< Xaakinnada 17 >
1 Oo waxaa jiray nin degganaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim; magiciisana waxaa la odhan jiray Miikaah.
以法蓮山地有一個人名叫米迦。
2 Oo isna wuxuu hooyadiis ku yidhi, Kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ee lagaa qaaday, ee aad ku habaartamaysay ee aad igu dhego hadlaysay, lacagtii anigaa haya; oo anaa qaaday. Markaasay hooyadiis tidhi, Wiilkaygiiyow, Rabbigu ha ku barakeeyo.
他對母親說:「你那一千一百舍客勒銀子被人拿去,你因此咒詛,並且告訴了我。看哪,這銀子在我這裏,是我拿去了。」他母親說:「我兒啊,願耶和華賜福與你!」
3 Oo kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ayuu u soo celiyey hooyadiis, markaasay hooyadiis tidhi, Sida runta ah waxaan lacagta u soocay Rabbiga, oo gacantaydaan ka bixiyey wiilkayga aawadiis in laga sameeyo sanam xardhan iyo sanam la shubay; taas aawadeed adigaan kuu soo celin doonaa.
米迦就把這一千一百舍客勒銀子還他母親。他母親說:「我分出這銀子來為你獻給耶和華,好雕刻一個像,鑄成一個像。現在我還是交給你。」
4 Oo markuu lacagtii hooyadiis u soo celiyey ayay hooyadiis qaadatay laba boqol oo xabbadood oo lacag ah, oo waxay u dhiibtay lacagtume, oo isna wuxuu ka sameeyey sanam xardhan iyo sanam la shubay; waxayna yaalleen gurigii Miikaah.
米迦將銀子還他母親,他母親將二百舍客勒銀子交給銀匠,雕刻一個像,鑄成一個像,安置在米迦的屋內。
5 Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.
這米迦有了神堂,又製造以弗得和家中的神像,分派他一個兒子作祭司。
6 Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.
那時以色列中沒有王,各人任意而行。
7 Oo waxaa jiray nin dhallinyaro ahaa oo ka soo baxay Beytlaxam Yahuudah oo reer Yahuudah ahaa, ee qoladiisu ahayd reer Laawi, oo halkaasuu degganaan jiray.
猶大的伯利恆有一個少年人,是猶大族的利未人,他在那裏寄居。
8 Markaasuu ninkii ka baxay magaaladii ahayd Beytlaxam Yahuudah, inuu dego meel uu heli karo; oo intuu socday ayuu yimid gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
這人離開猶大的伯利恆城,要找一個可住的地方。行路的時候,到了以法蓮山地,走到米迦的家。
9 Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay reer Laawi, oo Beytlaxam Yahuudah ayaan ka imid, oo waxaan u socdaa inaan dego meel aan heli karo.
米迦問他說:「你從哪裏來?」他回答說:「從猶大的伯利恆來。我是利未人,要找一個可住的地方。」
10 Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Aniga ila joog, oo ii noqo aabbe iyo wadaad, anna sannaddiiba waxaan ku siinayaa toban xabbadood oo lacag ah, iyo isku joog dhar ah, iyo cuntadaada. Sidaas daraaddeed kii reer Laawi guduhuu galay.
米迦說:「你可以住在我這裏,我以你為父、為祭司。我每年給你十舍客勒銀子,一套衣服和度日的食物。」利未人就進了他的家。
11 Oo kii reer Laawina raalli buu ka ahaa inuu ninkii la joogo; oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u ahaa sida wiilashiisa midkood oo kale.
利未人情願與那人同住;那人看這少年人如自己的兒子一樣。
12 Markaasuu Miikaah quduus ka dhigay kii reer Laawi, oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u noqday wadaadkiisii, oo gurigii Miikaah ayuu joogay.
米迦分派這少年的利未人作祭司,他就住在米迦的家裏。
13 Markaasuu Miikaah yidhi, Haatan waan ogsoo nahay in Rabbigu wanaag ii samaynayo, maxaa yeelay, waxaa wadaad ii noqday nin reer Laawi ah.
米迦說:「現在我知道耶和華必賜福與我,因我有一個利未人作祭司。」