< Naxuum 2 >

1 Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.
Mai hari yana matsowa a kanki, Ninebe. Ki tsare mafaka, ki yi gadin hanya ki sha ɗamara ki tattaro dukan ƙarfinki!
2 Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.
Ubangiji zai maido da darajar Yaƙub, kamar ta Isra’ila, ko da yake masu washewa sun washe su suka kuma lalatar da inabinsu.
3 Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.
Garkuwoyin sojojinsa ja wur ne; jarumawansa suna sanye da kaya masu ruwan jan garura. Ƙarafan kekunan yaƙi suna walƙiya a ranar da aka shirya su; ana kaɗa māsu da bantsoro.
4 Gaadhifardoodyada ayaa jidadka dhexdooda ka gurdamaya, oo jidadka balballaadhan ayaa midkoodba kan kale ku cidhiidhinaya, oo muuqashadooduna waa sida qori iftiimaya oo kale, waxayna u ordayaan sida hillaaca oo kale.
Kekunan yaƙi sun zabura a tituna, suna kai da kawowa a dandali. Suna walƙiya kamar tocila suna sheƙawa a guje kamar walƙiya.
5 Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.
Ninebe ta tattara rundunarta, duk da haka sun yi ta tuntuɓe a kan hanyarsu. Sun ruga zuwa katangan birnin, sun sanya garkuwar kāriya a inda ya kamata.
6 Irdihii webiyaashu way furmeen, oo gurigii boqorkuna waa baabba'ay.
An buɗe ƙofofin rafuffukan sai wurin ya rurrushe.
7 Husab waa qaawan tahay, iyadii waa la kaxaystay, oo addoommaheediina waxay ugu musannaabayaan cod u eg midka qoolleyda oo kale, laabtana way garaacayaan.
An umarta cewa birnin za tă tafi bauta, za a kuma yi gaba da su. Bayi’yan mata suna kuka kamar tattabaru suna buga ƙirjinsu.
8 Laakiinse Nineweh waxay tan iyo waagii hore ahaan jirtay sidii balli biya ah, habase yeeshee way cararayaan. Waxaa lagu qayliyaa, War jooga, jooga! laakiinse ninna dib uma eego.
Ninebe tana kama da tafki, wanda ruwanta yana yoyo. Suna kuka suna cewa, “Ku tsaya! Ku tsaya,” amma ba wanda ya waiga.
9 War lacagta dhaca, oo dahabka dhaca, waayo, kaydka iyo maalka wacan oo sharafta leh oo dhammu innaba dhammaad ma leh.
A washe azurfa; a washe zinariya; dukiyarsu ba ta da iyaka, arzikinsu kuma ba ya ƙarewa.
10 Way madhan tahay, oo waa baabba', oo waa cidla, oo qalbigu waa dhalaalayaa, lowyuhuna way isgaraacayaan, oo qof kasta dhexdiisa xanuun baa ku jira, oo kulligoodna wejigooda cabsi baa ka muuqanaysa.
Ta zama wofi, an washe ta, an tuɓe ta! Zukata sun narke, gwiwoyi suna kaɗuwa, jikuna suna rawa, fuskoki duk sun kwantsare!
11 Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?
Ina kogon zakokin nan yake yanzu, inda suka ciyar da’ya’yansu, inda zaki da zakanya sukan shiga, da’ya’yansu, ba mai damunsu
12 Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.
Zaki ya kashe abin da ya ishe’ya’yansa ya kuma murɗe wuyan dabbobi ya cika wurin zamansa da abin da ya kama ya cika kogwanninsa da abin da ya kashe.
13 Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.
“Ina gāba da ke,” in ji Ubangiji Maɗaukaki. “Zan ƙone kekunan yaƙinki, takobi kuma zai fafare’ya’yan zakokinki. Ba kuma zan bar miki namun jejin da za ki kashe a duniya ba. Ba kuwa za a ƙara jin muryar’yan saƙonki ba.”

< Naxuum 2 >