< Baroorashadii Yeremyaah 4 >

1 Dahabkii sidee buu u dhalaal beelay! Dahabkii ugu wada saafiyaysnaase sidee buu u beddelmay! Dhagxantii meesha quduuska ahna waxaa lagu daadshay rukunka jid kasta.
איכה יועם זהב ישנא הכתם הטוב תשתפכנה אבני קדש בראש כל חוצות
2 Wiilashii Siyoon ee qaaliga ahaa oo dahabka saafiga ah la mid ahaa Sidee baa loogu tiriyey dheryo dhoobo ah oo uu dheryasameeyuhu gacmaha ku sameeyey oo kale!
בני ציון היקרים המסלאים בפז--איכה נחשבו לנבלי חרש מעשה ידי יוצר
3 Xataa dawacooyinku naasahay soo bixiyaan, oo dhallaankooda way nuujiyaan, Laakiinse dadkaygu way u naxariis darnaadeen sida gorayada cidlada joogta.
גם תנין (תנים) חלצו שד היניקו גוריהן בת עמי לאכזר כי ענים (כיענים) במדבר
4 Caanonuugga carrabkiisu wuxuu dhabxanagga ugu dhegaa oon daraaddiis Carruurta yaryaruna kibis bay baryaan, laakiinse ciduna uma gooyso.
דבק לשון יונק אל חכו בצמא עוללים שאלו לחם פרש אין להם
5 Kuwii cunto macaan cuni jiray jidadkay ku baabba'aan. Kuwii dharka cas ku soo korayna meesha digaday ku dhegaan.
האכלים למעדנים נשמו בחוצות האמנים עלי תולע חבקו אשפתות
6 Ciqaabta xumaanta dadkaygu way ka sii weyn tahay ciqaabtii dembigii Sodom, Taasoo daqiiqad qudha lagu afgembiyey iyadoo aan ciduna far saarin.
ויגדל עון בת עמי מחטאת סדם ההפוכה כמו רגע ולא חלו בה ידים
7 Kuweedii ahaa Nadiir Ilaah loo soocay barafka cad way ka sii daahirsanaayeen, oo caanahana way ka sii caddaayeen, Oo jidhkooduna murjaanta cas wuu ka sii guduudnaa, oo midabkooduna wuxuu ahaa sidii safayr oo kale.
זכו נזיריה משלג צחו מחלב אדמו עצם מפנינים ספיר גזרתם
8 Jaahoodu dhuxul wuu ka sii madow yahay, oo markay jidadka marayaanna lama garto. Haraggoodii lafuhuu ku dhegaa oo waa engegay, oo wuxuu noqday sidii qori oo kale.
חשך משחור תארם לא נכרו בחוצות צפד עורם על עצמם יבש היה כעץ
9 Kuwa seefta lagu laayo waa ka roon yihiin kuwa gaajada u le'da, Waayo, kuwanu way caatoobaan oo abaar bay u bakhtiyayaan iyagoo midhihii beeraha waayay.
טובים היו חללי חרב מחללי רעב שהם יזבו מדקרים מתנובת שדי
10 Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii, Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.
ידי נשים רחמניות--בשלו ילדיהן היו לברות למו בשבר בת עמי
11 Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.
כלה יהוה את חמתו שפך חרון אפו ויצת אש בציון ותאכל יסדתיה
12 Boqorrada dhulka iyo dadka dunida deggan oo dhammuba ma ay rumaysteen In cadowga iyo nacabku ay irdaha Yeruusaalem geli doonaan.
לא האמינו מלכי ארץ וכל (כל) ישבי תבל כי יבא צר ואויב בשערי ירושלם
13 Sababteeduna waxay ahayd dembiyadii nebiyadeeda iyo xumaatooyinkii wadaaddadeeda Kuwaasoo dhexdeeda dhiiggii kuwa xaqa ah ku daadshay.
מחטאות נביאיה עונת כהניה השפכים בקרבה דם צדיקים
14 Sidii iyagoo indha la' ayay jidadka iska daba wareegaan oo dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, Sidaas daraaddeed dharkooda lama taaban karo.
נעו עורים בחוצות נגאלו בדם בלא יוכלו יגעו בלבשיהם
15 Waxaa iyaga loogu qayliyey, War taga, nijaas yahay! Taga, taga, oo hana taabanina. Markay carareen oo ay iska daba wareegeen ayaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Iyagu halkan innaba sii degganaan maayaan.
סורו טמא קראו למו סורו סורו אל תגעו--כי נצו גם נעו אמרו בגוים לא יוספו לגור
16 Rabbigu cadhadiisuu ku kala firdhiyey, oo mar dambe fiiro u lahaan maayo. Wadaaddadii lama sharfin, oo odayaashiina looma nixin.
פני יהוה חלקם לא יוסיף להביטם פני כהנים לא נשאו זקנים (וזקנים) לא חננו
17 Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen. Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin.
עודינה (עודינו) תכלינה עינינו אל עזרתנו הבל בצפיתנו צפינו אל גוי לא יושע
18 Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno. Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid.
צדו צעדינו מלכת ברחבתינו קרב קצנו מלאו ימינו כי בא קצנו
19 Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.
קלים היו רדפינו מנשרי שמים על ההרים דלקנו במדבר ארבו לנו
20 Kii sankayaga neefta u ahaa oo ahaa kii Rabbigu subkay ayaa godadkoodii lagu qabtay, Kaasoo aannu nidhi, Quruumaha dhexdooda ayaannu hooskiisa ku sii degganaanaynaa.
רוח אפינו משיח יהוה נלכד בשחיתותם אשר אמרנו בצלו נחיה בגוים
21 Reer Edom oo dalka Cuus degganow, farax oo reyree. Koobku adiguu kuu soo gudbi doonaa, waanad sakhraami doontaa, oo waad isqaawin doontaa.
שישי ושמחי בת אדום יושבתי (יושבת) בארץ עוץ גם עליך תעבר כוס--תשכרי ותתערי
22 Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay. Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo. Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa, Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.
תם עונך בת ציון--לא יוסיף להגלותך פקד עונך בת אדום גלה על חטאתיך

< Baroorashadii Yeremyaah 4 >