< Xaakinnada 19 >

1 Oo waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah.
And it came to pass in those days, when there was no king in Israel, that there was a certain Levite sojourning on the farther side of the hill-country of Ephraim, who took to him a concubine out of Beth-lehem in Judah.
2 Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.
And his concubine played the harlot against him, and went away from him unto her father's house to Beth-lehem in Judah, and was there the space of four months.
3 Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.
And her husband arose, and went after her, to speak kindly unto her, to bring her back, having his servant with him, and a couple of asses; and she brought him into her father's house; and when the father of the damsel saw him, he rejoiced to meet him.
4 Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.
And his father-in-law, the damsel's father, retained him; and he abode with him three days; so they did eat and drink, and lodged there.
5 Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.
And it came to pass on the fourth day, that they arose early in the morning, and he rose up to depart; and the damsel's father said unto his son-in-law: 'Stay thy heart with a morsel of bread, and afterward ye shall go your way.'
6 Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
So they sat down, and did eat and drink, both of them together; and the damsel's father said unto the man: 'Be content, I pray thee, and tarry all night, and let thy heart be merry.'
7 Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.
And the man rose up to depart; but his father-in-law urged him, and he lodged there again.
8 Oo haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen.
And he arose early in the morning on the fifth day to depart; and the damsel's father said: 'Stay thy heart, I pray thee, and tarry ye until the day declineth'; and they did eat, both of them.
9 Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.
And when the man rose up to depart, he, and his concubine, and his servant, his father-in-law, the damsel's father, said unto him: 'Behold, now the day draweth toward evening; tarry, I pray you, all night; behold, the day groweth to an end; lodge here, that thy heart may be merry; and to-morrow get you early on your way, that thou mayest go home.'
10 Laakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay.
But the man would not tarry that night, but he rose up and departed, and came over against Jebus — the same is Jerusalem; and there were with him a couple of asses saddled; his concubine also was with him.
11 Oo markay Yebuus ku soo dhowaadeenna maalintii horay u badatay; markaasaa midiidinkii wuxuu sayidkiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay oo aynu ku leexanno magaaladan reer Yebuus oo aynu u hoyanno.
When they were by Jebus — the day was far spent — the servant said unto his master: 'Come, I pray thee, and let us turn aside into this city of the Jebusites, and lodge in it.'
12 Kolkaasaa sayidkiisii ku yidhi, Dad shisheeye ah oo aan reer binu Israa'iil ahayn magaaladiis ku leexan mayno; laakiinse waxaynu u gudbaynaa xagga Gibecaah.
And his master said unto him: 'We will not turn aside into the city of a foreigner, that is not of the children of Israel; but we will pass over to Gibeah.'
13 Oo wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah.
And he said unto his servant: 'Come and let us draw near to one of these places; and we will lodge in Gibeah, or in Ramah.'
14 Kolkaasay iska sii socdeen oo jidkoodii qaadeen; oo waxaa qorraxdu ugu dhacday iyagoo ag jooga Gibecaah oo ay reer Benyaamiin lahaayeen.
So they passed on and went their way; and the sun went down upon them near to Gibeah, which belongeth to Benjamin.
15 Markaasay halkaas ku leexdeen inay u hoydaan Gibecaah. Kolkaasuu galay, oo wuxuu fadhiistay jidkii magaalada; waayo, ninna gurigiisii ma gelin inay u hoydaan.
And they turned aside thither, to go in to lodge in Gibeah; and he went in, and sat him down in the broad place of the city; for there was no man that took them into his house to lodge.
16 Oo fiidkii oday baa shuqulkiisii beerta ka yimid. Haddaba ninku wuxuu ahaa reer Efrayimkii dalka buuraha leh degganaa, oo Gibecaahna qariib buu ku ahaa; laakiinse dadkii meesha degganaa waxay ahaayeen reer Benyaamiin.
And, behold, there came an old man from his work out of the field at even; now the man was of the hill-country of Ephraim, and he sojourned in Gibeah; but the men of the place were Benjamites.
17 Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?
And he lifted up his eyes, and saw the wayfaring man in the broad place of the city; and the old man said: 'Whither goest thou? and whence comest thou?'
18 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.
And he said unto him: 'We are passing from Beth-lehem in Judah unto the farther side of the hill-country of Ephraim; from thence am I, and I went to Beth-lehem in Judah, and I am now going to the house of the LORD; and there is no man that taketh me into his house.
19 Weliba dameerahayaga waa loo hayaa caws iyo cuntoba; oo kibis iyo khamrina waa u diyaar aniga iyo gabadhaada addoonta ah, iyo weliba ninka dhallinyarada ah ee nala socda annagoo addoommadaada ah, haddaba wax loo baahan yahay ma jiraan.
Yet there is both straw and provender for our asses; and there is bread and wine also for me, and for thy handmaid, and for the young man that is with thy servants; there is no want of any thing.'
20 Oo markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan.
And the old man said: 'Peace be unto thee; howsoever let all thy wants lie upon me; only lodge not in the broad place.'
21 Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.
So he brought him into his house, and gave the asses fodder; and they washed their feet, and did eat and drink.
22 Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.
As they were making their hearts merry, behold, the men of the city, certain base fellows, beset the house round about, beating at the door; and they spoke to the master of the house, the old man, saying: 'Bring forth the man that came into thy house, that we may know him.'
23 Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan.
And the man, the master of the house, went out unto them, and said unto them: 'Nay, my brethren, I pray you, do not so wickedly; seeing that this man is come into my house, do not this wanton deed.
24 Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.
Behold, here is my daughter a virgin, and his concubine; I will bring them out now, and humble ye them, and do with them what seemeth good unto you; but unto this man do not so wanton a thing.'
25 Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.
But the men would not hearken to him; so the man laid hold on his concubine, and brought her forth unto them; and they knew her, and abused her all the night until the morning; and when the day began to spring, they let her go.
26 Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.
Then came the woman in the dawning of the day, and fell down at the door of the man's house where her lord was, till it was light.
27 Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka.
And her lord rose up in the morning, and opened the doors of the house, and went out to go his way; and, behold, the woman his concubine was fallen down at the door of the house, with her hands upon the threshold.
28 Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.
And he said unto her. 'Up, and let us be going'; but none answered; then he took her up upon the ass; and the man rose up, and got him unto his place.
29 Oo markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh.
And when he was come into his house, he took a knife, and laid hold on his concubine, and divided her, limb by limb, into twelve pieces, and sent her throughout all the borders of Israel.
30 Oo kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.
And it was so, that all that saw it said: 'Such a thing hath not happened nor been seen from the day that the children of Israel came up out of the land of Egypt unto this day; consider it, take counsel, and speak.'

< Xaakinnada 19 >