< Luukos 1 >
1 Dad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday,
Mheshimiwa Theofilo: Watu wengi wamejitahidi kuandika juu ya mambo yale yaliyotendeka kati yetu.
2 siday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo Ereygii u shaqeeyey.
Waliandika kama tulivyoelezwa na wale walioyaona kwa macho yao tangu mwanzo, na waliotangaza ujumbe huo.
3 Sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf weyn lahow,
Inafaa nami pia, Mheshimiwa, baada ya kuchunguza kwa makini mambo yote tangu mwanzo, nikuandikie kwa mpango,
4 inaad garatid hubniintii hadalkii lagu baray.
ili nawe uweze kujionea mwenyewe ukweli wa mambo yale uliyofundishwa.
5 Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.
Wakati Herode alipokuwa mfalme wa Yudea, kulikuwa na kuhani mmoja jina lake Zakaria, wa kikundi cha Abia. Mke wake alikuwa anaitwa Elisabeti, naye alikuwa wa ukoo wa kuhani Aroni.
6 Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.
Wote wawili walikuwa wanyofu mbele ya Mungu, wakiishi kwa kufuata amri na maagizo yote ya Bwana bila lawama.
7 Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da'weynaayeen.
Lakini hawakuwa wamejaliwa watoto kwa vile Elisabeti alikuwa tasa, nao wote wawili walikuwa wazee sana.
8 Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,
Siku moja, ilipokuwa zamu yake ya kutoa huduma ya ukuhani mbele ya Mungu,
9 sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay.
Zakariya alichaguliwa kwa kura, kama ilivyokuwa desturi, kuingia hekaluni ili afukize ubani.
10 Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.
Watu, umati mkubwa, walikuwa wamekusanyika nje wanasali wakati huo wa kufukiza ubani.
11 Markaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa'igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda.
Malaika wa Bwana akamtokea humo ndani, akasimama upande wa kulia wa madhabahu ya kufukizia ubani.
12 Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday.
Zakariya alipomwona alifadhaika, hofu ikamwingia.
13 Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.
Lakini malaika akamwambia, “Zakariya, usiogope, kwa maana sala yako imesikilizwa, na Elisabeti mkeo atakuzalia mtoto wa kiume, nawe utampa jina Yohane.
14 Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,
Utakuwa na furaha kubwa na watu wengi watashangilia kwa sababu ya kuzaliwa kwake.
15 waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.
Atakuwa mkuu mbele ya Bwana. Hatakunywa divai wala kileo, atajazwa Roho Mtakatifu tangu tumboni mwa mama yake.
16 Reer binu Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa.
Atawaelekeza wengi wa watu wa Israeli kwa Bwana Mungu wao.
17 Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.
Atamtangulia Bwana akiongozwa na nguvu na roho kama Eliya. Atawapatanisha kina baba na watoto wao; atawafanya wasiotii wawe na fikira za uadilifu, na hivyo amtayarishie Bwana watu wake.”
18 Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay.
Zakariya akamwambia huyo malaika, “Ni kitu gani kitakachonihakikishia jambo hilo? Mimi ni mzee, hali kadhalika na mke wangu.”
19 Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.
Malaika akamjibu, “Mimi ni Gabrieli, nisimamaye mbele ya Mungu, na nimetumwa niseme nawe, nikuletee hii habari njema.
20 Bal eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono.
Sikiliza, utakuwa bubu kwa sababu huyasadiki haya maneno yatakayotimia kwa wakati wake. Hutaweza kusema mpaka hayo niliyokuambia yatakapotimia.”
21 Dadkuna waxay sugayeen Sakariyas, oo waxay la yaabeen siduu macbudka ugu raagay.
Wakati huo, wale watu walikuwa wanamngoja Zakariya huku wakishangaa juu ya kukawia kwake Hekaluni.
22 Markuu soo baxay ayuu la hadli kari waayay, markaasay garteen inuu macbudka wax ku arkay. Kolkaasuu gacanta ugu sii tilmaamayay iyaga, isagoo sii carrab la'.
Alipotoka nje, hakuweza kusema nao. Ikawa dhahiri kwao kwamba alikuwa ameona maono Hekaluni. Lakini akawa anawapa ishara kwa mikono, akabaki bubu.
23 Kolkii maalmihii shuqulkiisii wadaadnimadu dhammaadeen ayuu wuxuu tegey gurigiisii.
Zamu yake ya kuhudumu ilipokwisha, alirudi nyumbani.
24 Maalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay, oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh.
Baadaye Elisabeti mkewe akapata mimba. Akajificha nyumbani kwa muda wa miezi mitano, akisema:
25 Sidaasaa Rabbigu iigu sameeyey maalmihii uu i eegay inuu ceebtayda dadka dhexdooda iiga qaado.
“Hivi ndivyo alivyonitendea Bwana; ameniangalia na kuniondolea aibu niliyokuwa nayo mbele ya watu.”
26 Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray
Mnamo mwezi wa sita, malaika Gabrieli alitumwa na Mungu aende kwenye mji uitwao Nazareti huko Galilaya,
27 ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.
kwa msichana mmoja aitwaye Maria, mchumba wa mtu mmoja jina lake Yosefu, wa ukoo wa Daudi.
28 Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.
Malaika akamwendea, akamwambia, “Salamu Maria! Umejaliwa neema nyingi! Bwana yu pamoja nawe.”
29 Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?
Maria aliposikia maneno hayo alifadhaika sana, akawaza: maneno haya yanamaanisha nini?
30 Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.
Malaika akamwambia, “Usiogope Maria, kwa maana Mungu amekujalia neema.
31 Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.
Utachukua mimba, utamzaa mtoto wa kiume na utampa jina Yesu.
32 Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.
Yeye atakuwa mkuu na ataitwa Mwana wa Mungu Mkuu. Bwana Mungu atampa kiti cha mfalme Daudi, babu yake.
33 Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto. (aiōn )
Kwa hivyo atautawala ukoo wa Yakobo milele, na ufalme wake hautakuwa na mwisho.” (aiōn )
34 Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.
Maria akamjibu, “Yatawezekanaje hayo, hali mimi ni bikira?”
35 Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.
Malaika akamjibu, “Roho Mtakatifu atakushukia, na uwezo wake Mungu Mkuu utakujia kama kivuli; kwa sababu hiyo, mtoto atakayezaliwa ataitwa Mtakatifu, Mwana wa Mungu.
36 Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.
Ujue pia kwamba hata Elisabeti, jamaa yako, naye amepata mimba ingawa ni mzee, na sasa ni mwezi wa sita kwake yeye ambaye watu walimfahamu kuwa tasa.
37 Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.
Kwa maana hakuna jambo lisilowezekana kwa Mungu.”
38 Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay.
Maria akasema, “Mimi ni mtumishi wa Bwana, nitendewe kama ulivyosema.” Kisha yule malaika akaenda zake.
39 Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,
Siku kadhaa baadaye, Maria alifunga safari akaenda kwa haraka hadi mji mmoja ulioko katika milima ya Yuda.
40 oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed.
Huko, aliingia katika nyumba ya Zakariya, akamsalimu Elisabeti.
41 Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.
Mara tu Elisabeti aliposikia sauti ya Maria, mtoto mchanga tumboni mwake Elisabeti akaruka. Naye Elisabeti akajazwa Roho Mtakatifiu,
42 Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay.
akasema kwa sauti kubwa, “Umebarikiwa kuliko wanawake wote, naye utakayemzaa amebarikiwa.
43 Xaggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado?
Mimi ni nani hata mama wa Bwana wangu afike kwangu?
44 Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday.
Nakwambia, mara tu niliposikia sauti yako, mtoto mchanga tumboni mwangu aliruka kwa furaha.
45 Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan.
Heri yako wewe uliyesadiki kwamba yatatimia yale Bwana aliyokwambia.”
46 Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,
Naye Maria akasema,
47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
“Moyo wangu wamtukuza Bwana, roho yangu inafurahi kwa sababu ya Mungu Mwokozi wangu.
48 Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa, Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.
Kwa kuwa amemwangalia kwa huruma mtumishi wake mnyenyekevu. Hivyo tangu sasa watu wote wataniita mwenye heri.
49 Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey; Magiciisuna waa Quduus,
Kwa kuwa Mwenyezi Mungu amenitendea makuu, jina lake ni takatifu.
50 Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.
Huruma yake kwa watu wanaomcha hudumu kizazi hata kizazi.
51 Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa, Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.
Amefanya mambo makuu kwa mkono wake: amewatawanya wenye kiburi katika mawazo ya mioyo yao;
52 Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
amewashusha wenye nguvu kutoka vitu vyao vya enzi, akawakweza wanyenyekevu.
53 Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey, Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.
Wenye njaa amewashibisha mema, matajiri amewaacha waende mikono mitupu.
54 Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto
Amemsaidia Israeli mtumishi wake, akikumbuka huruma yake.
55 Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay). (aiōn )
Kama alivyowaahidia wazee wetu Abrahamu na wazawa wake hata milele.” (aiōn )
56 Maryan waxay iyada la joogtay abbaaraha saddex bilood, markaasay gurigeeda ku noqotay.
Maria alikaa na Elisabeti kwa muda upatao miezi mitatu, halafu akarudi nyumbani kwake.
57 Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay.
Wakati wa kujifungua kwake Elisabeti ulifika, akajifungua mtoto wa kiume.
58 Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen.
Jirani na watu wa jamaa yake walipopata habari kwamba Bwana amemwonea huruma kubwa, walifurahi pamoja naye.
59 Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas.
Halafu siku ya nane walifika kumtahiri mtoto, wakataka kumpa jina la baba yake, Zakariya.
60 Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa.
Lakini mama yake akasema, “La, sivyo, bali ataitwa Yohane.”
61 Waxay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey.
Wakamwambia, “Mbona hakuna yeyote katika ukoo wake mwenye jina hilo?”
62 Waxay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weyddiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho.
Basi, wakamwashiria baba yake wapate kujua alitaka mtoto wake apewe jina gani.
63 Markaasuu wuxuu weyddiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen.
Naye akaomba kibao cha kuandikia, akaandika hivi: “Yohane ndilo jina lake.” Wote wakastaajabu.
64 Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay.
Papo hapo midomo na ulimi wake Zakariya vikafunguliwa, akawa anaongea akimsifu Mungu.
65 Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.
Hofu ikawaingia jirani wote, na habari hizo zikaenea kila mahali katika milima ya Yudea.
66 Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.
Wote waliosikia mambo hayo waliyatafakari mioyoni mwao wakisema: “Mtoto huyu atakuwa mtu wa namna gani?” Maana, hakika nguvu ya Bwana ilikuwa pamoja naye.
67 Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,
Zakariya, baba yake mtoto, akajazwa Roho Mtakatifu, akatamka ujumbe wa Mungu:
68 Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil, Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.
“Asifiwe Bwana Mungu wa Israeli, kwani amekuja kuwasaidia na kuwakomboa watu wake.
69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,
Ametupatia Mwokozi shujaa, mzawa wa Daudi mtumishi wake.
70 (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray), (aiōn )
Aliahidi hapo kale kwa njia ya manabii wake watakatifu, (aiōn )
71 Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,
kwamba atatuokoa mikononi mwa adui zetu na kutoka mikononi mwa wote wanaotuchukia.
72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,
Alisema atawahurumia wazee wetu, na kukumbuka agano lake takatifu.
73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
Kiapo alichomwapia Abrahamu baba yetu, ni kwamba atatujalia sisi
74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno
tukombolewe kutoka adui zetu, tupate kumtumikia bila hofu,
75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
kwa unyofu na uadilifu mbele yake, siku zote za maisha yetu.
76 Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;
Nawe mwanangu, utaitwa, nabii wa Mungu Mkuu, utamtangulia Bwana kumtayarishia njia yake;
77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah,
kuwatangazia watu kwamba wataokolewa kwa kuondolewa dhambi zao.
78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
Mungu wetu ni mpole na mwenye huruma. Atasababisha pambazuko angavu la ukombozi litujie kutoka juu,
79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,
na kuwaangazia wote wanaokaa katika giza kuu la kifo, aongoze hatua zetu katika njia ya amani.”
80 Wiilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.
Mtoto akakua, akapata nguvu rohoni. Alikaa jangwani mpaka alipojionyesha rasmi kwa watu wa Israeli.