< Miikaah 1 >

1 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Miikaah kii reer Mooreshed waagii ay Yootam iyo Aaxaas iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah, oo uu ku arkay wax ku saabsan Samaariya iyo Yeruusaalem.
Maganar Ubangiji ta zo wa Mika mutumin Moreshet a zamanin Yotam, da na Ahaz, da kuma na Hezekiya, sarakunan Yahuda, Mika ya ga wahayi a kan Samariya da kuma a kan Urushalima. Ga abin da ya ce.
2 Dadyowga oo dhammow, kulligiin maqla. Dhulka iyo waxa ku jira oo dhammow, bal dhegaysta, oo Sayidka Rabbiga ahu ha idinku marag furo, Sayidku macbudkiisa quduuska ah ha idinkaga marag furo.
Ku ji, ya ku mutane duka, ki saurara, ya ke duniya da dukan mazauna cikinki, bari Ubangiji Mai Iko Duka yă zama shaida a kanku, daga haikalinsa mai tsarki.
3 Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.
Duba! Ubangiji yana zuwa daga wurin zamansa; zai sauko yă taka maɗaukakan wuraren duniya.
4 Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.
Duwatsu za su narke a ƙarƙashin ƙafafunsa, kamar kaki a gaban wuta, kwaruruka kuma za su ɓace, kamar ruwan da yake gangarowa daga tsauni.
5 Waxan oo dhammu waxay u dheceen xadgudubka reer Yacquub iyo dembiyada dadka Israa'iil. Xadgudubka reer Yacquub waa maxay? Sow Samaariya ma aha? Meelaha sare oo dalka Yahuudahna waa maxay? Sow Yeruusaalem ma aha?
Duk wannan zai faru saboda laifin Yaƙub, da kuma zunuban gidan Isra’ila ne. Mene ne laifin Yaƙub? Shin, ba Samariya ba ce? Ina ne maɗaukakan wuraren Yahuda? Shin, ba Urushalima ba ce?
6 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan Samaariya ka dhigi doonaa sidii taallo burbur ah oo duurka ku taal, iyo sidii meel beercanab laga beerto, oo dhagxanteedana waxaan ku dhex daadin doonaa dooxada, oo aasaaskeedana waan soo bannayn doonaa.
“Saboda haka zan mai da Samariya tarin juji, wurin noman inabi. Zan zubar da duwatsunta a cikin kwari in kuma bar harsashin gininta a bayyane.
7 Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.
Za a ragargaje dukan allolinta; za a ƙone dukan baye-bayenta na haikali da wuta; zan lalatar da dukan gumakanta. Tun da ta wurin karuwanci ne ta tattara su, ga karuwanci kuma za su koma.”
8 Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.
Saboda wannan zan yi baƙin ciki, in yi kuka; zan yi tafiya ba takalmi, zan tuɓe, in kuma yi tafiya tsirara. Zan yi kuka kamar dila, in yi baƙin ciki kamar mujiya.
9 Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.
Gama raunin Samariya ba mai warkewa ba ne; ya bazu har Yahuda. Ya ma kai bakin ƙofar mutanena, har ma Urushalima da kanta.
10 Gad ha ku dhex sheegina, hana ooyina, oo Beytlecafraah dhexdeeda boodhka ku galgasha.
Kada a faɗe shi a Gat; kada ma a yi kuka. A maimako haka, a yi birgima a cikin ƙura a Bet-Leyafra.
11 Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.
Ku wuce tsirara da kuma kunya, ku mazaunan Shafir. Bet-Ezel tana makoki domin babu wani daga Za’anan da ya fito don yă taimaka.
12 Waayo, kan Maarood degganu aad buu u sugayaa wanaag, maxaa yeelay, belaayo baa xagga Rabbiga ka soo degtay, oo waxay soo gaadhay iridda Yeruusaalem.
Mazaunan Marot sun ƙosa su ga alheri, amma Ubangiji ya sauko da azaba, har zuwa ƙofar Urushalima.
13 Kan Laakiish degganow, gaadhiga ku dhuuji faraska dheereeya. Laakiish waxay dadka Siyoon u ahayd bilowgii dembiga, maxaa yeelay, xadgudubyadii dadka Israa'iil ayaa laga dhex helay.
Ku da kuke zama a Lakish, ku ɗaura wa dawakai kekunan yaƙi. Gama ku kuka fara yin zunubi a Sihiyona, gama an sami laifofin Isra’ila a cikinku.
14 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad Mooreshed Gad siin doontaa hadiyado. Reeraha Aksiib waxay boqorrada dalka Israa'iil u noqon doonaan wax khiyaano badan.
Saboda haka za ku ba da kyautan bankwana ga Moreshet Gat. Garin Akzib zai zama abin yaudara ga sarakunan Isra’ila.
15 Kan Maareeshaah degganow, weli waxaan kuu keeni doonaa kan ku hantiyi doona. Dalka Israa'iil sharaftiisu waxay gaadhi doontaa xataa tan iyo Cadullaam.
Ku mazaunan Maresha Ubangiji zai kawo wanda zai ci ku da yaƙi. Sarakunan Isra’ila za su gudu zuwa Adullam.
16 Xiiro oo timahaaga iska jar carruurtaadii aad jeclayd daraaddood, oo intaad xiirata sii ballaadhi sida bidaarta gorgorka oo kale, waayo, iyagu way kaa tageen, oo waxaa loo kaxaystay maxaabiis ahaan.
Ku aske kanku ƙwal don makoki, ku yi wa kanku ƙwalƙwal kamar ungulu. Gama za a ja’ya’yan da kuke farin ciki a kai su bauta.

< Miikaah 1 >