< Nexemyaah 9 >

1 Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay.
同月二十四日,以色列子民都聚集起來,守齋禁食,穿粗毛衣,頭上頂著灰土。
2 Markaasaa farcankii reer binu Israa'iil waxay iska sooceen dad qalaad oo dhan, oo intay istaageen ayay qirteen dembiyadoodii iyo xumaatooyinkii awowayaashood.
以色列的苗裔,同一切外方人的子孫分開之後,便站起來,坦白承認自己的罪過。和祖先的罪惡。
3 Kolkaasay meeshoodii istaageen oo akhriyeen kitaabkii sharciga Rabbiga Ilaahooda ah intii maalin rubuceed ah; oo haddana rubuc kale ayay wax qirteen, wayna u sujuudeen Rabbiga Ilaahooda ah.
他們各站在自己的地方,三小時之久,誦讀他們天主的法律書;又三小時之久,承認了自己的罪過,跪拜了上主,他們的天主。
4 Markaasaa darajadii reer Laawi waxaa ku kor istaagay Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Qadmii'eel, iyo Shebanyaah, iyo Bunnii, iyo Sheereebyaah, iyo Baanii, iyo Kenaanii, oo cod weyn ayay ugu qayshadeen Rabbiga Ilaahooda ah.
肋未人耶叔亞、彼奴依、卡德米耳、舍巴尼雅、步尼、舍勒彼雅、巴尼、和革納尼,站在高處,大聲呼號上主,他們的天主。
5 Markaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa Yeeshuuca, iyo Qadmii'eel, iyo Baanii, iyo Xashabneyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Shebanyaah, iyo Fetaxyaah, waxay dadkii ku yidhaahdeen, War istaaga oo Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana weligiis iyo weligiis, oo waxay yidhaahdeen, Magacaaga ammaanta badan ha la ammaano, kaasoo ka wada sarreeya kulli mahad iyo ammaan oo dhan.
隨後肋未人耶叔亞、卡德米耳、巴尼、哈沙彼雅、曷狄雅、舍巴尼雅、培塔希雅說道:「起來! 你們應讚頌上主我們的天主,從永遠直到永遠! 」眾人便讚頌他光榮的聖名,因此名遠超一切稱頌和讚美。
6 Adigaa Rabbiga ah oo keligaa baa ah. Waxaad samaysay samada, taasoo ah samada samooyinka, iyo ciidankooda oo dhan, iyo dhulka iyo waxa kor jooga oo dhan, iyo badaha iyo waxa ku jira oo dhan, dhammaantood adigaa sii nooleeya, oo ciidanka samaduna adigay kuu sujuudaan.
厄斯德拉祈禱說:「唯獨你是上主,是你創造了天,天上的天,和天上的一切軍旅,地和地上的一切,海和海中的一切,是你使一切生存;天上的軍旅常在你前跪拜。
7 Adigaa ah Rabbiga Ilaaha ah oo Aabraam doortay, oo isaga ka soo bixiyey Uur tii reer Kaldayiin, oo u bixiyey magaca Ibraahim la yidhaahdo,
上主,你就是那揀選亞巴郎,領他離開加色丁烏爾,給他起名叫阿貝辣罕的天主。
8 oo dabadeedna ogaaday in qalbigiisu hortaada aamin ku yahay, oo isagii axdi kula dhigtay inaad isaga siinaysid dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Girgaash, xataa inaad dalkaas siinaysid farcankiisa; oo erayadaadiina waad oofisay, maxaa yeelay, xaq baad tahay.
你見他的心對你忠實,就與他立約,把客納罕人、赫特人、阿摩黎人、培黎齊人、耶步斯人和基爾加士人的土地,賜給了他的後裔;你履行了你的諾言,因為你是正義的。
9 Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen;
你垂顧了我們祖先在埃及的困苦,俯聽了他們在紅海旁的呼聲,
10 oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay.
遂對法郎和他所有的臣僕,以及他國內所有的民眾,行了奇蹟異能,因為你知道,他們怎樣任性傲慢地,對待了我們的祖先,因而你獲得了大名,直至今日。
11 Oo iyagii hortood ayaad baddii kala qaybisay, oo waxay mareen badda dhexdeedii, oo dhul engegan bay ku socdeen, oo kuwii iyaga eryanayayna sidii dhagax biyo xoog badan lagu dhex riday ayaad moolka ugu tuurtay.
你在我們祖先面前,分開了海,使他們在海中乾地路過,卻把追趕他們的人,拋入深淵,有如把一塊石頭拋入怒潮。
12 Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.
日間你用雲柱領導,夜間你用火柱光照他們所走的路。
13 Waxaad weliba ku soo kor degtay Buur Siinay, oo iyagaad kala hadashay xagga samada, oo waxaad siisay xukummo qumman, iyo sharciyaal xaq ah, iyo qaynuunno wanwanaagsan, iyo amarro,
你降臨西乃山上,從天上向他們施救,賜給了他們公正的條例、真理的法律、美好的規矩及誡命;
14 oo waxaad ogeysiisay Sabtidaada quduuska ah, oo ku amartay amarro, iyo qaynuunno, iyo sharci aad ugu soo dhiibtay addoonkaagii Muuse.
你令他們知道,你神聖的安息日,藉著你的僕人梅瑟,向他們頒佈了規矩、誡命和法律。
15 Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid.
你從天上賜下食物,給他們充飢;使岩石中流出清泉,給他們解渴;命令他們去佔領,。你曾舉手誓許賜與他們的土地。
16 Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,
但是他們,我們的祖先,任性妄為,硬著脖子,不肯聽從你的命令。
17 wayna diideen inay addeecaan, kamana ay fiirsan yaababkaagii aad dhexdooda ku samaysay, laakiinse luquntay adkeeyeen, oo iyagoo caasi ah ayay sirkaal doorteen inay addoonnimadoodii ku noqdaan; laakiinse adigu waxaad tahay Ilaah diyaar u ah inuu wax cafiyo, waxaanad tahay nimco miidhan, oo waxaa kaa buuxda raxmad, cadho waad u gaabisaa, naxariisna hodan baad ka tahay, oo iyagiina ma aadan dayrin.
他們拒絕聽命,忘卻了你在他們中間所行的奇蹟,硬著脖子,立了首領,要回到埃及去當奴隸。但你是寬大為懷,仁愛慈悲,緩於忿怒,富於慈愛的天主,並未拋棄他們;
18 Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,
甚至連他們鑄了一個牛犢說:「這是領你出埃及的天主! 」犯了褻瀆的大罪時,
19 de weliba naxariistaada badan aawadeed iyagii kuma aadan dayrin cidladii. Maalinnimadii tiirkii daruurta ahaa kama uu tegin iyagii si uu jidka ugu hoggaamiyo, oo tiirkii dabka ahaana habeennimadii kama uu tegin si uu iftiin ugu noqdo oo uu jidkii ay mari lahaayeen ugu muujiyo.
你因你無限的仁慈,也沒有將他們拋棄在曠野中;日間在路上領導他們的雲柱,夜間為他們光照道路的火柱,仍沒有離開他們。
20 Oo weliba waxaad siisay ruuxaagii wanaagsanaa inuu iyagii wax baro, oo afkoodana kama aadan joojin maannadaadii, biyo ay ka oon baxaanna waad siisay.
你賜下你溫和的風,使他們甦醒,並沒有將「瑪納」扣住,不給他們充飢,仍賜下了水為他們解渴。
21 Haah, afartan sannadood ayaad iyaga cidlada ku xannaanaynaysay, oo waxba uma ayan baahan, dharkoodiina kama uusan duugoobin, cagahoodiina ma ayan bararin.
四十年之久,你在曠野照顧他們,使他們一無所缺;他們的衣服沒有穿破,他們的腳也沒有腫脹。
22 Oo weliba waxaad iyaga siisay oo saami ugu qaybisay boqortooyooyin iyo dadyow kale, oo sidaasay u hantiyeen dalkii Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon, iyo dalkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan.
你將各國和眾民交給了他們,將各個角落分給了他們,他們遂佔領了赫市朋王息紅,和巴商王敖格的土地。
23 Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan.
你使他們的子孫繁衍,有如天上的繁星,領他們道你誓許與他們的祖先,要去佔領的土地,
24 Markaasay carruurtii dalkii galeen oo hantiyeen, oo waxaad ka hoosaysiisay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Kancaan, waanad gelisay gacmahoodii, iyagii iyo boqorradoodii iyo dadyowgii dalka degganaaba, inay iyaga ku sameeyaan wax alla waxay doonayaan.
他們的子孫便去佔領了那地方;你使那地方的居民客納罕人,屈服在他們面前,將他們的君王和地方上的人民,交在他們的手中,任他們隨意處置。
25 Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn.
他們攻取了堅固的城池,和肥沃的土地,奪得了滿藏寶物的房舍、掘好的井、葡萄園、橄欖園和豐富的果林;他們都吃得飽滿,身體肥胖,安逸享樂,這都是因你無量的慈善。
26 Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.
但是,他們竟抗命背叛了你,將你的法律置諸背後,殺了那些警戒他們,勸他們歸順於你的先知;他們竟犯了這褻瀆的大罪,
27 Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay.
因此你把他們交在仇人的手中,受人迫害。他們遭遇迫害時,一呼求你,你就由天上俯聽了他們,照你無限的仁慈,打發救援者,由仇人手中救出他們;
28 Laakiin markay nasteen ayay wax shar ah hortaada ku sameeyeen, oo sidaas daraaddeed waxaad u daysay gacantii cadaawayaashooda, oo iyana way addoonsadeen iyagii; illowse markay kuu soo noqdeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo marar badan ayaad naxariistaada aawadeed ku samatabbixisay;
然而他們一享平安,便又去做惡背叛你,因此你又把他們拋在他們敵人手中,受他們的管轄;幾時他們再回心轉意呼號你,你就再由天上俯聽他們,照你無限的仁慈拯救他們。
29 oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa, ) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.
你曾警告他們轉向你的法律,但是他們仍恣意妄行,不聽從你的命令,違反你的典章,-人若遵行,必因此而生活,-扭轉倔強的肩膀,硬著脖子,不願服從。
30 Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa.
你多年來容忍他們,藉先知和以你的精神,警戒他們,但他們仍不聽從,所以你將他們交在異方人民手中。
31 Habase yeeshee naxariistaada badan aawadeed dhammaantood ma aadan wada baabbi'in, mana aadan dayrin, maxaa yeelay, waxaad tahay Ilaah raxmad iyo naxariis badan.
但因你無限的仁慈,你沒有消滅他們,也沒有拋棄他們,因為你是博愛仁慈的天主。
32 Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.
現在,我們的天主! 遵守信約,保持仁愛,偉大、全能和可畏的天主! 請不要把我們、我們的君王、我們的首長、我們的司祭、我們的先知、我們的祖先和你的全民眾,從亞述王時代直到今日所遭遇的一切迫害,看作小事。
33 Si kastaba ha ahaatee xaq baad ku tahay waxa nagu dhacay oo dhan, maxaa yeelay, run baad ku socotay, annaguse shar baannu samaynay,
你使這一切降在我們身上,是公義的,因為你所行的是忠義,而我們所行的是邪惡。
34 oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.
我們的君王、我們的首領、我們的司祭和我們的祖先,實在都沒有遵行你的法律,也沒有聽從你的命令和你警戒他們的勸告。
35 Waayo, boqortooyadoodii kuuguma ay adeegin wanaaggaagii weynaa oo aad siisay aawadiis, iyo dalka ballaadhan oo barwaaqaysan oo aad hortooda dhigtay aawadiis, oo kamana ay soo noqon shuqulladoodii sharka ahaa.
他們在你賜給他們的國土上和許多幸福中,在你擺在他們面前的廣大而肥沃的土地上,並沒有侍奉你,也沒有放棄他們的惡行。
36 Bal eeg, annagu maanta waxaannu nahay addoommo, oo dalkii aad awowayaashayo u siisay inay midhihiisa iyo wanaaggiisa cunaan, bal eeg, annagu dhexdiisaannu addoommo ku nahaye.
我們今天竟成了奴隸! 看,我們在你賞給我們祖先吃那裏的果實和出產的土地上,作了奴隸!
37 Oo bal eeg, wuxuu midho badan u dhalaa boqorradii aad korkayaga ka yeeshay dembigayaga aawadiis; oo weliba waxay ugu taliyaan jidhkayaga iyo xoolahayagaba siday doonayaan, oo annana cidhiidhi weyn baannu ku jirnaa.
為了我們的罪過,那豐富的出產歸於你派定來管轄我們的君王,他們隨意處置了我們的肉體和我們的牲畜;我們實在是處在極大的困苦中! 」
38 Oo weliba waxaas oo dhan aawadood waxaannu kula dhiganaynaa axdi daacad ah, waannuna qoraynaa, oo waxaa shaabad ku dhammaynaya amiirradayada, iyo kuwayaga reer Laawi, iyo wadaaddadayada.
鑑於這一切,我們立了盟約,也寫了出來;我們的族長、我們的肋未人和司祭,也在上面蓋了印。

< Nexemyaah 9 >