< Miikaah 3 >

1 Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin?
我说:雅各的首领, 以色列家的官长啊,你们要听! 你们不当知道公平吗?
2 Idinku wanaagga waad neceb tihiin oo sharkaad jeceshihiin, oo haraggoodana waad ka mudhxisaan, oo hilibkoodana lafahooda waad ka mudhxisaan.
你们恶善好恶, 从人身上剥皮, 从人骨头上剔肉,
3 Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro.
吃我民的肉, 剥他们的皮, 打折他们的骨头, 分成块子像要下锅, 又像釜中的肉。
4 Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.
到了遭灾的时候, 这些人必哀求耶和华, 他却不应允他们。 那时他必照他们所行的恶事向他们掩面。
5 Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.
论到使我民走差路的先知— 他们牙齿有所嚼的, 他们就呼喊说:平安了! 凡不供给他们吃的, 他们就预备攻击他— 耶和华如此说:
6 Haddaba sidaas daraaddeed waxay idiin noqon doontaa habeen, waxbana laydinma tusi doono, oo waxay idiin noqon doontaa gudcur, mana aad faalan doontaan, oo qorraxdu way dhici doontaa nebiyada oo jooga, oo maalintuna way ku madoobaan doontaa iyaga.
你们必遭遇黑夜,以致不见异象; 又必遭遇幽暗,以致不能占卜。 日头必向你们沉落, 白昼变为黑暗。
7 Oo kuwa wax arka way ceeboobi doonaan, oo faaliyayaashuna way isku wareeri doonaan, haah, oo dhammaantood waxay dabooli doonaan bushimahooda, waayo, ma jirto jawaab Rabbiga ka timid.
先见必抱愧, 占卜的必蒙羞, 都必捂着嘴唇, 因为 神不应允他们。
8 Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego.
至于我,我借耶和华的灵, 满有力量、公平、才能, 可以向雅各说明他的过犯, 向以色列指出他的罪恶。
9 Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya.
雅各家的首领、以色列家的官长啊, 当听我的话! 你们厌恶公平, 在一切事上屈枉正直;
10 Siyoon dhiig bay ku dhisaan, Yeruusaalemna xumaan bay ku dhisaan.
以人血建立锡安, 以罪孽建造耶路撒冷。
11 Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.
首领为贿赂行审判; 祭司为雇价施训诲; 先知为银钱行占卜。 他们却倚赖耶和华,说: 耶和华不是在我们中间吗? 灾祸必不临到我们。
12 Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.
所以因你们的缘故, 锡安必被耕种像一块田, 耶路撒冷必变为乱堆; 这殿的山必像丛林的高处。

< Miikaah 3 >