< Nexemyaah 8 >

1 Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil.
その時民は皆ひとりのようになって水の門の前の広場に集まり、主がイスラエルに与えられたモーセの律法の書を持って来るように、学者エズラに求めた。
2 Markaasaa wadaadkii Cesraa sharcigii hor keenay ururkii ahaa rag iyo dumar iyo in alla intii waxgarasho ku maqli kartay oo dhan, oo waxayna ahayd bishii toddobaad maalinteedii kowaad.
祭司エズラは七月の一日に律法を携えて来て、男女の会衆およびすべて聞いて悟ることのできる人々の前にあらわれ、
3 Oo isna wixii kitaabkii ku qornaa ayuu ku akhriyey meeshii bannaanayd oo iridda biyaha ka horraysay, oo wuxuu akhriyeyey aroortii ilaa hadhkii, wuxuuna ku hor akhriyey raggii iyo dumarkii iyo kuwii garan karayay; oo dadkii oo dhammuna aad bay u dhegaysanayeen kitaabkii sharciga.
水の門の前にある広場で、あけぼのから正午まで、男女および悟ることのできる人々の前でこれを読んだ。民はみな律法の書に耳を傾けた。
4 Oo karraanigii Cesraa ahaa wuxuu kor taagnaa meel sare oo alwaax laga sameeyey oo sababtaas aawadeed loo dhisay; oo dhankiisa midigta waxaa taagnaa Matityaah, iyo Shemac, iyo Canaayaah, iyo Uuriyaah, iyo Xilqiyaah, iyo Macaseeyaah; oo dhankiisa bidixdana waxaa taagnaa Fedaayaah, iyo Miishaa'eel, iyo Malkiyaah, iyo Xaashum, iyo Xashbaddaanaah, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam.
学者エズラはこの事のために、かねて設けた木の台の上に立ったが、彼のかたわらには右の方にマッタテヤ、シマ、アナヤ、ウリヤ、ヒルキヤおよびマアセヤが立ち、左の方にはペダヤ、ミサエル、マルキヤ、ハシュム、ハシバダナ、ゼカリヤおよびメシュラムが立った。
5 Markaasaa Cesraa kitaabkii furay iyadoo dadkii oo dhammu wada arkaan, (waayo, wuu ka wada korreeyey dadka oo dhan; ) oo markuu furay ayaa dadkii oo dhammu wada istaagay.
エズラはすべての民の前にその書を開いた。彼はすべての民よりも高い所にいたからである。彼が書を開くと、すべての民は起立した。
6 Kolkaasaa Cesraa ammaanay Rabbiga ah Ilaaha weyn, oo dadkii oo dhammuna intay gacmaha kor u qaadeen ayay ku jawaabeen, Aamiin, Aamiin; oo intay madaxa foororiyeen ayay Rabbiga u sujuudeen oo wejiga dhulka saareen.
エズラは大いなる神、主をほめ、民は皆その手をあげて、「アァメン、アァメン」と言って答え、こうべをたれ、地にひれ伏して主を拝した。
7 Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.
エシュア、バニ、セレビヤ、ヤミン、アックブ、シャベタイ、ホデヤ、マアセヤ、ケリタ、アザリヤ、ヨザバデ、ハナン、ペラヤおよびレビびとたちは民に律法を悟らせた。民はその所に立っていた。
8 Oo kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey.
彼らはその書、すなわち神の律法をめいりょうに読み、その意味を解き明かしてその読むところを悟らせた。
9 Markaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga.
総督であるネヘミヤと、祭司であり、学者であるエズラと、民を教えるレビびとたちはすべての民に向かって「この日はあなたがたの神、主の聖なる日です。嘆いたり、泣いたりしてはならない」と言った。すべての民が律法の言葉を聞いて泣いたからである。
10 Oo haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga.
そして彼らに言った、「あなたがたは去って、肥えたものを食べ、甘いものを飲みなさい。その備えのないものには分けてやりなさい。この日はわれわれの主の聖なる日です。憂えてはならない。主を喜ぶことはあなたがたの力です」。
11 Haddaba kuwii reer Laawi ayaa dadkii oo dhan aamusiiyey, oo waxay ku yidhaahdeen, War maanta waa quduuse iska aamusa oo ha murugoonina.
レビびともまたすべての民を静めて、「泣くことをやめなさい。この日は聖なる日です。憂えてはならない」と言った。
12 Markaasay dadkii oo dhammu iska tageen inay wax cunaan, oo wax cabbaan, oo ay qaybo diraan, oo ay aad u farxaan, maxaa yeelay, waxay garteen erayadii loo caddeeyey.
すべての民は去って食い飲みし、また分け与えて、大いに喜んだ。これは彼らが読み聞かされた言葉を悟ったからである。
13 Oo madaxdii qabiilooyinka dadka oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi ayaa maalintii labaad karraanigii Cesraa ugu soo wada urureen inay erayada sharciga aad u dhegaystaan.
次の日、すべての民の氏族の長たち、祭司、レビびとらは律法の言葉を学ぶために学者エズラのもとに集まってきて、
14 Oo waxaa sharcigii ku qornaa oo ay ka dhex heleen in Rabbigu Muuse ku amray in reer binu Israa'iil ay waabab ku hoydaan inta lagu jiro iidda bisha toddobaad,
律法のうちに主がモーセに命じられたこと、すなわちイスラエルの人々は七月の祭の間、仮庵の中に住むべきことがしるされているのを見いだした。
15 iyo inay iyaga waajib ku tahay inay kaga dhawaaqaan oo ka naadiyaan magaalooyinkooda oo dhan iyo xataa Yeruusaalem gudaheeda, oo ay yidhaahdaan, Buurta taga oo ka soo gura laamo saytuun ah, iyo kuwo saytuun dibadeed ah, iyo laamo ah geedo hadaas la yidhaahdo, iyo laamo cawbaar ah, iyo geedo waaweyn laamahood in laga sameeyo waabab sida qoran.
またすべての町々およびエルサレムにのべ伝えて、「あなたがたは山に出て行って、オリブと野生のオリブ、ミルトス、なつめやし、および茂った木の枝を取ってきて、しるされてあるとおり、仮庵を造れ」と言ってあるのを見いだした。
16 Sidaas daraaddeed dadkii way bexeen, oo laamihii keeneen, oo waxay dhisteen waabab, oo mid waluba wuxuu ka dhistay saqafka gurigiisa, iyo barxadahooda, iyo barxadihii guriga Ilaah, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Biyaha, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Efrayim.
それで民は出て行って、それを持って帰り、おのおのその家の屋根の上、その庭、神の宮の庭、水の門の広場、エフライムの門の広場などに仮庵を造った。
17 Oo kulli intii maxaabiisnimada ka soo noqotay ururkoodii oo dhammu waxay dhisteen waabab oo waxay degeen waababkii; waayo, reer binu Israa'iil saas ma ay yeelin tan iyo wakhtigii Yashuuca ina Nuun iyo ilaa maalintaas. Oo ayaantaas waxaa jirtay farxad aad u weyn.
捕囚から帰って来た会衆は皆仮庵を造って、仮庵に住んだ。ヌンの子ヨシュアの日からこの日まで、イスラエルの人々はこのように行ったことがなかった。それでその喜びは非常に大きかった。
18 Oo maalintii ugu horraysay ilaa maalintii ugu dambaysay ayuu maalin kasta kitaabkii sharciga Ilaah akhriyi jiray. Oo toddoba maalmood way iidayeen, oo maalintii siddeedaadna waxaa jiray shir iidda lagu dhammaynayay sida qaynuunka waafaqsanayd.
エズラは初めの日から終りの日まで、毎日神の律法の書を読んだ。人々は七日の間、祭を行い、八日目になって、おきてにしたがって聖会を開いた。

< Nexemyaah 8 >