< Xaakinnada 9 >

1 Markaasaa Abiimeleg ina Yerubbacal tegey xagga Shekem iyo abtiyaashiis, oo wuu la hadlay iyagii iyo reerka awowgiis oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
Abimelech, son of Jerub-baal, went to his mother's brothers at Shechem and told them and all his mother's relatives,
2 Waan idin baryayaaye, La hadla dadka Shekem oo dhan, oo bal weyddiiya, Kee baa idiin wanaagsan, in wiilasha Yerubbacal oo ah toddobaatan ay idiin wada taliyaan, mise in mid keliyahu idiin taliyo? Oo waxaad kaloo xusuusataan inaan ahay laftiinnii iyo hilibkiinnii.
“Please ask all the leaders of Shechem, ‘What's best for you? That seventy men, all of them Jerub-baal's sons, rule over you—or just one man?’ Remember I'm your own flesh and blood!”
3 Markaasay abtiyaashiis ula hadleen dadkii Shekem oo dhan, oo waxay u sheegeen erayadiisii oo dhan; kolkaasay qalbiyadoodii u leexdeen inay Abiimeleg raacaan; waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa walaalkeen.
His mother's brothers shared his proposal with all the leaders of Shechem, and they decided to follow Abimelech, because they said, “He is our relative.”
4 Markaasay waxay isagii gurigii Bacal Beriid ka siiyeen toddobaatan xabbadood oo lacag ah, oo Abiimeleg wuxuu ku kiraystay ciyaalasuuq iyo waxmatarayaal isaga raacay.
They gave him seventy shekels of silver from the temple of Baal-berith. Abimelech used the money to hire some arrogant troublemakers as his gang.
5 Markaasuu reerkii aabbihiis ugu tegey Coofraah, oo wuxuu isku dhagax dushiis ku laayay walaalihiis ilmo Yerubbacal oo ahaa toddobaatan qof; laakiinse garuddambayskii Yerubbacal oo ahaa Yootam ayaa hadhay, waayo, wuu dhuuntay.
He went to his father's house in Ophrah, and on one stone killed his seventy half-brothers, the sons of Jerub-baal. But Jotham, Jerub-baal's youngest son, escaped by going into hiding.
6 Markaasaa waxaa soo shiray oo isku soo ururay dadkii Shekem oo dhan iyo reer Millo oo dhan, oo intay tageen ayay Abiimeleg boqor ka dhigteen, oo waxay ku ag boqreen geedkii tiirkii ku yiil Shekem.
Then the leaders of Shechem and Beth-millo all assembled by the oak at the pillar in Shechem and made Abimelech their king.
7 Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.
When Jotham got to hear this, he went up to the top of Mount Gerizim, and shouted in a loud voice: “Listen to me, leaders of Shechem, and God may to listen to you!
8 Waa baa dhirtu damacday inay boqor subkaan, markaasay geedsaytuun ku yidhaahdeen, Kaalay oo boqor noo noqo.
Once upon a time the trees were determined to anoint a king to rule over them. They said to the olive tree, ‘You shall be our king.’
9 Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
But the olive tree replied, ‘Should I stop giving my rich oil that benefits both gods and men just to go and sway to and fro over the trees?’
10 Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedberde, Kaalay oo boqor noo noqo.
Then the trees asked the fig tree, ‘You come and be our king.’
11 Laakiinse geedberdihii wuxuu ku yidhi, Miyaan ka tagaa macaankayga iyo midhahayga wanaagsan, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
But the fig tree replied, ‘Should I stop giving my good sweet fruit just to go and sway to and fro over the trees?’
12 Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.
Then the trees asked the grape vine, ‘You come and be our king.’
13 Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
But the grape vine replied, ‘Should I stop giving my wine that makes both gods and men happy just to go and sway to and fro over the trees?’
14 Markaasaa dhirtii oo dhammu waxay ku yidhaahdeen gocondho, Kaalay oo boqor noo noqo.
Then all the trees asked the thorn bush, ‘You come and be our king.’
15 Markaasaa gocondhadii waxay dhirtii ku tidhi, Haddaad daacad ii boqranaysaan, kaalaya oo hooskayga hadhsada; haddii kalese, dab ha ka soo baxo gocondhada oo ha laasto geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
The thorn bush replied to the trees, ‘If you're really sincere about anointing me as your king, come and find shelter in my shade. But if not, may fire flame out of the thorn bush and burn up the cedars of Lebanon!’
16 Haddaba haddaad daacad iyo si qumman ku socoteen, markii aad boqrateen Abiimeleg, iyo haddaad daacad kula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, oo aad u samayseen wixii uu idinka istaahilay;
Have you acted sincerely and honestly by making Abimelech your king? Have you been acted honorably to Jerub-baal and his family? Have you respected him for all that he accomplished?
17 (waayo, aabbahay idinkuu idiin diriray oo aawadiin buu naftiisii u biimeeyey, oo wuxuu idinka soo samatabbixiyey gacantii reer Midyaan;
Don't forget how my father fought for you and risked his own life to save you from the Midianites!
18 oo idinku maanta waxaad ku kacdeen reerkii aabbahay, oo waxaad isku dhagax ku layseen wiilashiisii oo ah toddobaatan qof, oo waxaad dadkii Shekem boqor uga dhigteen Abiimeleg oo ah wiilkii addoontiisa, maxaa yeelay, isagu waa walaalkiin; )
But you have rebelled against my father's family today. You have killed his seventy sons on one stone and have made Abimelech, the son of his slave woman, king over the leaders of Shechem simply because he's related to you.
19 haddaba haddaad maanta daacad iyo si qumman ula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, de markaas Abiimeleg ku reyreeya oo isna ha idinku reyreeyo;
Have you acted sincerely and honestly toward Jerub-baal and his family today? If so, may you be happy with Abimelech, and may he be happy with too!
20 haddii kalese, dab ha ka soo baxo Abiimeleg, oo ha laasto dadka Shekem iyo reer Millo; oo dadka Shekem iyo reer Millona dab ha ka soo baxo, oo ha laasto Abiimeleg.
But if you haven't, then may fire flame out from Abimelech, and may it burn up the leaders of Shechem and Beth-millo, and may fire flame out from the leaders of Shechem and Beth-millo and burn up Abimelech!”
21 Markaasaa Yootam orday oo cararay, oo wuxuu tegey Bi'ir, oo halkaasuu joogay cabsidii uu walaalkiis Abiimeleg ka qabay aawadeed.
Then Jotham escaped and ran away. He went to Beer and stayed there because of the threat of Abimelech his brother.
22 Oo Abiimelegna saddex sannadood buu amiir u ahaa reer binu Israa'iil.
Abimelech ruled over Israel for three years.
23 Oo Ilaahna dadkii Shekem iyo Abiimeleg dhexdooda wuxuu u soo diray jinni; oo dadkii Shekemna way khiyaaneeyeen Abiimeleg,
Then God sent an evil spirit to cause trouble between Abimelech and the leaders of Shechem. The leaders of Shechem betrayed Abimelech.
24 in dulmigii lagu sameeyey toddobaatankii wiil oo Yerubbacal uu yimaado, oo dhiiggoodii la saaro walaalkood Abiimeleg oo iyaga dilay, iyo dadkii reer Shekem oo gacmihiisa xoojiyey inuu laayo walaalihiis.
This happened because of the murder of the seventy sons of Jerub-baal and that responsibility for their blood be placed on Abimelech their brother, who killed them, and on the leaders of Shechem, who provided the means to kill his brothers.
25 Oo dadkii reer Shekemna waxay isagii buuraha dushooda u saareen rag gaadmo ah, oo iyana waxay dhaceen wax alla wixii jidkaas agtooda ah soo maray; oo taas waxaa loo sheegay Abiimeleg.
The leaders of Shechem sent men to the hill passes to lie in wait and attack Abimelech, and, in the meantime, they robbed everyone who passed by on the road. Abimelech found out what was happening.
26 Markaasaa Gacal ina Cebed ayaa yimid isagoo la socda walaalihiis, oo wuxuu tegey Shekem; oo dadkii reer Shekemna way isku halleeyeen isagii.
Gaal, son of Ebed, had moved to Shechem with his relatives, and he gained the loyalty of the leaders of Shechem.
27 Markaasay beeraha tageen, oo canabkoodii soo gurteen, oo waxay ku tunteen midhihii canabka, wayna iideen, oo waxay galeen gurigii ilaahood, oo wax bay cuneen oo cabbeen, oo waxay caayeen Abiimeleg.
At harvest time they went out into the countryside and gathered the grapes from their vineyards and trod them. They celebrated by having a festival in the temple of their god, where they ate and drank, and cursed Abimelech.
28 Markaasaa Gacal ina Cebed yidhi, Abiimeleg waa ayo? Shekemna waa ayo? Maxaynu ugu adeegna? Sow isagu ma aha ina Yerubbacal? Sirkaalkiisuna sow ma aha Sebul? U adeega dadkii reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis; laakiinse maxaynu ugu adeegnaa isaga?
“Who is this Abimelech?” asked Gaal, son of Ebed. “And who is Shechem, that we should have to serve him? Isn't he the son of Jerub-baal, while Zebul is actually the one in charge? You should serve the family of Hamor, the father of Shechem. Why should we have to serve Abimelech?
29 Haddii Ilaah dadkan gacantayda hoos gelin lahaa, ogaada, Abiimeleg waan eryi lahaaye. Kolkaasuu ku yidhi Abiimeleg, Ciidankaaga soo badso oo soo bax.
If I was the one in charge of you people, I would dispose of Abimelech! I would tell him, ‘Get your army together, and come and fight!’”
30 Markii Sebul oo ahaa taliyihii magaaladu maqlay erayadii Gacal ina Cebed ayuu aad u cadhooday.
When Zebul, the governor of the city, got to hear what Gaal was saying, he became very angry.
31 Markaasuu hoos ahaan wargeeyayaal ugu diray Abiimeleg, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Gacal ina Cebed iyo walaalihiis ayaa Shekem yimid, oo magaaladiina wuu kugu diray.
He secretly sent messengers to Abimelech to tell him, “Look, Gaal, son of Ebed, and his relatives have arrived in Shechem, and they are stirring up the town to rebel against you.
32 Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.
So come at night with your army and hide in the countryside.
33 Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.
In the morning as soon as the sun comes up, go and attack the town. When Gaal and his men come out to fight you, you can do whatever you want to them.”
34 Markaasaa Abiimeleg iyo dadkii la jiray oo dhammu habeennimo kaceen, oo waxay soo gaadeen Shekem, iyagoo afar guuto ah.
Abimelech left at night along with his army, and they separated into four companies that lay in wait near Shechem.
35 Markaasaa Gacal ina Cebed baxay, oo wuxuu istaagay iridda magaalada laga soo galo; oo Abiimeleg iyo dadkii la jirayna waxay ka soo kaceen gaadmadii.
When Gaal, son of Ebed, went out and stood at the town's entrance gate, Abimelech and his army came out from where they had been hiding.
36 Oo Gacalna markuu arkay dadkii wuxuu Sebul ku yidhi, Bal eeg, dad baa buuraha dushooda ka soo degaya. Sebulna wuxuu ku yidhi isagii, War waxaad arkaysaa oo dad moodaysaa buuraha hooskooda.
Gaal saw the army approaching and said to Zebul, “Look! Some people are coming down from the hilltops!” “That's just shadows made by the hills that look like men,” Zebul replied.
37 Oo Gacal haddana wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Bal day, dad baa dhulka dhexdiisa soo socda, oo guutona waxay soo ag socotaa geedkii Mecooneniim.
“No really, people are coming down from the high ground,” Gaal repeated. “Plus, there's another company coming down the road that passes the diviners' oak tree.”
38 Markaasaa Sebul wuxuu ku yidhi isagii, Meeh afkaagii aad ku tidhi, Waa ayo Abiimeleg oo maxaynu ugu adeegnaa? Sow kanu ma aha dadkii aad quudhsatay? Haddaba waan ku baryayaaye, u bax oo la dirir.
“Where's your big mouth now? You're the one who said, ‘Who is this Abimelech, that we should have to serve him?’” Zebul told him. “Aren't these the people you detested? Go on then—go and fight with them!”
39 Oo Gacalna intuu baxay ayuu hor maray dadkii reer Shekem, oo wuxuu la diriray Abiimeleg.
So Gaal led the leaders of Shechem out of the town and fought with Abimelech.
40 Oo Abiimelegna wuu eryooday Gacal, oo isna wuu cararay, oo dad badan oo dhaawac ah ayaa kaga dhacay tan iyo iridda magaalada laga galo.
Abimelech attacked, and chased him and his men as they ran away, killing many of them as they tried to get back to the town gate.
41 Oo Abiimelegna wuxuu degay Aruumaah, Sebulna wuu eryay Gacal iyo walaalihiisba, oo wuu u diiday inay Shekem degganaadaan.
Abimelech went back to Arumah while Zebul expelled Gaal and his relatives from Shechem.
42 Oo subaxdii dambe ayaa dadkii duurka tegey oo ay Abiimeleg u sheegeen wixii dhacay.
The following day the people of Shechem went out to the fields, and Abimelech was informed about it.
43 Markaasuu dadkii kaxaystay, oo intuu u kala qaybiyey saddex guuto ayuu duurka ku gaaday; markaasuu intuu wax fiiriyey ayuu arkay dadkii magaalada ka soo baxayay oo intuu ku kacay ayuu laayay.
He divided his army into three companies and had them lay in ambush in the fields. When he saw the people coming out of the city, he attacked and killed them.
44 Markaasay Abiimeleg iyo guutooyinkii la jiray hore u soo rooreen, oo waxay istaageen iriddii magaalada laga soo geli jiray; oo labadii guutona waxay ku yaaceen dadkii duurka joogay oo dhan, wayna wada laayeen.
Abimelech and his company raced to occupy the town's entrance gate, while the two companies raced to attack everyone in the fields and kill them.
45 Oo Abiimelegna maalintaas oo dhan wuxuu la dirirayay magaaladii; oo wuu qabsaday magaaladii, oo dadkii ku jirayna wuu wada laayay; oo magaaladiina wuu dumiyey, wuxuuna ku daadiyey cusbo.
The battle for the town lasted all day but eventually Abimelech captured it. He killed the people, demolished the town, and scattered salt over the ground.
46 Oo dadkii ku jiray munaaraddii Shekem markay taas maqleen, ayay galeen qalcaddii ku tiil gurigii ilaahooda Beriid la odhan jiray.
When all the leaders of the tower of Shechem realized what had happened, they took refuge in the strongroom of the temple of El-berith.
47 Markaasaa Abiimeleg waxaa loo sheegay in dadkii ku jiray munaaraddii Shekem oo dhammu ay isku urursan yihiin.
When Abimelech found out that all the leaders in the tower of Shechem had gathered there,
48 Markaasaa Abiimeleg wuxuu fuulay Buur Salmoon, isagii iyo dadkii la jiray oo dhammuba; kolkaasaa Abiimeleg wuxuu gacanta ku qabsaday faas, oo wuxuu dhirtii ka soo jaray laan, oo intuu kor u qaatay ayuu garbaha soo saaray, oo dadkii la jirayna wuxuu ku yidhi, Dhaqsada, oo wixii aad igu aragteen anoo samaynaya u sameeya sidii aan u sameeyey.
he and all the men with him went up Mount Zalmon. Abimelech grabbed hold of an ax and cut a branch from the trees. He lifted it onto his shoulder, and told his men, “Quick! You saw what I did. Do the same!”
49 Markaasaa dadkii nin waluba wuxuu soo jaray laantiisii, oo waxay soo raaceen Abiimeleg, oo intay laamihii qalcaddii ku ag tuuleen ayay haddana dab sudheen, oo sidaasay dadkii munaaraddii Shekem joogay oo dhammu u wada le'deen; oo waxay ahaayeen in ku dhow kun qof oo rag iyo dumarba leh.
Each of them cut down a branch and followed Abimelech. They placed the branches against the strongroom and set it on fire. So all the people who lived in the tower of Shechem died, around one thousand men and women.
50 Oo haddana Abiimeleg wuxuu tegey Teebees, oo wuxuu degay meel ka soo hor jeedda, markaasuu qabsaday.
Then Abimelech went to attack Thebez and captured it.
51 Laakiinse magaalada waxaa ku dhex tiil munaarad xoog badan. Markaasay halkaas ku carareen rag iyo dumarba, iyo kulli wixii magaalada joogay oo dhan, oo intay isku soo xidheen ayay kor u fuuleen munaaradda saqafkeedii.
But there was a strong tower inside the city. All the men and women and the town leaders ran there and barricaded themselves in, and then went up to the roof of the tower.
52 Markaasaa Abiimeleg munaaraddii yimid, wuuna la diriray, oo wuxuu u dhowaaday iridda munaaradda inuu dab ku gubo.
Abimelech went up to the tower to attack it. But as he came close to the tower's entrance to set it on fire,
53 Naag baa kor dhagaxshiid kaga soo tuurtay Abiimeleg madaxiisii, oo burburisay dhakadiisii.
a woman dropped millstone down on Abimelech's head and cracked his skull open.
54 Markaasuu haddiiba u yeedhay ninkii dhallinyarada ahaa, oo hubka u siday, oo wuxuu ku yidhi, War dadku yaanu i odhan, Naag baa dishaye, seeftaada la soo bax oo i dil. Markaasaa ninkiisii dhallinyarada ahaa seef ka mudhbixiyey, kolkaasuu dhintay.
He quickly called the young man who carried his weapons, and ordered him, “Draw your sword and kill me, so they won't say about me that a woman killed him.” So the young man drove his sword through him, and he died.
55 Dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inuu Abiimeleg dhintay ayaa nin waluba meeshiisii tegey.
When the Israelites saw that Abimelech was dead, they all left and went home.
56 Oo sidaasaa Ilaah Abiimeleg xumaantii uu aabbihiis ku sameeyey uga jeebay, waayo, wuxuu laayay toddobaatan walaalihiis ah:
This is how God paid back Abimelech's crime against his father of murdering his seventy brothers.
57 oo dadkii reer Shekem xumaantoodii oo dhan Ilaah baa ka jeebay madaxoodii, oo waxaa ku soo degay habaarkii Yootam ina Yerubbacal.
He also repaid the people of Shechem for their evil, and the curse of Jotham, son of Jerub-baal, came down upon them.

< Xaakinnada 9 >