< Laawiyiintii 16 >

1 Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,
Yahwe alizungumza na Musa - hii ni baada vifo vya wana wawili wa Haruni, walipomkaribia Yahwe na ndipo wakafa.
2 oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.
Yahwe alimwambia Musa, “Ongea na Haruni kaka yako na umwambie hapana kuja tu wakati wowote katika patakatifu pa patakatifu ndani ya pazia, mbele ya kifuniko cha upatanisho kilicho juu ya sanduku. Akifanya hivyo, anakufa, kwasababu naonekana katika wingu juu ya kifuniko cha upatanisho.
3 Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah.
Hivi ndivyo jinsi Haruni lazima aje katika patakatifu pa patakatifu. Yeye lazima aingie pamoja na ndama kama sadaka ya dhambi, na kondoo dume kama sadaka ya dhambi.
4 Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.
Ni lazima avae kanzu ya kitatani, na lazima avae ndani yake nguo ya kitani, na lazima avae mshipi wa kitani na kilemba cha kitani. Haya ni mavazi matakatifu. Lazima aoge mwili wake katika maji na avae mavazi haya.
5 Oo ururka reer binu Israa'iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan la gubo.
Lazima achukue kwenye umati wa watu wa Israeli mbuzi wawili waume kama sadaka ya dhambi na kondoo dume moja ikiwa ni sadaka ya kuteketezwa.
6 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa.
Ndipo Haruni lazima alete ng'ombe kama sadaka ya dhambi, ambayo itakuwa kwaajili yake mwenyewe, kufanya upatanisho kwaajili yake mwenyewe na familia yake.
7 Oo waa inuu labada orgi soo kexeeyaa, oo uu soo taagaa meel Rabbiga hortiisa ah oo iridda teendhada shirka u dhow.
Ndipo lazima achukue mbuzi wawili na kuwaweka mbele ya Yahwe katika mlango wa kuingilia kwenye hema ya mkutano.
8 Oo markaas Haaruun waa inuu labada orgi saami u kala ridaa, oo saami kan Rabbiga ha ahaado, saamiga kalena kan Casaaseel ha ahaado.
Ndipo Haruni lazima apige kura kwaajili ya mbuzi hao wawili, kura moja kwaajili ya Yahwe, na kura nyingine kwaajili ya msingiziwa.
9 Oo orgigii saamigu ugu dhacay Rabbiga, Haaruun waa inuu keenaa, oo qurbaan dembi u bixiyaa.
Ndipo Haruni lazima awasilishe mbuzi ambaye kura imeangukia kwa Yahwe, na kumtoa mbuzi huyo kama sadaka ya dhambi.
10 Laakiinse orgigii saamigu ugu dhacay Casaaseel waa in isagoo nool Rabbiga hortiisa la taagaa si kafaaraggud looga kor sameeyo, oo Casaaseel aawadiis cidlada loogu eryo.
Lakini mbuzi ambaye kura ya usingiziwa imemwangukia lazima aletwe kwa Yahwe akiwa hai, kufanya upatanisho kwa kumwachia aende porini kama, mbuzimsingiziwa.
11 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo.
Pia Haruni lazima alete ng'ombe kwaajili ya sadaka ya dhambi, ambayo itakuwa kwaajili yake mwenyewe, lazima afanye upatanisho kwaajili yake mwenyewe na familia yake, hivyo lazima yeye amuue huyo ng'ombe kama sadaka ya dhambi kwaajili yake mwenyewe.
12 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa.
Haruni lazima achukue chetezo iliyojaa mkaa wa moto kutoka kwenye madhabahu mbele ya Yahwe, na mikono imejaa ubani mzuri, na kuleta vitu hivi ndani ya pazia.
13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane.
Hapo lazima aweke ubani juu ya moto mbele za Yahwe ili kwamba wingu kutoka kwenye ubani liweze kufunika kifuniko cha agano la imani ya upatanisho. Yeye afanye hivyo ili kwamba asife.
14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.
Ndipo lazima achukue kiasi cha damu ya ng'ombe na kuinyunyiza kwa kidole chake mbele ya kifuniko cha upatanisho. Lazima anyunyize kiasi cha damu kwa kidole chake mara saba mbele ya kifuniko cha upatanisho.
15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba.
Ndipo lazima aue mbuzi kwaajili ya sadaka ya dhambi ambayo ni kwaajili ya watu na kuileta damu yake ndani kwenye pazi. Hapo lazima aifanyie damu kama alivyofanya kwenye damu ya fahali: lazima ainyunyize juu ya kifuniko cha upatanisho na mbele ya kifunuko cha upatanisho.
16 Oo isagu waa inuu meesha quduuska ah daraaddeed kafaaraggud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa'iil waxyaalahooda nijaasta ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah dhexdooda.
Yeye lazima afanye upatanisho kwaajili ya mahali patakatifu kwa sababu ya matendo ya unajisi ya watu wa Israeli, na kwa sababu ya uasi na dhambi zao zote. Yeye pia lazima afanye haya kwaajili ya hema ya mkutano, ambapo Yahwe anaishi kati yao, katika uwepo wa matendo yao ya unajisi.
17 Oo waa inaan ninna teendhada shirka joogin markii uu isagu u galo inuu kafaaraggud ku sameeyo meesha quduuska ah gudaheeda ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaraggud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
Hakuna mtu anayetakiwa kuwepo katika hema ya mkutano wakati Haruni anaingia kufanya upatanisho katika mahali patakatifu pa patakatifu, na mpaka atoke nje na amemaliza kufanya upatanisho kwaajili yake mwenyewe na kwaajili ya familia yake, na kwaajili umati wa Israeli.
18 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.
Yeye lazima aende nje kwenye madhabahu hapo mbele za Yahwe na kufanya upatanisho kwaajili ya hiyo, na lazima achukue kiasi cha damu ya mbuzi na kuiweka juu ya pembe za madhabahu yote kuzunguka.
19 Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.
Anatakiwa anyunyize kiasi cha damu juu yake kwa kidole chake mara saba kuitakasa na kuitenga maalumu kwa Yahwe, mbali kutoka matendo ya unajisi wa watu wa Israeli.
20 Oo markuu dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka, iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa.
Atakapo maliza kupatanisha kwaajili ya mahali patakatifu sana, hema la mkutano, na madhabahu, lazima amlete mbuzi aliyehai.
21 Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa nin diyaarsan.
Haruni lazima aweke mikono yake yote juu ya kichwa cha mbuzi huyu aliyehai na akiri juu yake maovu yote ya watu wa Israeli, uasi wao wote, dhambi zao zote. Ndipo lazima aweke dhambi hizo juu ya kichwa cha mbuzi na amwachie katika uangalizi wa mtu aliyetari kumwongoza mbuzi huyo porini.
22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda.
Mbuzi lazima abebe juu yake mwenyewe uovu wote kwenda mahali pakiwa. Kule msituni, huyo mtu amwache mbuzi aende huru.
23 Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa,
Ndipo Haruni anapaswa kwenda tena humo kwenye hema ya mkutano na kuvua mavazi ya kitani ambayo amayavaa kabla hajaenda mahali patakatifu sana, na anatakiwa kuyaacha mavazi hayo pale.
24 oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba.
Anapaswa aoshe mwili wake kwa maji mahali patakatifu, na avae nguo zake za kawaida; pia lazima atoke nje kutoa sadaka ya kuteketezwa na sadaka ya kuteketezwa na sadaka ya kuteketezwa kwaajili ya wale watu, na kwa njia hii anafanya upatanisho kwaajili yake mwenyewe na kwaajili ya watu.
25 Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa.
Lazima yeye achome mafuta ya sadaka ya dhambi juu ya madhabahu.
26 Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa.
Huyu mtu anayemwacha mbuzi msingiziwa aende huru anafua nguo zake na kuosha mwili wake katika maji; baada ya hayo, anaweza kurudi tena kambini.
27 Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa.
Yule fahali kwaajili ya sadaka ya dhambi na mbuzi kwaajili ya sadaka za dhambi, ambaye damu yake ililetwa kufanya upatanisho katika mahali patakatifu, lazima ipelekwe nje ya kambi. kule lazima wachome, ngozi zao, nyama yao na kinyesi chao.
28 Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.
Huyu anayechoma sehemu hizo lazima afue nguo zake na aoge mwili wake katika maji; baada ya hapo, anaweza kurudi tena kwenye kambi.
29 Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba,
Hii itakuwa sharti kwaajili yenu kwamba katika mwezi wa saba, kwenye siku ya kumi ya mwezi, mtanyenyekea wenyewe na msifanye kazi, iwe mwenyeji wa kuzaliwa au mgeni anayeishi kati yenu.
30 waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon doontaan Rabbiga hortiisa.
Hii ni kwasababu katika siku hii ya upatanisho utafanywa kwaajili yenu, kuwatakasa ninyi kutoka dhambi zenu zote ili mwe safi mbele za Yahwe.
31 Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira.
Hii ni maalumu kwa Sabato ya kupumzika kwaajili yenu, na lazima mnyenyekee wenyewe na msifanye kazi. Hili litakuwa sharti kati yenu.
32 Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah.
Kuhani mkuu, ambaye atapakwa mafuta na kuwekwa wakfu kuwa kuhani mkuu katika nafasi ya baba yake, lazima afanye upatanisho huu na kuvaa mavazi ya kitani, hayo ni mavazi matakatifu.
33 Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah, waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan.
Lazima afanye upatanisho kwaajili ya mahali patakatifu sana; lazima afanye upatanisho kwaajili ya hema ya mkutano na madhabahu, na lazima afanye upatanisho kwaajili ya makuhani na kwaajili ya kusanyiko la watu.
34 Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Hii daima itakuwa sharti kwaajili yako, kufanya upatanisho kwaajili ya watu wa Israeli kwasababu ya dhambi zao zote, mara moja kwa kila mwaka.” Na ilikuwa ikifanika kama Yahwe alivyomwamuru Musa.

< Laawiyiintii 16 >