< Xaakinnada 20 >

1 Markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu soo wada baxeen, oo shirkiina wuxuu u soo ururay sidii nin qudha, oo waxay ka soo shireen tan iyo Daan iyo xataa Bi'ir Shebac, iyo weliba dalka reer Gilecaad, oo waxay Rabbiga ugu soo shireen Misfaah.
이에 모든 이스라엘 자손이 단에서부터 브엘세바까지와 길르앗 땅에서 나왔는데 그 회중이 일제히 미스바에서 여호와 앞에 모였으니
2 Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.
온 백성의 어른 곧 이스라엘 모든 지파의 어른들은 하나님 백성의 총회에 섰고 칼을 빼는 보병은 사십만이었으며
3 (Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday.
이스라엘 자손의 미스바에 올라간 것을 베냐민 자손이 들었더라 이스라엘 자손이 가로되 이 악한 일의 정형을 우리에게 고하라
4 Markaasuu kii reer Laawi oo ahaa ninkii qabay naagtii la dilay jawaabay oo yidhi, Waxaan imid magaalada Gibecaah oo reer Benyaamiin ay leeyihiin, oo waxaannu doonaynay inaannu ku hoyanno aniga iyo naagtaydii addoonta ahayd.
레위 사람 곧 죽임을 당한 여인의 남편이 대답하여 가로되 내가 내 첩으로 더불어 베냐민에 속한 기브아에 유숙하러 갔더니
5 Markaasay raggii reer Gibecaah igu kaceen, oo habeennimo ayay gurigii igu hareereeyeen, oo waxay damceen inay i dilaan, naagtaydii addoonta ahaydna way kufsadeen, wayna dhimatay.
기브아 사람들이 나를 치러 일어나서 밤에 나의 우거한 집을 에워싸고 나를 죽이려 하고 내 첩을 욕보여서 그로 죽게 한지라
6 Oo anna intaan naagtaydii addoonta ahayd qaaday ayaan cadcad u kala googooyay, oo waxaan u diray dalkii ay reer binu Israa'iil dhaxalka u heleen oo dhan; waayo, waxay reer binu Israa'iil ku dhex sameeyeen wasakhnimo iyo xumaan.
내가 내 첩의 시체를 취하여 쪼개어 이스라엘 기업의 온 땅에 보내었노니 이는 그들이 이스라엘 중에서 음행과 망령된 일을 행하였음을 인함이로라
7 Hadda kulligiin reer binu Israa'iilow, bal ka tashada oo ka arrinsada.
이스라엘 자손들아 너희가 다 여기 있은즉 너희의 의견과 방책을 낼지니라
8 Markaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii.
모든 백성이 일제히 일어나며 가로되 우리가 하나라도 자기 장막으로 돌아가지 아니하며 하나라도 자기 집으로 들어가지 아니하고
9 Laakiinse waxa aannu Gibecaah ku samaynaynaa waa kan; saami baannu ku weeraraynaa.
우리가 기브아 사람에게 이렇게 행하리니 곧 제비 뽑아서 그들을 치되
10 Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.
우리가 이스라엘 모든 지파 중에서 백에 열, 천에 백, 만에 천을 취하고 그 백성을 위하여 양식을 예비하고 그들로 베냐민의 기브아에 가서 그 무리의 이스라엘 중에서 망령된 일을 행한 대로 징계하게 하리라 하니라
11 Oo sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.
이와 같이 이스라엘 모든 사람이 하나 같이 합심하여 그 성읍을 치려고 모였더라
12 Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?
이스라엘 지파들이 베냐민 온 지파에 사람들을 보내어 두루 행하며 이르기를 너희 중에서 생긴 이 악이 어찜이뇨
13 Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa.
그런즉 이제 기브아 사람 곧 그 비류를 우리에게 붙여서 우리로 죽여 이스라엘 중에 악을 제하여 버리게 하라 하나 베냐민 자손이 그 형제 이스라엘 자손의 말을 듣지 아니하고
14 Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.
도리어 각 성읍에서 기브아에 모이고 나가서 이스라엘 자손과 싸우고자 하니
15 Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.
그 때에 성읍들에서 나온 베냐민 자손의 수는 칼을 빼는 자가 모두 이만 육천이요 그 외에 기브아 거민 중 택한 자가 칠백인데
16 Oo dadkaas oo dhanna waxaa ka mid ahaa toddoba boqol oo nin oo la soo xulay oo wada gurran, oo mid waluba ka dhaadhacay wadhafka tuuristiisa oo xataa uusan la waayayn tin.
이 모든 백성 중에서 택한 칠백 명은 다 왼손잡이라 물매로 돌을 던지면 호리도 틀림이 없는 자더라
17 Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.
베냐민 자손 외에 이스라엘 사람의 칼을 빼는 자의 수는 사십만 명이니 다 전사라
18 Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.
이스라엘 자손이 일어나 벧엘에 올라가서 하나님께 묻자와 가로되 우리 중에 누가 먼저 올라가서 베냐민 자손과 싸우리이까 여호와께서 가라사대 유다가 먼저 일지니라
19 Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah.
이스라엘 자손이 아침에 일어나 기브아를 대하여 진을 치니라
20 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan.
이스라엘 사람들이 나가서 항오를 벌이고 거기서 그들과 싸우고자 하매
21 Markaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin.
베냐민 자손이 기브아에서 나와서 당일에 이스라엘 사람 이만 이천을 땅에 엎드러뜨렸으나
22 Markaasay raggii reer binu Israa'iil isdhiirrigeliyeen, oo mar kalay dagaal isugu soo diyaariyeen meeshii ay maalintii hore isku soo diyaariyeen.
이스라엘 사람들이 스스로 용기를 내어 첫날 항오를 벌였던 곳에 다시 항오를 벌이니라
23 (Markaasay reer binu Israa'iil tageen oo ilaa fiidkii ku hor ooyeen Rabbiga, oo Rabbigay weyddiisteen iyagoo leh, Miyaannu haddana u dhowaannaa inaannu walaalahayo reer Benyaamiin la dirirno? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga oo la dirira.)
이스라엘 자손이 올라가서 여호와 앞에서 저물도록 울며 여호와께 묻자와 가로되 내가 다시 나아가서 나의 형제 베냐민 자손과 싸우리이까 여호와께서 가라사대 올라가서 치라 하시니라
24 Oo haddana maalintii labaad ayaa reer binu Israa'iil u soo dhowaadeen reer Benyaamiin.
그 이튿날에 이스라엘 자손이 베냐민 자손을 치러 나아가매
25 Kolkaasay reer Benyaamiin maalintii labaad kaga soo baxeen Gibecaah, oo haddana waxay baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo waxay ka laayeen siddeed iyo toban kun oo nin oo wada seefqaad ah.
베냐민도 그 이튿날에 기브아에서 그들을 치러 나와서 다시 이스라엘 자손 일만 팔천을 땅에 엎드러뜨렸으니 다 칼을 빼는 자였더라
26 Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
이에 온 이스라엘 자손 모든 백성이 올라가서 벧엘에 이르러 울며 거기서 여호와 앞에 앉고 그 날이 저물도록 금식하고 번제와 화목제를 여호와 앞에 드리고
27 Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah,
여호와께 물으니라 (그 때에는 하나님의 언약궤가 거기 있고
28 oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa.
아론의 손자 엘르아살의 아들 비느하스가 그 앞에 모셨더라) 이스라엘 자손이 묻자오되 내가 다시 나가 나의 형제 베냐민 자손과 싸우리이까 말리이까 여호와께서 가라사대 올라가라 내일은 내가 그를 네 손에 붙이리라
29 Markaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah.
이스라엘이 기브아 사면에 군사를 매복하니라
30 Oo haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore.
이스라엘 자손이 제삼일에 베냐민 자손에게로 치러 올라가서 전과 같이 기브아를 대하여 항오를 벌이매
31 Oo reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah.
베냐민 자손이 나와서 백성을 맞더니 꾀임에 빠져 성읍을 떠났더라 그들이 큰 길 곧 한편은 벧엘로 올라가는 길이요 한편은 기브아의 들로 가는 길에서 백성을 쳐서 전과 같이 이스라엘 사람 삼십 명 가량을 죽이기 시작하며
32 Markaasay reer Benyaamiin isku yidhaahdeen, Sidii mararkii hore ayay hortayada ugu le'deen. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdeen, War aynu cararno, oo iyaga magaalada ka fogayno oo geeyno xagga waddooyinka waaweyn.
스스로 이르기를 이들이 처음과 같이 우리 앞에서 패한다 하나 이스라엘 자손은 이르기를 우리가 도망하여 그들을 성읍에서 큰 길로 꾀어내자 하고
33 Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah.
이스라엘 사람이 모두 그 처소에서 일어나서 바알다말에 항오를 별였고 그 복병은 그 처소 곧 기브아 초장에서 쏟아져 나왔더라
34 Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay.
온 이스라엘 사람 중에서 택한 사람 일만이 기브아에 이르러 치매 싸움이 심히 맹렬하나 베냐민 사람은 화가 자기에게 미친줄을 알지 못하였더라
35 Markaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah.
여호와께서 이스라엘 앞에서 베냐민을 쳐서 파하게 하시매 당일에 이스라엘 자손이 베냐민 사람 이만 오천일백을 죽였으니 다 칼을 빼는 자이었더라
36 Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen.
이에 베냐민 자손이 자기가 패한 것을 깨달았으니 이는 이스라엘 사람이 기브아에 매복한 군사를 믿고 잠간 베냐민 사람 앞을 피하매
37 Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef.
복병이 급히 나와 기브아에 돌입하고 나아가며 칼날로 온 성읍을 쳤음이더라
38 Haddaba reer binu Israa'iil iyo raggii gaadmada ahaa waxaa calaamad u ahaa inay qiiq weyn ka kiciyaan magaalada.
처음에 이스라엘 사람과 복병 사이에 상약하기를 성읍에서 큰 연기가 치미는 것으로 군호를 삼자 하고
39 Markaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada.
이스라엘 사람은 싸우다가 물러가고 베냐민 사람은 이스라엘 사람 삼십 명 가량을 쳐 죽이기를 시작하며 이르기를 이들이 정녕 처음 싸움 같이 우리에게 패한다 하다가
40 Laakiinse markii daruurtii ka kacday magaaladii iyadoo tiir qiiq ah ayaa reer Benyaamiin dib u fiiriyeen, oo waxay arkeen magaaladii oo dhammaanteed qiiq samada uga baxay.
연기 구름이 기둥 같이 성읍 가운데서 일어날 때에 베냐민 사람이 돌아보매 온 성읍에 연기가 하늘에 닿았고
41 Markaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga.
이스라엘 사람은 돌이키는지라 베냐민 사람이 화가 자기에게 미친 것을 보고 심히 놀라
42 Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.
이스라엘 사람 앞에서 몸을 돌이켜 광야 길로 향하였으나 군사가 급히 추격하며 각 성읍에서 나온 자를 그 가운데서 진멸하니라
43 Oo intay hareereeyeen ayay reer Benyaamiin sii eryadeen, oo waxay ku gaadheen meeshii ay ku nasteen taasoo ka horraysa oo xagga qorrax ka soo baxa ka xigta Gibecaah.
그들이 베냐민 사람을 에워쌌더니 기브아 앞 동편까지 쫓으며 그 쉬는 곳에서 짓밟으매
44 Oo waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
베냐민 중에서 엎드러진 자가 일만 팔천이니 다 용사더라
45 Oo intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin.
그들이 몸을 돌이켜 광야로 도망하여 림몬 바위에 이르는 큰 길에서 이스라엘이 또 오천 명을 이삭 줍듯 하고 또 급히 따라 기돔에 이르러 또 이천 명을 죽였으니
46 Sidaas daraaddeed maalintaas wixii reer Benyaamiin ka le'day kulligood waxay ahaayeen shan iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
이 날에 베냐민의 칼을 빼는 자의 엎드러진 것이 모두 이만 오천이니 다 용사더라
47 Laakiinse lix boqol oo nin ayaa jeesatay oo waxay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon oo waxay dhagaxii weynaa oo Rimmon joogeen afar bilood.
베냐민 육백 명이 돌이켜 광야로 도망하여 림몬 바위에 이르러 거기서 넉 달을 지내었더라
48 Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.
이스라엘 사람이 베냐민 자손에게로 돌아와서 온 성읍과 가축과 만나는 자를 다 칼날로 치고 닥치는 성읍마다 다 불살랐더라

< Xaakinnada 20 >