< Nexemyaah 10 >

1 Haddaba kuwii shaabad ku dhammeeyey waxay ahaayeen Nexemyaah oo ahaa taliyaha oo ahaa ina Xakalyaah, iyo Sidqiyaah,
Sul documento sigillato firmarono Neemia il governatore, figlio di Akalià, e Sedecìa,
2 iyo Seraayaah, iyo Casaryaah, iyo Yeremyaah,
Seraia, Azaria, Geremia,
3 iyo Fashxuur, iyo Amaryaah, iyo Malkiiyaah,
Pascur, Amaria, Malchia,
4 iyo Xatuush, iyo Shebanyaah, iyo Malluug,
Cattus, Sebania, Malluch,
5 iyo Haarim, iyo Mereemood, iyo Cobadyaah,
Carim, Meremòt, Abdia,
6 iyo Daanyeel, iyo Ginnetoon, iyo Baaruug,
Daniele, Ghinneton, Baruch,
7 iyo Meshullaam, iyo Abiiyaah, iyo Miyaamin,
Mesullàm, Abia, Miamin,
8 iyo Macasyaah, iyo Bilgay, iyo Shemacyaah. Oo intaasu waxay ahaayeen wadaaddadii.
Maazia, Bilgai, Semaia; questi sono i sacerdoti.
9 Oo kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Yeeshuuca ina Asanyaah, iyo Binnuwii oo ahaa reer Xeenaadaad, iyo Qadmii'eel,
Leviti: Giosuè, figlio di Azania, Binnui dei figli di Chenadàd, Kadmiel,
10 iyo walaalahood oo ahaa Shebanyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Qeliitaa, iyo Felaayaah, iyo Xaanaan,
e i loro fratelli Sebania, Odia, Kelita, Pelaia, Canàn,
11 iyo Miikaa, iyo Rexob, iyo Xashabyaah,
Mica, Recob, Casaoià,
12 iyo Sakuur, iyo Sheereebyaah, iyo Shebanyaah,
Zaccur, Serebia, Sebania,
13 iyo Hoodiyaah, iyo Baanii, iyo Beniinuu.
Odia, Bani, Beninu.
14 Oo madaxdii dadkuna waxay ahaayeen: Farcosh, iyo Faxad Moo'aab, iyo Ceelaam, iyo Satuu, iyo Baanii,
Capi del popolo: Pareos, Pacat-Moab, Elam, Zattu, Bani,
15 iyo Bunnii, iyo Casgaad, iyo Beebay,
Bunni, Azgad, Bebai,
16 iyo Adoniiyaah, iyo Bigway, iyo Caadiin,
Adonia, Bigvai, Adin,
17 iyo Aateer, iyo Xisqiyaah, iyo Casuur,
Ater, Ezechia, Azzur,
18 iyo Hoodiyaah, iyo Xaashum, iyo Beesay,
Odia, Casum, Bezai,
19 iyo Xaariif, iyo Canaatood, iyo Noobay,
Carif, Anatòt, Nebai,
20 iyo Magfiicaash, iyo Meshullaam, iyo Xeesiir,
Magpias, Mesullàm, Chezìr,
21 iyo Mesheysabeel, iyo Saadooq, iyo Yadduuca,
Mesezabeèl, Zadòk, Iaddua,
22 iyo Felatyaah, iyo Xaanaan, iyo Canaayaah,
Pelatia, Canan, Anaia,
23 iyo Hoosheeca, iyo Xananyaah, iyo Xashuub,
Osea, Anania, Cassùb,
24 iyo Hallooxeesh, iyo Filxaa, iyo Shoobeeq,
Alloches, Pilca, Sobek,
25 iyo Rexuum, iyo Xashabnaah, iyo Macaseeyaah,
Recum, Casabna, Maaseia,
26 iyo Axiiyaah, iyo Xaanaan, iyo Caanaan,
Achia, Canàn, Anan,
27 iyo Malluug, iyo Haarim, iyo Bacanaah.
Malluch, Carim, Baana.
28 Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,
Il resto del popolo, i sacerdoti, i leviti, i portieri, i cantori, gli oblati e quanti si erano preparati dai popoli dei paesi stranieri per aderire alla legge di Dio, le loro mogli, i loro figli e le loro figlie, quanti avevano conoscenza e intelligenza,
29 waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,
si unirono ai loro fratelli più ragguardevoli e si impegnarono con giuramento a camminare nella legge di Dio, data per mezzo di Mosè, servo di Dio, ad osservare e mettere in pratica tutti i comandi del Signore, Dio nostro, le sue decisioni e le sue leggi.
30 iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;
E in particolare: a non dare le nostre figlie agli abitanti del paese e a non prendere le loro figlie per i nostri figli;
31 iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.
a non comprar nulla in giorno di sabato o in altro giorno sacro dai popoli che portassero a vendere in giorno di sabato qualunque genere di merci o di derrate; a lasciare in riposo la terra ogni settimo anno e a rinunziare a ogni credito.
32 Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah:
Ci siamo anche imposto per legge di dare ogni anno il terzo di un siclo per il servizio della casa del nostro Dio:
33 kibistii tusniinta, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo kan Sabtiyada, iyo kan bilaha cusub, iyo kan iidaha la amray, iyo kan waxyaalaha quduuska ah, iyo qurbaannada dembiga si kafaaraggud loogu sameeyo reer binu Israa'iil, iyo kulli waxa loo sameeyo guriga Ilaah oo dhan.
per i pani dell'offerta, per il sacrificio continuo, per l'olocausto perenne, per i sacrifici dei sabati, dei noviluni, delle feste, per le offerte sacre, per i sacrifici espiatori in favore di Israele e per ogni lavoro della casa del nostro Dio.
34 Oo innagoo ah wadaaddada iyo kuwii reer Laawi iyo dadkii kaleba saami baynu u ridannay qurbaanka qoryaha inaynu wakhtigii sannad kasta la amray qoryo gelinayno guriga Ilaaheenna sida qolooyinkeennu yihiin, si qoryaha loogu dul shido meesha allabariga ee Rabbiga Ilaaheenna ah, siday taasu sharciga ugu qoran tahay,
Tirando a sorte, noi sacerdoti, leviti e popolo abbiamo deciso circa l'offerta della legna da portare alla casa del nostro Dio, secondo i nostri casati paterni, a tempi fissi, anno per anno, perché sia bruciata sull'altare del Signore nostro Dio, come sta scritto nella legge.
35 iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah,
Ci siamo impegnati a portare ogni anno nel tempio le primizie del nostro suolo e le primizie di ogni frutto di qualunque pianta,
36 iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna;
come anche i primogeniti dei nostri figli e del nostro bestiame, secondo quanto sta scritto nella legge, e i primi parti del nostro bestiame grosso e minuto, per presentarli nella casa del nostro Dio ai sacerdoti che prestano servizio nella casa del nostro Dio.
37 iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.
Ci siamo anche impegnati a portare ai sacerdoti nelle stanze della casa del nostro Dio le primizie della nostra pasta, le nostre offerte prelevate, cioè le primizie dei frutti di qualunque albero, del vino e dell'olio, e a dare la decima delle rendite del nostro suolo ai leviti. I leviti stessi preleveranno queste decime in tutti i luoghi da noi coltivati.
38 Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda.
Un sacerdote, figlio di Aronne, sarà con i leviti quando preleveranno le decime; i leviti porteranno un decimo della decima alla casa del nostro Dio nelle stanze del tesoro;
39 Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.
perché in quelle stanze i figli d'Israele e i figli di Levi devono portare l'offerta prelevata sul frumento, sul vino e sull'olio; in quel luogo stanno gli arredi del santuario, i sacerdoti che prestano il servizio, i portieri e i cantori. Ci siamo impegnati così a non trascurare la casa del nostro Dio.

< Nexemyaah 10 >