< Naxuum 2 >

1 Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.
因為上主要恢復雅各伯的葡萄園,因為劫掠者搶掠了他們,且破壞了他們的葡萄蔓。
2 Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.
尼尼微,有個破壞者上來攻擊你,你應把守堡壘,防守要道,朿緊你的腰,集中你的全力!
3 Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.
他勇士的盾牌是赤色的,戰士穿的衣服是深紅的;在他整裝待發之日,戰車閃爍如火,騎士疾馳如飛。
4 Gaadhifardoodyada ayaa jidadka dhexdooda ka gurdamaya, oo jidadka balballaadhan ayaa midkoodba kan kale ku cidhiidhinaya, oo muuqashadooduna waa sida qori iftiimaya oo kale, waxayna u ordayaan sida hillaaca oo kale.
戰車在大路上奔馳,在廣場上疾駛,形狀有如火炬,疾行有如閃電。
5 Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.
亞述王召集了他的精銳,而他們卻在行軍時顛仆;急忙跑近城堡,但高楯已舉起。
6 Irdihii webiyaashu way furmeen, oo gurigii boqorkuna waa baabba'ay.
河閘打開了,皇宮大為震驚。
7 Husab waa qaawan tahay, iyadii waa la kaxaystay, oo addoommaheediina waxay ugu musannaabayaan cod u eg midka qoolleyda oo kale, laabtana way garaacayaan.
漆布裸體被擄去,她的使女們呻吟如鴿,各自搥胸。
8 Laakiinse Nineweh waxay tan iyo waagii hore ahaan jirtay sidii balli biya ah, habase yeeshee way cararayaan. Waxaa lagu qayliyaa, War jooga, jooga! laakiinse ninna dib uma eego.
尼尼微好似一個水池,池水洶湧流出,出有人喊:「止住! 止住! 」但無一人回顧。
9 War lacagta dhaca, oo dahabka dhaca, waayo, kaydka iyo maalka wacan oo sharafta leh oo dhammu innaba dhammaad ma leh.
「你們搶奪銀子,搶奪金子! 」有無盡的寶藏,有無數的珍器。
10 Way madhan tahay, oo waa baabba', oo waa cidla, oo qalbigu waa dhalaalayaa, lowyuhuna way isgaraacayaan, oo qof kasta dhexdiisa xanuun baa ku jira, oo kulligoodna wejigooda cabsi baa ka muuqanaysa.
搶掠、洗劫。蹂躪! 人心沮喪,兩膝打顫,雙腰發抖,面無血色。
11 Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?
獅子穴,幼獅洞,今在何處﹖哪裏原是雄獅、母獅和幼獅出竹之所,無人敢驚它們!
12 Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.
雄獅曾為幼獅撕裂獵物,為母獅扼死野獸,將獵物簊滿牠的洞穴,將掠物充塞牠的窟穴。
13 Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.
看,我必攻擊你! ──上主的斷語──我要在濃煙中燒毀你的洞穴,使刀劍吞食你的幼獅,由地上掃除你的掠物,令人再也聽不到你使者的聲音。

< Naxuum 2 >