< Markos 9 >

1 Wuxuu iyaga ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah oo xoog ku imanaysa.
耶穌又對他們說:「我實在告訴你們:站在這裏的人中,就有幾個在未嘗到死味以前,必要看見又主的國帶著威能降來。」
2 Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay.
六天後,耶穌帶著伯多祿、雅各伯和若望,單獨帶領他們上了一座高山,在他們前變了容貌:
3 Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin.
他的衣服發光,那樣潔白,世上沒有一個漂布的能漂得那樣白。
4 Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise.
厄里亞和梅瑟也顯現給他們,正在同耶穌談論。
5 Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas.
伯多祿遂開口對耶穌說:「「師傅,我們在這裏真好! 讓我們搭三個帳棚:一個為你,一個為梅瑟,一個為厄里亞。」
6 Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.
他原不知道該說些什麼,因為他們都嚇呆了。
7 Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.
當時,有一團雲彩遮蔽了他們,從雲中有聲音說:「這是我的愛子,你們要聽從他!」
8 Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.
他們忽然向四周一看,任誰都不見了,只有耶穌同他們在一起。
9 Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
他們從山上下來的時候,耶穌囑咐他們,非等人子從死者中復活後,不要將他們所見的告訴任何人。
10 Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?
他們遵守了這話,卻彼此論從死者中復活是什麼意思。
11 Markaasay waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?
他們就問耶穌說:「為什麼經師們說厄里亞應該先來﹖」
12 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run in Eliyaas horta imanayo oo wax walba soo celinayo. Oo sidee uga qoran tahay xagga Wiilka Aadanaha inuu wax badan ku xanuunsan doono oo la nici doono?
耶穌對他們說:「厄里亞固然要先來整理一切:但是經上關於人子應受許多痛苦,被人輕慢,是怎樣記載的呢﹖
13 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas waa yimid, oo wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen siday uga qoran tahay.
可是,我告訴你們:厄里亞己經來了,人們任意對待了他,正如經上關於他所記載的。」
14 Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.
他們來到門徒那裏,看見一大群人圍著他們,經師和他們正在辯論。
15 Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.
全民眾一看見了耶穌,就都驚奇,立刻向前跑去問候他。
16 Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?
耶穌問門徒說:「你們和他們辯論什麼﹖」
17 Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba.
群眾中有一個人回答說:「師傅,我帶了我的兒子來見你,他附著一個啞吧魔鬼;
18 Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.
無論在那裏,魔鬼抓住他,就把他摔倒,他就口吐白沫,咬牙切齒,並且僵硬了。我曾請你的門徒把魔鬼逐出,他們卻不能。」
19 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.
耶穌開口向他們說:「哎! 無信的世代! 我與你們在一起要到幾時呢﹖我容忍你們要到幾時呢﹖帶他到我這裏來! 」
20 Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.
他們就把孩子領到耶穌跟前。魔鬼一見耶穌,立時使那孩子拘攣了一陣,那孩子便倒在地上,打滾吐沫。
21 Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii.
耶穌問他的父親說:「這事發生在他身上有多少時候了﹖」他回答說:「從小的時候;
22 Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.
魔鬼屢次把他投到火裏或水裏,要害死他。但是,你若能做什麼,你就憐憫我們,幫助我們罷!」
23 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.
耶穌對他說:「『你若能,』為信的人,一切都是可能的! 」
24 Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda.
小孩子的父親立刻喊說:「我信! 請你補助我的無信罷!」
25 Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.
耶穌看見群眾都跑過來,就叱責邪魔說:「又聾又啞的魔鬼,我命你從他身上出去! 不要再進入他內!」
26 Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.
魔鬼就喊叫起來,猛烈使那孩子拘攣了一陣,就出去了;那孩子好像死了一樣,以致有許多人說:「他死了! 」
27 Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.
但是,耶穌握住他的手,拉他起來,他就起來了。
28 Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay?
耶穌進到家裏,他的門徒私下問他說:「為什麼我們不能趕他出去﹖」
29 Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.
耶穌對他們說:「這一類,非用祈禱[和禁食,]是不能趕出去的。」
30 Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado.
他們從那裏起身,經過加里肋亞;耶穌卻不願叫人知道。
31 Waayo, xertiisii ayuu wax barayay, oo wuxuu ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelinayaa, wayna dili doonaan oo markii la dilo, saddex maalmood dabadeed, ayuu sara kici doonaa.
因為那時他教訓他的門徒,給他們說:「人子將要被交在人手中,為人所殺;被殺以後,過了三天, 他必要復活。」
32 Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.
門徒卻不明白這些話,又害怕詢問他。
33 Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen?
他們來到葛法翁,到了家裏,耶穌問他們說:「你們在路上爭論了什麼﹖」
34 Laakiin way aamuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn.
他們都默不作聲,因為他們在路上彼此爭論誰最大。
35 Intuu fadhiistay laba-iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa.
耶穌坐下,叫過那十二人來,給他們說:「誰若想做第一個,他就得做眾人中最末的一個,並要做眾人的僕役。」
36 Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi,
遂領過一個小孩子來,放在門徒中間,抱起他來,給他們說:
37 Ku alla kii carruurta kan la mid ah midkood magacayga ku aqbalaa, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, ima aqbalo, wuxuuse aqbalaa kan i soo diray.
「誰若因我的名字,收留一個這樣的小孩子,就是收留我;誰若收留我, 並不是收留我,而是收留那派遣我來的。」
38 Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya. Nama uu soo raaco. Waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.
若望向耶穌說:「師傅! 我們見過一個人,他因你的名字驅魔,我們禁止了他,因為他不跟從我們。」
39 Laakiin Ciise baa yidhi, Ha u diidina, waayo, ninna ma jiro oo yaab xoog leh magacayga ku sameeyaa oo dhaqso hadal xun iga odhan karaa.
耶穌說:「不要禁止他,因為沒有任何人,以我的名字行了奇跡,就會立刻毀謗我的,
40 Waayo, kan aan inaga gees ahayn waa inala gees.
因為誰不反對我們,就是傾向我們。」
41 Ku alla kii koob biyo ah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay, waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.
「誰若因你們屬於基督,而給你們一杯水喝,我實在告訴你們:他決不會失掉他的賞報。
42 Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.
誰若使這些信者中的一個小子跌倒,倒不如拿一塊驢拉的磨石,套在他的脖子上,投在海裏,為他更好。
43 Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn (Geenna g1067)
倘若你的手使你跌倒,砍掉它! (Geenna g1067)
44 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
你殘廢進入生命,比有兩隻手而往地獄裏,到那不滅的火裏去更好。 (questioned)
45 Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada (Geenna g1067)
倘若你的腳使你跌倒,砍掉它! (Geenna g1067)
46 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
你瘸腿進入生命,比有雙腳被投入地獄裏更好。 (questioned)
47 Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada (Geenna g1067)
倘若你的眼使你跌倒,剜出它來! 你一隻眼進入天主的國,比有兩隻眼被投入地獄裏更好, (Geenna g1067)
48 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
那裏的蟲子不死,火也不滅。
49 Waayo, mid walba dab baa lagu cusbayn doonaa.
因為所有的人都要醃起來。
50 Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.
鹽是好的;但鹽若成了不鹹的,你們可用什麼去調和它﹖在你們中間當有鹽,又該彼此和平相處。」

< Markos 9 >