< Markos 13 >
1 Goortuu macbudka ka baxay, xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow, dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin!
Og da han gikk ut av templet, sa en av hans disipler til ham: Mester! se, hvilke stener og hvilke bygninger!
2 Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
Og Jesus sa til ham: Ser du disse store bygninger? Det skal ikke levnes sten på sten som ikke skal brytes ned.
3 Oo intuu Buur Saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan, Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen,
Og da han satt på Oljeberget rett imot templet, spurte Peter og Jakob og Johannes og Andreas ham i enrum:
4 Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan?
Si oss: Når skal dette skje? og hvad er tegnet når alt dette skal fullbyrdes?
5 Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.
Jesus tok til orde og sa til dem: Se til at ikke nogen fører eder vill!
6 Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
For mange skal komme i mitt navn og si: Det er mig; og de skal føre mange vill.
7 Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.
Men når I hører krig og rykter om krig, da la eder ikke skremme! for det må så skje, men enden er ikke enda.
8 Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.
For folk skal reise sig mot folk, og rike mot rike; det skal være jordskjelv både her og der; det skal være hunger og oprør. Dette er begynnelsen til veene.
9 Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.
Men ta eder i vare! De skal overgi eder til domstolene, og I skal hudstrykes i synagoger og stilles for landshøvdinger og konger for min skyld, til vidnesbyrd for dem.
10 Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan.
Og først må evangeliet forkynnes for alle folkeslag.
11 Oo goortii laydin wado oo laydin gacangeliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doontaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Quduuska ah.
Og når de fører eder frem og overgir eder, da vær ikke forut bekymret for hvad I skal tale! men det som gis eder i samme stund, det skal I tale; for det er ikke I som taler, men den Hellige Ånd.
12 Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan.
Og bror skal overgi bror til døden, og en far sitt barn, og barn skal reise sig mot foreldre og volde deres død.
13 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.
Og I skal hates av alle for mitt navns skyld; men den som holder ut inntil enden, han skal bli frelst.
14 Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.
Men når I ser ødeleggelsens vederstyggelighet stå der hvor den ikke bør - den som leser det, han se til å skjønne det! - da må de som er i Judea, fly til fjells,
15 Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.
og den som er på taket, ikke stige ned i huset og ikke gå inn for å hente noget fra sitt hus,
16 Kii beer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.
og den som er ute på marken, ikke vende tilbake for å hente sin kappe.
17 Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.
Ve de fruktsommelige og dem som gir die, i de dager!
18 Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga.
Men bed at det ikke må skje om vinteren!
19 Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed.
for i de dager skal det være så stor en trengsel som ikke har vært inntil nu fra skapningens begynnelse, fra den tid da Gud skapte verden, og som heller ikke skal bli.
20 Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay.
Og dersom ikke Herren forkortet de dager, da blev intet kjød frelst; men for de utvalgtes skyld, for deres skyld som han har utvalgt, har han forkortet de dager.
21 Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina.
Og om nogen da sier til eder: Se, her er Messias, eller: Se der - da skal I ikke tro det.
22 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
For falske messiaser og falske profeter skal opstå og gjøre tegn og under for å føre de utvalgte vill, om det var mulig.
23 Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.
Men ta I eder i vare! Jeg har sagt eder alt forut.
24 Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,
Men i de dager, efter den trengsel, skal solen bli formørket og månen ikke gi sitt skinn,
25 xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.
og stjernene skal falle ned fra himmelen, og himmelens krefter skal rokkes.
26 Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan.
Og da skal de se Menneskesønnen komme i skyene med megen kraft og herlighet.
27 Markaasuu wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa, oo kuwuu doortay ayuu ka soo ururin doonaa afarta jahood ee meesha dhulka ugu fog ilaa meesha cirka ugu fog.
Og da skal han sende ut englene og samle sine utvalgte fra de fire verdenshjørner, fra jordens ende til himmelens ende.
28 Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay.
Lær en lignelse av fikentreet: Så snart det kommer saft i dets grener, og dets blader springer ut, da vet I at sommeren er nær;
29 Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.
således skal også I, når I ser dette skje, vite at han er nær for døren.
30 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.
Sannelig sier jeg eder: Denne slekt skal ingenlunde forgå før alt dette skjer.
31 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.
Himmel og jord skal forgå, men mine ord skal ingenlunde forgå.
32 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee.
Men hin dag eller time vet ingen, ikke engang englene i himmelen, ikke engang Sønnen, men alene min Fader.
33 Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.
Ta eder i vare, våk! For I vet ikke når tiden er.
34 Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.
Likesom en mann som drog utenlands og forlot sitt hus og overgav sine tjenere styret, enhver sin gjerning, og bød dørvokteren at han skulde våke,
35 Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba,
således skal I våke - for I vet ikke når husets herre kommer, enten det blir om aftenen eller ved midnatt eller ved hanegal eller om morgenen -
36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.
forat han ikke skal finne eder sovende, når han kommer uforvarende.
37 Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.
Men det jeg sier til eder, det sier jeg til alle: Våk!