< Yashuuca 6 >

1 (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.)
耶利哥的城門因以色列人就關得嚴緊,無人出入。
2 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.
耶和華曉諭約書亞說:「看哪,我已經把耶利哥和耶利哥的王,並大能的勇士,都交在你手中。
3 Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood.
你們的一切兵丁要圍繞這城,一日圍繞一次,六日都要這樣行。
4 Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan.
七個祭司要拿七個羊角走在約櫃前。到第七日,你們要繞城七次,祭司也要吹角。
5 Oo markay aad u afuufaan buunanka wananka geesahooda ah, oo idinku aad maqashaan dhawaaqa buunka, dadka oo dhammu qaylo dheer waa inay ku qayliyaan, oo markaasaa derbiga magaaladu meeshiisa ku dhici doonaa, dadkuna waa inuu nin waluba hortiisa qummaati ugu socdaa.
他們吹的角聲拖長,你們聽見角聲,眾百姓要大聲呼喊,城牆就必塌陷,各人都要往前直上。」
6 Markaasaa Yashuuca ina Nuun wadaaddadii u yeedhay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga kor u qaada, oo sanduuqa Rabbiga toddoba wadaad ha la hor socdeen toddoba buun oo wanan geesahood ah.
嫩的兒子約書亞召了祭司來,吩咐他們說:「你們抬起約櫃來,要有七個祭司拿七個羊角走在耶和華的約櫃前」;
7 Oo waxay dadkii ku yidhaahdeen, Socda oo magaalada hareereeya, oo ragga hubka sitaana ha ka hor mareen sanduuqa Rabbiga.
又對百姓說:「你們前去繞城,帶兵器的要走在耶和華的約櫃前。」
8 Oo sidii bay noqotay. Markii Yashuuca la hadlay dadkii waxaa socday oo Rabbiga hortiisa maray toddobadii wadaad oo sidda toddobadii buun oo wanan geesahood ah; oo waxay afuufeen buunankii; oo sanduuqii axdiga Rabbiguna waa lala daba socday.
約書亞對百姓說完了話,七個祭司拿七個羊角走在耶和華面前吹角;耶和華的約櫃在他們後面跟隨。
9 Oo raggii hubka sitayna waxay hor socdeen wadaaddadii buunanka afuufayay, oo ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqa, oo wadaaddaduna buunankay afuufayeen intay socdeen.
帶兵器的走在吹角的祭司前面,後隊隨着約櫃行。祭司一面走一面吹。
10 Oo Yashuuca wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi, Waa inaydnaan qaylin, codkiinnana waa inaan la maqlin, afkiinnana eray qudh ah yaanu ka soo bixin, ilaa maalintii aan idinku amro inaad qaylisaan; oo markaas waa inaad qaylisaan.
約書亞吩咐百姓說:「你們不可呼喊,不可出聲,連一句話也不可出你們的口,等到我吩咐你們呼喊的日子,那時才可以呼喊。」
11 Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.
這樣,他使耶和華的約櫃繞城,把城繞了一次;眾人回到營裏,就在營裏住宿。
12 Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wadaaddadiina waxay kor u qaadeen sanduuqii Rabbiga.
約書亞清早起來,祭司又抬起耶和華的約櫃。
13 Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen.
七個祭司拿七個羊角在耶和華的約櫃前,時常行走吹角;帶兵器的在他們前面走,後隊隨着耶和華的約櫃行。祭司一面走一面吹。
14 Oo maalintii labaadna mar bay ku soo wareegeen magaaladii, oo waxay ku noqdeen xeradii; oo sidaasay intii lix maalmood ah yeeleen.
第二日,眾人把城繞了一次,就回營裏去。六日都是這樣行。
15 Oo maalintii toddobaad aroor horay keceen markii waagu beryay, oo sidii oo kale ayay magaaladii toddoba jeer ugu soo wareegeen; laakiin maalintaas ayay magaalada toddoba jeer ku soo wareegeen.
第七日清早,黎明的時候,他們起來,照樣繞城七次;惟獨這日把城繞了七次。
16 Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada.
到了第七次,祭司吹角的時候,約書亞吩咐百姓說:「呼喊吧,因為耶和華已經把城交給你們了!
17 Oo magaalada waa inay xaaraan ka noqoto cid kale Rabbiga mooyaane, iyada iyo waxa gudaheeda ku jiraba; waxaa keliyahoo ka noolaanaya dhillada la yidhaahdo Raxab iyo inta guriga kula jirta oo dhan, maxaa yeelay, waxay qarisay basaasyadii aannu dirnay.
這城和其中所有的都要在耶和華面前毀滅;只有妓女喇合與她家中所有的可以存活,因為她隱藏了我們所打發的使者。
18 Oo idinku waa inaad si walba isaga dhawrtaan waxa la xarrimay, waayo, waaba intaasoo markii aad xarrintaan, aad haddana wax ka qaadataan alaabtii la xarrimay. Sidaas haddaad yeeshaan waxaad xaaraan ka dhigi doontaan oo aad dhibi doontaan xerada reer binu Israa'iil.
至於你們,務要謹慎,不可取那當滅的物,恐怕你們取了那當滅的物就連累以色列的全營,使全營受咒詛。
19 Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga.
惟有金子、銀子,和銅鐵的器皿都要歸耶和華為聖,必入耶和華的庫中。」
20 Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen.
於是百姓呼喊,祭司也吹角。百姓聽見角聲,便大聲呼喊,城牆就塌陷,百姓便上去進城,各人往前直上,將城奪取;
21 Markaasay wax alla wixii magaalada ku jiray wada baabbi'iyeen, raggii iyo dumarkii, iyo dhallinyaradii iyo kuwii da'da weynaaba, iyo dibidii iyo idihii, iyo dameerradiiba, kulli waxay ku laayeen seef.
又將城中所有的,不拘男女老少,牛羊和驢,都用刀殺盡。
22 Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen.
約書亞吩咐窺探地的兩個人說:「你們進那妓女的家,照着你們向她所起的誓,將那女人和她所有的都從那裏帶出來。」
23 Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda.
當探子的兩個少年人就進去,將喇合與她的父母、弟兄,和她所有的,並她一切的親眷,都帶出來,安置在以色列的營外。
24 Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.
眾人就用火將城和其中所有的焚燒了;惟有金子、銀子,和銅鐵的器皿都放在耶和華殿的庫中。
25 Laakiinse wuxuu Yashuuca badbaadiyey dhilladii Raxab, iyo reerkii aabbeheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo ilaa maantadan la joogo waxay dhex deggan tahay reer binu Israa'iil, waayo, waxay qarisay basaasyadii Yashuuca u diray inay Yerixoo soo basaasaan.
約書亞卻把妓女喇合與她父家,並她所有的,都救活了;因為她隱藏了約書亞所打發窺探耶利哥的使者,她就住在以色列中,直到今日。
26 Markaasaa Yashuuca dhaariyey, oo wuxuu iyagii ku amray, oo ku yidhi, Kii kaca oo dhisa magaalada Yerixoo Rabbiga hortiisa inkaaru ha ku dhacdo. Markuu aasaaskeeda dhigo curadkiisuu waayi doonaa, markuu irdaheeda dhisona wiilkiisa ugu yar.
當時,約書亞叫眾人起誓說:「有興起重修這耶利哥城的人,當在耶和華面前受咒詛。 他立根基的時候,必喪長子, 安門的時候,必喪幼子。」
27 Haddaba Rabbigu wuxuu la jiray Yashuuca, oo warkiisiina wuxuu gaadhay dalkii oo dhan.
耶和華與約書亞同在,約書亞的聲名傳揚遍地。

< Yashuuca 6 >