< Nexemyaah 7 >
1 Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,
Baada ya ukuta kukamilika kujengwa upya na nikaweka milango, mabawabu wa lango, waimbaji, na Walawi waliteuliwa.
2 ayaan Yeruusaalem madax uga dhigay walaalkay Xanaanii, iyo Xananyaah oo ahaa taliyihii qalcadda, waayo, wuxuu ahaa nin aamin ah, oo cabsida Ilaahna dad badan buu kaga horreeyey.
Nikamweka Hanani ndugu yangu kuwa kiongozi wa Yerusalemu, pamoja na Hanania jemadari wa ngome, kwa kuwa alikuwa mtu mwadilifu na mwenye kumcha Mungu kuliko watu wengine.
3 Oo waxaan iyagii ku idhi, Jeer ay qorraxdu kululaato yaan la furin irdaha Yeruusaalem, oo intay waardiyayaashu taagan yihiin albaabbada ha la xidho, oo idinku qataara, dadka Yeruusaalem degganna waardiyayaal ka doorta, oo mid waluba ha dhawro meel gurigiisa ka soo hor jeedda.
Nikawaambia, “Malango ya Yerusalemu yasifunguliwe mpaka jua litakapokuwa limepanda. Walinzi wa malango wakiwa bado kwenye zamu, waamuru wafunge milango na waweke makomeo. Pia wateueni wenyeji wa Yerusalemu wawe walinzi, kila mmoja kwenye lindo lake, na wengine karibu na nyumba zao wenyewe.”
4 Haddaba magaaladu way ballaadhnayd, wayna weynayd, laakiinse dadku way ku yaraayeen, oo guryihiina ma ay dhisnayn.
Mji ulikuwa mkubwa, tena wenye nafasi nyingi, lakini walikuwepo watu wachache ndani yake, nazo nyumba zilikuwa bado ni magofu.
5 Markaasaa Rabbigu wuxuu qalbigayga geliyey inaan soo wada ururiyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadkii oo dhanba in abtiriskooda la tiriyo. Oo waxaan helay buuggii uu ku qornaa abtiriskii kuwii markii hore yimid, oo waxaan ka helay oo gudihiisa ku qornaa:
Hivyo Mungu wangu akaweka moyoni mwangu kuwakusanya wakuu, maafisa na watu wa kawaida kwa ajili ya kuorodheshwa kulingana na jamaa zao. Nilikuta orodha ya vizazi ya wale waliokuwa wa kwanza kurudi toka utumwani. Haya ndiyo niliyokuta yameandikwa humo:
6 Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,
Hawa ndio watu wa jimbo waliotoka uhamishoni, ambao Nebukadneza mfalme wa Babeli alikuwa amewachukua mateka (walirudi Yerusalemu na Yuda, kila mmoja kwenye mji wake,
7 oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
wakiwa wamefuatana na Zerubabeli, Yeshua, Nehemia, Azaria, Raamia, Nahamani, Mordekai, Bilshani, Mispereti, Bigwai, Nehumu na Baana): Orodha ya wanaume wa Israeli ilikuwa:
8 Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,
wazao wa Paroshi 2,172
9 reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan,
wazao wa Shefatia 372
10 reer Aaraxna lix boqol iyo laba iyo konton,
wazao wa Ara 652
11 reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo siddeed iyo toban,
wazao wa Pahath-Moabu (wa jamaa ya Yeshua na Yoabu) 2,818
12 reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
wazao wa Elamu 1,254
13 reer Satuuna siddeed boqol iyo shan iyo afartan,
wazao wa Zatu 845
14 reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,
wazao wa Zakai 760
15 reer Binnuwiina lix boqol iyo siddeed iyo afartan,
wazao wa Binui 648
16 reer Beebayna lix boqol iyo siddeed iyo labaatan,
wazao wa Bebai 628
17 reer Casgaadna laba kun iyo saddex boqol iyo laba iyo labaatan,
wazao wa Azgadi 2,322
18 reer Adoniiqaamna lix boqol iyo toddoba iyo lixdan,
wazao wa Adonikamu 667
19 reer Bigwayna laba kun iyo toddoba iyo lixdan,
wazao wa Bigwai 2,067
20 reer Caadiinna lix boqol iyo shan iyo konton,
wazao wa Adini 655
21 reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,
wazao wa Ateri (kupitia Hezekia) 98
22 reer Xaashumna saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan,
wazao wa Hashumu 328
23 reer Beesayna saddex boqol iyo afar iyo labaatan,
wazao wa Besai 324
24 reer Xaariifna boqol iyo laba iyo toban,
wazao wa Harifu 112
25 reer Gibecoonna shan iyo sagaashan,
wazao wa Gibeoni 95
26 raggii reer Beytlaxam iyo reer Netofaahna boqol iyo siddeed iyo siddeetan,
watu wa Bethlehemu na Netofa 188
27 raggii reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan,
watu wa Anathothi 128
28 raggii reer Beytasmaawedna laba iyo afartan,
watu wa Beth-Azmawethi 42
29 raggii reer Qiryad Yecaariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'iroodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,
watu wa Kiriath-Yearimu, Kefira na Beerothi 743
30 raggii reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,
watu wa Rama na Geba 621
31 raggii reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan,
watu wa Mikmashi 122
32 raggii reer Beytel iyo reer Aaciina boqol iyo saddex iyo labaatan,
watu wa Betheli na Ai 123
33 raggii reer Nebona laba iyo konton,
watu wa Nebo 52
34 reerkii Ceelaamtii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
wazao wa Elamu 1,254
35 reer Haarimna saddex boqol iyo labaatan,
wazao wa Harimu 320
36 reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan,
wazao wa Yeriko 345
37 reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo kow iyo labaatan,
wazao wa Lodi, Hadidi na Ono 721
38 reer Senaacaahna saddex kun iyo sagaal boqol iyo soddon.
wazao wa Senaa 3,930
39 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan,
Makuhani: wazao wa Yedaya (kwa jamaa ya Yeshua) 973
40 reer Immeerna kun iyo laba iyo konton,
wazao wa Imeri 1,052
41 reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,
wazao wa Pashuri 1,247
42 reer Haarimna kun iyo toddoba iyo toban.
wazao wa Harimu 1,017
43 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan.
Walawi: wazao wa Yeshua (kupitia Kadmieli kupitia jamaa ya Hodavia) 74
44 Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo afartan.
Waimbaji: wazao wa Asafu 148
45 Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay waxay isku ahaayeen boqol iyo siddeed iyo soddon.
Mabawabu wa malango: wazao wa Shalumu, Ateri, Talmoni, Akubu, Hatita na Shobai 138
46 Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa, iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,
Watumishi wa Hekalu: wazao wa Siha, Hasufa, Tabaothi,
47 iyo reer Qeeros, iyo reer Siicaa, iyo reer Faadoon,
wazao wa Kerosi, Sia, Padoni,
48 iyo reer Lebaanaa, iyo reer Xagaabaah, iyo reer Shalmay,
wazao wa Lebana, Hagaba, Shalmai,
49 iyo reer Xaanaan, iyo reer Giddeel, iyo reer Gaxar,
wazao wa Hanani, Gideli, Gahari,
50 iyo reer Re'aayaah, iyo reer Resiin, iyo reer Neqoodaa,
wazao wa Reaya, Resini, Nekoda,
51 iyo reer Gasaam, iyo reer Cuusaa, iyo reer Faasee'ax,
wazao wa Gazamu, Uza, Pasea,
52 iyo reer Beesay, iyo reer Mecuuniim, iyo reer Nefiishesiim,
wazao wa Besai, Meunimu, Nefusimu,
53 iyo reer Baquuq, iyo reer Xaquufaa, iyo reer Xarxuur,
wazao wa Bakbuki, Hakufa, Harhuri,
54 iyo reer Basliid, iyo reer Mexiidaa, iyo reer Xarshaa,
wazao wa Basluthi, Mehida, Harsha,
55 iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,
wazao wa Barkosi, Sisera, Tema,
56 iyo reer Nesiyax, iyo reer Xatiifaa.
wazao wa Nesia na Hatifa.
57 Oo ilmihii addoommadii Sulaymaanna waxay ahaayeen reer Sotay, iyo reer Sofered, iyo reer Feriidaa,
Wazao wa watumishi wa Solomoni: wazao wa Sotai, Soferethi, Perida,
58 iyo reer Yacalaa, iyo reer Darqoon, iyo reer Giddeel,
wazao wa Yaala, Darkoni, Gideli,
59 iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim, iyo reer Aamoon.
wazao wa Shefatia, Hatili, Pokereth-Hasebaimu na Amoni.
60 Oo reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.
Watumishi wa Hekalu wote na wazao wa watumishi wa Solomoni 392
61 Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addoon, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii ama jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona,
Wafuatao walikuja kutoka miji ya Tel-Mela, Tel-Harsha, Kerubu, Adoni na Imeri, lakini hawakuweza kuthibitisha kwamba jamaa zao zilikuwa uzao wa Israeli:
62 oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo afartan.
wazao wa Delaya, Tobia na Nekoda 642
63 Oo kuwii wadaaddada ahaa waxay ahaayeen reer Xaabaayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Gilecaad oo iyaga lagu magacaabay.
Na kutoka miongoni mwa makuhani: wazao wa Hobaya, Hakosi na Barzilai (mtu aliyekuwa amemwoa binti wa Barzilai, Mgileadi, naye akaitwa kwa jina hilo).
64 Kuwanu waxay magacyadoodii ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.
Hawa walitafuta orodha za jamaa zao, lakini hawakuonekana humo, kwa hiyo waliondolewa kutoka kundi la makuhani, kwa kuwa walihesabiwa kuwa najisi.
65 Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha ugu quduusan wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco.
Kwa hiyo, mtawala aliagiza kuwa wasile chochote miongoni mwa vyakula vitakatifu hadi kuwe kuhani atakayehudumu kwa Urimu na Thumimu.
66 Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,
Jumla ya watu wote waliorudi walikuwa 42,360;
67 oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol iyo shan iyo afartan oo ah rag iyo naago gabya.
tena zaidi ya hao walikuwepo watumishi wa kiume na wa kike 7,337; pia walikuwamo waimbaji wanaume na wanawake 245.
68 Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon, baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,
Walikuwa na farasi 736, nyumbu 245
69 geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan.
ngamia 435 na punda 6,720.
70 Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa shuqulkii wax u bixiyey. Taliyuhu wuxuu khasnadda siiyey kun dirham oo dahab ah, iyo konton maddiibadood, iyo shan boqol iyo soddon khamiis oo ah dhar wadaadood.
Baadhi ya viongozi wa jamaa walichangia kazi ya ujenzi. Mtawala alikabidhi kwenye hazina darkoni 1,000 za dhahabu, mabakuli 50, na mavazi 530 kwa ajili ya makuhani.
71 Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa khasnaddii shuqulka geliyey labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun iyo laba boqol oo mina oo lacag ah.
Baadhi ya viongozi wa jamaa walikabidhi kwenye hazina darkoni 20,000 za dhahabu, na mane 2,200 za fedha kwa ajili ya kazi hiyo.
72 Oo dadka intiisii kale wixii ay bixiyeen waxay ahaayeen labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun oo mina oo lacag ah, iyo toddoba iyo lixdan khamiis oo ah dhar wadaadood.
Jumla ya matoleo ya watu wengine yalikuwa ni darkoni 20,000 za dhahabu, mane 2,000 za fedha, na mavazi sitini na saba ya makuhani.
73 Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii. Oo markii bishii toddobaad la gaadhay reer binu Israa'iil waxay joogeen magaalooyinkoodii.
Makuhani, Walawi, mabawabu, waimbaji na watumishi wa Hekalu, pamoja na baadhi ya watu wengine na Waisraeli waliosalia waliishi katika miji yao wenyewe. Ilipotimia miezi saba, nao Waisraeli wakiwa tayari wanaishi katika miji yao,