четыредесять лет, и увесте ярость гнева Моего:
35 Anigoo Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay, oo hubaal waxan oo dhan ayaan ku samaynayaa shirkan sharka ah ee iiga wada ururay oo dhan. Cidladan ayay ku baabbi'i doonaan oo ku wada dhiman doonaan.
Аз Господь глаголах вам: истинно тако сотворю сонму сему злому, воставшему на Мя: в пустыни сей потребятся, и тамо измрут.
36 Oo nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan oo soo noqday oo shirka oo dhan ka dhigay inay isaga u gunuusaan markay dalkii war xun ka keeneen,
И мужие, ихже посыла Моисей соглядати землю, и пришедше возропташа на ню к сонму, еже бы изнести словеса зла о земли,
37 nimankaas oo war xun dalkii ka keenay ayaa belaayadii ku dhintay Rabbiga hortiisa.
и изомроша мужи, глаголавшии о земли зло, язвою пред Господем:
38 Laakiinse Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh ayaa nolol kaga hadhay nimankii tegey inay dalka soo basaasaan.
и Иисус сын Навин и Халев сын Иефонниин живы остастася от мужей тех ходивших соглядати землю.
39 Markaasaa Muuse hadalkaas reer binu Israa'iil oo dhan u sheegay, kolkaasaa dadkii aad u baroorteen.
И глагола Моисей словеса сия ко всем сыном Израилевым: и восплакашася людие зело,
40 Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay.
и воставше заутра, взыдоша на верх горы, глаголюще: се, мы взыдем на место, еже рече Господь, яко согрешихом.
41 Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto?
И рече Моисей: вскую вы преступаете слово Господне? Не благопоспешно будет вам:
42 Halkaas ha u kicina, waayo, Rabbigu idinma dhex joogo ee yaan cadaawayaashiinnu idin layn.
не восходите: несть бо Господь с вами: и падете пред лицем враг ваших:
43 Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo.
зане Амалик и Хананей тамо пред вами, и падете мечем, понеже отвратистеся, не покаряющеся Господу, и не будет Господь с вами.
44 Laakiinse iyagii waxay ku sii adkaysteen inay buurta dhaladeedii fuulaan, habase yeeshee Muuse iyo sanduuqii axdiga Rabbigu xeradii kama ay bixin.
И понудившеся взыдоша на верх горы: кивот же завета Господня и Моисей не двигнушася из среды полка.
45 Kolkaasay reer Camaaleq iyo reer Kancaan oo buurta degganaa hoos u degeen, oo intay laayeen ayay tan iyo Xormaah eryadeen.
И сниде Амалик и Хананей седяй в горе той, и сотроша их, и изсекоша их даже до Ермана: и возвратишася в полк.

< Tirintii 14 >