< Nexemyaah 6 >
1 Haddaba markii Sanballad iyo Toobiyaah iyo Geshem kii Carabka ahaa, iyo cadaawayaashayadii kale loo sheegay inaan derbigii dhisay iyo inaan innaba daldalool lagu arag (in kastoo wakhtigaas aanan weli qotomin albaabbadii irdaha),
Wakati Sanbalati, Tobia, Geshemu Mwarabu na adui zetu wengine waliposikia kwamba nilijenga upya ukuta na kwamba hakuna sehemu yoyote iliyoachwa ya wazi, ingawa sijawaweka milango katika malango,
2 ayay Sanballad iyo Geshem ii soo cid direen oo waxay yidhaahdeen, Kaalay oo aan ku wada kulanno tuulooyinka bannaanka Oonoo ku yaal middood. Laakiinse waxay ku fikireen inay belaayo igu sameeyaan.
Sanbalati na Geshemu akatuma wajumbe akasema, “Njoni, tukutane pamoja mahali fulani katika tambarare ya Ono.” Lakini walitaka kunidhuru.
3 Oo waxaan u diray wargeeyayaal, oo ku idhi, Waxaan samaynayaa shuqul weyn oo sidaas daraaddeed ma iman karo. Bal maxaa shuqulku u joogsanayaa markaan ka tago oo aan idiin imaado?
Niliwatuma wajumbe kwao, nikasema, “Ninafanya kazi kubwa na siwezi kushuka. Kwa nini kazi isimame wakati nitakapoondoka na kuja kwako?”
4 Oo fartiin caynkaas ah ayay afar jeer ii soo direen; oo anna isla sidii baan ugu jawaabay.
Walituma ujumbe huo huo mara nne, na mimi niliwajibu vile vile kila wakati.
5 Oo haddana isla sidaas oo kale Sanballad wuxuu markii shanaad ii soo diray midiidinkiisii oo gacanta ku sida warqad furan.
Sanbalati alimtuma mtumishi wake kwangu kwa njia ile ile mara ya tano, na barua iliyo wazi mkononi mwake.
6 Oo waxaa ku qornaa, Waxaa quruumaha dhexdooda laga sheegay, Gashmuuna uu leeyahay, in adiga iyo Yuhuudduba aad ku talo jirtaan inaad fallaagowdaan, oo waa taas daraaddeed waxaad derbiga u dhisaysaa, oo sida waafaqsan erayadan la soo sheegay waxaad doonaysaa inaad boqor u ahaatid.
Imeandikwa, “Inaripotiwa kati ya mataifa, na Geshemu pia anasema, kwamba wewe na Wayahudi mna mpango wa kuasi, kwa sababu hiyo ndio mnajenga ukuta. Kutokana na taarifa hizi, unakaribia kuwa mfalme wao.
7 Oo weliba waxaad dooratay nebiyo si ay wax kugu saabsan dadka Yeruusaalem ugu wacdiyaan, iyagoo leh, Dalka Yahuudah waxaa jooga boqor. Haddaba erayadan waxaa loo sheegi doonaa boqorka. Haddaba sidaas daraaddeed kaalay, oo aan tashannee.
Nawe umewachagua manabii kutangaza habari zako juu ya Yerusalemu, wakisema, “Kuna mfalme huko Yuda!” Unaweza kuwa na hakika mfalme atasikia ripoti hizi. Basi, hebu njoo tuzungumze.
8 Markaasaan u cid diray oo ku idhi, Waxaad leedahay oo kale halkan innaba laguma samayn, laakiinse adigaa qalbigaaga ka soo hindisay.
Kisha nikamtuma neno nikisema, “mambo kama hayo hayajafanyika kama unavyosema, kwa maana ndani ya moyo wako umeyabuni.”
9 Waayo, dhammaantood waxay doonayeen inay na cabsiiyaan, oo waxay isyidhaahdeen, Shuqulkay ka daali doonaan, mana dhammayn doonaan. Laakiinse, Ilaahow, xoog ii yeel.
Kwa maana wote walitaka kututisha, wakifikiri, “Wataacha mikono yao kufanya kazi hiyo, na haitafanyika.” Lakini sasa, Mungu, tafadhali imarisha mikono yangu.
10 Markaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan.
Nikaenda nyumbani kwa Shemaya mwana wa Delaya, mwana wa Mehetabeli, aliyefungwa nyumbani mwake. Akasema, “Hebu tukutane pamoja katika nyumba ya Mungu, ndani ya hekalu, na tufunge milango ya hekalu, kwa maana wanakuja kukuua. Usiku wanakuja kukuua.”
11 Aniguse waxaan ku idhi, Nin anigoo kale ahu miyuu cararaa? Bal waase kee, kan aniga ila mid ah oo macbudka u geli lahaa inuu naftiisa ku badbaadiyo? Geli maayo.
Nikajibu, “Je! Mtu kama mimi ninaweza kukimbia? Na mtu kama mimi ninaweza kuingia hekaluni ili nipate kuishi? Sitaingia.”
12 Markaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad.
Niligundua kwamba sio Mungu aliyemtuma, lakini alikuwa amefanya unabii dhidi yangu. Tobia na Sanbalati walimwajiri.
13 Oo taas aawadeed baa isaga loo soo kiraystay inaan cabsado oo saas yeelo oo aan dembaabo, iyo inay iyagu sabab u helaan war xun si ay iigu ceebeeyaan.
Walimpa kazi kunifanya niwe na hofu, ili nifanye kile alichosema na kutenda dhambi, hivyo wangeweza kunipa jina baya ili kuniaibisha.
14 Haddaba Ilaahayow, sida shuqulladoodu yihiin u xusuuso Toobiyaah iyo Sanballad iyo weliba nebiyaddii Noocadyaah iyo nebiyadii kale oo damcay inay i cabsigeliyaan.
Mungu wangu, wakumbuke Tobia na Sanbalati, na yote waliyofanya. Pia mkumbuke nabii Noadia na manabii wengine ambao walijaribu kunifanya niogope.
15 Oo sidaasaa derbigii laba iyo konton maalmood loogu dhammeeyey bishii Eluul maalinteedii shan iyo labaatanaad.
Kwa hiyo ukuta ukamalizika siku ya ishirini na tano ya mwezi wa Eluli, baada ya siku hamsini na mbili.
16 Oo markii cadaawayaashayadii oo dhammu ay taas maqleen ayay kulli quruumihii hareerahayaga ku wareegsanaa oo dhammu wada cabsadeen, oo aad bay u ceeboobeen, waayo, waxay garteen in shuqulkan laga sameeyey Ilaahayaga xaggiisa.
Adui zetu wote waliposikia hayo, mataifa yote yaliyotuzunguka, waliogopa na wakakata tamaa sana machoni pao wenyewe. Kwa maana walijua kazi hiyo ilifanyika kwa msaada wa Mungu wetu.
17 Oo weliba waagaas kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah warqado badan bay u direen Toobiyaah, oo iyagana waxaa u yimid warqadihii Toobiyaah.
Wakati huu wakuu wa Yuda walituma barua nyingi kwa Tobia, na barua za Tobia zikawajia.
18 Waayo, dalka Yahuudah waxaa joogay kuwo badan oo isaga u dhaartay, maxaa yeelay, isaga waxaa soddog u ahaa Shekaanyaah ina Aarax; oo wiilkiisii Yehooxaanaanna wuxuu guursaday Meshullaam ina Berekyaah gabadhiisii.
Kwa maana walikuwa wengi huko Yuda waliofungwa kwa kiapo chake, kwa sababu alikuwa mkwewe Shekania, mwana wa Ara. Mwanawe Yehohanani alikuwa amekuwa mkewe Meshulamu mwana wa Berekia.
19 Oo weliba waxay hortayda kaga hadleen falimihiisii wanaagsanaa, oo hadalkaygana isagay u sheegeen. Toobiyaahna warqaduu iigu soo diray inuu i cabsiiyo.
Pia walizungumza nami kuhusu matendo yake mema na kumwambia maneno yangu. Barua zililetwa kwangu kutoka kwa Tobia kunitisha.