< Xaakinnada 1 >

1 Markii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona?
Kwasekusithi emva kokufa kukaJoshuwa abantwana bakoIsrayeli babuza iNkosi besithi: Ngubani ozasenyukelela ukuyamelana lamaKhanani kuqala ukulwa emelene labo?
2 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
INkosi yasisithi: UJuda uzakwenyuka; khangelani, ngilinikele ilizwe esandleni sakhe.
3 Markaasaa reer Yahuudah waxay ku yidhaahdeen walaalahood reer Simecoon, Kaalaya oo markayaga na raaca aynu la dagaallanno reer Kancaane; oo annana sidaas oo kale markiinnaan idin raaci doonnaaye. Markaasay reer Simecoon raaceen.
UJuda wasesithi kuSimeyoni umfowabo: Yenyuka lami enkathweni yami ukuze silwe simelene lamaKhanani; lami-ke ngizahamba lawe enkathweni yakho. USimeyoni wasehamba laye.
4 Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.
UJuda wasesenyuka, njalo iNkosi yanikela amaKhanani lamaPerizi esandleni sabo; bawatshaya eBezeki, amadoda azinkulungwane ezilitshumi.
5 Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.
Basebefica uAdoni-Bezeki eBezeki, balwa bemelene laye, bawatshaya amaKhanani lamaPerizi.
6 Laakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.
Kodwa uAdoni-Bezeki wabaleka, baxotshana laye, bambamba, baquma izithupha zezandla zakhe lamazwane akhe amakhulu.
7 Markaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashoodii gacmaha iyo kuwoodii lugahu ka go'an yihiin ayaa cuntadooda ka urursan jiray miiskayga hoostiisa; oo sidii aan yeelay ayaa Rabbigu ii abaalmariyey. Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay.
UAdoni-Bezeki wasesithi: Amakhosi angamatshumi ayisikhombisa aqunywe izithupha zezandla zawo lezenyawo zawo ayedobha ngaphansi kwetafula lami. Njengokwenza kwami, ngokunjalo uNkulunkulu ungiphindisele. Basebemusa eJerusalema, wafela khona.
8 Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.
Abantwana bakoJuda balwa-ke bemelene leJerusalema, bayithumba, bayitshaya ngobukhali benkemba, lomuzi bawuthungela ngomlilo.
9 Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.
Emva kwalokho-ke abantwana bakoJuda behla ukuyakulwa bemelene lamaKhanani ayehlala entabeni leningizimu lesihotsheni.
10 Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.
UJuda wasehamba wamelana lamaKhanani ayehlala eHebroni; lebizo leHebroni kuqala kwakuyiKiriyathi-Arba; batshaya uSheshayi loAhimani loTalimayi.
11 Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).
Basuka lapho baya bamelana labahlali beDebiri. Lebizo leDebiri kuqala kwakuyiKiriyathi-Seferi.
12 Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
UKalebi wasesithi: Ozatshaya iKiriyathi-Seferi, ayithumbe, ngizamnika uAkisa indodakazi yami ibe ngumkakhe.
13 Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.
UOthiniyeli indodana kaKenazi umfowabo kaKalebi, owayemncane kulaye, waseyithumba; wasemnika uAkisa indodakazi yakhe ukuba ngumkakhe.
14 Oo markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?
Kwasekusithi ekufikeni kwakhe wamkhuthaza ukuthi acele kuyise insimu; wasesehla kubabhemi, uKalebi wasesithi kuye: Ulani?
15 Markaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.
Wasesithi kuye: Ngipha isibusiso. Njengoba ungiphe ilizwe leningizimu, ngipha njalo imithombo yamanzi. UKalebi wasemnika imithombo engaphezulu lemithombo engaphansi.
16 Markaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.
Abantwana bomKeni, uyisezala kaMozisi, basebesenyuka besuka emzini wamalala, belabantwana bakoJuda, baya enkangala yakoJuda, eseningizimu kweAradi; baya bahlala phakathi kwabantu.
17 Oo reer Yahuudahna waxay raaceen walaalahood reer Simecoon, oo waxay laayeen reer Kancaan oo Sefad degganaa, oo dhammaanteedna way baabbi'iyeen. Oo magaaladii magaceediina waxaa la odhan jiray Xormaah.
UJuda wasehamba loSimeyoni umfowabo, bawatshaya amaKhanani ayehlala eZefathi, bayitshabalalisa. Ngakho ibizo lomuzi lathiwa yiHorma.
18 Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.
UJuda wasethumba iGaza lomngcele wayo, leAshikeloni lomngcele wayo, leEkhironi lomngcele wayo.
19 Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.
INkosi yasisiba loJuda, wadla ilifa lezintaba, kodwa wayengelakubaxotsha elifeni abahlali besigodi, ngoba babelezinqola zensimbi.
20 Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.
Basebenika uKalebi iHebroni, njengokutsho kukaMozisi; wasexotsha elifeni esuka lapho amadodana amathathu kaAnaki.
21 Oo reer Benyaamiin ma ay eryin dadkii reer Yebuus oo Yeruusaalem degganaa; laakiinse reer Yebuus waxay Yeruusaalem la degganaayeen reer Benyaamiin ilaa maantadan la joogo.
Kodwa abantwana bakoBhenjamini kabawaxotshanga elifeni amaJebusi ayehlala eJerusalema; ngakho amaJebusi ahlala labantwana bakoBhenjamini eJerusalema kuze kube lamuhla.
22 Oo reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel; oo Rabbiguna wuu la jiray iyagii.
Lendlu kaJosefa, labo benyukela eBhetheli; njalo iNkosi yayilabo.
23 Oo reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.)
Indlu kaJosefa yasithuma inhloli eBhetheli; lebizo lomuzi kuqala laliyiLuzi.
24 Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.
Abalindi basebebona umuntu ephuma emzini, bathi kuye: Akusitshengise indlela yokungena emzini, besesikwenzela umusa.
25 Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.
Esebatshengise indlela yokungena emzini, bawutshaya umuzi ngobukhali benkemba, kodwa lowomuntu losapho lwakhe lonke babayekela bahamba.
26 Markaasaa ninkii wuxuu tegey dalkii reer Xeed, oo halkaasuu magaalo ka dhisay, oo magaceediina wuxuu u bixiyey Luus, kaasoo ah magaceeda ilaa maantadan la joogo.
Lowomuntu wasesiya elizweni lamaHethi, wakha umuzi, wabiza ibizo lawo ngokuthi yiLuzi; yilelo ibizo lawo kuze kube lamuhla.
27 Oo reer Manasehna ma ay eryin dadkii degganaa Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, ama kuwii Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, laakiinse reer Kancaan waxay doonayeen inay dalkaas degganaadaan.
UManase kaxotshanga-ke iBeti-Sheyani lemizana yayo, leThahanakhi lemizana yayo, labahlali beDori lemizana yayo, labahlali beIbileyamu lemizana yayo, labahlali beMegido lemizana yayo; kodwa amaKhanani afuna ukuhlala kulelolizwe.
28 Oo markii ay reer binu Israa'iil xoogaysteen ayay reer Kancaan addoonsadeen oo mana ay wada eryin.
Kwasekusithi uIsrayeli eselamandla wawamisa amaKhanani kusibhalo, kodwa kawaxotshanga lokuwaxotsha elifeni.
29 Oo reer Efrayimna ma ay eryin dadkii reer Kancaan oo degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan iyagay la degganaayeen Geser.
UEfrayimi kawaxotshanga-ke elifeni amaKhanani ayehlala eGezeri, kodwa amaKhanani ahlala eGezeri phakathi kwabo.
30 Oo reer Sebulunna ma ay eryin dadkii degganaa Qitroon, iyo dadkii degganaa Nahalaal, laakiinse reer Kancaan waxay degganaayeen iyaga dhexdooda, oo addoommo ayay u noqdeen.
UZebuluni kabaxotshanga elifeni abahlali beKitroni labahlali beNahaloli, kodwa amaKhanani ahlala phakathi kwabo, aba yizibhalwa.
31 Oo reer Aasheerna ma ay eryin dadkii degganaa Cakoo, ama dadkii degganaa Siidoon, ama kuwii Axlaab, ama kuwii Aksiib, ama kuwii Xelbaah, ama kuwii Afiiq, ama kuwii Rexob.
UAsheri kabaxotshanga elifeni abahlali beAko labahlali beSidoni leAhilabi leAkizibi leHeliba leAfiki leRehobi;
32 Laakiinse reer Aasheer waxay dhex degganaayeen reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, maxaa yeelay, iyagu ma ay eryin.
kodwa abakoAsheri bahlala phakathi kwamaKhanani abahlali belizwe, ngoba kabawaxotshanga elifeni.
33 Oo reer Naftaalina ma ay eryin dadkii degganaa Beytshemesh ama dadkii degganaa Beytcanaad; laakiinse wuxuu degganaa reer Kancaan dhexdooda, kuwaasoo ahaa dadkii dalka degganaa; habase yeeshee dadkii degganaa Beytshemesh iyo Beytcanaad addoommo ayaa u noqdeen iyaga.
UNafithali kabaxotshanga elifeni abahlali beBeti-Shemeshi labahlali beBeti-Anathi, kodwa wahlala phakathi kwamaKhanani, abahlali belizwe; kodwa abahlali beBeti-Shemeshi labeBeti-Anathi baba yizibhalwa kubo.
34 Markaasaa reer Amor waxay ku dirqiyeen reer Daan dalkii buuraha ahaa, maxaa yeelay, ma ay u oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada.
AmaAmori asebafuqela abantwana bakoDani entabeni, ngoba kawabavumelanga ukwehlela esigodini.
35 Laakiinse reer Amor waxay doonayeen inay degganaadaan Buur Xeres oo ku taal Ayaaloon iyo Shacalbiim; laakiinse waxaa ka adkaatay gacantii reer Yuusuf, oo sidaas daraaddeed addoommo ayay u noqdeen.
Kodwa amaAmori ayefuna ukuhlala entabeni yeHeresi eAjaloni leShahalibimi, kodwa isandla sendlu kaJosefa saba nzima, aba yizibhalwa.
36 Oo xuduudkii reer Amorna wuxuu ka bilaabmayay meesha laga koro Caqrabbiim marka laga bilaabo Selac iyo inta ka sarraysa.
Umngcele wamaAmori wawusukela emqansweni weAkirabimi, uvela edwaleni usiya phezulu.

< Xaakinnada 1 >