< Xaakinnada 10 >

1 Markaasaa Abiimeleg dabadiis waxaa u kacay inuu reer binu Israa'iil badbaadiyo Toolac ina Fuwaah oo ahaa ina Doodoo, oo reer Isaakaar ahaa, oo wuxuu degganaa Shaamiir oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
ויקם אחרי אבימלך להושיע את ישראל תולע בן פואה בן דודו איש יששכר והוא ישב בשמיר בהר אפרים׃
2 Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.
וישפט את ישראל עשרים ושלש שנה וימת ויקבר בשמיר׃
3 Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.
ויקם אחריו יאיר הגלעדי וישפט את ישראל עשרים ושתים שנה׃
4 Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.
ויהי לו שלשים בנים רכבים על שלשים עירים ושלשים עירים להם להם יקראו חות יאיר עד היום הזה אשר בארץ הגלעד׃
5 Markaasaa Yaa'iir dhintay, oo waxaa lagu aasay Qaamoon.
וימת יאיר ויקבר בקמון׃
6 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.
ויספו בני ישראל לעשות הרע בעיני יהוה ויעבדו את הבעלים ואת העשתרות ואת אלהי ארם ואת אלהי צידון ואת אלהי מואב ואת אלהי בני עמון ואת אלהי פלשתים ויעזבו את יהוה ולא עבדוהו׃
7 Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.
ויחר אף יהוה בישראל וימכרם ביד פלשתים וביד בני עמון׃
8 Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa.
וירעצו וירצצו את בני ישראל בשנה ההיא שמנה עשרה שנה את כל בני ישראל אשר בעבר הירדן בארץ האמרי אשר בגלעד׃
9 Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.
ויעברו בני עמון את הירדן להלחם גם ביהודה ובבנימין ובבית אפרים ותצר לישראל מאד׃
10 Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.
ויזעקו בני ישראל אל יהוה לאמר חטאנו לך וכי עזבנו את אלהינו ונעבד את הבעלים׃
11 Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin?
ויאמר יהוה אל בני ישראל הלא ממצרים ומן האמרי ומן בני עמון ומן פלשתים׃
12 Oo weliba reer Siidoon, iyo reer Camaaleq, iyo reer Maacoonba way idin dulmeen, oo waad ii qayshateen, oo markaasaan idinka badbaadiyey gacantoodii.
וצידונים ועמלק ומעון לחצו אתכם ותצעקו אלי ואושיעה אתכם מידם׃
13 Oo weliba waad iga tagteen, oo waxaad u adeegteen ilaahyo kale; sidaas darteed anigu mar dambe idinma badbaadin doono.
ואתם עזבתם אותי ותעבדו אלהים אחרים לכן לא אוסיף להושיע אתכם׃
14 Haddaba taga oo u qayshada ilaahyadii aad doorateen; oo iyagu ha idin badbaadiyeen wakhtiga aad cidhiidhi ku jirtaan.
לכו וזעקו אל האלהים אשר בחרתם בם המה יושיעו לכם בעת צרתכם׃
15 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi.
ויאמרו בני ישראל אל יהוה חטאנו עשה אתה לנו ככל הטוב בעיניך אך הצילנו נא היום הזה׃
16 Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
ויסירו את אלהי הנכר מקרבם ויעבדו את יהוה ותקצר נפשו בעמל ישראל׃
17 Markaasaa waxaa soo wada ururay reer Cammoon oo waxay soo degeen Gilecaad. Oo reer binu Israa'iilna way isa soo urursadeen oo iyana waxay soo degeen Misfaah.
ויצעקו בני עמון ויחנו בגלעד ויאספו בני ישראל ויחנו במצפה׃
18 Markaasaa dadkii iyo amiirradii reer Gilecaad ayaa midba midka kale wuxuu ku yidhi, Car, ninkee baa bilaabaya inuu la diriro reer Cammoon? Kaasu wuxuu ahaan doonaa madaxda dadka Gilecaad deggan oo dhan.
ויאמרו העם שרי גלעד איש אל רעהו מי האיש אשר יחל להלחם בבני עמון יהיה לראש לכל ישבי גלעד׃

< Xaakinnada 10 >