< Xaakinnada 13 >
1 Reer binu Israa'iilna waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markaasaa Rabbigu gacanta u geliyey reer Falastiin intii afartan sannadood ah.
И израилтяните пак сториха зло пред Господа; и Господ ги предаде в ръката на филистимците за четиридесет години.
2 Oo waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin.
И имаше един човек от Сарая, от Дановото племе, по име Маное, чиято жена бе бездетна, която не раждаше.
3 Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.
И ангел Господен се яви на жената и каза й: Ето, сега си бездетна и не раждаш; но ще зачнеш и ще родиш син.
4 Haddaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin;
Затова, пази се сега да не пиеш вино или спиртно питие, и да не ядеш нищо нечисто.
5 waayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
Защото, ето, ще заченеш и ще родиш син; и бръснач да не мине през главата му, защото още от раждането си детето ще бъде Назирей Богу; той ще почне да избавя Израиля от ръката на филистимците.
6 Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa;
Тогава жената отиде та яви на мъжа си, казвайки: Един Божий човек дойде при мене, чието лице беше като лицето на ангела Божий, много страшно; и аз не го попитах от къде е, нито той ми яви името си.
7 laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.
Но рече ми: Ето, ще заченеш и ще родиш син; затова, да не пиеш вино, нито спиртно питие, и да не ядеш нищо нечисто; защото, от рождението си, до деня на смъртта си, детето ще бъде Назирей Богу.
8 Markaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona.
Тогава Маное се помоли Господу, казвайки: Моля ти се, Господи, нека дойде пак при нас Божият човек, когото си пратил и нека ни научи що да сторим с детето, което ще се роди.
9 Ilaahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada.
И Бог послуша Маноевия глас: и ангелът Божи пак дойде при жената, като седеше на нивата; а мъжът й Маное не беше с нея.
10 Markaasay naagtii dhaqsatay oo orodday, oo ninkeeday u sheegtay, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, waxaa ii muuqday ninkii maalintii ii yimid.
И жената се завтече та побърза да яви на мъжа си, като му каза: Ето, яви ми се оня човек, който дойде при мен завчера.
11 Markaasuu Maanoo'ax kacay, oo naagtiisii raacay, oo wuxuu u yimid ninkii, kolkaasuu ku yidhi, Ma waxaad tahay ninkii la hadlay naagta? Oo isna wuxuu yidhi, Waan ahay.
Тогава Маное стана та отиде подир жена си, и, като дойде при човека, каза му: Ти ли си оня човек, който си говорил на тая жена? И той рече: Аз.
12 Markaasuu Maanoo'ax yidhi, Haddaba markii sidaad tidhi ay rumowdo, wiilku caynkee buu noqon doonaa, shuqulkiisuna muxuu ahaan doonaa?
И рече Маное: Когато вече се сбъдне това, което ти каза, как трябва да се направлява детето, и какво да прави то?
13 Markaasay malaa'igtii Rabbigu Maanoo'ax ku tidhi, Kulli wixii aan u sheegay oo dhan naagtu ha iska jirto.
И ангелът Господен рече на Маноя: Нека се пази жената от всичко, за което й говорих;
14 Iyadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto.
да не яде от нищо, що произлиза от лозе, нито да пие вино или спиртно питие, и да не яде нищо нечисто: всичко що й заповядах нека опази.
15 Maanoo'axna wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aan ku raajinno intii aannu orgi yar kuu diyaarinayno.
Тогава Маное каза на ангела Господен: Моля, нека те задържим, за да ти сготвим яре.
16 Oo malaa'igtii Rabbiguna waxay Maanoo'ax ku tidhi, In kastoo aad i raajiso, anigu cuni maayo cuntadaada; oo haddaad diyaarisid allabari la gubo, waa inaad Rabbiga u bixisid. Waayo, Maanoo'ax ma uu ogayn inay malaa'igtii Rabbiga tahay.
Но ангелът Господен каза на Маноя: И да ме задържиш няма да ям хляба ти; и ако искаш да направиш всеизгаряне, принеси го Господу. (Защото Маное не позна, че това беше ангелът Господен).
17 Markaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno?
Тогава Маное каза на ангела Господен: Как ти е името, за да те почетем, когато се сбъдне това, което ти каза?
18 Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe?
А ангелът Господен му рече: Защо питаш за името ми, то е тайно.
19 Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen.
Тогава Маное взе ярето и хлебния принос та ги принесе Господу на камъка; и, като гледаха Маное и жена му, ангелът постъпваше чудно;
20 Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.
защото, когато се издигаше пламък от олтара към небето, то и ангелът Господен се издигна в пламъка на олтара: а Маное и жена му, като гледаха, паднаха с лице не земята.
21 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga.
Но ангелът Господен беше невидим вече за Маноя и за жена му; и тогава Маное позна, че това беше ангел Господен.
22 Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah.
И Маное каза на жена си: Непременно ще умрем, защото видяхме Бога.
23 Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.
А жена му рече: Ако Господ иска да ни умори, не щеше да приеме всеизгаряне и хлебен принос от ръката ни, нито щеше да ни изяви всичко това, нито би ни съобщил такива неща в това време.
24 Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.
И жената роди син и нарече го Самсон; и детето порасна и Господ го благослови.
25 Oo Ruuxii Rabbiguna wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaajiyo Maxaneh Daan, oo u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool.
И Господният Дух почна да го подбужда в Маханедан, между Сарая и Естаол.