< Xaakinnada 19 >

1 Oo waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah.
A kwanakin nan Isra’ila ba su da sarki. To, wani Balawe wanda yake zama a wani lungu na ƙasar tudu ta Efraim ya ɗauko wa kansa ƙwarƙwara daga Betlehem cikin Yahuda.
2 Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.
Amma ba tă yi aminci ba. Ta bar shi ta komo gidan mahaifiyarta a Betlehem, a Yahuda. Bayan ta zauna a can wajen wata huɗu,
3 Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.
sai mijinta ya je wajenta biko don yă rarashe ta komo. Ya tafi tare bawansa da kuma jakuna biyu. Sai ta shigar da shi gidan mahaifinta, sa’ad da mahaifinta ya gan shi, ya marabce shi da murna.
4 Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.
Surukinsa, mahaifin yarinyar, ya sha kansa, yă dakata; saboda haka ya dakata tare da shi har kwana uku, yana ci yana sha, yana kuma kwanciya a can.
5 Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.
A rana ta huɗu suka tashi da sassafe ya kuma yi shiri yă tafi, amma mahaifinta yarinyar ya ce wa surukinsa, “Ka ɗan ci wani abu don ka sami ƙarfi; sa’an nan ka tafi.”
6 Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
Saboda haka suka zauna su biyu suka ci suka sha tare. Bayan haka sai mahaifin yarinyar ya ce, “Don Allah ka kwana ka ji wa kanka daɗi.”
7 Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.
Sa’ad da mutumin ya tashi zai tafi, sai surukinsa ya roƙe shi, saboda haka ya kwana a wannan dare.
8 Oo haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen.
Da sassafen kashegari rana ta biyar, ya tashi zai tafi, sai mahaifin yarinyar ya ce, “Ka ɗan zauna ka shaƙata sai rana ta yi sanyi mana!” Saboda haka su biyu suka zauna suka ci abinci tare.
9 Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.
Sa’ad da mutumin da ƙwarƙwaransa da bawansa, suka tashi don su tafi, surukinsa, mahaifin yarinyar ya ce, “Duba, rana ta kusan fāɗuwa, yamma ta riga ta yi, ka kwana a nan. Ka sāke kwana ka ji wa ranka daɗi. Kashegari da sassafe za ka iya tashi ka kama hanyarka zuwa gida.”
10 Laakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay.
Amma bai so ya sāke kwana a can ba, mutumin ya tashi ya tafi ya bi ta Yebus (wato, Urushalima), tare da jakunansa biyu da aka yi musu shimfiɗa da kuma ƙwarƙwaransa.
11 Oo markay Yebuus ku soo dhowaadeenna maalintii horay u badatay; markaasaa midiidinkii wuxuu sayidkiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay oo aynu ku leexanno magaaladan reer Yebuus oo aynu u hoyanno.
Sa’ad da suka yi kusa da Yebus dare kuma ya riga ya yi, bawan ya ce wa maigidansa, “Mu dakata a birnin nan na Yebusiyawa mu kwana.”
12 Kolkaasaa sayidkiisii ku yidhi, Dad shisheeye ah oo aan reer binu Israa'iil ahayn magaaladiis ku leexan mayno; laakiinse waxaynu u gudbaynaa xagga Gibecaah.
Maigidansa ya ce, “A’a. Ba za mu shiga birnin baƙi waɗanda mutanensu ba Isra’ilawa ba. Za mu ci gaba zuwa Gibeya.”
13 Oo wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah.
Ya kuma ce, “Zo, mu yi ƙoƙari mu kai Gibeya ko Rama mu kwana a ɗaya cikinsu.”
14 Kolkaasay iska sii socdeen oo jidkoodii qaadeen; oo waxaa qorraxdu ugu dhacday iyagoo ag jooga Gibecaah oo ay reer Benyaamiin lahaayeen.
Saboda haka suka ci gaba, rana tana fāɗuwa sa’ad da suka yi kusa da Gibeya a Benyamin.
15 Markaasay halkaas ku leexdeen inay u hoydaan Gibecaah. Kolkaasuu galay, oo wuxuu fadhiistay jidkii magaalada; waayo, ninna gurigiisii ma gelin inay u hoydaan.
A can suka dakata don su kwana, suka tafi suka zauna a dandali birnin, amma wani ya shigar da su gidansa da daren.
16 Oo fiidkii oday baa shuqulkiisii beerta ka yimid. Haddaba ninku wuxuu ahaa reer Efrayimkii dalka buuraha leh degganaa, oo Gibecaahna qariib buu ku ahaa; laakiinse dadkii meesha degganaa waxay ahaayeen reer Benyaamiin.
A wannan yamma sai ga wani tsoho daga ƙasar tudu ta Efraim, wanda yake zama a Gibeya (mutane wurin kuwa mutanen Benyamin ne), ya shigo daga wurin aiki a gonaki.
17 Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?
Sa’ad da ya duba ya ga matafiyin a dandalin birnin, sai tsohon ya yi tambaya ya ce, “Ina za ku? Ina kuka fito?”
18 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.
Balawen ya ce, “Muna fito daga Betlehem a Yahuda za mu wani lungu a ƙasar tudu ta Efraim inda nake da zama. Na tafi Betlehem a Yahuda, ga shi kuwa yanzu za ni gidan Ubangiji. Ba wanda ya shigar da ni gidansa.
19 Weliba dameerahayaga waa loo hayaa caws iyo cuntoba; oo kibis iyo khamrina waa u diyaar aniga iyo gabadhaada addoonta ah, iyo weliba ninka dhallinyarada ah ee nala socda annagoo addoommadaada ah, haddaba wax loo baahan yahay ma jiraan.
Muna da ƙara da abinci don jakunanmu, muna kuma da burodi da ruwan inabi dominmu da bayinka, ni, baiwarka da kuma saurayin nan tare da mu. Ba ma bukatar kome.”
20 Oo markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan.
Tsohon ya ce, “Na marabce ku a gidana. Bari ni ba ku duk abin da kuke bukata. Kada ku dai kwana a dandali.”
21 Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.
Saboda haka sai kai shi zuwa gidansa ya ciyar da jakunansa. Bayan sun wanke ƙafafunsu, sai aka ba su abinci da abin sha.
22 Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.
Yayinda suke jin wa kansu daɗi, sai waɗansu’yan iska daga birnin suka kewaye gidan. Suna bubbuga ƙofar, suna kira tsohon da yake da gidan suna cewa, “Ka fito mana da mutumin nan a gidanka domin mu yi jima’i da shi.”
23 Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan.
Maigidan ya fita waje ya ce musu, “A’a, abokaina, kada ku yi abin kunyan nan. Da yake mutumin nan baƙona ne, kada ku yi rashin kunyan nan.
24 Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.
Duba, ga’yata da ba tă taɓa sanin namiji ba da kuma ƙwarƙwaransa. Zan fito muku da su a waje yanzu, za ku kuwa iya yin ko mene ne da kuke so da su. Amma wannan mutum, kada ku yi abin kunya.”
25 Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.
Amma mutanen ba su saurare shi ba. Saboda haka mutumin ya ba da ƙwarƙwaransa, suka yi mata fyaɗe suka yi lalata da ita dukan dare, gari yana wayewa sai suka bar ta.
26 Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.
Da safe matar ta koma gidan da maigidanta yake, ta fāɗi a ƙofa ta kwanta a can har rana ta yi.
27 Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka.
Sa’ad da maigidanta ya tashi da safe ya buɗe ƙofar gidan don yă fita ya ci gaba da tafiyarsa, sai ga ƙwarƙwararsa, ta fāɗi a bakin ƙofar gidan da hannuwanta a madogarar ƙofar.
28 Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.
Ya ce mata, “Tashi; mu tafi.” Amma ba amsa. Sai ya sa ta a kan jakinsa ya kama hanyar gida.
29 Oo markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh.
Da ya kai gida, sai ya ɗauki wuƙa ya yayyanka ƙwarƙwaransa gunduwa-gunduwa, kashi goma sha biyu ya aika da su a ko’ina a Isra’ila.
30 Oo kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.
Duk wanda ya gani, sai ya ce, “Ba a taɓa gani ko yin irin wannan abu ba, tun lokacin da Isra’ilawa suka fito daga Masar. Ku yi tunani wannan! Ku kuma yi la’akari! Ku gaya mana abin da za mu yi!”

< Xaakinnada 19 >