< Matayos 3 >

1 Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,
Majuwa galii Yohani Mbatiza kalawiliti, kanjiti kubwera mushiwala sha Yudeya,
2 Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
“Mleki vidoda vyamtenda, toziya Ufalumi wa kumpindi wapakwegera!”
3 Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.
Yohani ayu ndo ulii mweni Isaya mbuyi gwa Mlungu kamtakuliti pakalongiti, “Liziwu lya muntu lipikanika kushiwala, ‘Mumtandiri kala Mtuwa njira yakuwi, Mumnyosheri njira zyakuwi!’”
4 Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed.
Yohani kavaliti nguwu yawasoniti kwa mibahira ya ngamiya na lugoyi lwa lukuli mushunu mwakuwi na shiboga shakuwi shiweriti wanjombi na lwashi lwa kuntundu.
5 Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,
Su wantu kulawa Yerusalemu na kulawa wega zoseri zya Kuyudeya na mbwega zoseri za mump'eku mwa kulushemba lya Yoridani.
6 markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.
Walonga vidoda vyawu na yomberi kawabatiziti mulushemba lwa Yoridani.
7 Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?
Kumbiti pakawawoniti Mafalisayu wavuwa na Masadukayu wankumwizira su wabatizwi, kawagambiriti, “Mwenga wana wa njoka! Muntu gaa yakawagambireni muyitili maya ya Mlungu yayiza?
8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya,
Mlanguziyi kwa matendu handa mleka vidoda.
9 hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.
Namulihola na kulitakulila, ‘Tati gwetu ndo Aburahamu!’ Nukugambirani nakamu, Mlungu kaweza kugatenda mabuwi aga gaweri wana wa Aburahamu!
10 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.
“Su vinu liwagu litulwa kala kudumula mishigira ya mitera, na kila mtera gwagulera ndiri mabwajubwaju gaherepa hagudumulwi na kugwasila mumotu.
11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.
Neni nukuwabatiza kwa mashi kulanguziya kuwera mleka vidoda vyamtenditi. Kumbiti yakiza kumbeli kwangu kawera na makakala kuliku neni, neni nfaa ndiri ata kupapa vilwatu vyakuwi. Yomberi hakakubatizani kwa Rohu Mnanagala na kwa motu.
12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.
Yomberi muliwoku lyakuwi kana luselu lwa kupepetera, hakayijojiniri nganu na kuitula muluhanja lwakuwi, kumbiti hakatoli miwawi na kuipambira pamotu gwagutenda ndiri tiya.”
13 Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.
Shipindi shilii Yesu kiziti kulawa Galilaya kasokiti palushemba lwa Yoridani, kamgenderiti Yohani su kambatizi.
14 Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?
Kumbiti Yohani kajeriti kumbelera pakalonga, “Yani gwenga gwankwiza kwa neni? Neni ndo nfiruwa kubatizwa na gwenga.”
15 Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.
Su Yesu kamwankuliti, “Guleki hera iweri ntambu ira ayi vinu, hangu ndo ntambu iherepa kugatenda goseri gakafira Mlungu.” Palii Yohani kajimiriti.
16 Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya,
Kamkamu hera Yesu pawambatiziti kala, kalawiti mumashi, su kumpindi kwa Mlungu kuvuguka na kamwoniti Rohu gwa Mlungu pakiza pasi gambira ng'unda na kumkangira mulibega.
17 oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.
Liziwu kulawa kumpindi kwa Mlungu lilongiti, “Ayu ndo Mwana gwangu yanumfira nentu, nherepeziwa nayomberi.”

< Matayos 3 >