< Xaakinnada 12 >
1 Oo raggii reer Efrayimna way is-urursadeen, oo waxay u gudbeen xagga woqooyi, oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Reer Cammoon inaad la dirirto intaad u soo gudubtay, maxaad noogu yeedhi weyday aannu ku raacnee? Gurigaagaannu kugu dul gubi doonnaa.
Watu wa Efraimu walitoka pamoja; nao wakapitia Zafoni, wakamwambia Yeftha, Kwa nini umetangulia kupigana na wana wa Amoni, wala hukutuita twende pamoja nawe? Tutachoma nyumba yako.
2 Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii.
Yeftha akawaambia, Mimi na watu wangu tulikuwa katika vita kubwa na wana wa Amoni. Nilipokuita, hukuniokoa kutoka kwao.
3 Oo markaan arkay inaydnaan i badbaadinayn ayaan naftayda biimeeyey, oo waxaan u gudbay reer Cammoon, oo Rabbigu gacantayduu soo geliyey. Haddaba maxaad maanta iigu timaadeen inaad ila dirirtaan?
Nilipoona ya kuwa hamkuniokoa, nikaweka uhai wangu na nguvu yangu mwenyewe, na kupita kipita ili kupigana na wana wa Amoni, na Bwana alinipa ushindi. Kwa nini mmekuja kupigana nami leo?”
4 Markaasuu Yeftaah soo urursaday raggii reer Gilecaad oo dhan, oo wuxuu la diriray reer Efrayim; oo reer Gilecaadna way laayeen reer Efrayim, maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen, Idinku fakad baad tihiin kuwiinnan reer Gilecaad oo ku dhex jira reer Efrayim iyo reer Manaseh.
Yeftha akawakusanya watu wote wa Gileadi na akapigana na Efraimu. Watu wa Gileadi waliwaangamiza wana wa Efraimu kwa sababu walisema, “Ninyi Wagileadi ni wakimbizi katika Efraimu-katika Efraimu na Manase.”
5 Oo reer Gilecaadna waxay qabsadeen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray oo xagga reer Efrayim ahaa; oo markuu mid reer Efrayim ah oo cararay yidhaahdo, I daaya aan gudbee, waxaa dhici jirtay inay reer Gilecaad ku odhan jireen, Ma reer Efrayim baad tahay? Oo hadduu yidhaahdo, Maya,
Wagileadi waliteketeza ngome za Yordani zinaelekea Efraimu. Ikiwa yeyote kati ya waliopona wa Efraimu akisema, Nipe ruhusa niende juu ya mto; watu wa Gileadi wakamwambia, “Je, wewe ni Mwefraimu?” Ikiwa akasema, “Hapana,”
6 waxay ku odhan jireen, Bal waxaad tidhaahdaa Shibboled, markaasuu odhan jiray, Sibboled, waayo, taas odhaahdeeda qummaati uma uu odhan karin; markaasay intay qabsadaan ku dili jireen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray; oo wakhtigaas waxaa reer Efrayim ka dhintay laba iyo afartan kun.
basi watamwambia, Sema Shiboleth. Na kama akisema 'Sibboleth' (kwa maana hakuweza kutamka neno hilo kwa usahihi), Wagileadi watamkamata na kumwua kwenye mabwawa ya Yordani. Waefraimu elfu arobaini waliuawa wakati huo.
7 Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.
Yeftha alikuwa mwamuzi juu ya Israeli kwa miaka sita. Ndipo Yeftha Mgileadi akafa, akazikwa katika moja ya miji ya Gileadi.
8 Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Ibsaan oo ahaa reer Beytlaxam.
Baada yake, Ibzani wa Bethlehemu akawa mwamuzi juu ya Israeli.
9 Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood.
Alikuwa na wana thelathini. Aliwapeleka binti thelathini katika ndoa, naye akaleta binti thelathini kutoka nje kwa ajili ya wanawe, Alikuwa mwamuzi wa Israeli kwa miaka saba.
10 Markaasuu Ibsaan dhintay, oo waxaa lagu aasay Beytlaxam.
Ibzani alikufa na kuzikwa huko Bethlehemu.
11 Dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Eeloon oo ahaa reer Sebulun; oo isna wuxuu reer Israa'iil xukumayay toban sannadood.
Baada yake, Eloni wa Zabuloni akawa mwamuzi juu ya Israeli. Akawaamua Israeli kwa miaka kumi.
12 Oo Eeloon oo reer Sebulun ahaana wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Ayaaloon oo ku taal dalka reer Sebulun.
Eloni wa Zabuloni akafa, akazikwa huko Aiyaloni katika nchi ya Zabuloni.
13 Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon.
Baada ya huyo, Abdoni mwana wa Hileli, Mpirathoni, akawa mwamuzi juu ya Israeli.
14 Oo isna wuxuu lahaa afartan wiil iyo soddon uu awowe u ahaa, oo fuuli jiray toddobaatan qayl dameer. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay siddeed sannadood.
Alikuwa na wana arobaini na wajukuu thelathini. Walikuwa wakipanda punda sabini, naye akawaamua Israeli kwa miaka nane.
15 Oo Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Fircaatoon oo ku taal dalka reer Efrayim, kaasoo ahaa dalka buuraha leh oo reer Camaaleq.
Abdoni mwana wa Hileli, Mpirathoni, akafa, akazikwa huko Pirathoni katika nchi ya Efraimu, katika kilima cha Waamaleki.