< Matayos 15 >
1 Markaas waxaa Yeruusaalem Ciise uga yimid niman Farrisiin iyo culimmo ah, oo waxay ku yidhaahdeen,
Ndipo Mafarisayo na waadishi walikuja kwa Yesu kutoka Yerusalemu. Na kusema,
2 Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan.
“Kwa nini wanafunzi wanayahalifu mapokeo ya wazee? Kwa kuwa hawanawi mikono yao wanapokuwa wanakula chakula.''
3 Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis?
Yesu akawajibu na kuwaambia, “Nanyi kwa nini mnaihalifu sheria ya Bwana kwa ajili ya mapokeo yenu?
4 Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.
Kwa kuwa Mungu alisema, 'Mheshimu baba yako na mama yako; na 'Asemaye uovu kwa baba yake na mama yake, hakika atakufa.'
5 Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey,
Lakini ninyi husema, 'Kila amwambiaye baba yake na mama yake, '“Kila msaada ambao angepata kutoka kwangu sasa ni zawadi kutoka kwa Mungu,'''
6 aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen.
“Mtu huyo hana haja ya kumuheshimu baba yake. Katika namna hii mmelitangua neno la Mungu kwa ajili ya mapokeo yenu.
7 Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,
Enyi wanafiki, ni vema kama Isaya alivyo tabiri juu yenu aliposema,
8 Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
'Watu hawa wananiheshimu mimi kwa midomo yao, lakini mioyo yao iko mbali nami.
9 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.
Wananiabudu bure, kwa sababu wanafundisha mafundisho yaliyo maagizo ya wanadamu.”'
10 Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta.
Ndipo akawaita makutano na kuwaambia,” Sikilizeni na mfahamu
11 Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya.
Hakuna kitu kiingiacho mdomoni mwa mtu na kumfanya najisi. Bali, kile kitokacho kinywani, hiki ndicho kimfanyacho mtu kuwa najisi.''
12 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen?
Ndipo wanafunzi wakamwendea na kusema na Yesu, “Je!, Unafahamu Mafarisayo walipolisikia lile neno walikwazika?”
13 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa.
Yesu aliwajibu na kusema, “Kila mmea ambao Baba yangu wa mbinguni hajaupanda utang'olewa.
14 Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.
Waacheni pekee, wao ni viongozi vipofu. Kama mtu kipofu atamuongoza kipofu mwenzake, wote wawili wataanguka shimoni.”
15 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.
Petro akajibu na kumwambia Yesu,” Tuelezee mfano huu kwetu,
16 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?
Yesu akajibu, ''Nanyi pia bado hamuelewi?
17 Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu saxaroodo?
Ninyi hamuoni kuwa kila kiendacho mdomoni hupitia tumboni na kwenda chooni?
18 Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.
Lakini vitu vyote vitokavyo mdomoni hutoka ndani ya moyo. Ndivyo vitu vimtiavyo mtu unajisi.
19 Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.
Kwa kuwa katika moyo hutoka mawazo mabaya, uuaji, uzinzi, uasherati, wizi, ushuhuda wa uongo, na matusi.
20 Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.
Haya ndiyo mambo yamtiayo mtu unajisi. Lakini kula bila kunawa mikono hakumfanyi mtu kuwa najisi.”
21 Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday.
Ndipo Yesu akatoka mahali pale na akajitenga kuelekea pande za miji ya Tiro na Sidoni.
22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.
Tazama akaja mwanamke Mkanani kutoka pande hizo. Akapaza sauti akisema, ''Nihurumie, Bwana, Mwana wa Daudi; binti yangu anateswa sana na pepo.''
23 Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.
Lakini Yesu hakumjibu neno. Wanafunzi wake wakaja wakimsihi, wakisema, ''Muondoe aende zake, maana anatupigia kelele.''
24 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee.
Yesu aliwajibu na kusema, Sikutumwa kwa mtu yeyoye isipokuwa kwa kondoo waliopotea wa nyumba ya Israeli.''
25 Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi.
Lakini alikuja na kuinama mbele yake, akisema, ''Bwana nisaidie.''
26 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.
Alimjibu na kusema, “Siyo vema kuchukua chakula cha watoto na kuwatupia mbwa,”
27 Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda.
Akasema, “Ndiyo, Bwana, hata hivyo mbwa wadogo hula chakula kiagukacho mezani mwa Bwana wao.”
28 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
Ndipo Yesu akajibu na akisema “Mwanamke, imani yako ni kubwa. Na ifanyike kwako kama utakavyo.” Na binti yake alikuwa ameponywa katika wakati huo.
29 Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay.
Yesu aliondoka mahali pale na kwenda karibu na bahari ya Galilaya. Kisha alienda juu ya mlima na kuketi huko.
30 Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.
Kundi kubwa likaja kwake. Na kumletea viwete, vipofu, bubu, vilema na wengine wengi, waliokuwa wagonjwa. Waliwaweka katika miguu ya Yesu na akawaponya.
31 Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
Nao umati wakashangaa walipoona mabubu wakiongea, na vilema wakifanywa wazima, viwete wakitembea, na vipofu wakiona. Walimsifu Mungu wa Israeli.
32 Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.
Yesu akawaita wanafunzi wake na kusema, “Nimewaonea huruma umati, kwa sababu wamekuwa nami kwa siku tatu bila kula kitu chochote. Sitawaaga waende kwao bila kula, wasije wakazimia njiani.”
33 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?
Wanafunzi wake wakamwambia, “Ni wapi tunaweza kupata mikate ya kutosha hapa nyikani kushibisha umati mkuwbwa hivi?”
34 Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.
Yesu akawaambia, “Mna mikate mingapi?” Wakasema, “Saba, na samaki wadogo wachache.”
35 Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.
Yesu akawaamuru umati uketi chini.
36 Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.
Aliitwaa ile mikate saba na samaki, na baada ya kushukuru, akaimega na kuwapa wanafunzi. Wanafunzi wakawapa umati.
37 Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.
Watu wote wakala na kutosheka. Na wakakusanya mabaki ya vipande vya chakula vilivyosalia vipande vipande, vilijaa vikapu saba.
38 Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.
Wote waliokula walikuwa wanaume elfu nne bila wanawake na watoto.
39 Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.
Kisha Yesu akauaga umati waende zao na akaingia ndani ya mashua na kwenda sehemu za Magadani.