< Markos 3 >

1 Kol dambe wuxuu galay sunagogga; halkaasna waxaa joogay nin gacan engegan.
I všel opět do školy, a byl tu člověk, maje ruku uschlou.
2 Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan.
I šetřili ho, uzdraví-li jej v sobotu, aby ho obžalovali.
3 Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag.
I řekl tomu člověku, kterýž měl uschlou ruku: Povstaň u prostřed.
4 Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.
I dí jim: Sluší-li v sobotu dobře činiti, čili zle, život zachovati, čili zamordovati? Oni pak mlčeli.
5 Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.
A když pohleděl na ně vůkol s hněvem, zarmoutiv se nad tvrdostí srdce jejich, řekl člověku: Vztáhni tu ruku svou. I vztáhl, a učiněna jest ta ruka jeho zdravá jako druhá.
6 Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.
A vyšedše farizeové, hned s Herodiány drželi radu proti němu, kterak by ho zahubili.
7 Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,
Ježíš pak odšel s učedlníky svými k moři, a veliké množství od Galilee šlo za ním, i z Judstva,
8 iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen.
I od Jeruzaléma, i od Idumee, i z Zajordání; i ti, kteříž byli okolo Týru a Sidonu, množství veliké, slyšíce, kteraké věci činí, přišli k němu.
9 Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin.
I rozkázal učedlníkům svým, aby lodičku ustavičně nahotově měli pro zástup, aby ho netiskli.
10 Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.
Nebo mnohé uzdravoval, tak že naň padali, aby se ho dotýkali, kteřížkoli měli neduhy.
11 Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.
A duchové nečistí, jakž ho zazřeli, padali před ním a křičeli, řkouce: Ty jsi ten Syn Boží.
12 Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.
Ale on velmi jim přimlouval, aby ho nezjevovali.
13 Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen.
I vstoupil na horu, a povolal k sobě těch, kterýchž se jemu vidělo; i přišli k němu.
14 Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,
I ustanovil jich dvanácte, aby s ním byli, a aby je poslal kázati,
15 iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.
A aby měli moc uzdravovati nemoci a vymítati ďábelství:
16 Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,
Šimona, jemuž dal jméno Petr,
17 iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,
A Jakuba Zebedeova, a Jana bratra Jakubova, (a dal jim jméno Boanerges, to jest synové hromovi, )
18 iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,
A Ondřeje, a Filipa, a Bartoloměje, a Matouše, a Tomáše, a Jakuba Alfeova, a Taddea, a Šimona Kananitského,
19 iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
A Jidáše Iškariotského, kterýž i zradil jej. I šli s ním domů.
20 Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.
A opět sšel se zástup, tak že nemohli ani chleba pojísti.
21 Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.
A slyšavše o tom příbuzní jeho, přišli, aby jej vzali; nebo pravili, že by se smyslem pominul.
22 Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.
Zákonníci pak, kteříž byli přišli z Jeruzaléma, pravili, že Belzebuba má, a že v knížeti ďábelském vymítá ďábly.
23 Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa?
A povolav jich, mluvil k nim v podobenstvích: Kterak může satan satana vymítati?
24 Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto.
A jestliže království v sobě se rozdvojí, nemůže státi království to.
25 Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.
A rozdvojí-li se dům proti sobě, nebude moci dům ten státi.
26 Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho.
Tak jestliže povstal satan sám proti sobě, a rozdvojen jest, nemůže státi, ale konec béře.
27 Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa.
Žádný nemůže nádobí silného, vejda do domu jeho, rozebrati, leč by prvé silného toho svázal; a tehdyť dům jeho zloupí.
28 Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;
Amen pravím vám, že všickni hříchové odpuštěni budou synům lidským, i rouhání, jímž by se rouhali,
29 laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah; (aiōn g165, aiōnios g166)
Ale kdo by se rouhal proti Duchu svatému, nemá odpuštění na věky, ale hoden jest věčného odsouzení. (aiōn g165, aiōnios g166)
30 waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.
Nebo pravili: Ducha nečistého má.
31 Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha.
Tehdy přišli bratří a matka jeho, a stojíce vně, poslali k němu, aby ho vyvolali.
32 Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan.
A seděl okolo něho zástup. I řekli jemu: Aj, matka tvá a bratří tvoji vně hledají tebe.
33 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay?
Ale on odpověděl jim, řka: Kdo jest matka má a bratří moji?
34 Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!
A obezřev učedlníky vůkol sebe sedící, řekl: Aj, matka má a bratří moji.
35 Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.
Nebo kdož by koli činil vůli Boží, ten jest bratr můj, i sestra má, i matka.

< Markos 3 >