< Baroorashadii Yeremyaah 5 >

1 Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
耶和華啊,求你記念我們所遭遇的事, 觀看我們所受的凌辱。
2 Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
我們的產業歸與外邦人; 我們的房屋歸與外路人。
3 Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
我們是無父的孤兒; 我們的母親好像寡婦。
4 Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
我們出錢才得水喝; 我們的柴是人賣給我們的。
5 Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
追趕我們的,到了我們的頸項上; 我們疲乏不得歇息。
6 Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
我們投降埃及人和亞述人, 為要得糧吃飽。
7 Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
我們列祖犯罪,而今不在了; 我們擔當他們的罪孽。
8 Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
奴僕轄制我們, 無人救我們脫離他們的手。
9 Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.
因為曠野的刀劍, 我們冒着險才得糧食。
10 Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
因飢餓燥熱, 我們的皮膚就黑如爐。
11 Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
敵人在錫安玷污婦人, 在猶大的城邑玷污處女。
12 Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin.
他們吊起首領的手, 也不尊敬老人的面。
13 Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
少年人扛磨石, 孩童背木柴,都絆跌了。
14 Odayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
老年人在城門口斷絕; 少年人不再作樂。
15 Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
我們心中的快樂止息, 跳舞變為悲哀。
16 Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
冠冕從我們的頭上落下; 我們犯罪了,我們有禍了!
17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
這些事我們心裏發昏, 我們的眼睛昏花。
18 Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.
錫安山荒涼, 野狗行在其上。
19 Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
耶和華啊,你存到永遠; 你的寶座存到萬代。
20 Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
你為何永遠忘記我們? 為何許久離棄我們?
21 Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
耶和華啊,求你使我們向你回轉, 我們便得回轉。 求你復新我們的日子,像古時一樣。
22 Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.
你竟全然棄絕我們, 向我們大發烈怒?

< Baroorashadii Yeremyaah 5 >