< Naxuum 3 >

1 Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga! Waayo, dhammaanteed waxaa ka buuxa been iyo dhac, oo boobkuna iyada kama dhammaado.
Kaiton birni mai zub da jini, wadda take cike da ƙarairayi, cike da ganima, wadda ba a rasa masu fāɗawa cikin wahala!
2 Oo waxaa ka buuxa dhawaaqa karbaashka, iyo dhawaaqa giraangiraha qablamaya, iyo fardo qoobqaadaya, iyo gaadhifardoodyo boodboodaya,
Ku ji karar bulala da kwaramniyar ƙafafu, da sukuwar dawakai da girgizar kekunan yaƙi!
3 iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,
Mahaya dawakai sun kunno kai, takuba suna walƙiya, māsu kuma suna ƙyali; ga ɗumbun da aka kashe ga tsibin matattu, gawawwaki ba iyaka, mutane suna tuntuɓe da gawawwaki,
4 maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.
duk saboda yawan sha’awace-sha’awacen karuwa, mai daɗin baki, uwargidan maita, wadda ta ɓad da al’ummai ta wurin karuwancinta ta kuma ɓad da mutane ta wurin maitancinta.
5 Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.
“Ina gāba da ke,” in ji Ubangiji Maɗaukaki. “Zan kware fatarinki a idonki. Zan nuna wa al’ummai tsiraicinki, masarautai kuma kunyarki.
6 Oo wasakh baan korkaaga ku tuuri doonaa, oo ceeb baan ku saari doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa wax lagu dhaygago.
Zan watsa miki ƙazanta, in yi miki wulaƙanci in kuma mai da ke abin reni.
7 Oo waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?
Duk wanda ya gan ki zai gudu daga gare ki yana cewa, ‘Ninebe ta lalace, wa zai yi makoki domin ta?’ Ina zan sami wani wanda zai yi miki ta’aziyya?”
8 Bal adigu miyaad ka wanaagsan tahay Noo Aamoon, taasoo webiyada dhexdooda ku jirtay, oo ay biyuhu ku hareeraysnaayeen, oo dhufayskeedu u badda ahaa, derbigeeduna u badda ahaa?
Kin fi Tebes ne da take a bakin Nilu, da ruwa yake kewaye da ita? Rafi shi ne kāriyarta, ruwanta kuma katanga.
9 Itoobiya iyo Masar waxay ahaayeen xooggeeda aan dhammaadka lahayn, oo reer Fuud iyo reer Luubiimna waxay ahaayeen kuwii u hiilin jiray.
Kush da kuma Masar su ne ƙarfinta marar iyaka; Fut da Libiya suna cikin mataimakanta.
10 Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.
Duk da haka an tafi da ita ta kuma tafi bauta. Aka fyaɗa ƙanananta da ƙasa aka yayyanka su gunduwa-gunduwa a kan kowane titi. Aka jefa ƙuri’a a kan manyan mutanenta, aka daure manyan mutanenta da sarƙoƙi.
11 Oo weliba adigu waad sakhraami doontaa oo waad qarsoonaan doontaa, adiguna cadowga aawadiis dufays baad doondooni doontaa.
Ke ma za ki bugu, za ki ɓuya. Ki kuma nemi mafaka daga wurin abokin gāba.
12 Qalcadahaaga oo dhammu waxay noqon doonaan sida geedo berde ah oo midho hore u bislaaday ku yaalliin, oo haddii la ruxruxo waxay ku soo daatan kan wax cuna afkiisa.
Dukan kagarunki suna kama da itatuwan ɓaure da’ya’yansu da suka nuna. Da an girgiza, sai ɓaure su zuba a bakin mai sha.
13 Bal eeg, dadkaaga ku dhex jooga waa dumar, oo irdaha dalkaaguna waa u bannaan yihiin cadaawayaashaada, oo qataaradaadiina dab baa baabbi'iyey.
Dubi mayaƙanki, duk mata ne! Ƙofofin ƙasarki a buɗe suke ga abokan gābanki, wuta ta cinye madogaransu.
14 Biyo u soo dhaanso hareeraynta aawadeed, oo qalcadahaagana adkee. Dhoobada dhex gal, oo dhigada ku joogjoogso, oo xoog u yeel meesha lebenka lagu dubo.
Ki ja ruwa gama za a kewaye ki da yaƙi. Ki ƙara ƙarfin kagaranki! Ki kwaɓa laka, ki sassaƙa turmi ki gyara abin yin tubali!
15 Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.
A can wuta za tă cinye ki; takobi zai sare ki, kuma kamar fāra, za a cinye ki. Ki riɓaɓɓanya kamar fāra, ki riɓaɓɓanya kamar fārin ɗango!
16 Baayacmushtariyaashaadii waxaad ka sii badisay xiddigaha samada, koronkorraduse intay wax cunto bay iska duushaa.
Kin ƙara yawan masu kasuwancinki har sai da suka fi taurarin sama. Amma kamar fāra sun cinye ƙasar sa’an nan suka tashi, suka tafi.
17 Kuwaaga taajka lahu waa sidii ayax oo kale, oo karraaniyaashaaduna waa sidii kobojaan raxan ah, kaasoo maalintii qabow xaydaanka dhex dega, laakiinse kolkii qorraxdu soo baxdo way iska cararaan, oo meeshay joogaan lama yaqaan.
Masu tsaronki suna kama da fāri ɗango, shugabanninki sun yi cincirindo kamar fārin ɗango da suka sauka a kan bango a rana mai sanyi, amma da rana ta fito, duk za su tashi su tafi, ba kuma wanda ya san inda suka nufa.
18 Boqorkii Ashuurow, adhijirradaadii lulo baa haysa, geesiyaashaadii way nasanayaan, dadkaagii wuxuu ku kala firidhsan yahay buuraha dushooda, oo wax iyaga soo ururiyana lama arko.
Ya sarkin Assuriya, makiyayanka sun yi barci; manyan mutanenka sun kwanta su huta. An watsar da mutanenka a cikin duwatsu, ba wanda zai tattaro su.
19 Nabarkaagu bogsan maayo, dhaawacaaguna aad buu u xun yahay, oo kuwa warkaaga maqla oo dhammuba way kugu sacab tumaan, waayo, bal waa kuma kan aanay xumaantaadu had iyo goorba gaadhin?
Ba abin da zai warkar da rauninka; rauninka ya yi muni. Duk wanda ya ji labarinka zai tafa hannuwansa saboda farin cikin fāɗuwarka, gama wane ne bai ji jiki a hannunka ba?

< Naxuum 3 >