< Naxuum 1 >

1 Kanu waa warka culus oo Nineweh ku saabsan. Oo waa kitaabkii waxa Naxuum kii reer Elkosh la tusay.
Maono kuhusu Ninawi. Kitabu cha maono ya Nahumu, Mwelkoshi.
2 Rabbigu waa Ilaah masayr ah oo waa aarsadaa, Rabbigu waa aarsadaa oo waa cadho miidhan. Rabbigu cadaawayaashiisa waa ka aargutaa, oo cadowgiisana cadho buu u kaydiyaa.
Yehova ni Mungu mwenye wivu na analipa kisasi; Yehova hulipa kisasi na amejaa ghadhabu; Yohova analipiza kisasi kwa adui zake, na huiendeleza hasira yake kwa adui zake.
3 Rabbigu cadho wuu u gaabiya, waana xoog badan yahay, oo kii gardaran sinaba eedlaawe ugu haysan maayo. Rabbigu wuxuu jid ku leeyahay dabaysha cirwareenta ah iyo duufaanka, oo daruuruhuna waa boodhkii cagihiisa.
Yehova ni mwenye nguvu nyingi na mpole wa hasira; hatakuwa na namna ya kuacha kuwahesabia hatia adui zake. Yehova hufanya njia yake kwenye upepo wa kisulisuli na dhoruba, na mawingu ni mavumbi ya miguu yake.
4 Isagu wuxuu canaantaa badda, oo weliba iyaduu engejiyaa, oo webiyaasha oo dhanna wuu wada qallajiyaa. Baashaan iyo Karmel way engegaan, oo ubixii Lubnaanna waa dhaday.
Huikemea bahari na kuifanya ikauke; hukausha mito yote. Bashani ni dhaifu, na Karmeli pia; maua ya Lebanoni ni dhaifu.
5 Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.
Milima hutetema kwenye uwepo wake, na vilima huyeyuka; dunia huanguka mbele zake, kabisa, dunia na watu wote wanaoishi ndani yake.
6 Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.
Ni nani anaweza kusimama mbele ya ghadhabu yake? Nani anaweza kuzuia ukali wa hasira yake? Ghadhabu yake imemwagwa kama moto, na miamba ameibomoa mbalimbali.
7 Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo wakhtigii dhib jirona waa qalcad, wuuna garanayaa kuwa isaga isku halleeya.
Yehova ni mwema, boma katika siku ya taabu; na yeye ni mwaminifu kwa wale wanaomkimbilia.
8 Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.
Lakini atafanya mwisho wa adui zake kwa mafuriko ya kutisha; atawawinda kwenye giza.
9 War maxaad Rabbiga la damacsan tihiin? Isagu wuu wada baabbi'in doonaa. Dhibaatana mar labaad soo ma kici doonto.
Watu wanapanga nini dhidi ya Yehova? Yeye atakomesha; taabu haitainuka mara ya pili.
10 Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.
Maana watakuwa wamevurugika kama michongoma; wataloweshwa katika kinywaji chao mwenyewe; wataharibiwa kabisa kwa moto kama mashina ya mabua.
11 Waxaa kaa soo baxay mid Rabbiga wax shar ah u fikira, oo xumaato ku taliya.
Mtu mmoja aliinuka miongoni mwenu, Ninawi, aliyepanga ubaya dhidi ya Yehova, mtu ambaye aliimarisha uovu.
12 Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.
Hivi ndivyo anavyosema Yehova, “Hata kama wananguvu zao timilifu na idadi timilifu, hata hivyo watanyolewa, watu wao hawatakuwepo tena. Bali wewe, Yuda: Ingawa nimekutesa, sitakutesa tena.
13 Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.
Sasa nitaivunja ile nira ya watu kutoka kwako; nitaikata minyororo yako.
14 Oo Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.
Yehova ametoa amri juu yako, Ninawi: “Hakutakuwa na kizazi tena chenye kubeba jina lako. Nitazizuia sanamu zilizochongwa na kuziondoa sanamu za chuma kutoka kwenye nyumba za miungu yenu. Nitachimba makaburi yenu, kwa kudharauliwa kwenu.”
15 Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.
Tazama, juu ya milima kuna miguu ya mtu aletaye habari njema, anayetangaza amani! Sherehekeeni sikukuu zenu, Yuda, na tunzeni nadhiri zenu, kwa maana mwovu hatawavamia tena; ameondolewa kabisa.

< Naxuum 1 >