< Tirintii 12 >

1 Oo Maryan iyo Haaruunna waxay Muuse u xanteen naagtii reer Kuush oo uu guursaday, maxaa yeelay, isagu wuxuu guursaday naag reer Kuush.
И стадоше викати Марија и Арон на Мојсија ради жене Мадијанке, којом се ожени, јер се ожени Мадијанком.
2 Oo iyagu waxay yidhaahdeen, War Rabbigu ma Muuse keliyuhuu la hadlay? Miyuusan annagana nala hadlin? Oo Rabbigu taas wuu maqlay.
И рекоше: Зар је само преко Мојсија говорио Господ? Није ли говорио и преко нас? И то чу Господ.
3 Haddaba Muuse wuxuu ahaa ninka ugu wada qalbi qaboobaa dadkii dunida joogay oo dhan.
А Мојсије беше човек врло кротак мимо све људе на земљи.
4 Markaasaa Rabbigu dhaqso ula hadlay Muuse iyo Haaruun iyo Maryan, oo wuxuu ku yidhi, Saddexdiinnuba kaalaya teendhada shirka. Oo saddexdoodiiba way soo bexeen.
И одмах рече Господ Мојсију и Арону и Марији: Дођите вас троје у шатор од састанка. И отидоше њих троје.
5 Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen.
Тада сиђе Господ у ступу од облака, стаде на вратима од шатора. И викну Арона и Марију, и дођоше обоје.
6 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaba bal hadalladayda maqla. Haddii nebi idinku dhex jiro, anigoo Rabbiga ah ayaa muujin isku tusi doona, oo riyo baan kula hadli doonaa.
И рече им: Чујте сада речи моје: пророк кад је међу вама, ја ћу му се Господ јављати у утвари и говорићу с њим у сну.
7 Addoonkayga Muuse sidaas ma aha, oo isagu aamin buu ku yahay gurigayga oo dhan.
Али није такав мој слуга Мојсије, који је веран у свем дому мом.
8 Isaga bayaan baan afkayga ugula hadlayaa, oo hadal gudcur ah kula hadli maayo, oo wuxuu arki doonaa Rabbiga qaabkiisa. Haddaba maxaad uga cabsan weydeen inaad addoonkayga Muuse wax ka sheegtaan?
Њему говорим из уста к устима, и он ме гледа доиста, а не у тами нити у каквој прилици Господњој. Како се дакле не побојасте викати на слугу мог, на Мојсија?
9 Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.
И гнев се Господњи распали на њих, и Он отиде.
10 Oo daruurtiina way ka tagtay teendhada korkeedii; oo Maryanna waxaa ku dhacay baras, oo waxay u caddaatay sida barafka cad oo kale. Markaasaa Haaruun fiiriyey Maryan oo wuxuu arkay inay baras qabto.
И облак се подиже са шатора; и гле, Марија беше губава, бела као снег. И Арон погледа Марију, а она губава.
11 Markaasaa Haaruun Muuse ku yidhi, Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, wixii aannu nacasnimada u samaynay iyo wixii aannu ku dembaabnay aawadood dembi ha noo saarin.
Тада рече Арон Мојсију: Господару, молим те, не мећи на нас греха овог, јер лудо учинисмо и згрешисмо.
12 Waan ku baryayaaye, yaanay ahaan sidii mid dhintay oo kale oo jidhkiisii badh baabba'san yahay markuu uurkii hooyadiis ka soo baxay.
Немој да ова буде као мртво дете, коме је месо пола труло кад излази из утробе мајке своје.
13 Markaasaa Muuse Rabbiga u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Ilaahow, waan ku baryayaaye, iyada bogsii.
И вапи Мојсије ка Господу говорећи: Боже, молим Ти се, исцели је.
14 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddii aabbeheed wejiga kaga candhuufo sow ma ay ceebowdeen intii toddoba maalmood ah? Haddaba xerada ha laga saaro intii toddoba maalmood ah, oo markaas dabadeedna ha la soo celiyo.
А Господ одговори Мојсију: Да јој је отац њен пљунуо у лице, не би ли се стидела седам дана? Нека буде одлучена седам дана изван логора, а после нека буде опет примљена.
15 Kolkaasaa Maryan xerada dibadda looga xidhay, oo dadkiina ma guurin ilamaa Maryan mar kale la soo celiyey.
Тако би Марија одлучена изван логора седам дана; и народ не пође оданде докле Марија не би опет примљена.
16 Oo dabadeedna dadkii Xaseerood way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Faaraan.
А потом пође народ од Асирота, и стадоше у пустињи Фаранској.

< Tirintii 12 >