< Yashuuca 4 >

1 Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,
А кад сав народ пређе преко Јордана, рече Господ Исусу говорећи:
2 Dadka kala bax laba iyo toban nin, qabiil walba nin,
Изаберите из народа дванаест људи, по једног човека из сваког племена,
3 oo waxaad iyaga ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Webi Urdun dhexdiisa oo ah meeshii cagaha wadaaddadu istaageen, waxaad ka qaaddaan laba iyo toban dhagax, oo waxaad ula gudubtaan dhanka kale, oo waxaad dhigtaan meeshaad caawa ku dhaxaysaan.
И заповедите им и реците: Узмите одавде, из средине Јордана, с места где стоје ногама својим свештеници, дванаест каменова, и однесите их са собом, и ставите их онде где ћете ноћас ноћити.
4 Markaasaa Yashuuca u yeedhay laba iyo tobankii nin, oo uu ka diyaariyey reer binu Israa'iil, oo qabiil walbana nin buu ka soo soocay.
Тада дозва Исус дванаест људи, које беше одредио између синова Израиљевих, по једног човека из сваког племена.
5 Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi iyagii, Ka hor gudba sanduuqa Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad tagtaan Webi Urdun dhexdiisa, oo midkiin waluba dhagax garabka ha ku qaado, inta reer binu Israa'iil qabiilooyinkooda tiradoodu tahay,
И рече им Исус: Идите пред ковчег Господа Бога свог усред Јордана, узмите сваки по један камен на раме своје, према броју племена синова Израиљевих,
6 in taasu idiin ahaato calaamo idin dhex taal, oo wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu idin weyddiiyaan, oo idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan?
Да буде знак међу вама. Кад вас после запитају синови ваши говорећи: Шта ће вам то камење?
7 Waxaad ku odhan doontaan, Sababtu waxa weeye, biyihii Webi Urdun baa ku hor kala go'ay sanduuqa axdiga Ilaah; oo markii uu ka gudbayay Webi Urdun ayay biyihii Webi Urdun kala go'een; oo dhagaxyadanu xusuus bay u ahaan doonaan reer binu Israa'iil weligood.
Реците им: Јер се вода у Јордану раступи пред ковчегом завета Господњег, кад прелажаше преко Јордана, раступи се вода у Јордану, и ово је камење спомен синовима Израиљевим довека.
8 Oo reer binu Israa'iil waxay yeeleen sidii Yashuuca ku amray, oo waxay Webi Urdun dhexdiisa ka qaadeen laba iyo toban dhagax, oo ah intii qabiilooyinka reer binu Israa'iil tiradoodu ahayd sidii Rabbigu u sheegay Yashuuca, oo waxay u gudbiyeen meeshii ay ku dhaxeen, oo halkaasay dhigeen.
И учинише синови Израиљеви како заповеди Исус; и узеше дванаест каменова из средине Јордана, како беше рекао Господ Исусу, према броју племена синова Израиљевих; и однеше их са собом на ноћиште, и метнуше их онде.
9 Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.
А и усред Јордана постави Исус дванаест каменова на месту где стајаху ногама својим свештеници носећи ковчег заветни, и онде осташе до данас.
10 Waayo, wadaaddadii siday sanduuqa waxay istaageen Webi Urdun dhexdiisa, ilaa ay dhammaadeen wax waluba wixii Rabbigu ku amray Yashuuca inuu dadka kula hadlo, sidii wixii Muuse ku amray Yashuuca oo dhan, oo dadkiina way degdegeen oo gudbeen.
Свештеници пак који ношаху ковчег стајаху усред Јордана докле се не сврши све што беше Господ заповедио Исусу да каже народу, сасвим како беше Мојсије заповедио Исусу. И народ похита и пређе.
11 Oo waxaa dhacday markii ay dadkii oo dhammu wada gudbeen inuu sanduuqii Rabbiguna gudbay, isaga iyo wadaaddadiiba, dadkii oo arka.
А кад пређе сав народ, онда пређе и ковчег Господњи и свештеници, а народ гледаше.
12 Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis ayaa reer binu Israa'iil ka hor gudbay, iyagoo hub leh, sidii Muuse kula hadlay iyaga.
Пређоше и синови Рувимови и синови Гадови и половина племена Манасијиног под оружјем пред синовима Израиљевим, као што им беше казао Мојсије.
13 Qiyaas afar kun oo nin oo hub leh oo dagaal diyaar u ah ayaa Rabbiga hortiisa ka gudubtay oo dagaal ugu kacday xagga bannaanka Yerixoo.
Око четрдесет хиљада наоружаних пређоше пред Господом преко Јордана на бој у поље јерихонско.
14 Oo maalintaas Rabbigu wuxuu Yashuuca ku weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda; oo cimrigiisii oo dhanba way ka cabsadeen isagii, sidii ay Muuse uga baqi jireen oo kale.
Тај дан узвиси Господ Исуса пред свим Израиљем; и бојаху га се као што су се бојали Мојсија, свега века његовог.
15 Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,
И рече Господ Исусу говорећи:
16 Wadaaddada sanduuqa maragga sida waxaad ku amartaa inay ka soo baxaan Webi Urdun.
Заповеди свештеницима који носе ковчег од сведочанства нека изађу из Јордана.
17 Oo sidaas daraaddeed Yashuuca baa amray wadaaddadii, oo ku yidhi, Ka soo baxa Webi Urdun.
И заповеди Исус свештеницима говорећи: Изађите из Јордана.
18 Oo markii wadaaddadii siday sanduuqa axdigii Rabbiga ay ka soo dhex bexeen Webi Urdun, oo ay cagaha u qaadeen dhul engegan, ayay biyihii Webi Urdun meeshoodii ku soo noqdeen, oo ay qararkiisii oo dhan ka daateen sidii markii hore.
А чим свештеници који ношаху ковчег завета Господњег изађоше из среде Јордана, и стадоше на суво ногом својом, одмах се врати вода у Јордану на место своје, и потече као и пре поврх свих брегова својих.
19 Oo dadku waxay Webi Urdun ka soo bexeen maalintii tobnaad oo bishii kowaad, oo waxay degeen Gilgaal oo xagga bari ka xigta Yerixoo.
А изађе народ из Јордана десетог дана првог месеца, и стадоше у логор у Галгалу, с истока Јерихону.
20 Oo laba iyo tobankii dhagax oo ay ka soo qaadeen Webi Urdun dhexdiisa ayuu Yashuuca qotomiyey Gilgaal.
А оних дванаест каменова, што изнесоше из Јордана, постави Исус у Галгалу,
21 Markaasuu ka hadlay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu aabbayaashood weyddiiyaan, oo yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan?
И рече синовима Израиљевим говорећи: Кад у будућности запитају синови ваши оце своје говорећи: Шта представља то камење?
22 Waxaad carruurtiinna ogeysiisaan, oo ku tidhaahdaan, Reer binu Israa'iil Webigan Urdun waxay kaga soo gudbeen dhul engegan.
Тада обавестите синове своје и реците им: Сувим пређе Израиљ преко овог Јордана.
23 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah baa hortiinna ka engejiyey biyihii Webi Urdun, ilaa aad ka soo gudubteen, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu u galay Badda Cas oo kale, tii uu hortayada ka engejiyey ilaa aannu ka gudubnay,
Јер Господ Бог ваш осуши Јордан пред вама докле пређосте, као што је учинио Господ Бог ваш код Црвеног мора осушивши га пред нама докле пређосмо;
24 si ay dadka dhulka jooga oo dhammu u ogaadaan gacanta Rabbigu inay xoog badan tahay; oo ay weligood uga cabsadaan Rabbiga Ilaahiinna ah.
Да би познали сви народи на земљи да је рука Господња крепка, да бисте се свагда бојали Господа Бога свог.

< Yashuuca 4 >