< Miikaah 5 >
1 Ciidammadoy, hadda waa inaad isa soo urursataan. Isagu waa inoo hareereeyey. Xaakinka dalka Israa'iil ul bay dhabanka kaga dhufan doonaan.
Sbeřiž se nyní po houfích, ó záškodnice, oblehni nás, nechať bijí holí v líce soudce Izraelského.
2 Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.
A ty Betléme Efrata, jakžkoli jsi nejmenší mezi tisíci Judskými, z tebe mi vyjde ten, kterýž má býti Panovníkem v Izraeli, a jehož východové jsou od starodávna, ode dnů věčných.
3 Haddaba sidaas daraaddeed iyaguu gacangelin doonaa jeeray tan foolanaysa umusho, dabadeedna kuwa walaalihiis ka hadhay waxay ku noqon doonaan dadka Israa'iil.
Protož, ač je vydá v rozptýlení, ažby ta, kteráž rodí, porodila, však ostatek bratří jeho navrátí se s syny Izraelskými.
4 Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.
I stane a pásti bude v síle Hospodinově, a u velebnosti jména Hospodina Boha svého. I budou bydliti, nebo již velikomocný bude až do končin země.
5 Oo kanu wuxuu noqon doonaa nabaddeenna. Markii kan reer Ashuur uu dalkeenna soo galo, oo uu ku dhex socdo daaraheenna waaweyn, markaasaynu isaga ku kicin doonnaa toddoba adhijir iyo siddeed nin oo madax ah.
I budeť takový pokoj, že když Assur přitáhne do země naší, a šlapati bude po palácích našich, tedy postavíme proti němu sedm pastýřů, a osmero knížat z lidu,
6 Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.
Kteříž spasou zemi Assyrskou mečem, a zemi Nimrodovu v pomezích jejích. A tak vytrhne od Assura, když přitáhne do země naší, a šlapati bude po našem pomezí.
7 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin.
A protož ostatkové Jákobovi u prostřed národů mnohých budou jako rosa od Hospodina, jako tiší dešťové skrápějící bylinu, jichž neočekává od žádného, aniž čeká od synů lidských.
8 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.
Budou též ostatkové Jákobovi mezi pohany, a u prostřed národů mnohých, jako lev mezi zvěří divokou, jako mladý lev mezi stády ovec. Kterýžto když jde, a pošlapává, i lapá, není žádného, kdo by vytrhl.
9 Gacantiinnu ha ka sarrayso cadaawayaashiinna, oo colkiinna oo dhanna ha wada baabbo'o.
Vyvýšiť se ruka tvá nad tvými nepřátely, a všickni protivníci tvoji vypléněni budou.
10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa.
I stane se v ten den, dí Hospodin, že vypléním koně tvé z prostředku tvého, a zkazím vozy tvé.
11 Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa.
A vypléním města země tvé, a rozbořím všecky pevnosti tvé.
12 Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal.
Vypléním též kouzly z tebe, a planetářů nebude v tobě.
13 Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.
Zahladím i rytiny tvé, i obrazy tvé z prostředku tvého, a nebudeš se klaněti více dílu rukou svých.
14 Oo dhexbadhtankiinna waan ka rujin doonaa geedihiinna Asheeraah ah, oo magaalooyinkiinnana waan wada dumin doonaa.
Vykořením i háje tvé z prostředku tvého, a zkazím nepřátely tvé.
15 Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.
A tak v hněvu a v prchlivosti vykonám pomstu nad těmi národy, kteříž nebyli poslušni.