< Luukos 24 >

1 Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.
Mapema sana siku ya kwanza ya juma, walikuja kaburini, wakileta manukato ambayo walikuwa wameyaandaa.
2 Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.
Wakakuta jiwe limevingirishwa mbali na kaburi.
3 Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.
Wakaingia ndani, lakini hawakuukuta mwili wa Bwana Yesu.
4 Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.
Ilitokea kwamba, wakati wamechanganyikiwa kuhusu hili, ghafla, watu wawili walisimama katikati yao wamevaa mavazi ya kung'aa.
5 Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?
Wanawake wakiwa wamejaa hofu na wakiinamisha nyuso zao chini, wakawaambia wanawake, “Kwanini mnamtafuta aliye hai miongoni mwa wafu?
6 Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay,
Hayupo hapa, ila amefufuka! Kumbukeni alivyosema nanyi alipokuwa angali Galilaya,
7 isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.
akisema kwamba Mwana wa Adamu lazima atolewe kwenye mikono ya watu wenye dhambi na asulubishwe, na siku ya tatu, afufuke tena.”
8 Markaasay hadalladiisii xusuusteen.
Wale wanawake wakakumbuka maneno yake,
9 Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan.
na wakarudi kutoka kaburini na wakawaambia mambo haya yote wale kumi na moja na wengine wote.
10 Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.
Basi Maria Magdalena, Joana, Maria mama wa Yakobo, na wanawake wengine pamoja nao wakatoa taarifa hizi kwa mitume.
11 Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen.
Lakini ujumbe huu ukaonekana kama mzaha tu kwa mitume, na hawakuwaamini wale wanawake.
12 Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.
Hata hivyo Petro aliamka, na akakimbia kuelekea kaburini, na akichungulia na kuangalia ndani, aliona sanda peke yake. Petro kisha akaondoka akaenda nyumbani kwake, akistaajabu nini ambacho kimetokea.
13 Laba ka mid ah iyaga waxay maalintaas qudheeda ku socdeen tuulo la odhan jiray Emma'us, tan Yeruusaalem u jirtay lixdan istaadiyon.
Na tazama, wawili miongoni mwao walikuwa wakienda siku hiyo hiyo katika kijiji kimoja kiitwacho Emmau, ambacho kilikuwa maili sitini kutoka Yerusalemu.
14 Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan,
Wakajadiliana wao kwa wao kuhusu mambo yote yaliyotokea.
15 oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday.
Ikatokea kwamba, wakati walipokuwa wakijadiliana na kuulizana maswali, Yesu akasogea karibu akaambatana nao.
16 Laakiin waa la indhasaabay si aanay u garanayn.
Lakini macho yao yalizuiliwa katika kumtambua yeye.
17 Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan.
Yesu akawaambia, “Nini ambacho ninyi wawili mnakiongelea wakati mnatembea?” Wakasimama pale wakionekana na huzuni.
18 Midkood oo Kale'obas la odhan jiray, ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma adigoo keliya oo Yeruusaalem deggan oo aan ogayn wixii ayaamahan meeshaas ka dhacay?
Mmoja wao, jina lake Cleopa, akamjibu, “Je wewe ni mtu pekee hapa Yerusalemu ambaye hajui mambo yaliyotokea huko siku hizi?”
19 Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,
Yesu akawaambia, “Mambo gani?” Wakamjibu, “Mambo kuhusu Yesu Mnazareti, ambaye alikuwa nabii, muweza katika matendo na maneno mbele za Mungu na watu wote.
20 iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.
Na kwa jinsi ambayo wakuu wa makuhani na viongozi wetu walivyomtoa kuhukumiwa kifo na kumsulubisha.
21 Laakiin waxaannu rajaynaynay inuu yahay kan Israa'iil soo furan lahaa, laakiin waxaas oo dhan weliba maanta waa u maalintii saddexaad markii ay waxaas oo dhammi dhaceen.
Lakini tulitumaini kwamba yeye ndiye atakaye waweka huru Israeli. Ndiyo, mbali na haya yote, sasa ni siku ya tatu tangu mambo haya yatokee.
22 Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.
Lakini pia, baadhi ya wanawake kutoka katika kundi letu walitushangaza, baada ya kuwapo kaburini asubuhi na mapema.
23 Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay.
Walipoukosa mwili wake, wakaja, wakisema kwamba waliona pia maono ya malaika waliosema kwamba yu hai.
24 Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.
Baadhi ya wanaume ambao walikuwa pamoja nasi walienda kaburini, na kukuta ni kama vile wanawake walivyosema. Lakini hawakumuona yeye.”
25 Markaasuu ku yidhi, Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen.
Yesu akawaambia, “Ninyi watu wajinga na wenye mioyo mizito ya kuamini yote ambayo manabii wamesema!
26 Masiixa miyaanay waajib ku ahayn inuu waxaas oo dhan ku silco oo uu ammaantiisa galo?
Je haikuwa lazima Yesu kuteseka kwa mambo haya, na kuingia katika utukufu wake?”
27 Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa.
Kisha kuanzia kutoka kwa Musa na manabii wote, Yesu akawatafsiria mambo yanayomuhusu yeye katika maandiko yote.
28 Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,
Walipokaribia kile kijiji, huko walikokuwa wakienda, Yesu akafanya kana kwamba anaendelea mbele.
29 laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.
Lakini walimlazimisha, wakisema, “Kaa pamoja nasi, maana inaelekea jioni na siku ni kama imeisha.” Hivyo Yesu akaingia kwenda kukaa nao.
30 Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.
Ilitokea kwamba, wakati amekaa nao kula, alichukua mkate, akaubariki, na kuuvunja, akawapa.
31 Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay.
Kisha macho yao yakafunguliwa, wakamjua, na akatoweka ghafla mbele ya macho yao.
32 Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay?
Wakasemezana wao kwa wao, “Hivi mioyo yetu haikuwaka ndani yetu, wakati alipoongea nasi njiani, wakati alipotufungulia maandiko?”
33 Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,
Wakanyanyuka saa hiyo hiyo, na kurudi Yerusalemu. Wakawakuta wale kumi na mmoja wamekusanyika pamoja, na wale waliokuwa pamoja nao,
34 iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.
wakisema, “Bwana amefufuka kwelikweli, na amemtokea Simoni.”
35 Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.
Hivyo wakawaambia mambo yaliyotokea njiani, na namna Yesu alivyodhihirishwa kwao katika kuumega mkate.
36 Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.
Wakati wakiongea mambo hayo, Yesu mwenyewe alisimama katikati yao, na akawaambia, “Amani iwe kwenu.”
37 Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.
Lakini waliogopa na kujawa na hofu, na wakafikiri kwamba waliona roho.
38 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?
Yesu akawaambia, Kwanini mnafadhaika? Kwanini maswali yanainuka mioyoni mwenu?
39 Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay.
Angalieni mikono yangu na miguu yangu, kwamba ni mimi mwenyewe. Niguseni na muone. Kwa maana roho haina nyama na mifupa, kama mnionavyo mimi kuwa navyo.”
40 Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.
Alipokwisha kusema hivi, akawaonyesha mikono yake na miguu yake.
41 Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan?
Walipokuwa bado na furaha iliyochanganyikana na kutokuamini, na kustaajabu, Yesu akawaambia, “Je mna kitu chochote cha kula?”
42 Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah.
Wakampa kipande cha samaki aliyechomwa.
43 Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.
Yesu akakichukua, na kukila mbele yao.
44 Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.
Akawaambia, “Nilipokuwa nanyi, niliwaambia kwamba yote yalioandikwa kwenye sheria ya Musa na manabii na Zaburi lazima yatimilike.”
45 Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka.
Kisha akafungua akili zao, kwamba waweze kuyaelewa maandiko.
46 Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco,
Akawaambia, “Kwamba imeandikwa, Kristo lazima ateseke, na kufufuka tena kutoka katika wafu siku ya tatu.
47 iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem.
Na toba na msamaha wa dhambi lazima ihubiriwe kwa jina lake kwa mataifa yote, kuanzia kutokea Yerusalemu.
48 Idinkuna waxyaalahaas ayaad markhaati ka tihiin.
Ninyi ni mashahidi wa mambo haya.
49 Oo bal eega, waxaan idiin soo dirayaa ballankii Aabbahay, laakiin magaalada jooga ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare.
Angalia, nawapelekea ahadi ya Baba yangu juu yenu. Lakini subirini hapa jijini, mpaka mtakapovishwa nguvu kutoka juu.
50 Markaasuu iyaga kaxeeyey ilaa meel ku dhow Beytaniya, oo intuu gacmihii kor u qaaday ayuu barakeeyey.
Kisha Yesu akawaongoza nje mpaka walipokaribia Bethania. Akainua mikono yake juu, na akawabariki.
51 Waxaa dhacay intuu barakaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada.
Ikatokea kwamba, wakati alipokuwa akiwabariki, aliwaacha na akabebwa juu kuelekea mbinguni.
52 Markaasay isaga caabudeen, oo waxay Yeruusaalem kula noqdeen farxad weyn;
Basi wakamwabudu, na kurudi Yerusalemu na furaha kuu.
53 oo goor walbaba macbudka ayay ku jireen iyagoo Ilaah ammaanaya.
Waliendelea kuwepo hekaluni, wakimbariki Mungu.

< Luukos 24 >