< Markos 10 >

1 Meeshaasuu ka soo kacay oo wuxuu galay soohdimaha Yahuudiya oo Webi Urdun ka shisheeya. Mar kale dadkii badnaa baa u soo ururay, oo sida caadadiisu ahaan jirtay, ayuu haddana wax baray.
예수께서 거기서 떠나 유대 지경과 요단강 건너편으로 가시니 무리가 다시 모여 들거늘 예수께서 다시 전례대로 가르치시더니
2 Markaasaa Farrisiintu u timid oo weyddiisay, Ma xalaal baa in nin naagtiisa furo? Wayna jirrabayeen.
바리새인들이 예수께 나아와 그를 시험하여 묻되 `사람이 아내를 내어 버리는 것이 옳으니이까?'
3 Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray?
대답하여 가라사대 `모세가 어떻게 너희에게 명하였느냐?'
4 Waxay yidhaahdeen, Muuse waa fasaxay in warqaddii furniinta la dhigo oo la furo.
가로되 `모세는 이혼증서를 써주어 내어 버리기를 허락하였나이다'
5 Ciisena wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qalbi engegnaantiinna aawadeed ayuu amarkaas idiinku dhigay.
예수께서 저희에게 이르시되 `너희 마음의 완악함을 인하여 이 명령을 기록하였거니와
6 Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig.
창조시로부터 저희를 남자와 여자로 만드셨으니
7 Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa.
이러므로 사람이 그 부모를 떠나서
8 Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh.
그 둘이 한 몸이 될지니라 이러한즉 이제 둘이 아니요 한 몸이니
9 Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin.
그러므로 하나님이 짝지어 주신 것을 사람이 나누지 못할지니라' 하시더라
10 Goortay guriga ku jireen, xertiisii ayaa haddana waxaas wax ka weyddiiyeen.
집에서 제자들이 다시 이일을 묻자온대
11 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta.
이르시되 `누구든지 그 아내를 내어버리고 다른 데 장가드는 자는 본처에게 간음을 행함이요
12 Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.
또 아내가 남편을 버리고 다른데로 시집 가면 간음을 행함이니라'
13 Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay.
사람들이 예수의 만져주심을 바라고 어린 아이들을 데리고 오매 제자들이 꾸짖거늘
14 Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
예수께서 보시고 분히 여겨 이르시되 `어린 아이들의 내게 오는 것을 용납하고 금하지 말라 하나님의 나라가 이런 자의 것이니라
15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
내가 진실로 너희에게 이르노니 누구든지 하나님의 나라를 어린 아이와 같이 받들지 않는 자는 결단코 들어가지 못하리라' 하시고
16 Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey.
그 어린 아이들을 안고 저희 위에 안수하시고 축복하시니라
17 Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? (aiōnios g166)
예수께서 길에 나가실새 한사람이 달려와서 꿇어 앉아 묻자오되 `선한 선생님이여, 내가 무엇을 하여야 영생을 얻으리이까?' (aiōnios g166)
18 Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.
예수께서 이르시되 `네가 어찌하여 나를 선하다 일컫느냐? 하나님 한 분 외에는 선한 이가 없느니라
19 Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
네가 계명을 아나니 살인하지 말라, 간음하지 말라, 도적질하지 말라, 거짓 증거하지 말라, 속여 취하지 말라, 네 부모를 공경하라 하였느니라'
20 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.
여짜오되 `선생님이여, 이것은 내가 어려서부터 다 지키었나이다'
21 Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
예수께서 그를 보시고 사랑하여 가라사대 `네게 오히려 한 가지 부족한 것이 있으니 가서 네 있는 것을 다 팔아 가난한 자들을 주라 그리하면 하늘에서 보화가 네게 있으리라 그리고 와서 나를 좇으라!' 하시니
22 Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
그 사람은 재물이 많은고로 이 말씀을 인하여 슬픈 기색을 띠고 근심하며 가니라
23 Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan!
예수께서 둘러 보시고 제자들에게 이르시되 `재물이 있는 자는 하나님의 나라에 들어가기가 심히 어렵도다' 하시니
24 Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan!
제자들이 그 말씀에 놀라는지라 예수께서 다시 대답하여 가라사대 얘들아 하나님의 나라에 들어가기가 어떻게 어려운지
25 Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.
약대가 바늘귀로 나가는 것이 부자가 하나님의 나라에 들어가는 것보다 쉬우니라 하신대
26 Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
제자들이 심히 놀라 서로 말하되 `그런즉 누가 구원을 얻을 수 있는가?' 하니
27 Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
예수께서 저희를 보시며 가라사대 `사람으로는 할 수 없으되 하나님으로는 그렇지 아니하니 하나님으로서는 다 하실 수 있느니라!'
28 Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.
베드로가 여짜와 가로되 `보소서, 우리가 모든 것을 버리고 주를 좇았나이다'
29 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,
예수께서 가라사대 `내가 진실로 너희에게 이르노니 나와 및 복음을 위하여 집이나, 형제나, 자매나, 어미나, 아비나, 자식이나, 전토를 버린 자는
30 oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah. (aiōn g165, aiōnios g166)
금세에 있어 집과 형제와 자매와 모친과 자식과 전토를 백배나 받되 핍박을 겸하여 받고 내세에 영생을 받지 못할 자가 없느니라 (aiōn g165, aiōnios g166)
31 Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
그러나 먼저 된 자로서 나중 되고 나중 된 자로서 먼저 될 자가 많으니라'
32 Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona,
예루살렘으로 올라가는 길에 예수께서 제자들 앞에 서서 가시는데 저희가 놀라고 좇는 자들은 두려워하더라 이에 다시 열 두 제자를 데리시고 자기의 당할 일을 일러 가라사대
33 oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.
`보라, 우리가 예루살렘에 올라가노니 인자가 대제사장들과 서기관들에게 넘기우매 저희가 죽이기로 결안하고 이방인들에게 넘겨 주겠고
34 Wayna ku kajami doonaan, oo ku tufi doonaan, oo karbaashi doonaan, wayna dili doonaan, saddex maalmood dabadeedna wuu soo sara kici doonaa.
그들은 능욕하며 침 뱉으며 채찍질하고 죽일 것이니 저는 삼일 만에 살아나리라' 하시니라
35 Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.
세베대의 아들 야고보와 요한이 주께 나아와 여짜오되 `선생님이여, 무엇이든지 우리의 구하는 바를 우리에게 하여 주시기를 원하옵나이다'
36 Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?
이르시되 `너희에게 무엇을 하여 주기를 원하느냐?'
37 Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada.
여짜오되 `주의 영광 중에서 우리를 하나는 주의 우편에, 하나는 좌편에 앉게 하여 주옵소서'
38 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay?
예수께서 가라사대 `너희 구하는 것을 너희가 알지 못하는도다 너희가 나의 마시는 잔을 마시며 나의 받는 세례를 받을 수 있느냐?'
39 Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa,
저희가 말하되 `할 수 있나이다' 예수께서 이르시되 `너희가 나의 마시는 잔을 마시며 나의 받는 세례를 받으려니와
40 laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey.
내 좌우편에 앉는 것은 나의 줄 것이 아니라 누구를 위하여 예비되었든지 그들이 얻을 것이니라'
41 Tobankii goortay taas maqleen waxay bilaabeen inay Yacquub iyo Yooxanaa u cadhoodaan.
열 제자가 듣고 야고보와 요한에 대하여 분히 여기거늘
42 Laakiin Ciise baa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in kuwa loo malaynayo inay quruumaha madaxdooda yihiin ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.
예수께서 불러다가 이르시되 `이방인의 소위 집권자들이 저희를 임의로 주관하고 그 대인(大人)들이 저희에게 권세를 부리는 줄을 너희가 알거니와
43 Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,
너희 중에는 그렇지 아니하니 너희 중에 누구든지 크고자 하는 자는 너희를 섬기는 자가 되고
44 oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado.
너희 중에 누구든지 으뜸이 되고자 하는 자는 모든 사람의 종이 되어야 하리라
45 Waayo, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
인자의 온 것은 섬김을 받으려 함이 아니라 도리어 섬기려 하고 자기 목숨을 많은 사람의 대속물로 주려 함이니라'
46 Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.
저희가 여리고에 이르렀더니 예수께서 제자들과 허다한 무리와 함께 여리고에 나가실 때에 디매오의 아들인 소경 거지 바디매오가 길가에 앉았다가
47 Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
나사렛 예수시란 말을 듣고 소리질러 가로되 `다윗의 자손 예수여, 나를 불쌍히 여기소서!' 하거늘
48 Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
많은 사람이 꾸짖어 잠잠하라 하되 그가 더욱 소리질러 가로되 `다윗의 자손이여, 나를 불쌍히 여기소서!' 하는지라
49 Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.
예수께서 머물러 서서 `저를 부르라' 하시니 저희가 그 소경을 부르며 이르되 `안심하고 일어나라 너를 부르신다' 하매
50 Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.
소경이 겉옷을 내어 버리고 뛰어 일어나 예수께 나아오거늘
51 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
예수께서 일러 가라사대 `네게 무엇을 하여 주기를 원하느냐?' 소경이 가로되 `선생님이여, 보기를 원하나이다'
52 Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.
예수께서 이르시되 `가라, 네 믿음이 너를 구원하였느니라!' 하시니 저가 곧 보게 되어 예수를 길에서 좇으니라

< Markos 10 >