< Xaakinnada 7 >
1 Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.
igitur Hierobbaal qui est et Gedeon de nocte consurgens et omnis populus cum eo venit ad fontem qui vocatur Arad erant autem castra Madian in valle ad septentrionalem plagam collis Excelsi
2 Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.
dixitque Dominus ad Gedeon multus tecum est populus nec tradetur Madian in manus eius ne glorietur contra me Israhel et dicat meis viribus liberatus sum
3 Haddaba tag oo dadka dhegahooda ku naadi, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii baqaya oo gariirayaa, ha iska noqdo oo ha ka tago Buur Gilecaad. Markaasaa dadkii waxaa dib uga noqday laba iyo labaatan kun oo nin, oo waxaa soo hadhay toban kun.
loquere ad populum et cunctis audientibus praedica qui formidolosus et timidus est revertatur recesseruntque de monte Galaad et reversa sunt ex populo viginti duo milia virorum et tantum decem milia remanserunt
4 Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadku weli aad buu u badan yahay; bal waxaad geeysaa biyaha, oo halkaasaan iyaga kuugu tijaabinayaa, oo waxay noqon doontaa, kii aan kugu idhaahdo, Kanu ha ku raaco, kaasaa ku raaci doonaa, oo ku alla kii aan kugu idhaahdo, Kanu ku raaci maayo, kaasu waa inaanu ku raacin.
dixitque Dominus ad Gedeon adhuc populus multus est duc eos ad aquas et ibi probabo illos et de quo dixero tibi ut tecum vadat ipse pergat quem ire prohibuero revertatur
5 Sidaas daraaddeed dadkii wuxuu keenay biyihii; markaasaa Rabbigu Gidcoon ku yidhi, Ku alla kii biyaha carrabkiisa ku leefleefa sida eey oo kale, kaas gooni ahaantiisa u sooc, sidaas oo kalena ku alla kii u jilba joogsada inuu biyaha cabbo isna gooni ahaantiisa u sooc.
cumque descendisset populus ad aquas dixit Dominus ad Gedeon qui lingua lambuerint aquas sicut solent canes lambere separabis eos seorsum qui autem curvatis genibus biberint in altera parte erunt
6 Oo kuwii leefleefay oo calaacalahooda afka saaray tiradoodii waxay noqotay saddex boqol oo nin; laakiinse dadka intiisii kale way wada jilba joogsadeen inay biyihii cabbaan.
fuit itaque numerus eorum qui manu ad os proiciente aquas lambuerant trecenti viri omnis autem reliqua multitudo flexo poplite biberat
7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Saddexda boqol oo nin oo calaacalahooda biyo ka leefleefay ayaan idinku badbaadinayaa, oo reer Midyaanna gacantaadaan soo gelinayaa; laakiinse dadka intiisa kale oo dhammu ha iska tageen, oo nin waluba ha ku noqdo meeshiisii.
et ait Dominus ad Gedeon in trecentis viris qui lambuerunt aquas liberabo vos et tradam Madian in manu tua omnis autem reliqua multitudo revertatur in locum suum
8 Sidaas daraaddeed dadkii waxay gacmahoodii ku qaateen sahay iyo buunankoodii, oo kulli dadkii reer binu Israa'iil wuu iska diray, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii, laakiin wuxuu la hadhay saddexdii boqol oo nin. Oo xeradii reer Midyaanna waxay ku tiil dooxadii isaga ka hoosaysay.
sumptis itaque pro numero cibariis et tubis omnem reliquam multitudinem abire praecepit ad tabernacula sua et ipse cum trecentis viris se certamini dedit castra autem Madian erant subter in valle
9 Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.
eadem nocte dixit Dominus ad eum surge et descende in castra quia tradidi eos in manu tua
10 Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,
sin autem solus ire formidas descendat tecum Phara puer tuus
11 oo waxaad maqli doontaa waxay isku leeyihiin; oo markaasay gacmahaagu u xoogaysan doonaan inaad xerada ku dhaadhacdo. Markaasuu hoos u dhaadhacay isagoo kaxaystay addoonkiisii Furaah ilaa meeshii ku wareegsanayd xerada oo raggii hubka lahaa degganaa.
et cum audieris quid loquantur tunc confortabuntur manus tuae et securior ad hostium castra descendes descendit ergo ipse et Phara puer eius in partem castrorum ubi erant armatorum vigiliae
12 Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.
Madian autem et Amalech et omnes orientales populi fusi iacebant in valle ut lucustarum multitudo cameli quoque innumerabiles erant sicut harena quae iacet in litoribus maris
13 Oo markuu Gidcoon yimid waxaa jiray nin saaxiibkiis riyo u sheegayay, oo wuxuu yidhi, War riyaan ku riyooday, oo waxaan arkay kibis shaciir laga sameeyey oo ku soo giringiratay xerada reer Midyaan, oo waxay soo gaadhay teendhada, oo intay ku dhacday ayay dumisay, oo markaasay gembiday, oo teendhadiina way dhacday.
cumque venisset Gedeon narrabat aliquis somnium proximo suo et in hunc modum referebat quod viderat vidi somnium et videbatur mihi quasi subcinericius panis ex hordeo volvi et in Madian castra descendere cumque pervenisset ad tabernaculum percussit illud atque subvertit et terrae funditus coaequavit
14 Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.
respondit is cui loquebatur non est hoc aliud nisi gladius Gedeonis filii Ioas viri Israhelitae tradidit Deus in manu eius Madian et omnia castra eius
15 Oo markii Gidcoon maqlay sheegistii riyada iyo micnaynteediiba ayuu Rabbiga caabuday, oo kolkaasuu xeradii reer binu Israa'iil ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, waayo, Rabbigu gacantuu idiin soo geliyey ciidanka reer Midyaan.
cumque audisset Gedeon somnium et interpretationem eius adoravit et reversus ad castra Israhel ait surgite tradidit enim Dominus in manus nostras castra Madian
16 Markaasuu saddexdii boqol oo nin u kala qaybiyey saddex guuto, oo kulligoodba gacmahuu u geliyey buunan, iyo jalxado madhan oo ay qoryo ololayaa ku dhex jiraan.
divisitque trecentos viros in tres partes et dedit tubas in manibus eorum lagoenasque vacuas ac lampadas in medio lagoenarum
17 Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Ii fiirsada, oo yeela sidaan yeelo oo kale; oo bal eega, markii aan gaadho meesha xerada ku wareegsan waa inaad yeeshaan sidaan yeelo oo kale.
et dixit ad eos quod me facere videritis hoc facite ingrediar partem castrorum et quod fecero sectamini
18 Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.
quando personaverit tuba in manu mea vos quoque per castrorum circuitum clangite et conclamate Domino et Gedeoni
19 Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen.
ingressusque est Gedeon et trecenti viri qui erant cum eo in parte castrorum incipientibus vigiliis noctis mediae et custodibus suscitatis coeperunt bucinis clangere et conplodere inter se lagoenas
20 Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.
cumque per gyrum castrorum in tribus personarent locis et hydrias confregissent tenuerunt sinistris manibus lampadas et dextris sonantes tubas clamaveruntque gladius Domini et Gedeonis
21 Oo iyana nin waluba wuxuu istaagay meeshiisii iyagoo xerada ku wareegsan; markaasaa ciidankii oo dhammu wada yaacay; wayna qayliyeen oo carareen.
stantes singuli in loco suo per circuitum castrorum hostilium omnia itaque castra turbata sunt et vociferantes ululantesque fugerunt
22 Oo iyana waxay afuufeen saddexdii boqol oo buun, markaasaa Rabbigu wuxuu nin walba ku kiciyey saaxiibkiis iyo ciidankii oo dhan; oo ciidankiina wuxuu sii cararayay ilaa Beytshitah oo ah xagga Sereeraad, iyo tan iyo xuduudka Aabeel Mehoolaah oo u dhow Tabbaad.
et nihilominus insistebant trecenti viri bucinis personantes inmisitque Dominus gladium in omnibus castris et mutua se caede truncabant
23 Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay isaga soo urureen reer Naftaali, iyo reer Aasheer, iyo reer Manaseh oo dhan, oo waxay eryoodeen reer Midyaan.
fugientes usque Bethseta et crepidinem Abelmeula in Tebbath conclamantes autem viri Israhel de Nepthali et Aser et omni Manasse persequebantur Madian
24 Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun.
misitque Gedeon nuntios in omnem montem Ephraim dicens descendite in occursum Madian et occupate aquas usque Bethbera atque Iordanem clamavitque omnis Ephraim et praeoccupavit aquas atque Iordanem usque Bethbera
25 Oo waxay gacanta ku dhigeen labadii amiir oo reer Midyaan, oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; oo markaasay Cooreeb ku dileen dhagaxii Cooreeb, oo Se'eebna waxay ku dileen macsaraddii Se'eeb, wayna sii eryoodeen reer Midyaan; markaasay madaxyadii Cooreeb iyo Se'eeb Gidcoon ugu keeneen Webi Urdun shishadiisa.
adprehensosque duos viros Madian Oreb et Zeb interfecit Oreb in petra Oreb Zeb vero in torculari Zeb et persecuti sunt Madian capita Oreb et Zeb portantes ad Gedeon trans fluenta Iordanis