< Nexemyaah 12 >

1 Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,
و اینانند کاهنان و لاویانی که با زربابل بن شئلتیئیل و یشوع برآمدند. سرایا وارمیا و عزرا.۱
2 iyo Amaryaah, iyo Malluug, iyo Xatuush,
امریا و ملوک و حطوش.۲
3 iyo Shekaanyaah, iyo Rexuum, iyo Mereemood,
و شکنیاو رحوم و مریموت.۳
4 iyo Iddo, iyo Ginnetoy, iyo Abiiyaah,
و عدو و جنتوی و ابیا.۴
5 iyo Miyaamin, iyo Macadyaah, iyo Bilgaah,
ومیامین و معدیا و بلجه.۵
6 iyo Shemacyaah, iyo Yooyaariib, iyo Yedacyaah,
و شمعیا و یویاریب و یدعیا.۶
7 iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.
و سلو و عاموق و حلقیا و یدعیا. اینان روسای کاهنان و برادران ایشان در ایام یشوع بودند.۷
8 Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.
و لاویان: یشوع و بنوی و قدمیئیل وشربیا و یهودا و متنیا که او و برادرانش پیشوایان تسبیح خوانان بودند.۸
9 Oo weliba Baqbuqyaah iyo Cunnii oo ahaa walaalahood waxay ku jireen gudaha oo iyagay ka soo hor jeedeen.
و برادران ایشان بقبقیه وعنی در مقابل ایشان در جای خدمت خود بودند.۹
10 Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,
و یشوع یویاقیم را تولید نمود و یویاقیم الیاشیب را آورد و الیاشیب یویاداع را آورد.۱۰
11 Yooyaadaacna wuxuu dhalay Yoonaataan, Yoonaataanna wuxuu dhalay Yadduuca.
ویویاداع یوناتان را آورد و یوناتان یدوع را آورد.۱۱
12 Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah,
و در ایام یویاقیم روسای خاندانهای آبای کاهنان اینان بودند. از سرایا مرایا و از ارمیا حننیا.۱۲
13 reer Cesraana Meshullaam, reer Amaryaahna Yehooxaanaan,
و از عزرا، مشلام و از امریا، یهوحانان.۱۳
14 reer Meliikuuna Yoonaataan, reer Shebanyaahna Yuusuf,
و ازملیکو، یوناتان و از شبنیا، یوسف.۱۴
15 reer Haarimna Cadnaa, reer Meraayoodna Xelqay,
و از حاریم، عدنا و از مرایوت، حلقای.۱۵
16 reer Iddona Sekaryaah, reer Ginnetoonna Meshullaam,
و از عدو، زکریا واز جنتون، مشلام.۱۶
17 reer Abiiyaahna Sikrii, reer Minyaamiinna, reer Moocadyaahna Filtay,
و از ابیا، زکری و از منیامین و موعدیا، فلطای.۱۷
18 reer Bilgaahna Shammuuca, reer Shemacyaahna Yehoonaataan,
و از بلجه، شموع و ازشمعیا، یهوناتان.۱۸
19 reer Yooyaariibna Matenay, reer Yedacyaahna Cusii,
و از یویاریب، متنای و ازیدعیا، عزی.۱۹
20 reer Sallayna Qallay, reer Caamooqna Ceeber,
و از سلای، قلای و از عاموق، عابر.۲۰
21 reer Xilqiyaahna Xashabyaah, reer Yedacyaahna Netaneel.
و از حلقیا، حشبیا و از یدعیا، نتنئیل.۲۱
22 Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa.
و روسای آبای لاویان، در ایام الیاشیب ویهویاداع و یوحانان و یدوع ثبت شدند و کاهنان نیز در سلطنت داریوش فارسی.۲۲
23 Kuwii reer Laawi oo ahaa madaxdii qabiilooyinka waxaa lagu qoray kitaabkii taariikhda tan iyo wakhtigii Yooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib.
و روسای آبای بنی لاوی در کتاب تواریخ ایام تا ایام یوحانان بن الیاشیب ثبت گردیدند.۲۳
24 Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.
و روسای لاویان، حشبیا و شربیا و یشوع بن قدمیئیل وبرادرانشان در مقابل ایشان، تا موافق فرمان داودمرد خدا، فرقه برابر فرقه، حمد و تسبیح بخوانند.۲۴
25 Oo Matanyaah, iyo Baqbuqyaah, iyo Cobadyaah, iyo Meshullaam, iyo Talmon, iyo Caquub waxay ahaayeen irid-dhawryadii dhawri jiray bakhaarradii u dhowaa irdaha.
و متنیا و بقبقیا و عوبدیا و مشلام و طلمون وعقوب دربانان بودند که نزد خزانه های دروازه هاپاسبانی می‌نمودند.۲۵
26 Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.
اینان در ایام یویاقیم بن یشوع بن یوصاداق و در ایام نحمیای والی وعزرای کاهن کاتب بودند.۲۶
27 Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.
و هنگام تبریک نمودن حصار اورشلیم، لاویان را از همه مکان های ایشان طلبیدند تا ایشان را به اورشلیم بیاورند که با شادمانی و حمد و سرود بادف و بربط و عود آن را تبریک نمایند.۲۷
28 Oo kuwii gabayaaga ahaana waxay iska soo urursadeen bannaankii Yeruusaalem ku wareegsanaa iyo tuulooyinkii reer Netofaah,
پس پسران مغنیان، از دایره گرداگرد اورشلیم و ازدهات نطوفاتیان جمع شدند.۲۸
29 iyo weliba Beytgilgaal, iyo beerihii Gebac, iyo Casmawed, waayo, kuwii gabayaaga ahaa tuulooyin ayay ka dhisteen Yeruusaalem hareeraheeda.
و از بیت جلجال و از مزرعه های جبع و عزموت، زیرا که مغنیان به اطراف اورشلیم به جهت خود دهات بنا کرده بودند.۲۹
30 Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii.
و کاهنان و لاویان خویشتن را تطهیرنمودند و قوم و دروازه‌ها و حصار را نیز تطهیرکردند.۳۰
31 Kolkaasaan amiirradii dalka Yahuudah keenay derbiga dushiisa, oo waxaan doortay laba kooxood oo waaweyn oo mahadnaqa, oo kooxba raggeedu isdaba socdo. Midi waxay tagtay xagga midig derbiga dushiisa ee Iridda Digada,
و من روسای یهودا را بر سر حصارآوردم و دو فرقه بزرگ از تسبیح خوانان معین کردم که یکی از آنها به طرف راست بر سر حصارتا دروازه خاکروبه به هیئت اجماعی رفتند.۳۱
32 oo waxaa iyagii daba galay Hooshacyaah iyo amiirradii dalka Yahuudah badhkood,
و در عقب ایشان، هوشعیا و نصف روسای یهودا.۳۲
33 iyo Casaryaah, iyo Cesraa, iyo Meshullaam,
و عزریا و عزرا و مشلام.۳۳
34 iyo Yahuudah, iyo Benyaamiin, iyo Shemacyaah, iyo Yeremyaah,
و یهودا وبنیامین شمعیا و ارمیا.۳۴
35 iyo wiilashii wadaaddada qaarkood oo turumbooyin wata, kuwaasoo ahaa Sekaryaah oo ahaa ina Yoonaataan, ina Shemacyaah, ina Matanyaah, ina Miikaayaah, ina Sakuur, ina Aasaaf,
و بعضی از پسران کاهنان با کرناها یعنی زکریا ابن یوناتان بن شمعیاابن متنیا ابن میکایا ابن زکور بن آصاف.۳۵
36 iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah, iyo Casareel, iyo Milalay, iyo Gilalay, iyo Maacay, iyo Netoneel, iyo Yahuudah, iyo Xanaanii, iyagoo wata alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa ninka Ilaah, oo iyaga waxaa u horreeyey karraanigii Cesraa.
وبرادران او شمعیا و عزریئیل و مللای و جللای وماعای و نتنئیل و یهودا و حنانی با آلات موسیقی داود مرد خدا، و عزرای کاتب پیش ایشان بود.۳۶
37 Oo xagga Iriddii Isha Biyaha iyo hortoodii ku qummanayd ayay kor u fuuleen jaranjaradii magaalada Daa'uud meesha derbiga laga fuulo oo ka korraysa gurigii Daa'uud, iyo ilaa Iridda Biyaha oo xagga bari ah.
پس ایشان نزد دروازه چشمه که برابر ایشان بود، بر زینه شهر داود بر فراز حصار بالای خانه داود، تا دروازه آب به طرف مشرق رفتند.۳۷
38 Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan,
وفرقه دوم، تسبیح خوانان در مقابل ایشان به هیئت اجماعی رفتند و من و نصف قوم بر سر حصار، ازنزد برج تنور تا حصار عریض در عقب ایشان رفتیم.۳۸
39 iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.
و ایشان از بالای دروازه افرایم و بالای دروازه کهنه و بالای دروازه ماهی و برج حننئیل وبرج مئه تا دروازه گوسفندان (رفته )، نزد دروازه سجن توقف نمودند.۳۹
40 Oo sidaasay u joogsadeen labadii kooxood oo kuwii mahadda ku naqi jiray gurigii Ilaah, iyo aniga, iyo taliyayaashii badhkood oo ila joogay,
پس هر دو فرقه تسبیح خوانان در خانه خدا ایستادند و من و نصف سروران ایستادیم.۴۰
41 iyo wadaaddadii ahaa Elyaaqiim, iyo Macaseeyaah, iyo Minyaamim, iyo Miikaayaah, iyo Eliyooceenay, iyo Sekaryaah, iyo Xananyaah, oo wata turumbooyin;
و الیاقیم و معسیا ومنیامین و میکایا و الیوعینای و زکریا وحننیای کهنه با کرناها،۴۱
42 iyo Macaseeyaah, iyo Shemacyaah, iyo Elecaasaar, iyo Cusii, iyo Yehooxaanaan, iyo Malkiiyaah, iyo Ceelaam, iyo Ceser. Oo kuwii gabayaaga ahaana cod dheer bay kula gabyeen Yesraxyaah oo ahaa madaxoodii.
و معسیا و شمعیا والعازار و عزی و یوحانان و ملکیا و عیلام و عازر، و مغنیان و یزرحیای وکیل به آواز بلندسراییدند.۴۲
43 Oo maalintaas waxaa la bixiyey allabaryo badan, oo waa la wada farxay, waayo, Ilaah baa farxad weyn kaga farxiyey, oo dumarkii iyo carruurtiina way farxeen, sidaas daraaddeed Yeruusaalem farxaddeedii waxaa laga maqlay meel fog.
و در آن روز، قربانی های عظیم گذرانیده، شادی نمودند، زیرا خدا ایشان را بسیار شادمان گردانیده بود و زنان و اطفال نیز شادی نمودند. پس شادمانی اورشلیم از جایهای دور مسموع شد.۴۳
44 Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.
و در آن روز، کسانی چند بر حجره‌ها به جهت خزانه‌ها و هدایا و نوبرها و عشرها تعیین شدند تا حصه های کاهنان و لاویان را ازمزرعه های شهرها برحسب تورات در آنها جمع کنند، زیرا که یهودا درباره کاهنان و لاویانی که به خدمت می‌ایستادند، شادی می‌نمودند.۴۴
45 Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa.
وایشان با مغنیان و دربانان، موافق حکم داود وپسرش سلیمان، ودیعت خدای خود و لوازم تطهیر را نگاه داشتند.۴۵
46 Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah.
زیرا که در ایام داود وآساف از قدیم، روسای مغنیان بودند وسرودهای حمد و تسبیح برای خدا(می خواندند).۴۶
47 Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.
و تمامی اسرائیل در ایام زربابل و در ایام نحمیا، حصه های مغنیان ودربانان را روز به روز می‌دادند و ایشان وقف به لاویان می‌دادند و لاویان وقف به بنی هارون می‌دادند.۴۷

< Nexemyaah 12 >