< Markos 4 >
1 Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda.
ཨནནྟརཾ ས སམུདྲཏཊེ པུནརུཔདེཥྚུཾ པྲཱརེབྷེ, ཏཏསྟཏྲ བཧུཛནཱནཱཾ སམཱགམཱཏ྄ ས སཱགརོཔརི ནཽཀཱམཱརུཧྱ སམུཔཝིཥྚཿ; སཪྻྭེ ལོཀཱཿ སམུདྲཀཱུལེ ཏསྠུཿ།
2 Markaasuu wax badan masaallo ku baray, oo intuu wax barayay ayuu iyaga ku yidhi,
ཏདཱ ས དྲྀཥྚཱནྟཀཐཱབྷི རྦཧཱུཔདིཥྚཝཱན྄ ཨུཔདིཤཾཤྩ ཀཐིཏཝཱན྄,
3 Dhegaysta, waxaa baxay beerrey inuu wax beero.
ཨཝདྷཱནཾ ཀུརུཏ, ཨེཀོ བཱིཛཝཔྟཱ བཱིཛཱནི ཝཔྟུཾ གཏཿ;
4 Intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.
ཝཔནཀཱལེ ཀིཡནྟི བཱིཛཱནི མཱརྒཔཱཤྭེ པཏིཏཱནི, ཏཏ ཨཱཀཱཤཱིཡཔཀྵིཎ ཨེཏྱ ཏཱནི ཙཁཱདུཿ།
5 Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,
ཀིཡནྟི བཱིཛཱནི སྭལྤམྲྀཏྟིཀཱཝཏྤཱཥཱཎབྷཱུམཽ པཏིཏཱནི ཏཱནི མྲྀདོལྤཏྭཱཏ྄ ཤཱིགྷྲམངྐུརིཏཱནི;
6 laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.
ཀིནྟཱུདིཏེ སཱུཪྻྱེ དགྡྷཱནི ཏཐཱ མཱུལཱནོ ནཱདྷོགཏཏྭཱཏ྄ ཤུཥྐཱཎི ཙ།
7 Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.
ཀིཡནྟི བཱིཛཱནི ཀཎྚཀིཝནམདྷྱེ པཏིཏཱནི ཏཏཿ ཀཎྚཀཱནི སཾཝྲྀདྭྱ ཏཱནི ཛགྲསུསྟཱནི ན ཙ ཕལིཏཱནི།
8 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol.
ཏཐཱ ཀིཡནྟི བཱིཛཱནྱུཏྟམབྷཱུམཽ པཏིཏཱནི ཏཱནི སཾཝྲྀདྭྱ ཕལཱནྱུཏྤཱདིཏཱནི ཀིཡནྟི བཱིཛཱནི ཏྲིཾཤདྒུཎཱནི ཀིཡནྟི ཥཥྚིགུཎཱནི ཀིཡནྟི ཤཏགུཎཱནི ཕལཱནི ཕལིཏཝནྟི།
9 Oo wuxuu ku yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
ཨཐ ས ཏཱནཝདཏ྄ ཡསྱ ཤྲོཏུཾ ཀརྞཽ སྟཿ ས ཤྲྀཎོཏུ།
10 Goortuu keligiis ahaa kuwii la joogay iyo laba-iyo-tobankii wax bay masaalladii ka weyddiiyeen.
ཏདནནྟརཾ ནིརྫནསམཡེ ཏཏྶངྒིནོ དྭཱདཤཤིཥྱཱཤྩ ཏཾ ཏདྡྲྀཥྚཱནྟཝཱཀྱསྱཱརྠཾ པཔྲཙྪུཿ།
11 Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo,
ཏདཱ ས ཏཱནུདིཏཝཱན྄ ཨཱིཤྭརརཱཛྱསྱ ནིགཱུཌྷཝཱཀྱཾ བོདྡྷུཾ ཡུཥྨཱཀམདྷིཀཱརོ྅སྟི;
12 si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.
ཀིནྟུ ཡེ ཝཧིརྦྷཱུཏཱཿ "ཏེ པཤྱནྟཿ པཤྱནྟི ཀིནྟུ ན ཛཱནནྟི, ཤྲྀཎྭནྟཿ ཤྲྀཎྭནྟི ཀིནྟུ ན བུདྷྱནྟེ, ཙེཏྟཻ རྨནཿསུ ཀདཱཔི པརིཝརྟྟིཏེཥུ ཏེཥཱཾ པཱཔཱནྱམོཙཡིཥྱནྟ," ཨཏོཧེཏོསྟཱན྄ པྲཏི དྲྀཥྚཱནྟཻརེཝ ཏཱནི མཡཱ ཀཐིཏཱནི།
13 Wuxuuna iyaga ku yidhi, Miyaydnaan masaalkan garanaynin? Sidee baad masaalladii oo dhan u garan doontaan?
ཨཐ ས ཀཐིཏཝཱན྄ ཡཱུཡཾ ཀིམེཏད྄ དྲྀཥྚཱནྟཝཱཀྱཾ ན བུདྷྱདྷྭེ? ཏརྷི ཀཐཾ སཪྻྭཱན྄ དྲྀཥྚཱནྟཱན བྷོཏྶྱདྷྭེ?
14 Beerreygu wuxuu beeraa hadalka.
བཱིཛཝཔྟཱ ཝཱཀྱརཱུཔཱཎི བཱིཛཱནི ཝཔཏི;
15 Waa kuwan kuwii jidka yiil meeshii hadalka lagu beeray, oo goortay maqlaan, Shayddaan baa kolkiiba yimaada oo ka qaada hadalkii lagu beeray iyaga.
ཏཏྲ ཡེ ཡེ ལོཀཱ ཝཱཀྱཾ ཤྲྀཎྭནྟི, ཀིནྟུ ཤྲུཏམཱཏྲཱཏ྄ ཤཻཏཱན྄ ཤཱིགྷྲམཱགཏྱ ཏེཥཱཾ མནཿསཱུཔྟཱནི ཏཱནི ཝཱཀྱརཱུཔཱཎི བཱིཛཱནྱཔནཡཏི ཏཨེཝ ཨུཔྟབཱིཛམཱརྒཔཱརྴྭེསྭརཱུཔཱཿ།
16 Si la mid ahna kuwan waa kuwii dhul dhagax ah lagu beeray, kuwii goortay hadalkii maqlaanba kolkiiba farxad bay ku qaataan;
ཡེ ཛནཱ ཝཱཀྱཾ ཤྲུཏྭཱ སཧསཱ པརམཱནནྡེན གྲྀཧླནྟི, ཀིནྟུ ཧྲྀདི སྠཻཪྻྱཱབྷཱཝཱཏ྄ ཀིཉྩིཏ྄ ཀཱལམཱཏྲཾ ཏིཥྛནྟི ཏཏྤཤྩཱཏ྄ ཏདྭཱཀྱཧེཏོཿ
17 xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silac u dhoco hadalka aawadiis, markiiba way ka xumaadaan.
ཀུཏྲཙིཏ྄ ཀླེཤེ ཨུཔདྲཝེ ཝཱ སམུཔསྠིཏེ ཏདཻཝ ཝིགྷྣཾ པྲཱཔྣུཝནྟི ཏཨེཝ ཨུཔྟབཱིཛཔཱཥཱཎབྷཱུམིསྭརཱུཔཱཿ།
18 Kuwanna waa kuwii qodxanta lagu dhex beeray, kuwa hadalka maqla,
ཡེ ཛནཱཿ ཀཐཱཾ ཤྲྀཎྭནྟི ཀིནྟུ སཱཾསཱརིཀཱི ཙིནྟཱ དྷནབྷྲཱནྟི ཪྻིཥཡལོབྷཤྩ ཨེཏེ སཪྻྭེ ཨུཔསྠཱཡ ཏཱཾ ཀཐཱཾ གྲསནྟི ཏཏཿ མཱ ཝིཕལཱ བྷཝཏི (aiōn )
19 laakiin kawelwelidda dunidan, iyo sasabidda maalka, iyo damacyada wax kale ayaa gala oo hadalkii ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan. (aiōn )
ཏཨེཝ ཨུཔྟབཱིཛསཀཎྚཀབྷཱུམིསྭརཱུཔཱཿ།
20 Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.
ཡེ ཛནཱ ཝཱཀྱཾ ཤྲུཏྭཱ གྲྀཧླནྟི ཏེཥཱཾ ཀསྱ ཝཱ ཏྲིཾཤདྒུཎཱནི ཀསྱ ཝཱ ཥཥྚིགུཎཱནི ཀསྱ ཝཱ ཤཏགུཎཱནི ཕལཱནི བྷཝནྟི ཏཨེཝ ཨུཔྟབཱིཛོཪྻྭརབྷཱུམིསྭརཱུཔཱཿ།
21 Wuxuuna iyaga ku yidhi, Ilays ma waxaa loo keenaa in la hoos geliyo weel ama sariir? Sow lama saaro meeshii ilayska?
ཏདཱ སོ྅པརམཔི ཀཐིཏཝཱན྄ ཀོཔི ཛནོ དཱིཔཱདྷཱརཾ པརིཏྱཛྱ དྲོཎསྱཱདྷཿ ཁཊྭཱཡཱ ཨདྷེ ཝཱ སྠཱཔཡིཏུཾ དཱིཔམཱནཡཏི ཀིཾ?
22 Wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, oo wax daboolanna ma jiro oo aan bannaan soo bixi doonin.
ཨཏོཧེཏོ ཪྻནྣ པྲཀཱཤཡིཥྱཏེ ཏཱདྲྀག྄ ལུཀྐཱཡིཏཾ ཀིམཔི ཝསྟུ ནཱསྟི; ཡད྄ ཝྱཀྟཾ ན བྷཝིཥྱཏི ཏཱདྲྀཤཾ གུཔྟཾ ཀིམཔི ཝསྟུ ནཱསྟི།
23 Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo.
ཡསྱ ཤྲོཏུཾ ཀརྞཽ སྟཿ ས ཤྲྀཎོཏུ།
24 Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa.
ཨཔརམཔི ཀཐིཏཝཱན྄ ཡཱུཡཾ ཡད྄ ཡད྄ ཝཱཀྱཾ ཤྲྀཎུཐ ཏཏྲ སཱཝདྷཱནཱ བྷཝཏ, ཡཏོ ཡཱུཡཾ ཡེན པརིམཱཎེན པརིམཱཐ ཏེནཻཝ པརིམཱཎེན ཡུཥྨདརྠམཔི པརིམཱསྱཏེ; ཤྲོཏཱརོ ཡཱུཡཾ ཡུཥྨབྷྱམདྷིཀཾ དཱསྱཏེ།
25 Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
ཡསྱཱཤྲཡེ ཝརྡྡྷཏེ ཏསྨཻ ཨཔརམཔི དཱསྱཏེ, ཀིནྟུ ཡསྱཱཤྲཡེ ན ཝརྡྡྷཏེ ཏསྱ ཡཏ྄ ཀིཉྩིདསྟི ཏདཔི ཏསྨཱན྄ ནེཥྱཏེ།
26 Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha.
ཨནནྟརཾ ས ཀཐིཏཝཱན྄ ཨེཀོ ལོཀཿ ཀྵེཏྲེ བཱིཛཱནྱུཔྟྭཱ
27 Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo.
ཛཱགརཎནིདྲཱབྷྱཱཾ དིཝཱནིཤཾ གམཡཏི, པརནྟུ ཏདྭཱིཛཾ ཏསྱཱཛྙཱཏརཱུཔེཎཱངྐུརཡཏི ཝརྡྡྷཏེ ཙ;
28 Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama.
ཡཏོཧེཏོཿ པྲཐམཏཿ པཏྲཱཎི ཏཏཿ པརཾ ཀཎིཤཱནི ཏཏྤཤྩཱཏ྄ ཀཎིཤཔཱུརྞཱནི ཤསྱཱནི བྷཱུམིཿ སྭཡམུཏྤཱདཡཏི;
29 Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.
ཀིནྟུ ཕལེཥུ པཀྐེཥུ ཤསྱཙྪེདནཀཱལཾ ཛྙཱཏྭཱ ས ཏཏྐྵཎཾ ཤསྱཱནི ཚིནཏྟི, ཨནེན ཏུལྱམཱིཤྭརརཱཛྱཾ།
30 Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa?
པུནཿ སོ྅ཀཐཡད྄ ཨཱིཤྭརརཱཛྱཾ ཀེན སམཾ? ཀེན ཝསྟུནཱ སཧ ཝཱ ཏདུཔམཱསྱཱམི?
31 Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.
ཏཏ྄ སརྵཔཻཀེན ཏུལྱཾ ཡཏོ མྲྀདི ཝཔནཀཱལེ སརྵཔབཱིཛཾ སཪྻྭཔྲྀཐིཝཱིསྠབཱིཛཱཏ྄ ཀྵུདྲཾ
32 Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.
ཀིནྟུ ཝཔནཱཏ྄ པརམ྄ ཨངྐུརཡིཏྭཱ སཪྻྭཤཱཀཱད྄ བྲྀཧད྄ བྷཝཏི, ཏསྱ བྲྀཧཏྱཿ ཤཱཁཱཤྩ ཛཱཡནྟེ ཏཏསྟཙྪཱཡཱཾ པཀྵིཎ ཨཱཤྲཡནྟེ།
33 Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen.
ཨིཏྠཾ ཏེཥཱཾ བོདྷཱནུརཱུཔཾ སོ྅ནེཀདྲྀཥྚཱནྟཻསྟཱནུཔདིཥྚཝཱན྄,
34 Laakiin masaalla'aan kulama uu hadlin, oo markay keligood ahaayeen ayuu wax walba xertiisii u fasiray.
དྲྀཥྚཱནྟཾ ཝིནཱ ཀཱམཔི ཀཐཱཾ ཏེབྷྱོ ན ཀཐིཏཝཱན྄ པཤྩཱན྄ ནིརྫནེ ས ཤིཥྱཱན྄ སཪྻྭདྲྀཥྚཱནྟཱརྠཾ བོདྷིཏཝཱན྄།
35 Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.
ཏདྡིནསྱ སནྡྷྱཱཡཱཾ ས ཏེབྷྱོ྅ཀཐཡད྄ ཨཱགཙྪཏ ཝཡཾ པཱརཾ ཡཱམ།
36 Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.
ཏདཱ ཏེ ལོཀཱན྄ ཝིསྲྀཛྱ ཏམཝིལམྦཾ གྲྀཧཱིཏྭཱ ནཽཀཡཱ པྲཏསྠིརེ; ཨཔརཱ ཨཔི ནཱཝསྟཡཱ སཧ སྠིཏཱཿ།
37 Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.
ཏཏཿ པརཾ མཧཱཛྷཉྦྷྴགམཱཏ྄ ནཽ རྡོལཱཡམཱནཱ ཏརངྒེཎ ཛལཻཿ པཱུརྞཱབྷཝཙྩ།
38 Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?
ཏདཱ ས ནཽཀཱཙཤྩཱདྦྷཱགེ ཨུཔདྷཱནེ ཤིརོ ནིདྷཱཡ ནིདྲིཏ ཨཱསཱིཏ྄ ཏཏསྟེ ཏཾ ཛཱགརཡིཏྭཱ ཛགདུཿ, ཧེ པྲབྷོ, ཨསྨཱཀཾ པྲཱཎཱ ཡཱནྟི ཀིམཏྲ བྷཝཏཤྩིནྟཱ ནཱསྟི?
39 Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday.
ཏདཱ ས ཨུཏྠཱཡ ཝཱཡུཾ ཏརྫིཏཝཱན྄ སམུདྲཉྩོཀྟཝཱན྄ ཤཱནྟཿ སུསྠིརཤྩ བྷཝ; ཏཏོ ཝཱཡཽ ནིཝྲྀཏྟེ྅བྡྷིརྣིསྟརངྒོབྷཱུཏ྄།
40 Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?
ཏདཱ ས ཏཱནུཝཱཙ ཡཱུཡཾ ཀུཏ ཨེཏཱདྲྀཀྴངྐཱཀུལཱ བྷཝཏ? ཀིཾ ཝོ ཝིཤྭཱསོ ནཱསྟི?
41 Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
ཏསྨཱཏྟེ྅ཏཱིཝབྷཱིཏཱཿ པརསྤརཾ ཝཀྟུམཱརེབྷིརེ, ཨཧོ ཝཱཡུཿ སིནྡྷུཤྩཱསྱ ནིདེཤགྲཱཧིཎཽ ཀཱིདྲྀགཡཾ མནུཛཿ།