< Miikaah 7 >

1 Anaa iska hoogay! Waayo, waxaan ahay sidii marka la soo ururiyo midhaha beergoosadka, iyo sida xaabxaabka canabka. Ma jiro rucub la cuna. Naftaydu waxay doonaysaa berdaha hore u bislaaday.
Ole wangu! Kwangu mimi ni kama msimu wa mavuno ulipokwisha, na pia makombo ya mavuno ya zabibu kwenye shamba la mizabibu: Hakuna tena kishamba cha matunda kinachoonekana, hakuna matini ya malimbuka ambayo ninayoyatamani.
2 Dadkii cibaadada lahaa wuu ka wada baabba'ay dhulka, oo dadka dhexdiisa laguma arko mid qumman. Kulligood waxay u wada gabbadaan inay dhiig galaan daraaddeed, oo nin kastaaba walaalkiis ayuu shabag ku ugaadhsadaa.
Watu waaminifu wamepotelea kutoka kwenye nchi, hakuna mtu mwadilifu katika wanadamu wote. Wote hudanganya katika kusubiri kumwaga damu; kila mtu humuwinda ndugu yake mwenyewe kwa wavu.
3 Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.
Mikono yao ni mizuri mno kwa kufanya madhara. watawala huuliza pesa, hakimu yuko tayari kwa rushwa, na mtu mwenye nguvu anawaambia wengine kile anachokitaka kujipatia. Hivyo ndivyo waundavyo kwa pamoja.
4 Kooda ugu wanaagsanu waa sidii qodxan oo kale, kooda ugu wada qummanuna waa sidii yamaarug oo kale. Wakhtigii waardiyihiinna oo ah wakhtigii laydin soo booqan lahaa waa yimid, wareerkoodu hadduu noqon doonaa.
Mtu bora kwao ni kama mitemba, mwadilifu sana ni kama mche wa miba. Imefika siku iliyosemwa nyuma na walinzi wako, siku ya hukumu. Sasa ni mda wa machafuko.
5 Deris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta.
Msimwamini kila jirani; msimuweke kiongozi katika rafiki yeyote. Kuweni makini kuhusiana na kile msemacho hata kwa mwanamke ambaye adanganyaye kwenye mikono yenu.
6 Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.
Kwa kuwa mwana humfedhehesha baba yake, binti huinuka kushindana na mama yake, na mke wa mwana wa kiume hushindana na mama mkwe wake. Adui wa watu ni watu wa nyumba yake mwenyewe.
7 Laakiinse anigu Rabbigaan dhawrayaa, oo Ilaaha badbaadadayda waan sugayaa. Ilaahay wuu i maqli doonaa.
Lakini kama kwangu mimi, nitamtazama Yahwe. Nitamsubiri Mungu wa wokovu wangu; Mungu wangu ataniskia.
8 Cadowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona.
Usifurahi juu yangu, adui yangu. Niangukapo, nitainuka. Wakati nitakapokuwa nimekaa katika giza, Yahwe atakuwa mwanga kwangu.
9 Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.
Kwasababu nimetenda dhambi dhidi ya Yahwe, nitachukua ghadhabu yake hata aniteteapo kosa langu, na kutekeleza hukumu kwa ajili yangu. Atanileta kwenye nuru, na nitamwona akiniokoa kwenye haki yake.
10 Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.
Kisha adui yangu atakapoliona hilo, na aibu itamfunika yule aliyeniambia, “Yahwe Mungu wako yuko wapi?” macho yangu yatamtazama; atakanyagwa chini kama tope kwenye mitaa.
11 Waxaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa.
Siku ya ya kujenga kuta zako zitafika; siku hiyo mipaka itasogezwa mbali sana.
12 Wakhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale.
Siku hiyo watu watakuja kwako, kutoka Ashuru na miji katika Misri, kutoka Misri hata mto mkubwa, kutoka bahari kwenda bahari, na kutoka mlima kwenda mlima.
13 Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.
Hizo nchi zitakuwa zimejitenga kwasababu ya watu ambao wanaishi huko sasa, kwasababu ya tunda la matendo yao.
14 Dadkaaga oo ah adhigii dhaxalkaaga oo kaynta Karmel ku dhex taal keli ahaantood deggan ushaada ku daaji. Iyagu ha daaqeen Baashaan iyo Gilecaad sidii waagii hore.
Chunga watu wako kwa fimbo yako, kundi la urithi wako. Wanaishi wenyewe kwenye msitu, katikati ya msitu. Wachunge katika Bashani na Gileadi kama siku za zamani.
15 Sidii wakhtigii aad dalkii Masar ka soo baxdeen ayaan waxyaalo yaab badan tusi doonaa.
Kama katika siku wakati mlipotoka nje ya nchi ya Misri, nitawaonyesha maajabu.
16 Quruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan.
Mataifa yataona na kuwa na aibu ya nguvu zao zote. Wataweka mikono yao kwenye midomo yao; masikio yao yatakuwa kiziwi.
17 Waxay ciidda u leefleefi doonaan sidii abeeso oo kale, sidii waxyaalo dhulka ku gurguurta ayay iyagoo gariiraya meelahooda ka soo bixi doonaan, oo waxay cabsi ugu iman doonaan Rabbiga Ilaaheenna ah, oo idinka aawadiin ayay u baqi doonaan.
Watalamba vumbi kama nyoka, kama viumbe vitaambavyo juu ya nchi. Watatoka nje kwenye maficho kwa hofu; watakuja kwako kwa hofu, Yahwe Mungu wetu, na wataogopa kwa sababu yako.
18 Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.
Ni nani aliye Mungu kama wewe, wewe uchukuaye dhambi, wewe upitaye juu ya kosa la mabaki ya mrithi wako? Hutunzi hasira yako milele, kwa sababu unapenda kutuonyesha agano lako la aminifu.
19 Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.
Tena utakuwa na huruma juu yetu; utayakanyaga maovu chini ya miguu yako. Utazitupa dhambi zetu zote kwenye vilindi vya bahari.
20 Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.
Utampatia ukweli Yakobo na agano aminifu kwa Abrahamu, ulipoapa kwa babu zetu katika siku za kale.

< Miikaah 7 >