< Markos 15 >

1 Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.
ⲁ̅ⲟⲩⲟϩ ⲥⲁⲧⲟⲧⲟⲩ ⲁⲩⲥⲟϭⲛⲓ ⳿ⲛⲟⲩⲥⲟϭⲛⲓ ⳿ⲛϣⲱⲣⲡ ⳿ⲛϫⲉ ⲛⲓⲁⲣⲭⲏ⳿ⲉⲣⲉⲩⲥ ⲛⲉⲙ ⲛⲓ⳿ⲡⲣⲉⲥⲃⲩⲧⲉⲣⲟⲥ ⲛⲉⲙ ⲛⲓⲥⲁϧ ⲛⲉⲙ ⲡⲓⲙⲁ⳿ⲛϯϩⲁⲡ ⲧⲏⲣϥ ⲁⲩⲥⲱⲛϩ ⳿ⲛⲒⲏ̅ⲥ̅ ⲁⲩϭⲓⲧϥ ⲁⲩⲧⲏⲓϥ ⳿ⲙⲠⲓⲗⲁⲧⲟⲥ.
2 Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.
ⲃ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁϥϣⲉⲛϥ ⳿ⲛϫⲉ Ⲡⲓⲗⲁⲧⲟⲥ ϫⲉ ⳿ⲛⲑⲟⲕ ⲡⲉ ⳿ⲡⲟⲩⲣⲟ ⳿ⲛⲧⲉ ⲛⲓⲒⲟⲩⲇⲁⲓ ⳿ⲛⲑⲟϥ ⲇⲉ ⳿ⲉⲧⲁϥ⳿ⲉⲣⲟⲩ⳿ⲱ ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲁϥ ϫⲉ ⳿ⲛⲑⲟⲕ ⲡⲉⲧϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ.
3 Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen.
ⲅ̅ⲟⲩⲟϩ ⲛⲁⲩⲉⲣⲕⲁⲧⲏⲅⲟⲣⲓⲛ ⳿ⲛϩⲁⲛⲙⲏϣ ϧⲁⲣⲟϥ ⳿ⲛϫⲉ ⲛⲓⲁⲣⲭⲏ⳿ⲉⲣⲉⲩⲥ.
4 Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.
ⲇ̅Ⲡⲓⲗⲁⲧⲟⲥ ⲇⲉ ⲟⲛ ⲛⲁϥϣⲉⲛϥ ⲉϥϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ⲇⲉ ⳿ⲛ⳿ⲕⲉⲣⲟⲩⲱ ⳿ⲛ⳿ϩⲗⲓ ⲁⲛ ⳿ⲁⲛⲁⲩ ϫⲉ ⲥⲉⲉⲣⲕⲁⲧⲏⲅⲟⲣⲓⲛ ⳿ⲉⲣⲟⲕ ⳿ⲛⲟⲩⲏⲣ.
5 Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.
ⲉ̅Ⲓⲏ̅ⲥ̅ ⲇⲉ ⳿ⲙⲡⲉϥϫⲉ ⲉⲣⲟⲩⲱ ⳿ⲛ⳿ϩⲗⲓ ϩⲱⲥⲧⲉ ⳿ⲛⲧⲉϥⲉⲣ⳿ϣⲫⲏⲣⲓ ⳿ⲛϫⲉ Ⲡⲓⲗⲁⲧⲟⲥ.
6 Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen.
ⲋ̅ⲕⲁⲧⲁ ⳿ⲡϣⲁⲓ ⲇⲉ ⲛⲁϥⲭⲱ ⳿ⲛⲟⲩⲁⲓ ⲉϥⲥⲟⲛϩ ⲛⲱⲟⲩ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ⲫⲏ⳿ⲉϣⲁⲩⲉⲣ⳿ⲉⲧⲓⲛ ⳿ⲙⲙⲟϥ
7 Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday.
ⲍ̅ⲫⲏ ⲇⲉ ⳿ⲉⲧⲟⲩⲙⲟⲩϯ ⳿ⲉⲣⲟϥ ϫⲉ Ⲃⲁⲣⲁⲃⲃⲁⲥ ⲛⲁϥⲥⲟⲛϩ ⲡⲉ ⲛⲉⲙ ⲛⲏ⳿ⲉⲧⲁⲩ⳿⳿ⲓⲣⲓ ⳿ⲛⲟⲩ⳿ϣⲑⲟⲣⲧⲉⲣ ⲛⲏ⳿ⲉⲛⲁⲩ⳿⳿ⲓⲣⲓ ⳿ⲛⲟⲩϧⲱⲧⲉⲃ ϧⲉⲛ ⳿ⲡ⳿ϣⲑⲟⲣⲧⲉⲣ.
8 Dadkii badnaa ayaa Bilaatos u kacay oo bilaabay inay doonaan inuu u sameeyo siduu u samayn jiray.
ⲏ̅ⲟⲩⲟϩ ⳿ⲉⲧⲁϥ⳿ⲓ ⳿ⲉ⳿ⲡϣⲱⲓ ⳿ⲛϫⲉ ⲡⲓⲙⲏϣ ⲁϥⲉⲣϩⲏⲧⲥ ⳿ⲛⲉⲣ⳿ⲉⲧⲓⲛ ⲕⲁⲧⲁ⳿ⲫⲣⲏϯ ⳿ⲉⲛⲁϥ⳿⳿ⲓⲣⲓ ⲛⲱⲟⲩ.
9 Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?
ⲑ̅Ⲡⲓⲗⲁⲧⲟⲥ ⲇⲉ ⲁϥ⳿ⲉⲣⲟⲩ⳿ⲱ ⲛⲱⲟⲩ ⲉϥϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲧⲉⲧⲉⲛⲟⲩⲱϣ ⳿ⲛⲧⲁⲭⲱ ⲛⲱⲧⲉⲛ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ⳿ⲙ⳿ⲡⲟⲩⲣⲟ ⳿ⲛⲧⲉ ⲛⲓⲒⲟⲩⲇⲁⲓ.
10 Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen.
ⲓ̅ⲛⲁϥ⳿ⲉⲙⲓ ⲅⲁⲣ ⲡⲉ ϫⲉ ⳿ⲉⲧⲁⲩⲧⲏⲓϥ ⲉⲑⲃⲉ ⲟⲩ⳿ⲫⲑⲟⲛⲟⲥ.
11 Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga.
ⲓ̅ⲁ̅ⲛⲓⲁⲣⲭⲏ⳿ⲉⲣⲉⲩⲥ ⲇⲉ ⲁⲩⲕⲓⲙ ⳿ⲙⲡⲓⲙⲏϣ ϩⲓⲛⲁ ⲙⲁⲗⲗⲟⲛ ⳿ⲛⲧⲉϥⲭⲁ ⲃⲁⲣⲃⲃⲁⲥ ⲛⲱⲟⲩ ⳿ⲉⲃⲟⲗ.
12 Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?
ⲓ̅ⲃ̅Ⲡⲓⲗⲁⲧⲟⲥ ⲇⲉ ⳿ⲉⲧⲁϥ⳿ⲉⲣⲟⲩ⳿ⲱ ⲡⲉϫⲁϥ ⲛⲱⲟⲩ ϫⲉ ⲟⲩ ⲟⲩⲛ ⲡⲉϯⲛⲁⲁⲓϥ ⳿ⲙⲫⲏ⳿ⲉⲧⲉⲧⲉⲛϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ⳿ⲉⲣⲟϥ ϫⲉ ⳿ⲡⲟⲩⲣⲟ ⳿ⲛⲧⲉ ⲛⲓⲒⲟⲩⲇⲁⲓ.
13 Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob.
ⲓ̅ⲅ̅⳿ⲛⲑⲱⲟⲩ ⲇⲉ ⲟⲛ ⲁⲩⲱϣ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ϫⲉ ⲁϣϥ.
14 Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.
ⲓ̅ⲇ̅Ⲡⲓⲗⲁⲧⲟⲥ ⲅⲁⲣ ⲛⲁϥϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲱⲟⲩ ϫⲉ ⲟⲩ ⲅⲁⲣ ⳿ⲙⲡⲉⲧϩⲱⲟⲩ ⲡⲉⲧⲁϥⲁⲓϥ ⳿ⲛⲑⲱⲟⲩ ⲇⲉ ⳿ⲛϩⲟⲩ⳿ⲟ ⲛⲁⲩⲱϣ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ϫⲉ ⲁϣϥ.
15 Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
ⲓ̅ⲉ̅Ⲡⲓⲗⲁⲧⲟⲥ ⲇⲉ ⲉϥⲟⲩⲱϣ ⳿ⲉⲉⲣ ⲡⲉⲧⲉϩⲛⲉ ⲡⲓⲙⲏϣ ⲁϥⲭⲁ Ⲃⲁⲣⲁⲃⲃⲁⲥ ⲛⲱⲟⲩ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ⲁϥϯ ⲇⲉ ⳿ⲛⲒⲏ̅ⲥ̅ ⲉⲉⲣ⳿ⲫⲣⲅⲉⲗⲗⲓⲛ ⳿ⲙⲙⲟϥ ϩⲓⲛⲁ ⳿ⲛⲧⲟⲩⲁϣϥ.
16 Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.
ⲓ̅ⲋ̅ⲛⲓⲙⲁⲧⲟⲓ ⲇⲉ ⲁⲩϭⲓⲧϥ ⳿ⲉϧⲟⲩⲛ ⳿ⲉϯⲁⲩⲗⲏ⳿ⲛⲧⲉ ⲡⲓ⳿ⲡⲣⲉⲧⲱⲣⲓⲟⲛ ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲙⲟⲩϯ ⳿ⲉϯ⳿ⲥⲡⲓⲣⲁ ⲧⲏⲣⲥ ⳿ⲉ⳿ϩⲣⲏⲓ ⳿ⲉϫⲱϥ.
17 Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen.
ⲓ̅ⲍ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩϯ ϩⲓⲱⲧϥ ⳿ⲛⲟⲩ⳿ϩⲃⲟⲥ ⳿ⲛϭⲏϫⲓ ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩϣⲱⲛⲧ ⳿ⲛⲟⲩ⳿ⲭⲗⲟⲙ ⳿ⲉⲃⲟⲗϧⲉⲛ ϩⲁⲛⲥⲟⲩⲣⲓ ⲁⲩⲭⲁϥ ϩⲓϫⲱϥ.
18 Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.
ⲓ̅ⲏ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲉⲣϩⲏⲧⲥ ⳿ⲛⲉⲣⲁⲥⲡⲁⲍⲉⲥⲑⲉ ⳿ⲙⲙⲟϥ ϫⲉ ⲭⲉⲣⲉ ⳿ⲡⲟⲩⲣⲟ ⳿ⲛⲧⲉ ⲛⲓⲒⲟⲩⲇⲁⲓ.
19 Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen.
ⲓ̅ⲑ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩϩⲓⲟⲩ⳿ⲓ ϧⲉⲛ ⲧⲉϥⲁⲫⲉ ⳿ⲛⲟⲩⲕⲁϣ ⲟⲩⲟϩ ⲛⲁⲩϩⲓⲑⲁϥ ϧⲉⲛ ⲡⲉϥϩⲟ ⲟⲩⲟϩ ⲉⲩϩⲓⲟⲩⲓ ⳿ⲙⲙⲱⲟⲩ ⳿ⲉϫⲉⲛ ⳿ⲛⲟⲩⲕⲉⲗⲓ ⳿ⲉⲟⲩⲱϣⲧ ⳿ⲙⲙⲟϥ.
20 Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
ⲕ̅ⲟⲩⲟϩ ϩⲟⲧⲉ ⳿ⲉⲧⲁⲩⲥⲱⲃⲓ ⳿ⲙⲙⲟϥ ⲁⲩⲃⲁϣϥ ⳿ⲙⲡⲓ⳿ϩⲃⲟⲥ ⳿ⲛϭⲏϫⲓ ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩϯ ⳿ⲛⲛⲉϥ⳿ϩⲃⲱⲥ ϩⲓⲱⲧϥ ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲉⲛϥ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲛⲁ ⳿ⲛⲥⲉⲁϣϥ.
21 Waxaa ag marayay nin beeraha ka yimid, oo reer Kuranaya ah, oo Simoon la odhan jiray, oo ahaa aabbihii Aleksanderos iyo Rufus, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.
ⲕ̅ⲁ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩϭⲓ ⳿ⲛⲟⲩⲁⲓ ⳿ⲛ⳿ⲭⲃⲁ ⲉϥⲥⲓⲛⲓⲱⲟⲩ Ⲥⲓⲙⲱⲛ ⲡⲓⲔⲩⲣⲓⲛⲛⲉⲟⲥ ⲉϥⲛⲏⲟⲩ ⳿ⲉⲃⲟⲗϧⲉⲛ ⳿ⲧⲕⲟⲓ Ⲫ̇ⲓⲱⲧ ⳿ⲛⲁⲗⲉⲝⲁⲛⲇⲣⲟⲥ ⲛⲉⲙ ⲣⲟⲩⲫⲟⲥ ϩⲓⲛⲁ ⳿ⲛⲧⲉϥ⳿ⲱⲗⲓ ⳿ⲙⲡⲉϥ
22 Oo waxay u soo wadeen meel Golgota la odhan jiray, taasoo micneheedu yahay meeshii dhakada.
ⲕ̅ⲃ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲉⲛϥ ⳿ⲉⲡⲓⲙⲁ ⳿ⲛⲧⲉ Ⲅⲟⲗⲅⲟⲑⲁ ⲫⲁⲓ ⲉϣⲁⲩⲟⲩⲁϩⲙⲉϥ ϫⲉ ⲡⲓⲙⲁ ⳿ⲛⲧⲉ ⲡⲓⲔ̇ⲣⲁⲛⲓⲟⲛ.
23 Waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, laakiin ma uu qaadan.
ⲕ̅ⲅ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩϯ ⲛⲁϥ ⳿ⲛⲟⲩⲏⲣⲡ ⲉϥⲙⲟϫⲧ ⲛⲉⲙ ⲟⲩϣⲁϣⲓ ⳿ⲛⲑⲟϥ ⲇⲉ ⳿ⲙⲡⲉϥϭⲓⲧϥ.
24 Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.
ⲕ̅ⲇ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲁϣϥ ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲫⲱϣ ⳿ⲛⲛⲉϥ⳿ϩⲃⲱⲥ ⳿ⲉ⳿ϩⲣⲁⲩ ⳿ⲉⲁⲩϩⲓⲱⲡ ⳿ⲉⲣⲱⲟⲩ ϫⲉ ⲛⲓⲙ ⲉⲑⲛⲁⲟⲗⲟⲩ.
25 Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen.
ⲕ̅ⲉ̅ⲛⲉ ⳿ⲫⲛⲁⲩ ⲇⲉ ⳿ⲛⲁϫⲡⲅ̅ ⲡⲉ ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲁϣϥ.
26 Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA.
ⲕ̅ⲋ̅ⲟⲩⲟϩ ϯ⳿ⲉⲡⲓ⳿ⲅⲣⲁⲫⲏ⳿ⲛⲧⲉ ⲧⲉϥ⳿ⲉⲧⲓⲁ ⲛⲁⲥ⳿ⲥϧⲏⲟⲩⲧ ⲡⲉ ϫⲉ ⳿ⲡⲟⲩⲣⲟ ⳿ⲛⲧⲉ ⲛⲓⲒⲟⲩⲇⲁⲓ.
27 Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa.
ⲕ̅ⲍ̅ⲟⲩⲟϩ ⲁⲩⲉϣ ⲕⲉⲥⲟⲛⲓ ⲃ̅ ⲛⲉⲙⲁϥ ⲟⲩⲁⲓ ⲥⲁⲟⲩ⳿ⲓⲛⲁⲙ ⲟⲩⲁⲓ ⲥⲁϫⲁϭⲏ ⳿ⲙⲙⲟϥ.
28 Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha.
ⲕ̅ⲏ̅ⲟⲩⲟϩ ϯⲅⲣⲁⲫⲏϫⲱⲕ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ϫⲉ ⲁⲩⲟⲡϥ ⲛⲉⲙ ⲛⲓⲁⲛⲟⲙⲟⲥ.
29 Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow,
ⲕ̅ⲑ̅ⲟⲩⲟϩ ⲛⲏ⳿ⲉⲛⲁⲩⲥⲓⲛⲓ ⲛⲁⲩϫⲉⲟⲩ⳿ⲁ ⳿ⲉⲣⲟϥ ⲉⲩⲕⲓⲙ ⳿ⲛⲛⲟⲩ⳿ⲁⲫⲏⲟⲩ⳿ⲓ ⲟⲩⲟϩ ⲉⲩϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲫⲏⲉⲑⲛⲁⲃⲉⲗ ⲡⲓⲉⲣⲫⲉⲓ ⳿ⲉⲃⲟⲗ ⲟⲩⲟϩ ⲉⲑⲛⲁⲕⲟⲧϥ ⳿ⲛⲅ̅ ⳿ⲛ⳿ⲉϩⲟⲟⲩ.
30 isbadbaadi oo iskutallaabta ka soo deg.
ⲗ̅ⲛⲁϩⲙⲉⲕ ⳿ⲉⲁⲕ⳿ⲓ ⳿ⲉ⳿ϧⲣⲏⲓ ⳿ⲉⲃⲟⲗϩⲓ ⲡⲓ
31 Sidaas oo kalena ayaa wadaaddada sare dhexdooda ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmadaba, oo waxay yidhaahdeen, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo.
ⲗ̅ⲁ̅ⲡⲁⲓⲣⲏϯ ⲛⲓⲕⲉⲁⲣⲭⲏ⳿ⲉⲣⲉⲩⲥ ⲉⲩⲥⲱⲃⲓ ⲛⲉⲙ ⳿ⲛⲛⲟⲩ⳿ⲉⲣⲏⲟⲩ ⲉⲩϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ϫⲉ ⳿ϥⲛⲟϩⲉⲙ ⳿ⲛϩⲁⲛⲕⲉⲭⲱⲟⲩⲛⲓ ⳿ⲙⲙⲟⲛ ⳿ϣϫⲟⲙ ⳿ⲙⲙⲟϥ ⳿ⲉⲛⲁϩⲙⲉϥ.
32 Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.
ⲗ̅ⲃ̅Ⲡⲭ̅ⲥ̅ ⳿ⲡⲟⲩⲣⲟ ⳿ⲙⲡⲓⲥ̅ⲗ̅ ⲙⲁⲣⲉϥ⳿ⲓ ⳿ⲉ⳿ϧⲣⲏⲓ ϯⲛⲟⲩ ⳿ⲉⲃⲟⲗϩⲓ ⲡⲓ⳿ⲥⲧⲁⲩⲣⲟⲥ ϩⲓⲛⲁ ⳿ⲛⲧⲉⲛⲛⲁⲩ ⲟⲩⲟϩ ⳿ⲛⲧⲉⲛⲛⲁϩϯ ⲟⲩⲟϩ ⲛⲏ⳿ⲉⲧⲁⲩⲁϣⲟⲩ ⲛⲉⲙⲁϥ ⲛⲁⲩϯϣⲱϣ ⲛⲁϥ.
33 Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad.
ⲗ̅ⲅ̅
34 Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
ⲗ̅ⲇ̅
35 Kuwa ag taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen yidhi, Eeg, wuxuu u yeedhayaa Eliyaas.
ⲗ̅ⲉ̅ⲟⲩⲟϩ ϩⲁⲛⲟⲩⲟⲛ ⳿ⲛⲧⲉ ⲛⲏⲉⲧ⳿ⲟϩⲓ ⳿ⲉⲣⲁⲧⲟⲩ ⳿ⲉⲧⲁⲩⲥⲱⲧⲉⲙ ⲛⲁⲩϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ϫⲉ ⳿ⲁⲛⲁⲩ ⳿ϥⲙⲟⲩϯ ⳿ⲉⲎ̇ⲗⲓⲁⲥ.
36 Mid baa orday, oo geed isbonji la yidhaahdo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo, wuxuuna yidhi, Daaya aannu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo soo dejiyo.
ⲗ̅ⲋ̅⳿ⲉⲧⲁϥϭⲟϫⲓ ⳿ⲛϫⲉ ⲟⲩⲁⲓ ⲁϥⲙⲁϩ ⲟⲩ⳿ⲥⲫⲟⲅⲅⲟⲥ ⳿ⲛϩⲉⲙϫ ⲁϥⲧⲁⲗⲟϥ ⳿ⲉϫⲉⲛ ⲟⲩⲕⲁϣ ⲁϥ⳿ⲧⲥⲟϥ ⲉϥϫⲱ ⳿ⲙⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲭⲁϥ ⳿ⲛⲧⲉⲛⲛⲁⲩ ϫⲉ Ⲏ̇ⲗⲓⲁⲥ ⲛⲏⲟⲩ ⳿ⲛⲧⲉϥ⳿ⲉⲛϥ ⳿ⲉ⳿ϧⲣⲏⲓ.
37 Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey.
ⲗ̅ⲍ̅Ⲓⲏ̅ⲥ̅ ⲇⲉ ⳿ⲉⲧⲁϥⲙⲟⲩϯ ϧⲉⲛ ⲟⲩⲛⲓϣϯ ⳿ⲛ⳿ⲥⲙⲏ ⲁϥϯ ⳿ⲙⲡⲓⲡ͞ⲛⲁ̅
38 Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay.
ⲗ̅ⲏ̅ⲟⲩⲟϩ ⲡⲓⲕⲁⲧⲁⲡⲉⲧⲁⲥⲙⲁ ⳿ⲛⲧⲉ ⲡⲓⲉⲣⲫⲉⲓ ⲁϥⲫⲱϧ ϧⲉⲛ ⲃ̅ ⲓⲥϫⲉⲛ ⳿ⲡϣⲱⲓ ⳿ⲉ⳿ϧⲣⲏⲓ.
39 Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
ⲗ̅ⲑ̅⳿ⲉⲧⲁϥⲛⲁⲩ ⲇⲉ ⳿ⲛϫⲉ ⲡⲓ⳿ⲉⲕⲁⲧⲟⲛⲧⲁⲣⲭⲟⲥ ⲫⲏⲉⲧ⳿ⲟϩⲓ ⳿ⲉⲣⲁⲧϥ ⳿ⲙⲡⲉϥ⳿ⲙⲑⲟ ϫⲉ ⲁϥϯ ⳿ⲙⲡⲓⲡ͞ⲛⲁ̅ ⲡⲉϫⲁϥ ϫⲉ ⲁⲗⲏⲑⲱⲥ ⲡⲁⲓⲣⲱⲙⲓ ⲛⲉ ⳿ⲡϣⲏⲣⲓ ⳿ⲙⲪϯ ⲡⲉ.
40 Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome,
ⲙ̅ⲛⲉ ⲟⲩⲟⲛ ϩⲁⲛⲕⲉϩⲓ⳿ⲟⲙⲓ ⲇⲉ ⲡⲉ ⲉⲩⲛⲁⲩ ϩⲓⲫⲟⲩⲉⲓ ⲛⲉ ⲉⲛⲁⲣⲉ Ⲙⲁⲣⲓ⳿ⲁ ⳿ⲛϧⲏⲧⲟⲩ ⲡⲉ ϯⲘⲁⲅⲇⲁⲗⲓⲛⲏ ⲛⲉⲙ Ⲙⲁⲣⲓ⳿ⲁ ⳿ⲛⲧⲉ Ⲓⲁⲕⲱⲃⲟⲥ ⲡⲓⲕⲟⲩϫⲓ ⲛⲉⲙ ⳿ⲑⲙⲁⲩ ⳿ⲛⲓⲱⲥⲏⲧⲟⲥ ⲛⲉⲙ ⲥⲁⲗⲱⲙⲏ.
41 oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.
ⲙ̅ⲁ̅ⲛⲁⲓ ⲉⲛⲁⲩⲟⲩⲉϩ ⳿ⲛⲥⲱϥ ϩⲟⲧⲉ ⲉϥⲭⲏ ϧⲉⲛ ϯⲄⲁⲗⲓⲗⲉ⳿ⲁ ⲟⲩⲟϩ ⲛⲁⲩϣⲉⲙϣⲓ ⳿ⲙⲙⲟϥ ⲛⲉⲙ ⲕⲉⲙⲏϣ ⲉⲁⲩ⳿ⲓ ⲛⲉⲙⲁϥ ⳿ⲉ⳿ϩⲣⲏⲓ ⳿ⲉⲒⲗ̅ⲏ̅ⲙ̅
42 Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay,
ⲙ̅ⲃ̅ⲟⲩⲟϩ ϩⲏⲇⲏ ⳿ⲉⲧⲁ ⲣⲟⲩϩⲓ ϣⲱⲡⲓ ⲉⲡⲓⲇⲏⲛⲉ ϯⲡⲁⲣⲁⲥⲕⲉⲩ⳿ⲏ ⲧⲉ ⲉⲧϧⲁϫⲱϥ ⳿ⲙ⳿ⲡⲥⲁⲃⲃⲁⲧⲟⲛ.
43 waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.
ⲙ̅ⲅ̅
44 Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay?
ⲙ̅ⲇ̅
45 Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.
ⲙ̅ⲉ̅ⲟⲩⲟϩ ⳿ⲉⲧⲁϥ⳿ⲉⲙⲓ ⳿ⲛⲧⲟⲧϥ ⳿ⲙⲡⲓⲉⲕⲁⲧⲟⲛⲧⲁⲣⲭ ⲟⲥ ⲁϥϯ ⳿ⲙⲡⲓⲥⲱⲙⲁ ⳿ⲛⲧⲉ Ⲓⲏ̅ⲥ̅ ⳿ⲛⲒⲱⲥⲏⲫ.
46 Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.
ⲙ̅ⲋ̅ⲟⲩⲟϩ ⳿ⲉⲧⲁϥϣⲉⲡ ⲟⲩϣⲉⲛⲧⲱ ⲁϥ⳿ⲉⲛϥ ⳿ⲉ⳿ϧⲣⲏⲓ ⲁϥⲕⲟⲩⲗⲱⲗϥ ϧⲉⲛ ⲟⲩϣⲉⲛⲧⲱ ⲟⲩⲟϩ ⲁϥⲭⲁϥ ϧⲉⲛ ⲟⲩ⳿ⲙϩⲁⲩ ⲫⲏⲉⲧϣⲏⲕ ⳿ⲉⲃⲟⲗϧⲉⲛ ⲟⲩⲡⲉⲧⲣⲁ ⲟⲩⲟϩ ⲁϥ⳿ⲥⲕⲉⲣⲕⲉⲣ ⳿ⲙⲡⲓ⳿ⲱⲛⲓ ⳿ⲉⲣⲱϥ ⳿ⲙⲡⲓ⳿ⲙϩⲁⲩ.
47 Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.
ⲙ̅ⲍ̅Ⲙⲁⲣⲓ⳿ⲁ ⲇⲉ ϯⲘⲁⲅⲇⲁⲗⲓⲛⲏ ⲛⲉⲙ Ⲙⲁⲣⲓ⳿ⲁ ⳿ⲛⲧⲉ ⲓⲱⲥⲏⲧⲟⲥ ⲛⲁⲩⲛⲁⲩ ⲡⲉ ϫⲉ ⳿ⲉⲧⲁⲩⲭⲁϥ ⲑⲱⲛ.

< Markos 15 >